Isimadu waxay muddo dheer laf dhabar u ahaayeen
qaab dhismeedka bulshada Soomaaliyeed, arrintaasi waxay keentay in odayaashu ay
saameyn ballaaran oo dhinac kasta ah ku lahaadaan nolosha bulshada. Dowladnimada
yabyabka ah ee Soomaaliya loo dhisayona, waxay ku leeyihiin door weyn oo ayba
iyagu yihiin cidda sharciyadda siisa baarlamaannada Soomaaliya ka jira
dhammaantood marka laga reebo Somaliland oo doorashooyin dadweyne hirgelisay.
Intaas waxaa dheer oo bogaadin mudan, in isimadu ay qeyb ka qaataan horumarinta
adeegyada bulshada.
Puntland iyadu waa meelaha sida gaarka ah ay
isimadu u leeyihiin awood muuqata, saameyntoodu waxay kasoo bilaabatay
aasaaskii dowladnimada Puntland oo ay dadkii dhidibada u taageen ka mid
ahaayeen. Isimadu waxay shirguddoomiyeen shirkii aasaaska, isla iyaga ayaana
soo xulay xildhibaannadii koowaad ee doortay madaxweynihii koowaad. Walow
axdigii aasaaska Puntland uu dhigayay in saddex sano kadib aasaaska la
hirgeliyo doorashooyin dadweyne oo la gudbo xulidda odayaasha, nasiibdarro
arrintaasi ma suurtogelin ilaa manta oo aasaaskii laga joogo ku dhawaaad nus
qarni.
Fashilkaas siyaasiga ah ee siyaasiyiintu ku
fashilmeen in doorashooyin dadweyne la hirgeliyo, wuxuu sii naaxiyay awooddii
isimada oo iyagu maanta soo xula xildhibaanada iyo golayaasha deegaanka!
Haddana waxay ku darsadeen inay marooqsadeen awoodihii kale ee dowladda, oo
ayba iyagu maanta burin karaan digreeto madaxweyne soo saaray.
Isbeddellada ku dhacay odayaasha dhaqanka:
Tayadooda oo hoos u dhacday
Isinnimada inteeda badan waxay ku socotaa qaab
dhaxaltooyo ah [Ogaalkayga beesha Reer Xirsi, Cumar Maxamuud, Majeerteen ayaa ah cidda
kaliya ee dhaqankeeda tayo ku xulata] Sida caadada ahse waa in isin kasta marka
ay tii Alle u timaaddo, saldanadiisii uu dhaxlaa wiilashiisa kan ugu weyn ama
kan ugu roon. Arrintaasi waxay keentaa in mar mar badan ay dhabowdo oraahdii
Soomaaliyeed ee aheyd “Hebel isma dhalin” oo ay taladii gacanta u gasho wiil
aan gashan karin kabihii odayga, aanna xiran karin koofiyaddii duqa.
Isimadii Puntland ee xilkasnimada lagu
yaqaannay, waxaa kusoo fatahmay mowjado tayoxumo ah oo ka imaanaya jiilka
cusub ee isimada ah, iyo kuwii hore intii ka nool oo noqday bartii yaqaan aan
la jaanqaadi karin horumarrada dowladeed ee la hirgelin karo. Arrimahaas iyo
kuwa kale oo tusaalayaal loo heli karoba waxay hoos u dhigeen tayadii hoggaanka
dhaqanka, kadibna waxaa dheelli weyni ku yimi go’aamada ay gaarayaan oo u
muuqda kuwo aan laga fiirsan kuna fadhiyin xikmad iyo xirrib odayeed.
Wacyigooda oo liita
Qodobkale oo ay tahay in la xuso, waa wacyiga
isimada oo hoos-u-dhac weyni ku yimi, maadaama magaaloowgii uu xowli u faafay
oo bulshda loo talinayay intoodii miisaanka laheyd ay magaalo soo galeen, odayaashii
waxay usoo guureen magaaladii iyada oo barkood aysan ogaal magaalo laheyn!
Dhanka kalena, korriimada dowladnimada ku socota ayay ka hareen maadaama
fahankooda dowladnimo oo markii horeba iska koobnaa, haddana aan helin cid wax
ku biirisa! Fahankoodu ma dhaafsiisna xildhibaan la xulay, wiil jifida ah oo
kursi looga baryay madaxweynaha jooga, wiil abti loo yahay oo kursi loo xiray,
wiil adeer loo yahay oo loo ololeeyay iyo mid la necebyahay oo saxiixa loo
diiday.
Kaalintoodii doorashadii 2019
Isimadu waxay si daran ugu milmeen doorashadii
ugu danbeysay ee Puntland ka dhacday, taasina waxay mar kale muujisay sida ay
siyaasiyiin u noqdeen oo uu u doorsoomay wajigii aan ku barannay ee kan dhaqan
ahaa.
Isimada Gobolka Nugaal oo doorashadii 2019 si
aan ka fiirsi lahayn ugu milmay aan tusaale usoo qaadanno. Isimada Gobolka
Nugaal, oo aan markaan ula jeedo labada isin ee Ciise Maxamuud, waxay qaadeen
tillaabo dad badan oo aan anigu ku jiro la yaab ku noqotay! Shantii xildhibaan
ee beeshaasi lahayd iyo labo kale oo ay leeyihiin beelo kale oo Nugaal deggan
ayay si nin jeclaysi ah u xuleen, iyaga ka fiirinaya hal tayo ama hal
ballanqaad oo ah inay musharrax Deni codka siinayaan. Arrintaas labo sababood
baa loo yeelay, midda koowaadi waa inay jirto is heyn ku qotonta xifaaltan
miirqab ka maran oo damac shakhsiyadeed ku dhisan, oo ka dhexeeyay iyaga iyo
Boqor Burhaan, tan labaadina waa inay isimadu taladoodii ay gacanta u galiyeen
mooryaanta Aaranjaan oo dhab ahaan go’aankaba isimada loo gaaro, maadaama
nimankaasi ay Deni dhisayeen saasaa odayaasha ku khasabtay inay codadka
beeshooda aysan ku saleyn matalaad bulsho iyo rabitaanka beelaha! Nasiibdarro,
arrintaasi waxay keentay in beeshu aysan maanta matalaad micno leh ku dhex
lahayn golaha wakiillada Puntland! Adiguba caqli baad leedahaye maxay tahay
mataaladda laga sugayo ninka xilka lagu siiyay Deni u codee, markii ay
codeeyeen bay dayaameen intoodii badnayd, markaasaa mid la ceyriyay, mid la
deyriyay, inta kalena baarlamaanka waa dhex joogaan ma se arag micno ay la dhex
fadhiyaan!
Sababo dhaqaale
Dhibaato kale oo baahsan oo odayaasha marada ka tuurtay
waa damac dhaqaale! Dhammaantood ma ahan, balse qeybo badan oo kamid ah waxaa
looga faa’iideystay oo go’aamadoodii loo majara habaabiyay waa dano dhaqaale.
Waayadii hore waxaa jiray dhaqan lama dhaafaan
ah oo dhigayay in isinka markii lagu caanoshubo loo xoolo-gooyo taasi waxay
keenaysay in isinka go’aamadiisa aan la saameyn! Dhaqankaas oo meeshii ka baxay
iyo odayadii oo magaalo soo galay gacmihii baa is dhaafay, taasina wajigii
dhaqan ee aan naqaanay waa ay dhaawacday.
Arrintaas waxaa tusaale u noqon kara, sida
doorashada dadban ee hadda socota odayada loo saameeyay oo qeybtood la sheegayo
inay lacago qaateen si ay u tuuraan qofkii beeshu isku soo raacday, qeybtoodna
ay reeraha dusha ka saareen mudanayaal aan la rabin si ay u gaareen danahooda
maaddiga ah.
Cadaalad-darro
Ujeedka guud ee oday dhaqameed loogu caanoshubo
waa inuu xal u raadiyo khilaafaadka soo dhexgalo reerkiisa iyo dadka kale,
sidoo kale waa inuu u cadaalad sameeyo reerka dhexdiisa. Odayaasha maanta jira
waxay u muuqataa inay arrintaas ku fashilmeen maadaama hadda xaalku marayo in
jifi kasta isin sameysato iyadoo ka cabanaysa cadaalad-darro uu sameeyay
isinkii guud. Waxaan tusaale usoo qaadan karnaa, isimada beesha Cumar Maxamuud
oo hadda tusbax furtay noqday, waxaa hadda dhabbahaas cagta saaray beesha Ciise
Maxamuud oo iyaguna saddexdii bilood oo ugu danbeysay saddex isin oo cusub
caleemosaaray. In jifiyihii sidaas u kala tagaan waxaa sababteeda leh isimadii
hore oo eex laga tirsaday. Anigu waxaan qabaa in isin la badiyo uusan xalku ku
jirin, ee ay tahay in awoodda la geliyo sidii loo tayeyn lahaa hay’adaha
dowladda loogana maarmi lahaa awoodaha isinku dowladda ku dhex leeyahay. Haddii
taasi dhacdo reer walba nabaddoon dantooda hoose ka shaqeeya baa ku filnaan
doona.
Ku milankooda siyaasadda
Odayaashu waxay aad ugu milmeen siyaasaddi ilaa
heer aad ka shakiyayso magaca siyaasi iyo kan isin kaad ugu yeerayso! Sideedaba
dhaqanku waa nin mar lagu caanoshubay oo sida kaliya ee loo beddeli karo ay
tahay inay tii Allle u timaaddo, ma dhacdo in isin laga xayuubiyo xasaanadda.
Taasi waxay ka micno tahay in isinku ilaashado saldanadaas aan dhicin, uusannna
dhex dabaalan mulki siysaadeed oo muddo kooban jiraya.
Waa iyaga iyo Allahoode, waxay weriyeen in Boqor
Burhaan uu doorashadii 2019 ololaha dhinaciisa ka galay, isaga oo xilka u
raadinaya wiilka uu adeerka u yahay ee Asad Diyaano, uma se suurtogelin inuu
wiilka xilka saaro! Waxaa cajiib ah in ku dhawaad 10 kamid ah musharaxiintii
hoolka gashay ay ahaayeen jifida boqorka, Cismaan Maxamuud, waa wax aan la
fahmi karin sida uu ugu kala eexday ragga uu isinka u wada yahay, waxaa se
jirta baa la yiri in boqorku iyo wiilku ay qoys hoose isla yihiin.
Waxaa xusid mudan inaan dad kasoo xiganayo in
boqorku maalmihii doorashadu soo dhawaatay uu ololaha ka baxay, oo uu dhex
noqday, waa se goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen! Anoo taas maanka ku haya,
baan haddana la yaabay sida uu boqorku ula kala saftay taliyaha PSF Maxamuud
diyaano iyo madaxweyne Deni markii ay is qabteen.
Isku milanka wadaadada iyo isimada
Khatar kale oo ay tahay in lagu baraarugo waa
isdhexqaadka dhaqanka iyo wadaadada! Wadaadada oo awalba haystay kaalin lama
taabtaan ah oo aan la dhaleecayn karin, ayaa haddana raadsaday isinnimadii oo
iyaduna deegaannada Puntland ka ah martabad aan la dhaliili karin.
Arrintaasi waa khatar aan la xakamayn doonin
haddaan hadda la kala weecin! Waxaan sidaas u leeyahay waa damaca waalan ee
wadaadadu u qabaan inay mar xukunka hantaan. Wadaadada deegaanku waxay ka simri
la’yihiin jabkii loo geystay waayadii ay damceen inay dhulkaas si qaabdaran uga
taliyaan, waa jabkii kasoo raacay dagaalkii Saliid.
Inta dowladnimadeenna oday dhaqameedku jaangooyo
waxaa ila habboon in wadaad iyo dhaqan la kala ilaaliyo! Waa labo awoodood oo
qofkii isla hela uu keligii-talis isaga dillaacayo haddduu awooddii
siyaasadeedna la helo, wadaaduna sababta dhaqanka u gelayaan waa inay ka
dhabbeeyaan hayaankooda xukundoonka ah.
Xallinta khilaafaadka siyaasadeed
Odayaashu sidoo kale waxay ku fashilmeen
xallinta khilaafaadka siyaasadda. Sideedaba odayadu ma ahan inay galaan arrin
siyaasaddeed, wixii siyaasad la xiriira xalkeedu wuxuu u yaallaa masuuliyiinta
loo doortay dowladda! Balse maadaama Buntilaantii noqotay digsi dabka saaran oo
qofkasta markiisa qaadada geliyo, odayaashuna digsiga markooda ayay walaaqaan!
Aasaaskii dowladnimada Puntland ayaa odayaashu
qaateen kaalin aad u ballaaran waana ku ammaananyihiin intooda nooli, inta
dhimatayna Eebbe haka ajarsiiyo. Balse waxaa farsamoxumo ah in odayaashu ilaa
maanta ay rabaan kaalintii ay aasaaska lahaayeen. Waxaa la rabaa cid dhiirran
oo odayaasha runta u sheegta oo ku dhahda dowladnimada dhubuqdhubuqda ka daaya,
sidoo kale waxaa aad loogu baahanyihiin siyaasiyiin waxgarad ah oo dhisa nidaam
dowladeed oo odayaasha looga maarmo.
Haddiiba odayaashu u kaceen xal u raadinta khilaafaadka siyaasiga ah waxay aheyd inay marka hore fursad siiyaan
siyaasiyiinta si khilaafkaas xal siyaasadeed looga gaaro, nasiibxumo waayadan
taas ma sameeyaan oo iyagaa xalka marka koowaadba go’aan ka gaara! Arrintaasi
waxay kasoo horjeeddaa sida dhaqankii hore lagu yaqaannay ee aheyd in odayadu
ay lahaayeen guddoonka xaajada, rogrogidda xaalkana loo deyn jiray dadka kale ee
xaajadu khusayso. Arrintaasi waxay la xiriirtaa dhaqanka reeraha, balse maadaama
dowladnimadii Buntilaanta iyo dhaqankii loo kala caal waayay bal inay
rogrogidda xaajada dowladda u daayaan bay aheyd.
Aan tusaale u soo qaadanno sida odayaashu u
wajaheen xallinta rabshaddii ka dhalatay markii agaasimaha PSF Janan Maxamuud
Diyaano uu diiday digreetadii madaxweyne Siciid Deni xilka kaga qaaday.
Odayaashu iyaga oo aan sugin xal siyaasadeed oo dowladda iyo siyaasiyiintu
raadiyaan ayay soo saareen waraaq dadka qaarkiis ku sheegeen inay dabka
hurisay, anigu se aanan dhaheyn dabkay hurisay balse waxay aheyd waraaq kala
fogeysay dowladdii iyo sargaalkii markaas amardiidka ahaa, waana qabaa in laga
maarmi karay soo saarista xaanshidaas. Mashaqo kadib, odayaashu warqad kale
ayay soo saareen oo meeshii laga sugaayay xal u raadinta shaqaaqadii PSF,
waxayba fureen furimo hor leh oo khilaaf keenay lagana maarmi karay in lagu
dhexfuro howshii socotay. Waxaa la yaab leh oo caddeynaysa in dhaqanka Puntland
uu noqday lugtii jeeniga dhaaftay, qodob odayaashu soo saareen oo sheegayay in
17% dakhliga Boosaaso kasoo xarooda loo jaro degmada Boosaaso, runtii Boosaaso
waa mudantahay in loo qoondeeyo miisaaniyad horumarin, waxaa se la dhegofaaray
markay dhaheen lacagtana annagaa maamulaynna! Oo haddii dowladdu aysan maamuli
karin cashuurtii ay ururisay maxay dowlad ka tahay.
Howlgabnimada siyaasiyiinta
Waxaasoo mushkilo ah oo dhaqanku dowladnimada u
geystay ama ku hayo waxaa fududeeyay howlgabnimqda siyaasiyiinta Puntland.
Dhammaan madaxdii Puntland soo martay waxay ku fashilmeen inay deegaanka
gaarsiiyeen nidaam doorasho xisbiyo badan oo awoodda kusoo celin lahaa
dadweynaha, taasi waxay xal u keeni laheyd in meesha laga saaro awoodda
odayaashu ku gorgortamayaan ee ah inay soo xulayaan xildhibaannada baarlamaanka
iyo goleyaasha deegaanka. Sidoo kale, madaxdu waxay ku fashilmeen inay dhisaan
nidaam garsoor oo lagu kalsoonaan karo lagagana maarmi karo in odayaashu soo
dhexgalaan arrimaha garsoorka.
Doorasho iyo garsoor kaliya ma ahane, qodobkasta
oo dowladnimada wanaag u noqon lahaa inay si dhammeystiran u hirgeliyaan waa ku
fashilmeen. Meelkasta waxbaa qabyo ka ah Puntland, waxaan qabaa Puntland ilaa
markii la aasaasay inaysan helin madaxweyne dhismaheeda si weyn isugu howla.
Malaha dhanka dhismaha dowladnimada waxaa ugu dadaal badnaa Madaxweyne Faroole
oo wax weyn ka qabtay qabyotirta qalfoofta dowladnimada ma se idlayn. Isagana
waxaa dadaalkiisii kala dhantaalay macangagnimo shakhsi oo dadkii ku dirtay xitaa
isaga oo wanaag wada, kalaqeybsan bulshada ka dhex-abuurmay iyo dowladdiisii oo
gobollada qeybtood eedo ka tirsadeen, ma se xaqiijin karo inay wax ka jiraan
eedahaas.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, Alle Ha U
Naxariisto, inkastoo uu lahaa bilowga dhismaha hay’adaha dowliga ah balse wax badan
kama qaban inuu ka shaqeysiiyo hay’adda dowladda, hankiisu markasta waa kasii
jeeday Puntland. Madaxweyne Cadde Muuse, Alle Ha U Naxariisto, isna wuxuu
maamuli waayay isu dheellitirka wixii dowladdii TFG ee Cabdullaahi
hoggaaminayay ka rabtay Puntland iyo dhab ahaan waxa Puntland ku biirin kartay
hayaankaas. Wuxuu isku dayay in Puntland ay bixiso wax ka badan wixii ay bixin
kartay, dhabar jab weyn ayaana ku yimi dowladnimadii Puntland ilaa midnimadeeda
bulsho iyo mideeda dhuleed ba uu dhaawac weyni gaaray. Wuu se ku ammaananyahay
inuu garab istaag u muujiyay dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo federaali ah.
Madaxweyne Cabdiweli Gaas dadka la dhacsani
waxay ku qiimeeyaan inuu horumarinta kaabayaasha-dhaqaalaha Puntland wax ka
qabtay, waa waxqabad wanaagsan. Waxaa se xusid mudan, inuu fadhiid ka dhigay
hay’adaha dowladda iyo inuu sii ballaariyay musuqmaasuqii hantidii umadda lagu
hayay.
Madaxweyne Siciid Deni, inkastoo uu dhaliishii
Cabdullaahi leeyahay oo uu kasii jeedo Puntland, waxbadan ayuu ka qabtay
hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda, dhismaha ciidamada, dhismaha kaabayaasha
dhaqaalaha iyo kor-u-qaadida miisaanka siyaasadeed ee Puntland. Nasiibxumo,
waxqabadkiisii ugu micnaha badnaa ee ka dhabeynta hayaanka dimoqraadiyadda
Puntland isaga ayaa ku dhuftay dhaawac uusan isagu xitaa hadda daweyn karin.
Xalka
Shaqada koowaad oo ay tahay in la qabto waa in
wacyigelin ballaaran la sameeyo iyadoo odayaasha la tusayo inay bad ku
dhexjiraan. Sidoo kale, waa in la abuuro wacyi bulsho oo suurtogelin kara in
sida ay siyaasiyiinta u dhaliilayaan si lamid ah u dhaliilaan odayaasha dhaqanka maalinka
ay galaan wax aan shaqadooda. Haddii xaaladdu saan ku socota odayaashana aan la
sixin, waxaan ka cabsi qabaa inay iyaguna is gaarsiiyaan martibaddii culimadu
ay isku difaaci jireen marka fikirkooda la dhaleeceeyo ee aheyd “Hilibka
Culimadu waa suumeysanyahay”!
Waxaa kaloo baraarujin mudan in beeluhu marka
koowaad ay isimada u xoola gooyaan, si looga hortago isin jeebka u gala nin
siyaasi ah oo noqda makarafuun siyaasigu hadalkiisa dhexmarsado. Waana in
beeluhu ay ka fiirsadaan dadka ay dhaqanka ka dhiganayaan oo aysan ku xulin
inuu iyaga xaqooda usoo dhiciyo oo kaliya, ee waa in sidoo kale laga fiiriyo
waxa uu ku darsan karo wanaagga guud ee bulshada.
Madaxda dowladda iyo siyaasiyiintana waxaa laga
rabaa inay si dhab ah waqti u geliyaan dhismaha nidaamka dowliga ah iyo ka shaqeysiinta
hay’adaha dowladda ee magac-u-yaalka noqday. Waa in la abuuro nidaam dowladeed
oo lagu kalsoonaan karo loogana maarmi karo kaalinta siyaasadeed ee dhaqanka.
Email: Abdullahisanco@gmail.com
Twitter @abdullahi_sanco
No comments:
Post a Comment