Hay’adda
Cilmibaarista PDRC ee xarunteedu tahay magaalada Garoowe oo ah hay’adaha
cilmibaarista Puntland ka jira tooda ugu facaweyn, ayaa waayadii u danbeysay
bilowday madal-aragtiyeed lagu gorfeeyo doodo ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha
iyo guud ahaan arrimaha bulshada oo la qabto bishiiba mar ama ka badan.
Madashii
8aad oo cinwaankeeda laga dhigay XAALADDA GUUD EE PUNTLAND IYO DOORASHOOYINKA
FEDERAALKA 2020/2021 uu martina ku ahaa madaxweynaha Puntland Siciid
Cabdullaahi Deni ayaa xalay [26/12/2019] ka qabsoontay xarunta hay’adda.
Lafagurid
ku saabsan mudnaanshaha goobta hadaljeedintu ka dhacday, xiriirintii,
hadaljeedintii madaxweynaha, waxyaabihii loo baahnaa ee uusan ka hadlin, nooca
su’aalihii la weydiiyay & jawaabihii uu bixiyay, ayaan qoraalkaan ku sameyn
doonaa.
Mowduuca hadaljeedinta iyo
muhiimaddiisa:
Cinwaanka
barnaamijka la siiyay wuxuu ahaa mid aad u mudan oo waqtigiisii la joogay,
maadaama ay bulshadu baahi badan u qabtay inay ogaato xaaladda deegaanka iyo
sida ay xukuumaddaani rabto inay wax u maarayso oo ay u xalliso baahiyaha tiro
beelka ah ee bulshadu la tacaalayso. Sidoo kale waxa ay hadaljeedintu diiradda
saaraysay doorashooyinka federaaalka ee la filayo inay dalka ka dhacaan
2020/2021, maadaama aysan wali caddeyn nooca doorasho ee la qabanayo iyo
inuusan jirin heshiis siyaasadeed dhexyaalla Puntland iyo Dowladda Federaalka
ah, dadku aad ayay ugu dhegtaagayeen in madaxweynuhu iftiimiyo waxa Puntland ka
qabto doorashooyinkaas iyo waxa la gudboon xukuumaddiisa siyaasad ahaan.
Madaxweynuhu ma abbaaray mowduucii
hadaljeedinta?
Labada
qeybood ee ay hadaljeedintu ka hadlaysay aan u kala qaadno si kala
madaxbannaan.
Qeybta
koowaad waxaa la rabay inuu madaxweynuhu ka hadlo xaaladda Puntland iyo
dhibaatooyinka deegaanka kajira, madaxweynuhu cinwaankaas waa dhinac maray
wuxuuna waqti dheer geliyay ka hadlidda sooyaalkii Puntland iyo geeddi-socodkii
uu soo maray hanaqaadkeedu! Waa cashar muhiim ah balse aan ka turjumayn
mowduucii lagu ballansanaa ee bulshadu rabtay inay wax ka ogaato. Waaqica
nololeed ee dhibka badan oo bulshada Puntland kujirto waxba ka tari maayo in
looga sheekeeyo sooyaalkii dowladdooda. Waxyaabihii muhiimka ahaa ee uusan soo
hadalqaadin hoos ayaan ku falanqeyn doonaa.
Qeybta
labaad oo ku saabsanayd doorashooyinka federaalka, madaxweynuhu si fiican ayuu
u abbaaray intii u muuqatay walow uusan aad ugu dheeraan, waxa aanna is iri
wuxuu u gaabsaday maadaama aysan caddeyn nooca doorasho ee la aadayo iyo
sharcigii doorashada oo aan diyaar ahayn, aad buu isaga ilaaliyay in hadallo
uga dhacaan sida hadalladii ka dhacay madaxweynihii ka horreeyay isaga
Cabdiwali Gaas oo ay hadaladiisu si joogto ah isu burin jireen.
Goobta hadaljeedinta iyo
Xiriirinta:
Xarunta
PDRC oo ahayd barta hadaljeedintu ka dhacaysay waxa ay ahayd meel ku habboon in
barnaamijkaan lagu qabto, adeegyada xarunta laga heli karo iyo ciddii baahi
gaar ahi qabsato say caawinaad u heli karaan oo goobta laga sheegayna waxay
ahayd tillaabo qurux badnayd.
Dhaliisha
ay goobtu lahayd waa iftiinka oo ku yaraa, ayna adkayd in qeybaha danbe la arko
marka aad muuqaal-baahiyaha ka daawanaysid, intaasna inay xalliyaan ayaan u
rejaynayaa.
Xiriirinta
barnaamijku aad bay u qurxoonayd, balse waxaa dhaliil ka muuqatay sida ay dadka
su’aalaha ugu qeybinayeen oo dheelli kujiray, waxa aan ka rejayn inay
dhaliishaan cashar ka dhigtaan.
Waxyaabihii loo baahnaa ee uusan
ka hadlin.
Madaxweynuhu
wuxuu ilduufay ama ku-talogal uga tagay ka hadalidda arrimahaan soo socda.
Xaaladda
waxbarashada Puntland:
Madaxweynuhu
kama uusan hadlin adeegyada waxbarashada ee Puntland ka jiray hortiis iyo waxay
ku dareen mudadii ay xafiiska joogeen. Dhanka waxbarashada qodobka muhiim ah ee
dadkoo dhammi sugayeen inuu ka hadlo waa khilaafkii imtixaanka iyo shahaadada
ee dhexmaray DFS iyo Puntland, waxaa shahaadooyin la’ arday 5kun kor u
dhaafaysa oo la rabay inay Garoowe shahaado ka qaataan, waxa aad isu dhimay
tirada ardaydii deeqaha waxbarasho dibadeed heli jiray, majirto wax wadahadal
ah oo laga galay arrimahaan oo madaxweynuhu sheegay, marka laga reebo in su’aal
la weydiiyay isaga oo ka jawaabay uu sheegay inaysan wadahadal ka galayn wixii
sharci ah.
Sannadka
danbe isla dhibaatadaas ayay wajihi karaan ardayda cusubi haddii aan xal la
gaarin, mana muuqato xal ay xukuumaddiisu raadinayso iyo fursad ay u hayaan
ardayda.
Xaalad
Puntland kajirta oo arrintaas ka culus ma ay jirto, waana la yaab sababta uu
madaxweynuhu isaga indhotiray!
Xaaladda
caafimaadka:
Puntland
kama jiro wax isbitaal dowladeed ah oo laga heli karo adeeg caafimaad oo
dhammaystiran, sidoo kale wuxuu dayac baahsan haystaa daryeelka hooyada iyo
dhallaanka. Xaaladdaanna madaxweynuhu waa iska indhotiray, mana muuqato wax
laga qabtay mudadiii ay xilka joogtay xukuumaddiisu, Oxygen la’aan iyo dhiigbax ayaa loogu dhintaa
isbitaallada Puntland.
Xaaladda
degmada Eyl:
Xaaladda
degmada Eyl iyadu waxa ay u muuqataa looma-ooyaan iyo nin aamusan hooyadiis
qadisay, cid arrinkaas ka hadashay oo aan ahayn xildhibaanno xog-waraysi
degmada u tagay ma jiraan.
Waxaa
burburay qeybo kamid ah waddooyinka laga soo galo magaalada, taasoo sii
xumaynaysa xaaladda deegaanka iyo bulshada oo haddaba la daalaa-dhacaya
dhibaatooyin adeegxumo dowladeed oo ballaarran. Ma jirto wax qorshe muuqda ah
oo xukuumadda uga qorshaysan hagaajinta waddooyinka iyo gargaar u fidinta
bulshada, madaxweynuhuna masoo hadalqaadin.
Burburka
iyo shaqoxumada kaabayaasha dhaqaalaha:
21sano
oo ay Puntland jirtay majirto wax laga qabtay hirgelinta waddooyin cusub oo
isku xira gobollada dalka marka laga reebo wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo
howsheedu socoto. Iska daa in waddo cusub la dhisee tii hore ee laga dhaxlay
dowladdii kacaanka ayaan xil la iska saarin daryeelkeeda iyo ilaalinteeda.
Roobabkii
ugu danbeeyay ee da’ayay ayaa wadada Boosaaso-Garoowe ka gooyay meelo badan,
inkastoo shirkadda CCECC la yiri waa dayactiraysaa haddana madaxweynuhu
arrinkaas hadaljeedintiisa kagama hadal iyada oo faahfaansan iyo goorta la
dhammayn doono dayactirkaas maadaama xaalku sii xumaan karo haddii roobab kale da’aan.
Dhismihii
qabyada ahaa ee wadada Garoowe-Gaalkacyo isna majirto shaqo ka socota,
shirkaddii qandaraaska wadada lagu siiyay sharcidarradana wali lagama qaadin
mashruucii ay ku fashilmeen.
Puntland
garoomaha diyaaraduhu waxay ka noqdeen baahiyaha koowaad meelkastana waxaa laga
dhisay gegi aan la aqoon waxa ku degi doona iyo waxa ka duuli doona toonna.
Laga bilaabo Boosaaso, Garoowe ilaa Gaalkacyo waxaa ku yaal garoomo lacag
badani gashay dhisidooda balse aan wax xil ah la iska saarin hagaag-u-shaqeyntooda
marka laga reebo garoonka Garoowe, garoonka Gaalkacyo shaqadiisii aad bay isu
dhintay diyaaradihii ka degi jirayna waa ka wareegeen, garoonka Boosaaso waa
kan ugu weyn gegi diyaaradeed oo Puntland ku taalla balse shaqo ahaan waa kan
ugu liita!
Amniga
Boosaaso, collaytanka ganacsatada iyo gadoodka maleeshiyaadka beelaha:
Magaalada
Boosaaso oo ah isha ganacsiga Puntland iyo meesha dowladdu ka hesho
dakhligeedda ugu badan, waxaa hareeyay dhibaatooyin amni oo intooda badani ku
salaysan colaad ka dhalatay is-haysi iyo xifaaltan ganacsato ma-naxayaal ah iyo
kacdoonno maleeshiyaad. Muddo dhaweyd waxaa magaalada amnigeeda khatargeliyay
dhallinyaro ciidamo ah oo magaalada xoog ku galay askarna ku laayay kantaroolka
magaalada, inkastoo markii danbe magaaladii lagaga saaray xal isimo keeneen
wali ma muuqato in wax laga qabtay tabashadoodii maadaama ay dhowr beri ka hor
joojiyeen isu-socodka gaadiidka.
Waa
arrin ay ahayd in si furan looga hadlo, degdegna loo xalliyo intaysan
dabo-dheeraan balse hadaljeedintii madaxweynaha laguma soo hadalqaadin.
Heshiisyada
xukuumaddaani galayso iyo heshiishkii dekaddda Boosaaso & DP World:
Xukuumaddii
madaxweyne Cabwali Gaas heshiis aan waxba laga ogeyn oo sidii miro barde loo
liqay ayay la gashay shirkadda DP World oo lagu wareejiyay maamulka dekadda
muddo 30sanadood ah iyadoo laga rabay inay dekadda ballaariyaan. Wali waxba
lagama qaban ballaarintii dekadda, dibna looma eegin heshiiskii DP World.
Sida
guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo-daareed sheegay
wuxuu xilkiisii ku waayay ka hadlidda iyo dabagalidda heshiisyada xukuumaddu
galayso. Jiritaanka hadalkaas iyo aamuska xukuumaddu wuxuu dab kusii shidayaa
welwelkii laga qabay heshiisyada lala galayo shirkadaha shisheeye oo ay ugu
danbeeyay kii lala galay shirkadda Frontier Service Group.
Xaaladda
Garsoorka Puntland:
Madaxweynuhu
kama hadlin tayodarrada nidaamka garsoorka Puntland haraysay taasoo sababtay in
beelaha qeybtood meelo kale looga gacan haatiyo iyo in xukunka kiisas
dacwadeedku qaataan waqti dheer oo tacaddi ku ah dhibbanayaasha.
Hirgelinta
maxkamadda dastuuriga ah wuxuu sheegay inaysan muhiim ahayn, taasoo loo fasiran
karo inuusan dhisi doonin, waana tillaabo dhaawac ku noqon karta rejada laga
qabo nidaam dimuqraadiyadeedka doorasho ee la hiigsanayo!
Xiriirka
madaxweynaha iyo kooxda Aaranjaan:
Laga
soo bilaabo ololihii doorashada Puntland 2018, waxaa si baahsan usoo baxday
awoodda ay leeyihiin koox ganacsato ah oo u abaabulan inay talada dalka gacanta
ku dhigaan iyaga oo ku bixinaya qiime kasta oo ay ku heli karaan. Guushii
madaxweyne Deni kadibna waxaa sii korodhay awooddii kooxdaas oo lagu eedaynayo
inay madaxweynaha talada la hayaan oo waxkasta rabitaankooda ku socdo!
Madaxweynaha
waxaa laga rabay inuu kooxdaas iska beri yeelo haddaysan talada lahayn balse
aamuskiisu wuxuu caddeyn u yahay run ahaanshaha arrintaas.
Nooca su’aalihii la weydiiyay iyo
jawaabihii madaxweynaha.
Dadka
su’aalaha weydiinayay waxaa ka dhexmuuqday tiro dad ah oo madaxweynaha
siyaasadda xukuumaddiisa sax iyo khaladba Facebook ka difaaca, inkastoo
qeybtood su’aalo macquul ah weydiiyeen balse inta badan xaaladda Puntland ee
cakiran waxba kama aysan weydiin. Waxaa iyana welwel i gelisay in dadkii
waxgalka ahaa ee meesha joogay badankood aysan su’aalo weydiin madaxweynaha,
qof goobta joogay ayaa ii sheegay in dadka gacmaha taagayay oo su’aal weydiinta
rabay ay u badnaayeen taageerayaal, baqdin ayaa haysata bulshada oo qofkii
hadallo adag laga dareemo dhaqaale ahaan ayaa loo weerari karaa haddii lagu
dhici waayo hanjabaad toos ah in loo diro.
Jawaabaha
uu madaxweynuhu bixinayay waxaa ka muuqatay intooda badan degganaan iyo
xog-ogaalnimo balse waxaa jira qofkii aad ugu sii fiirsada dhowr su’aalood oo
sida madaxweynuhu uga jawaabay aad ka dareemayso wacyixumo madaxweynaha haysa,
waxa aan dooddaas ku kabayaa warcelin uu madaxweynuhu ka bixiyay weydiin uusoo
jeediyay Maxamed Xasan barre oo ahayd “ Dastuurka Puntland waxaa ku qoran in
Puntland u madaxbannaantahay arrimaheeda dibadda inta laga helayo dastuur ay
leedahay JFS oo lagu ansixiyay afti dadweyne” arrintaas ma laga tiray
dastuurka?
Madaxweynuhu
wuxuu ku jawaabay “ma garanayo dastuurkii la xaday ee la sheegi jiray inay ku
jirto iyo inay kan kujirto” waa jawaab ay ka muuqato inuusan madaxweynuhu warba
u hayn dastuurka oo ay arrintaasi qodobadiisa hore ku xusantahay! Waa arrin
laga yaxyaxo dowlad aan madaxweyneheedii aqoon dastuurkeeda!
Qodobkaas
dastuurka kujira inuu saxanyahay iyo inuu khaldanyahay waa dood kale, anigu se
waxa aan qabaa inuu qodob khaldan yahay.
Su’aal
kale oo madaxweynaha laga weydiiyay nidaamka awooodqeybsiga 4.5, jawaabtii uu
ka bixiyay waxaa iyana laga fahmi karaa degganaanta madaxweynaha iyo siduu uga
fiirsanayo ballanqaadyadiisa, in badan ayuu ku saxnaa inuusan go’aan degdeg ah
arrintaas ka qaadan waayo ma ahan go’aan Puntland kaliya u yaalla.
Ugu danbeyn,
waxa aan ku bogaadinayaa xarunta PDRC sameynta PDRC Talks, inay madaxweynaha
Puntland keentay iyo inay xil iska saareen xulashada mowduuc aad muhiim ugu
ahaa bulshada deegaanka. Waxa isna bogaadin mudan madaxweynaha dowladda
Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo soo ajiibay casumaadda barnaamijkaan.
Mahadcelin
ayaan u dirayaa maamulka iyo shaqaalaha Puntland TV oo si wanaagsan noogu soo
tabiyay muuqaalka barnaamijka.