Monday, December 4, 2023

Puntland Maxay u Dabbaal-degaysaa Rubuc Qarni kadib?





Puntland waxay maanta u dabbaaldegaysaa sannadguuradeedii 25aad, walow 25sano ay tahay waqti aad ugu kooban cimriga dowladaha, haddana waxaan la inkiri karin in dowladnimada Puntland ay gaartay guulo wax ku ool ah. Balse waxaa xusid mudan in laga gaabiyay waxyaabo tirobeel ah oo la gaari karay.

Maqaalkaan kooban waxaan diiradda ku saarayaa inaan iftiimiyo meelaha laga gaabiyay, si loogu kaco wax ka qabashada caqabadaha jira. Sida lagu yaqaan hoggaanka guud ahaan dalkeenna iyo gaar ahaan Puntland waxyaabaha la qabtay iyo guulaha la gaaray waxaa sheegiddooda ku filan hadba cidda markaas xukunka joogta iyo inta danaha kala duwan u taageersan. Sidaas darteed, qoraalkaani hadduu dhaliil u bato kama dhigna inaan wax guul ah la gaarin, wixii guul ah warbaahinta dowladda ayaa laga dheegan karaa. Anigu se anoo gudanaya kaalintii muwaadinnimo baan iftiiminayaa gaabisyada jira.

Amniga:

Waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu bogaadin karo Puntland ayuu amniga kamid yahay, miisaaniyadda dowladda inteeda ugu badan, 42.2%, waxaa lagu bixiyaa amniga. Iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaa jira dhaliilo tirobeel ah oo amni.

Jiritaanka Puntland ee maanta 25sano jirsanaya ma suurtogelin in la dhiso ciidan sumad dowladeed iyo akhlaaq ciidan toonna leh. Inta badan ciidamada Puntland waxay leeyihiin haykal qofeed. Si siman ayaad u maqlaysaa ciidan dowladeed, isla daqiiqad kadib waxaad maqlaysaa ciidankii oo astaan qofeed loo sameynayo.

Xukuumaddaan Madaxweyne Siciid Deni inkastoo ay aad ugu faantay inay sameysay dib-u-habeyn ciidan haddana wali lama suulin ciidamadii caaglayaasha ah ee shakhsiyaadku mulkiyaddooda sida dadban u heysteen. In dib-u-habeyntaas aysan wax weyni ka jirin waxaad ka garanaysaa in digreetada madaxweynuhu ay beddeli weyday wiilka horjoogaha u ah ciidanka Puntland Security Force (PSF), diidmadii sargaalkaasi diiday amarka madaxweynaha waxaa ka dhashay in magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso uu ka dhacay dagaal khasaare badan geystay dabayaaqadii 2021! Dagaalkaasi wuxuu muujiyay foolxumooyinka huursan ee ka dhexjira ciidanka Puntland.

Markale ciidanka kumaandoosta Danab ayaa isbaaro u dhigtay hayaankii dimoqraadiyadda ee xukuumaddaani waday, ku dhawaad labo bilood ka horna waxay dagaal khasaare badan geystay oo ka dhacay Garowe la galeen ciidamada kale ee Puntland iyagoo diidan wax-ka-beddelka dastuurka Puntland.

Dhanka kale, waxaa madaxweynuhu guud ahaan fadhiid ka dhigay ciidanka daraawiishta Puntland oo waayahan danbe noqday ciidan howlgab ah. Dhacdooyinkaasi waa waxay tusayaal u yihiin fashilka baahsan ee ka dhexjira qaab dhismeedka ciidanka dowladda.

Dhowrkii bilood ee u danbeysay waxaa Boosaaso ka dhacay wareero argagixiso oo lagu qaaday xarumo ganacsiyo gaar loo leeyahay. Waxaa dab la qabadsiiyay xarumaha shirkadaha Macruuf iyo Fadhisame, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo dowladdu kasoo saartay baaritaannada ay dhacdooyinkaas ka sameysay, waaba hadduu jiro baaritaanno ay sameeyeene. Sidoo kale, waxaa warar kala duwani sugayaan in kooxaha argagixisada ee Alshabaab iyo ISIS ay baad joogto ah ka qaadaan xarumaha ganacsiyada ee kajira Puntland. Majiraan howlgallo joogto ah oo ay dowladdu waayahan ku sameynayso dabarjiridda kooxahaan. Ciidamadii howlgalladaas ka shaqeyn lahaana waxay si ba’an ugu milmeen is-heysiyada siyaasadeed ee aadka u liita ee deegaanka jira.

Waxaa iyana xusid mudan in halbeegga amni ee magaalooyinka Puntland uu aad u hooseeyo. Inkastoo Puntland ay amni ku faanto haddana hay’adaha caalamiga ahi qiimeyn amni oo aad u hooseysa ayay siiyaan magaalooyinka Puntland. Sababtuna waa in nidaamka sugidda amniga Puntland oo uu aad isugu dhex yaacsanyahay. Magaalooyinka si baahsan ay askar kala duwani ula dhex joogaan ciidan iyo hub culus. Garowe oo la dhihi karo waa magaalada ugu amniga badan Puntland, waxay xarun u tahay ciidamo kala duwan oo qeybtood ay magac ciidan dowladeed wataan haddana aysan ka amarqaadan xukuumadda jirta.

Foolxumooyinka ka dhexjira ciidamada Puntland iyo guud ahaan amniga Puntland dhaliisheeda xukuumaddaan kaliya ma leh. Waa dhaliil ay wadaagaan guud ahaan madaxdii Puntland isaga danbeysay.

Dimoqraadiyadda:

Xeerkii lagu aasaasay Puntland waxa uu dhigayay in la hirgeliyo nidaam doorasho dadweyne muddo xileedka koowaad, balse taasi ma suurtogelin. Fashilkaasi wuxuu keenay in xukuumaddii koowaad ee uu horjoogaha u ahaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN ay sameyso muddo kordhin keentay dagaal dabadheeraaday oo halaag baahsan sababay. Markale, xukuumaddii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole waxay isku dayday inay hirgeliso doorasho dadweyne oo aan daahfurnayn, jajuub iyo xoogna ay weheliyaan taasina waxay sababtay in markale dhiig daato ilaa doorashadiina la joojiyay.

Xukuumadda hadda talada haysa waa guul weyn in ay soddon iyo dhowr degmo ka qabatay doorashooyin gole deegaan, walow ay wali jiraan degmooyin aan doorashadaas laga qaban, haddana waa guul weyn in halkaan wax la soo gaarsiiyo. Balse waxaa jira dhaliilo kale oo micno tiraya dimoqraadiyadda laga shaqeynayo iyo dhiig badan oo si masuuliyad darro loo daadiyay.

Marka Puntland la joogo waxa dimoqraadiyad loo yaqaan in dadku codeeyaan, balse dimoqraadiyaddu waa nidaam intaas ka baaxad weyn. Waxaa aad u liita xorriyadda hadalka, saxaafadda lama siiyo baaxad ay ku shaqeyso waana tan keentay inaysan Puntland ka jirin saxaafad micno leh oo baaritaanno ku sameysan karta khaladaadka jira. Xukuumadihii kala danbeeyay waxay si siman u cabburiyeen saxaafadda. Dadka cabburintaas dhibanaha u soo noqday waxaa kamid Jaamac Dabaraani oo hadda afhayeenka xukuumadda iyo agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Puntland ah. Xukuumaddaani waxay xarig sharcidarro u geysatay Weriye Kilwe Aadan oo muddo dhowr bilood ah afduub loo heystay, dhowr usbuuc ka horna waxaa Garowe lagu weeraray Wariye Maxamed Yuusuf oo Garowe deggan si loo aamusiyo dhaliilaha uu soo gudbinayo. Xukuumaddii Madaxweyne Faroole ayaa iyana arrinta jajuubka weriyayaasha aad ugu caan baxday.

Xukuumaddii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole waxay si degdeg iyo wax is dabamarin kujirto ku qabyotirtay dastuurka Puntland. Wuxuu ahaa waxqabad lagu fashilmay in la hirgeliyo muddo xileedkii koowaad. Tusayaasha muujinaya in xukuumaddii Faroole ay dano gaar ah dhexraacsatay qabyotirkio dastuurka waxaa kamid ah kordhintii muddo xileedka madaxweynaha. Sida ay qabaan xeeldheerayaasha arrimaha sharciyadu waxay aheyd in wax ka beddelka muddo xileedku uu dhaqangalo xukuumadda xigta. Balse xukuumaddii Faroole waxay bulshada Puntland sanka kaga toshay in muddo xileedkiisu noqdo 5sano, khalkhal amni iyo mid siyaasadeed ayaana arrintaas ka dhashay.

Xukuumadda hadda talada heysa ee Siciid Deni horjoogaha u yahay iyana waxay si aan daahfurnayn waxa uga beddeshay dastuurkii Puntland. Wax-ka-beddelkaas waxaa ka dhashay dagaal khasaare badani geystay oo Garowe ka dhacay. Walina waxaa deegaanka kajira madmadow iyo fowdu ay arrintaas abuurtay. Waa dhaqan kale oo si weyn uga soo horjeeda nidaamka dimoqraadiyadeed ee ay Puntland sheegato inay ku shaqeyso.

Garsoorka oo lafdhabar u ah dimoqraadiyadda waa liitaa isna, garsoorka Puntland tayo ahaan lama fil ah meeshii laga rabay garsoor jiray 25sannadood. Waxaa aad u kooban miisaaniyadda ay dowladdu ku bixiso garsoorka, dowladdu waxay garsoorka ku bixisaa 2% kamid ah miisaaniyaddeeda, waa kharash aad u kooban. Kharash yaraantaas iyo inaan muhiimad la siin garsoorka waxay keentay inuu howlgab noqdo. Khilaaf kasta oo ka yimaada geeddigan cusub ee la guurayo waa adagtahay in garsoorka maanta jira uu xalliyo.

Waxbarashada:

Rubuc qarniga ay Puntland jirtay waxyaabaha ay ku faanto waxaa kamid ah horumarinta waxbarashada, balse dhabtu waa in adeegbixinta waxbarashadu uu aad u hooseeyaa. Caqabadaha waxbarashada Puntland heysta waxaa ugu horreeya in dowladdu aysan miisaaniyad ku filan u qorsheyn adeegga waxbarashada. Puntland waxay waxbarashada ku bixisaa 5.9% ka mid ah miisaaniyaddeeda, waa kharash aad u kooban oo aan dabooli karin baahida waxbarasho ee jirta.

Majiro hal dugsi oo ay dowladdu kharashkiisa wada bixiso, muwaadiniintuna ay ka helaan waxbarasho lacag la’aan ah. Arrintaani waxay keentay in 10% kamid ah ilmihii dugsiyada aaday ay waxbarashada uga haraan dhaqaale xumo, sida aan kasoo xiganayo warbixinta mashruuca Education Cannot Wait. Dhanka kale, waxaa aad u hooseeya tirada ilmaha waxbarashada gaaray ee dugsiyada aada, 42% kamid ilmaha waxbarashada gaaray ma aadaan dugsi, sida ku xusan Puntland Education Sector Strategic Plan 2017-2021, tani waxay ka dhigantahay in tobankii ilmood ee waxbarasho gaarayba afar kamid ah aysan waxbarasho aadin! Waa arrin welwel weyn leh.

Waxaa iyana xanuun leh in ardayda da’da waxbarashada gaartay ee dugsiyada aadday, ugu danbeyn 5% oo kaliya ay u fariistaan imtixaanka fasalka 8aad, sida lagu xusay daraasadda daraasadda Evaluating the association between various indicators of school quality and educational outcome in Somalia with special reference to Puntland state, ee ay sameeyeen Abdiqani Ahmed iyo Dahir Abshir! Taasoo ka dhigan in heer iskuul-ka-hariddu uu aad u sarreeyo, oo ay ardaydu waxbarashada ka harto intaysan fasalka 8aad gaarin. Si taas lamid, tirada ardayda ee aan dugsiyada sare dhammeysan ayaa iyana aad u sarreeya.

Doorashadii golayaasha deegaanka ee saddexda degmo ee horudhaca aheyd ka dhacday waxay iyana muujisay heerka akhris-qorid la’aanta ah ee ka jira Puntland. Tusaale, degmada Eyl oo kaliya codadkii la dhiibtay 20% kamid ah ayaa xumaaday, sababta ugu weynina waxay aheyd codeeyayaasha oo aan waxna qorin waxna akhrin, wacyigelinta iyo aqoonta codbixinta oo liidatay iyana waa jirtaa.

Dhanka tacliinta sare ayaa iyana ah meelaha Puntland caqabadaha weyni ka heysato, majiro guddi si hagaagsan u shaqeeya oo tacliinta sare maamula. Wasaaradda waxbarashaduna waxay la daalaa dhacaysa maamulidda dugsiyada hoose, dhexe iyo sare. Sidoo kale majiraan halbeegyo micno leh oo laga qiimeeyo jaamacadaha intaan la furin, tani waa caqabad Soomaaliya oodhan ka jirta. Guud ahaan jaamacadaha Puntland ma jiraan daraasado cilmibaariseed oo taxane ah oo ay soo saaraan dadkana la wadaagaan, maadaama tacliinta sare ay cilmibaaris ku dhisantahay, haddii cilmibaaris la waayo waa dhadhan beelaysaa. Kartida maamullada iyo barayaasha tacliinta sare ayaan iyana gaarsiisnayn heerkii la rabay. Waxaa se fajaciso ah in inta badan jaamacaduhu aysan laheyn manhaj sugan iyo tixraaco hagaagsan oo ay ardaydu adeegsan karaa. Marka laga soo tago in dhaliil badan ay leeyihiin dadka jaamacadaha furta, haddana waxaa ceeb oodhami saarantahay wasaaradda waxbarashada iyo guud ahaan dowladda Puntland oo ku fashilmay inay si qumman u maamulaan, una toosiyaan tacliinta sare ee deegaanka.

Caafimaadka:

Adeegga caafimaadku wuxuu kamid yahay meelaha ay Puntland ugu liidato. Majiro hal isbitaal oo heer gobol ah oo ay si dhammeystiran dowladdu u bixiso kharashkiisa, shacabkana siiya adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah, ama xitaa adeeg jaban oo dhammeystiran. Isbitaallada dowladda waxa ugu yar ayaa la iska iibiyaa, tayadooduna aad bay u hoosaysaa.

Inkastoo ay jiraan hay’ado caalami ah iyo kuwo maxalli ah oo si ballaaran uga qeybqaata suurtogelinta adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka, nasiibxumo dowladdu miisaaniyadda ay caafimaadka ku bixiso waa mid aad u hooseeya. Sida aan kasoo xiganayo miisaaniyaddii 2020 ka hor intuusan dunida saameyn xanuunka COVID19 waxay Puntland adeeggeeda caafimaadka ku bixisay 1% kamid ah miisaaniyaddeeda! Walina qoondadaas miisaaniyadeed lama kordhin. Waa foolxumo ballaaran iyo dayac baahsan oo jira.

Adeegyada biyaha iyo tamarta:

Helitaanka biyuhu waxaa uu muhiimad weyn u leeyahay nolosha dadka iyo jiritaanka duunyada. Rubuc qarni kadib bulshada reer Puntland ee ku dhaqan magaalooyinku ma helaan biyo nadiif ah oo lacag la’aan ah ama xitaa jaban oo ay dowladdu si dhammeystiran u maamusho. Halka magaalooyinka qaar ee ay Garowe kamid tahay laga isticmaalo dhowr biyo oo kala nooc ah lana suurtogelin in si hagaagsan loo hirgeliyo adeeg biyo oo dadka ku filan la iskana bixin karo. Dhanka kale, adeegga tamarta/korontadu isna waa mid aad u liita oo aan deegaamada si hagaagsan u wada gaarsiisnayn. Magaalooyinka waaweyn oo ganacsato gaar ahi ka hirgeliyeen adeegyada korontada ma ahan adeeg dadka ku filan, mana ahan adeeg qiimo macquul ah leh, waa adeeg aad qaalli u ah. Sicirka sare ee korontadu waxaa uu caqabad ku noqday abuuritaanka warshadaha waxsoosaarka ee yaryar. Helintaanka warshadahaasi wax weyn buu ka tari lahaa yareynta shaqo la’aanta baahsan iyo saboolnimada baaxadda leh ee bulshada reer Puntland faraha kul ku haya.

Is-beddelka cimilo ee dunida oodhami ay siyaabo kala duwan ula daalaa dhacayso, Soomaaliya waxay kamid tahay meelaha uu sida ba’an u saameeyay, waxaa guud ahaan yaraaday xilli roobaadyadii, waxaana soo noqnoqday abaaro joogto ah oo sababay in biyihii iyo baadkiiba yaraadaan. Si taas looga hortago waxaa laga filayay dowladda Puntland inay xil iska saarto daryeelka, ilaalinta iyo horumarinta reer miyiga oo iyagu tiir dhexaad u ah daryeelka xoolaha nool oo kamid ah ilaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha Puntland ku tiirsanyahay. Nasiibxumo, dowladdu uma qorsheyn miisaaniyad ku filan adeegyada biyaha iyo tamarta, wax ka yar 1% ayay miisaaniyadda ugu dartay horumarinta tamarta, macdanta iyo biyaha. Waa kharash aan sinnaba ugu filnayn ee bulshada ay helaan adeegyadaas muhiimka ah.

Dhaqaalaha:

Laga soo bilaabo ilaa maalintii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay heerka dhaqaale ee dalku wuxuu ahaa mid liita. Waqtiyada ay Soomaalidu u taqaan bari-samaadka oo u badan waqtigii kacaanka ayaana ah xilliyada jahaweerarka ugu weyni uu ku dhacay dhaqaalaha dalka. Isbeddelladii horumarineed ee dalka ka dhacay todobaannadii iyo siddeetanaadkii qarnigii tagay waxay keeneen qalqalaase dhaqaale oo markii danbe qeyb lixaad leh ka qaatay qaran-jabkii ina ku dhacay bilowgii sagaashanaadka. Is lahaan la’aanta jahawareerkii dhaqaalaha guud (macroeconomic shocks) iyo jawaab-celinnada siyaasadeed (political responses) ay dowladdii kacaanku sameysay ayaa isna waxbadan sii kharribay. Puntland aasaaskeedii ilaa maanta ma jiro is-beddel iyo koboc dhaqaale oo micno leh oo la sameeyay, waa laga garaabi karaa in xaaladda siyaasadeed ee dalka oodhan ka jirta ay wax badan xumeysay, balse dhabtii waxyaabo la qaban karay ayaa laga gaabiyay.

Puntland rubuc qarniga ay jirtay aad buu u hooseeyay kororka ku imaanayay waxsoosaarka guud, dhanka kalena waxaa jiray sicirbarar baahsan oo markasta caqabad ku ahaa koboca dhaqaalaha iyo nolosha dadka. Sicirbararkaas waxaa intiisa badan sababtiisa lahaa madaxdii isaga danbeysay deegaanka oo qeybtood ay gacmaha ka laabteen inay xal raadiyaan, qeybtoodna ay dabkii baasiin kusii dareen oo ay markhaati ka noqdeen lacago been abuur ah oo tirobeel ah oo suuqa la soo geliyay muddo xileedkooduu. Saameynta lacagahaas suuqa soo galay waxaa aad loo dareemay muddo xileedkii Madaxweyne Janan Cadde Muuse iyo muddo xileedkii Madaxweyne Dr Cabdiweli Gaas, Gaas oo leh aqoon dhaqaale oo ballaaran sida uu arrintaas u maareyn waayay waxaa kujirtay hagrasho badan. Muddo xileedkaan Madaxweyne Siciid Deni iyo wasiirkiisii maaliyaddu Xasan Shire waxay sababeen in guud ahaanba uu deegaanka ka istaago isticmaalkii shilin Soomaaliga, taas oo keentay khasaare maaliyadeed oo baahsan, sicirbarar ballaaran iyo dayac nololeed oo xanuun badan.

Waxaa lagu fashilmay in Puntland laga abuuro jawi nabdoon siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan, lana hirgeliyo adeegyada dowladeed ee muhiimka u noqon kara in deegaanka laga hirgeliyo warshado yaryar oo wax weyn ka geysan kari lahaa yareynta shaqo la’aanta, hoos-u-dhigidda saboolnimada iyo kor-u-qaadida waxdhoofinta. Maqnaanta waxdhoofitaan (Export) saameyn abuuri kara iyo xad-dhaafka wax-soo-dhoofinta (Import) isna wuxuu dheelli geliyay is-le’egta ganacsiga (Trade balance). Waxaa iyana lagu fashilmay inay deegaanka yimaadaan maalgashadayaal caalami ah oo maalgelin ku sameysan kara waaxyaha dhaqaale ee is-beddelka keeni karay sida kalluumeysiga, warshadaha, daryeelka xoolaha, beeraha iyo guud ahaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxdii isaga danbeysay Puntland waxay bulshada horumar dhaqaale uga dhigeen koror kooban oo ku yimaada miisaaniyadda sannadlaha ah, dabcan kororka dhakhligaagu waa qeyb kamid ah koboca dhaqaalaha balse marnaba miisaaniyadda oo in yar korortay lama mid ahan koror guud oo dhaqaalaha oodhan ku yimi. Xukuumadda maanta talada haysa, oo wax-ka-beddel ku sameysay habka diyaarinta miisaaniyadda, waxay dadka ku dhego-barjaysay inay horumarin dhaqaale sameysay. Dhabtu se waa in kororla lambarrada miisaaniyaddu uu ka yimi kadib marka miisaaniyadda lagu daray lacagaha deeqaha ee dunida laga helo. Dakhliga guduhu waxaa uu hadda miisaaniyadda Puntland ka yahay hal waax marka miisaaniyadda loo qeybiyo afar waaxood. Arrintaani waxay tuse u tahay heerka liita ee dakhligeennu joogo, oo iyana muujinaysa fadhiidnimada dhaqaalaheenna.

Kaabayaasha Dhaqaalaha:

Horumarinta kaabayaasha dhaqaaluhu waxay muhiimad ballaaran u leeyihiin horumarinta dhaqaalaha iyo hagaajinta nolosha bulshada bulshada. Marka Puntland la joogo waxaa abuurmay fahanxumo ballaaran oo fahanka mowduuca kaabayaasha dhaqaalaha la xariira, kaabayaasha dhaqaalaha waxaa loo fasiray hagaajinta jidadka iyo xaarxaaridda garoomo diyaaradeed oo kaliya. Dhabtu se waa in arrintu intaas ka ballaarantahay.

Rubuc qarniga ay Puntland jirtay ma jiro jid cusub oo isku xira gobollada oo la dhisay, marka la reebo mashruuca jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo, oo isaguna ah mashruuc aan dhammaan aanna si daahfuran loo maamulin lana aqoon lacagta hadda ku baxday iyo midda uu u baahanyahay si loo dhammeystiro. Xukuumadda hadda talada haysa waxay dedaal gelisay sidii loo dayactiri lahaa laamiga Puntland ku xira dalka intiisa kale. Waa dedaal wax ku ool ah, jidkaan oo muddo dheer jiray se kuma filna in lagu sameeyo dayactir kooban, wuxuu u baahanyahay dib-u-dhis iyo dib-u-qaabeyn xoog leh.

Puntland oo qaranjabkii ka hor la dhihi jiray gaariwaa, dowladdii dhexe ee burburtay kama aysan dhaxlin mashaariic waaweyn marka laga reebo dekedda Boosaaso iyo laamiga dheer ee aan hadda ka sheekaynnay dayaca ka jira. Dekaddii Boosaaso iyana majirto wax horumarin ah oo lagu sameeyay rubuc qarnigaas, waxaa ba caqabad dheeri ah noqotay in dekaddii oo awalba baaxad ahaan iyo dherer ahaanba koobnayd ay ciidi buuxisay oo markab daaye aysan doomaha yaryar qeybtood kusoo xiran karin. Nasiibxumo, halkii xal kale la raadin lahaa waxaa dekadda si aan daahfurnayn gacanta loogu galiyay shirkad carbeed oo qorshuhu ahaa inay bannayn, ballaarin iyo horumarin ba ku sameeyeen. Lix sano kadib majirto wax shaqo ah oo muuqata oo ay shirkaddaasi ka qabatay dekadda.

Ganacsato dhiirran oo Soomaaliyeed ayaa maalgelin aan nooceeda Soomaali horay ugu dhiirran ka sameeyay deegaanka Garacad oo dhisay dekad! Waa mashruuc dhiirrigelin mudan, balse si dekaddaasi ay mashruuc guuleystay u noqoto waxaa lagama maarmaan ah in la helo waddo hagaagsan oo isku xirta dekadda iyo dal weynaha aan xeebta laheyn ee Itoobiya, si dekaddaani ay ugu adeegto suuqaas cammiran, iyo jidadka kale oo dekadda ku xiran inta kale ee dalkeenna. Wali ma muuqato door muuqda oo dhaafsiisan af oo ay Puntland ka qaadnayso hirgelinta himiladaas.

Rubuc qarni kadib looma kicin shaqadii la rabay in laga qabto dhinacyada kale ee kaabayaasha dhaqaalaha sida yagleelidda kaabayaasha isgaarsiinta, sameynta bullaacado lagu maareeyo wasakhda magaalooyinka, ceelal biyood ku filan dadka magaalooyinka deggan iyo kuwa baadiyaha ku dhaqan, xarumo caafimaad oo dhaafsiisnayn xarumaha bixiya adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka oo si hagaagsan ugu adeegi kara dadka deegaanka, iyo goobo waxbarasho oo ku filan dadka deegaanka ku dhaqan.

Hoggaaminta:

Puntland muddadii ay jirtay waxaa soo maray 6 madaxweyne, oo dhammaantood ahaa odayaal u qalmay in talada deegaanka guddoomiyaan, balse waxaa arrintaas ku sidkan arrimo badan oo ay odayaashu ka gaabiyeen. Aan si kooban mid mid uga xusno waxyaabaha seegay, waa qiimeyn shakhsi ah oo lagu kala duwanaan karo.

Bilowgii talada waxaa loo dhiibay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN oo ahaa fuliye dhiirran, iyo askari geesi ah oo billado badan ku qaatay howlgalladii ciidan ee uu ka qeybqaatay, qeybtoodna uu hoggaamiyay. Odaygu se ma laheyn khibrad maamul siyaasadeed, inuusan laheynna waxay Puntland ka hor ku caddaatay sidii uu u maareeyay markii loo dhiibay talada halgankii sharfoonaa ee SSDF! Madaxtinnimadiisii Puntland waxaa la filayay inuu dhidbaha u taago maamul siyasadeed leh haykal maamul iyo dastuur qoran oo haga. Inkastoo uu bilaabay habeynta ciidamada, iyo isku daygii koowaad ee dhismaha qeybaha koowaad ee hay’adaha dowladda, odaygu wuxuu si weyn ugu fashilmay inuu si dhammeystiran u tiirarka ugu aaso hay’adaha dowladdeed ee muhiimka ah, hirgeliyo dastuur dowladnimada haga iyo inuu doorashada ku qabto waqtigii loo madlanaa. Fashilkaasina wuxuu keenay in Puntland uu ka dhaco dagaal baahsan oo khasaare badan geystay.

Dhanka kalena, odaygu wuxuu dedaalkiisa ugu badan ku bixiyay sidii uu ku gaari lahaa kursiga madaxtinnimada dalka, taasoo kala dhantaashay waxkasta oo uu Puntland ka qaban karay. Waa mabda’ sax ah in Puntland ay ka qeybqaadato in dalku uu yeesho dowladnimo ku dhisan hab federaali ah, balse marna qiil looma heli karo in talada Puntland loo dayaco taas kale. Puntland waxay Soomaaliya waxtari kartaa marka ay iyadu dhexdeeda isa saxdo oo is hagaajiso.

Madaxweynihii labaad wuxuu ahaa Maxamed Cabdi Xaashi AUN oo isna ahaa oday weyn oo khibrad ballaaran leh, muddo xileedkiisa oo koobnaa maadaama uu kursiga qabtay markii Madaxweyne Cabdullaahi loo doortay madaxtinnimada dalka, lagama fili karo inuu wax weyn beddelo. Balse wuxuu ku ammaananyahay inuu doorasho qabtay, taladana si wanaagsan u wareejiyay.

Madaxweynihii saddexaad wuxuu ahaa Janan Cadde Muuse oo dadkii yaqaannay ay ku sheegaan inuu ahaa nin aad u dun wanaagsan, ilbax ah, hadalna cad. Burburkii ka hor wuxuu kamid ahaa saraakiisha sarsare ee ciidanka, markii talada dalka ay kacaanku wasakheeyeenna wuxuu kamid noqday dadkii ku biiray halgankii hagaajinta talada dalka gaar ahaan Jabhaddii SSDF. Madaxtinnimada Puntland waxa uu yimi isaga oo dagaal kharaar la soo galay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo muddo kororsi sharcidarro ahaa sameeyay, ugu danbeyn se laga heshiiyay oo doorasho dhacday Cadde na noqday madaxweyne. Odaygu ma sameyn isbeddel maamul iyo mid siyaasadeed oo lagu toosinayo siyaasaddii deegaanka. Shaqooyin wanaagsan oo uu qabtay se waa jireen. Xilkiina si nabdoon ayuu ku wareejiyay.

Qiimeyntayda hoggaanka Puntland sadddexdaas oday waxay ahaayeen jiilkii hore ee hoggaaminta Puntland, ma aysan sameyn nidaam siyaasadeed cago badan ku taagan, lehna dastuur dhammeystiran oo lagu maamulo. Waxay se ahaayeen saddex oday oo hantida ummaddu ka nabadgashay. Marka Soomaaliya la joogo, waa waxqabad weyn in musuqmaasuq baahsan aan lagu suntin muddo xileedkaaga.

Jiilka labaad ee hoggaaminta Puntlan, waxaan ka bilaabayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo noqday madaxweynihii afaraad ee Puntland kadib doorasho xiiso leh oo uu kaga guuleystay Janan Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo tartankiisu wax weyn uga dhignaa muuqaalka dowladnimada Punrland.

Madaxweyne Faroole wuxuu dardargelin xoog leh ku sameeyay dib-u-habeynta nidaamka dowliga ah, isaga oo hirgeliyay in Puntland ay yeelato dastuur dhammeystiran. Walow habka dastuurka loo maray iyo habka loo ansixiyay ay leeyihiin dhaliilo xooggan, haddana wax weyn bay Puntland u aheyd inay dastuur rasmi ah yeelato. Ku takrifalka ugu weyn ee odaygu marxaladdaan ku sameeyay waa inuu muddo xileedkii madaxweyne ka dhigay 5sano, taasi dhib ma lahaanteene waxaa sharcidarro aheyd in isaga oo 4sano lagu dhaariyay oo 5tii sano ee la rabay inay xukuumadda xigta dhaqangeliso uu khasab iyo qori caaddii ku meelmarsaday. Sidoo kale, habka uu u qoray dastuurka qeybihiisa khuseeya dimoqraadiyaynta ayaa iyana madmadow badani kujiray, waana tan hadda wax ka beddelkeeda la isku dilay. Wuxuu kaloo isaga oo dastuurka qalinkiisa haya xaddiday baaxadda siyaasadda oo soo koobay tirada xisbiyada.

Waxaa se intaas ka yaab badan inuu dastuurka Puntland qododbkiisa afaraad ku qoray arrin gef ku ah gobannimada dalkeenna, qodobkaasi wuxuu fududeynaya in Puntland ay ka go’i karto dalka intiisa kale, waa miino muddaysan oo markasta la ridi karo haddaan wax laga beddelin.

Faroole wuxuu isku dayay inuu nidaamka doorashada qof iyo codka ah oo loo guuro. Isaga oo shaati le’eg tolanaya ayuu isku dayay inuu khasab doorashadaas ku meelmariyay, wuxuuna joojiyay markii uu ku daatay dhiig laga maarmi karay haddii habka loo guurayo horay looga tashan lahaa. Dhanka kale, odaygu wuxuu aad isugu mashquuliyay waqti qeybtiis laga maarmi karayna uu geliyay yooyootanka xukuumaddii Xamar kajirtay. Waa saxneyd inuu ka qeybqaato dib-u-dhiska dowladnimada dalka, balse inuu tii Puntland taas u dayacay ayaa aniga foolxumo ila ah. Isaga tan ayaa loo doortay. Ugu danbeyn, wuxuu qabtay doorasho iyada ayuuna ku baxay, xilkana si wanaagsan ayuu u wareejiyay.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa noqday madaxweynihii shanaad ee Puntland. Bilowgii wuxuu ahaa aqoonyahan aad loogu hanweynyahay oo la filayay inuu wax badan beddelo, ma se dhicin. Dhibaatada ugu weyn ee qabsatay waxay aheyd inuusan arrimaha gudaha xog-ogaal u aheyn. Inta badan waxkasta say ahaayeen buu ku waday, marka laga reebo inuu curiyay mashruuca jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo. Is-heysigii Faroole la bilaabay Dowladda Federaalka ah ayuu isna meeshiisii ka sii waday, waxaana is leeyahay waqtiga badan ee madaxda Puntland loo doorto ay geliso howlaha dowladda federaalka waa laga maarmi karaa. Si kasta oo dalku dib-u-dhis ugu jiro oo kaalinta Puntland loogu baahanyahay, haddana taas micnaheedu ma ahan in shaqadii Puntland taas loo dayaco. Muddo xileedkii Madaxweyne Cabdiweli waxaa hareeyay eedo waaweyn oo musuqmaasuq, oo ay ugu weyntahay sida loo maareeyay heshiiskii dekadda Boosaaso loogu gacangaliyay shirkadda carbeed. Gaas iskuma dayin qabashada doorasho dadweyne, tii hore ayuu sii waday oo uu waqtigeedii ku qabtay, markii laga guuleystayna si nabdoon buu ku baxay.

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa nasiib u yeeshay inuu noqdo madaxweynihii lixaad ee Puntland. Maadaama uu ahaa nin aan qurbojoog aheyn, qeyb weynna ka soo ahaa horumarinta deegaanka, waxaa laga qabay filasho badan. Markii uu talada yimi ba waxaa caddaatay inuu shirko la yahay kooxo dillaaley ah oo xoolo tacab ku jira, waxaana si ba’an u baahay musuqa. Intaasna waxaa u dheerayd inay ku dhacday xummad Xamar-jaceyl ah oo uu kursigaas Xamar u jidbooday waxkasta oo ay Puntland laheydna uu gaaritaanka kursigaas u adeegsaday. Hadduu soo jabayna, wuxuu sii dardargeliyay hayaanka dimoqraadiyaynta Puntland oo uu markii horeba si fiican u bilaabay, bilowgaani cusubi se ma mashaqo la’ayn. Tuhun badan baa laga qabay dhab ahaan ujeedka madaxweynuhu ka leeyahay dardargelinta howshaan. Walow soddon iyo dhowr degmo doorasho laga qabtay, haddana sharci-ku-tumasho badan oo madaxweynuhu sameeyay iyo dastuur-ku-falaadka uu baarlamaanka shirkada kula noqdayba waxay mugdi geliyeen geeddigii la guuri lahaa. Rubuc qarni kadib, maanta ma cadda waxa Puntland ka dhici doona doorashada foodda ina kusoo haysa ee dhowrka bilood ka harsanyihiin.

Ma dhabbihii Cabdullaahi ayuu qaadi doonaa oo xoog wax ku raadin doonaa ilaa tabartu u run sheegto, mise kii Faroole ayuu qaadi doonaa ilaa uu darbiga madaxa kusoo dhufsanayo? La arki doonee! Nabad baynnu se rejayn iyo doorasho heshiis lagu yahay waqtigeedana ku dhacda.

Guudmarkaas kooban, waxaan rabay inaan ku iftiimiyo wixii ka khaldamay hoggaankii Puntland isaga danbeeyay, iyo in hoggaanka la dooranayo laga fiirsado si looga gudbo marxaladdaan adag, dedaallada xukuumaddaani sameysayna looga mirodhaliyo. Puntland waxay u baahantahay hoggaan iyada la fil ah oo xog-ogaal u ah waxa laga gaabiyay, aan aheyn askari aan khibrad siyaasadeed laheyn, aan aheyn macangag meesha ku dhego aan ka fuqin, aan aheyn waddani tiiro gaaban iyo jifiyayste, aan iimaan la’ayn oo xoolo tacab ku jirin, aan caruurtiisa xoolaha ummadda u loogayn, aan aheyn war-mooge kooxo kale daaha dabadiisa ka maamulaan, isla markaasna aan aheyn nin arki-jire doon ah oo aan waxba beddeli karin. Is-beddel dhab ah iyo u jidbixinta jiho cusub baa loo baahanyahay.

Wacyiga bulshada:

Puntland wax xil ah iskama saarin dhisitaanka wacyiga bulshadeeda. Manhajka waxbarashada ilmaha kuma jiraan casharro da’yarta baraya dowlad-dhiska la qaatay ee habka federaaliga ah ku dhisan. Guud ahaan jaamacadaheedaha laguma dhigo takhasusaad arrintaas la xiriira, taasoo keeni karta inaysan soo bixin jiil u diyaarsan inay jiheeyaan dowladnimada deegaanka iyo tan guud ee dalkaba. Guud ahaanna ma jiraan maktabado dadweyne oo ka qeybqaadan kara kobcinta garaadka bulshada.

Dhanka kale, taladii Puntland waxay noqotay mid ay iska duumaalaan siyaasiyiin u dhashay saddex jifiyood oo kaliya, taasina waxay abuurtay tafaafaruq bulsho oo xooggan. Suurtogal ma ahan in dad cashuur bixiyaal ah loo suurtogelin waayo fursaddii lagu dooran lahaa.

Mashruuca taraha ee talada la isaga dumaalayo wuxuu abuuray jiil aaminsan in adeerradood kaliya wax u talin karaan waana aragti liidata, iyo jiil kale oo arrintaas qawadsan aadna ugu saxan. Waa lagama maarmaan in saaxada siyaasadda la ballaariyo, waxaa se shaki weyni igaga jiraa in habka hadda loo guurayo uu arrintaas suurtogelin karo. Habkaan laftigiisu sixitaan buu u baahanyahay si aan caadadii hore loogu sii socon.

Doorka Puntland ee dowlad-dhiska federaaliga ah ee dalka:

Puntland ilaa maalinkii nidaamkii federaaliga ah la qaatay waxay u taagnayd inay u qareento nidaamkaan. Balse markasta waxaa dul hoganaysa ceeb weyn oo muujinaysa in nidaamka ay rabto inay u qareento aysan iyaduba dhaqangelin oo taladeedu Garowe ku urursantahay, http://cabdullahi-sanco.blogspot.com/2022/07/puntland-dowlad-xubineedka-federaaliga.html ,

Hadda waxay si aan daahfurnayn ugu falaadday dastuurkeeda, berrina iyada ayaa diidi doonta in dastuurka federaalka sidaas oo kale loo maareeyo. Waxay u taagantahay waxaysan iyadu sameyn.

Garsoorka, nidaamka ciidamada, qeybsiga kheyraadka, ilaalinta awoodqeybsiga, daadejinta adeegyada iyo waxkasta oo ay Puntland ku diidantahay dowladda federaalka iyada ayaa sameysa. Waa is-diido weyn!

Odayaasha dhaqanka:

Qoraalkaan oo aan rabay inaan intaan ka gaabiyo oo aad iila dheeraaday, waxaan qodobkaan kaga gaabsanayaa inaan halkaan ku lifaaqo maqaal aan horay uga qoray odayaasha dhaqanka Puntland. Lifaaqaan ka akhriso. http://cabdullahi-sanco.blogspot.com/2022/03/wejiyada-isbeddelaya-ee-odayaasha.html

Gebogebo:

Ugu danbeyn waxaan guud ahaan bulshada reer Puntland ugu hambalyaynayaa sannadguurada 25aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Puntland. Qoraalkaanina waxaan rejaynayaa inuu ina ku baraarujiyo gaabisyada baahsan ee dowladnimadeenna ka dhexjira iyo inuu abuuro doodo wax saxaya. Dabbaaldegguna uusan ina ka noqon inaan is faanino oo kaliya, ee sidoo kale aan is-qiimeyn iyo isla-xiisabtaan ku dabbadegno.

FG: Qoraalkaan waxaa 1dii Aug, 2023 lagu baahiyay mareegta The Daily Somalia, https://dailysomalia.com/puntland-maxay-u-dabbaal-degaysaa-rubuc-qarni-kadib/   

Wednesday, September 28, 2022

Hantidhowrka Habowsan ee Puntland!

Xafiiska Hantdhowrka Guud ee Puntland waxaa lagu dhisay xeer lambar 9 oo soo baxay Sept 2000, xeerkaasi xafiiska wuxuu siinayaa madaxbannaani shaqo, ujeedka loo siiyayna wuxuu ahaa inuu kaalin muuqata ka geysto ilaalinta hantida umadda taasoo hubinaysa in hantida umadda loo isticmaalo hababka qorsheysan ee danta guud loogu shaqeynayo, oo aysan marna suurtogelin in hanti ummadeed loo isticmaalo si danta umadda iyo xeerarka dowladda baal marsan.

Nasiibxumo, inkastoo uu xafiisku maanta jiro 22sannadood haddana ma hayo shaqadii loo idmaday. Mana leh tayo uu ku qaban karo shaqo hantidhowr. Haddaba waxaan si kooban u dulmarayaa waxyaabaha aan is leeyahay xafiiska waxay ka dhigeen howlgab, ilaa masuuliyiinta xafiisku ay si toos baarlamaanka uga hor qirteen inay ku fashilmeen inay baaritaan ku sameeyaan xafiisyadii ugu waaweynaa dowladda oo ay ku baxaysay qeybta ugu weyn ee miisaaniyadda.

Hantidhowraha Guud ayaa 25kii June, 2022 baarlamaanka hortiisa ka sheegay inaysan wax baaritaan ah ku sameyn Madaxtooyada, Golaha Wakiillada, Hay’adaha Garsoorka iyo Hay’adaha Amniga! Waxaana xusid mudan in Miisaaniyadda Puntland 46% lagu bixiyo hay’adaha amniga. Sidoo kale golaha wakiillada lagu bixiyo 3% miisaaniyadda kamid ah, madaxtooyada ayaa 5% lagu bixiyaa, halka hay’adaha garsoorka iyagana 2% lagu bixiyo. Halkaas waxaa ka cad in 56% kamid ah miisaaniyadda uusan hantidhowrku wax baaritaan ah ku sameyn!

Caqabadda koowaad ee Xafiiska heysta waa habacsanaanta baahsan ee hoggaanka xafiiska. Bilowgii laguma magacaabin karti, aqoon iyo xirfad dheeri ah oo ay shaqadaan u lahaayeen, ee sida ay xafiisyada kale ee Puntland la wadaagaan ayaa lagu soo xulay qoondo reereed iyo qancin jifiyeed. Tayadorrada hoggaanka xafiisku waxay meesha ka saartay filashadii laga qabay in magacaabistoodu ay dardargelin karto shaqada xafiiska, waxayna sii wadday shaqo xumadii xafiiska oo markii horeba aan sidaan dhaamin.

Kormeer la’aantooda joogtada ahi waxay bullaalisay musuqii lagu hayay hantida umadda. Hantidhowrku shaqooyinka uu qabto waxaa kamid ah inuu dabagal ku sameeyo xafiisyada dowladda, oo uu hubiyo in si saxan loo isticmaalay qoondadii miisaaniyadeed iyo in la ilaaliyay guud ahaan hantida umadda. Xafiiska Hantidhowrku wuxuu ku fashilmay inuu shaqadaas u guto si dhammeystiran, sida guddoomiyaha xafiisku uu baarlamaanka ka hor sheegayna 56% kamid ah miisaaniyadda dowladdu xafiisyada ay ku baxdo wax baaritaan ah kuma sameeyaan. Dhanka kale, sida uu isla guddoomiyuhu sheegay majiraan wax tirokoob hantiyeed ah oo ay hayaan, taasoo ka dhigan waxa hanti dowladdu leedahay oo gawaari, guryo, agabka ciidamada, qalabka xafiisyada iyo guud ahaan hantida dowladda aysan xog ka heyn. Baaritaan la’aanta hantiyeed ee xafiisku waxay kasoo horjeeddaa qodobka 15aad ee xeerka xafiisku ku dhisanyahay.

Dhanka kale, inkastoo uu Hantidhowruhu baarlamaanka ka horsheegay in sannadkii 2020 ay 16 kamid ah 18ka wasaaradood baaritaan ku sameeyeen, sannadkii tagayna uu baaritaankiisii marinayo 12 kamid ah 20ka wasaaradood, waxaa xusid mudan in guud ahaan hay’adaha dowladeed ee Puntland oo tiradoodu 90 kor u dhaaftay in badan oo kamid ah aan wax baaritaan ah lagu sameyn, kuwo lagu sameeyayna uusan baaritaankoodu soo bandhigin dayaca maamul maaliyadeed iyo boobka hantiyeed ee Puntland ka jira. Waxaa jira baaritaanno tiro yar  oo la soo bandhigay iyadoo dano siyaasi ah loo adeegsanayo, baaritaannadaas lama soo gebogebayn oo lagama gungaarin eedihii lasoo jeediyay, haddayba wax ka jireennna looma gudbin hay’adihii ku shaqada lahaa. Aan dhowr tusaale oo arrintaas ku saabsan soo qaato.

Duqii hore ee Degmadda Gaalkacyo Saahid Maxamuud ayuu hantidhowrku kusoo eedeeyay musuqmaasuq taasoo keentay in duqii shaqada laga joojiyay, xilkiina uu banneeyay. Intaas kadib, hantidhowrkii wax tillaabo ah ma uusan qaadin, taasoo loo fasiri karo in eeddaasi ay aheyd mid siyaasadaysan oo hantidhowrku uu yahay hay’ad habowsan oo loo adeegsado in masuuliyiinta eedo aan jirin loogu abuuro ama say u badantahay inuu yahay xafiis aan shaqadiisa aqoon.

Tusaale kale waa duqii hore ee Boosaaso Cabdisalaan Bashiir oo isagana Hantidhowrku musuq ku eedeeyay taasoo keentay in shaqadii laga joojiyo, kadibna uu isagu is casilay. Intaas kadib majiro wax shaqo ah oo uu Hantidhowrku ka qabtay eeddii uu soo jeediyay iyo dacwad uu u gudbiyay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud si waafaqsan qodobka 22ad ee xeerka xafiisku ku dhisanyahay, taasoo markale ka dhigan in hay’addaani ay noqotay cagaf lagu xaaro ciddii la rabo in xilka laga qaado, halkii ay ahaan laheyd hay’ad hufan oo hantida ummadda ilaalisa.

Mar kale, agaasimihi Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax iyo Agaasime waxeedyo kale oo wasaaradda ka tirsan ayuu Hantidhowrku musuq ku eedeeyey, taasoo ugu danbeyn keentay in agaasimihii xilka laga qaado, halka agaasime waaxeedyadii shaqadoodii lagu celiyay iyada oo aan eeddii Hantidhowrka baaritaankeeda la sii wadin!

Mar kale, waxaa xilkii duqa degmada Garowe laga qaaday Axmed Barre, kadib markii qeybo bulshada reer Puntland kamid ahi ay qawadeen sababta uu xilkiisa ku waayay Axmed Barre oo loo arkayay duqa ugu waxqabad roon guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland, waxaa warbaahinta lagu soo daayay warbixin Hantidhowrku soo saaray, walow eedda warbixintaas ku qoran ay ka duwaneyd eedihii hore ee uu hantidhowrku jeedin jiray. Haddana waxaa warbixintaas loo fasirin karaa in Hantidhowrku uu noqday xarun lagu sumcad dilo qofkii la rabo in xilka laga qaado, iyo xarun loo adeegsado marinhaabinta bulshada.

Caqabad kale oo xafiiska heysata waxay salka ku haysaa siyaasadxumo dowladeed oo si ku talogal ah xafiiskaan howlgab uga dhigtay, taasina ay fududeynayso dhaca hantida umadda. Si xafiisku uusan shaqadiisa u gudan waxaa suququr laga dhigay miisaaniyadda xafiiska. Waa wax caqliga ka fog in xafiiska la rabo inuu baaritaan ku sameeyo tiro ka badan 90 xafiis oo dowladeed in miisaaniyaddiisa billaha ah ay tahay wax ka yar 40 kun oo dollar, halka Puntland TV oo wax looga baahanyahay TV dowladeedba aysan jirin ay ku baxdo bishii lacag ku dhow 60kun oo dollar! Intaas waxaa dheer tirada shaqaalihiisa oo aad u yar kana kooban 46qof, aadna u tayo hooseeya intooda badani. Suququrkaas miisaaniyadeed ee xafiiska heysta waxa uu keenay inay meesha ka badaxdo madaxbannaanidii shaqeed ee xafiiska laga rabay, wuxuuna si toos ah ugu milmay laantii fulinta ee uu kormeerka iyo baaritaanka ku sameyn lahaa.

Si gaar ah waxaa xafiiska afartii sano ee ugu danbeysay caqabad ku noqday maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo uu waayahan hoggaaminayay wasiir adeegsanaya awood ka badan tii xafiisku siinayay, sameeyayna ku takrifal awoodeed oo dheelli weyn geliyay dowladnimadii.

Caqab kale oo xafiiska heysta waa kartidarro hay’adeed. Guud ahaan xafiisku ma leh karti hay’adeed oo u suurtogelin karta inay qabsadaan shaqada dowladeed ee laga sugayo. Saan korba ku sheegnay, hoggaanka xafiisku karti ahaan uma diyaarsana inay shaqadaan qabtaan tiiyo ay sii dheertahay in shaqaalaha xafiiskana ay tayadoodu liidato. Waxaa xusid mudan inay jiraan la taliyayaal kooban oo xafiisku leeyahay, balse heerka tayodarro ee meesha ka jirta aad bay uga weyntahay wax ay la taliyayaal tirsani dheellitiri karaan. Kartidarrada hay’adeed ee Hantidhowrka heysta oo loo geeyay miisaaniyad yaraanta heysa, waxay keeneen inay awoodi waayaan soo shaqaaleysiinta xirfadlayaal hantidhowr iyo inay haysan waayaan kuwa tirada yar ee lasoo shaqeeyay. 

Xafiiska Hantidhowrku wuxuu sidoo kale wajahayaa caqabado farsamo oo tirobeel ah. Dunida sii casriyoobaysaa waxa hantidhowrka haga halbeegyo caalami ah, walow ay jiraan tababaro uu xafiisku helay haddana aqoonta halbeegyadaasi aad bay ugu yartahay xafiiska, taasoo warbixinahooda ka qaadday micnihii ay yeelan lahaayeen. Dhanka kale, waxa xafiisku aad ugu hooseeyaa dhanka isticmaalka tiknooloojiyadda. Waana adagtahay in maanta la soo saaro warbixino hantidhowr oo micno leh iyada oo aan la isticmaalayn tiknooloojiyadaha casriga ah. Waxaa la yaab ah in xafiiskaasi uusan laheyn mareeg warbaahineed (website) uu shaqooyinkiisa kusoo gudbiyo! Waa wax aan la fahmi karin xafiis dhanka isticmaalka tiknooloojiyadda sidaas uga liita habka uu u sameyn karo Information systems auditing oo ah habka ay ku baari karaan nidaamka Puntland Financial Management Information Systems ee ay inta badan wasaaradaha dowladdu ku shaqeeyaan. Waxaa iyana xusid mudan in deegaanka, gaadiidka iyo agabkuba ay aad uga hooseeyaan heerkii laga rabay in xafiiskaani uu joogo 22sano kadib.

Talooyin

Waxaa lama huraan ah in hoggaanka dowladdu ay garowsadaan muhiimadda xafiiskaani u leeyahay dowladwanaagga, isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta. Si xafiisku shaqadiisa u qabtona waxaa lagama maarmaan ah in miisaaniyadda xafiiska la kordhiyo oo la gaarsiiyo miisaaniyad u dhiganta culeyska shaqo ee la rabo inuu xafiisku ku guto. Sidoo kale, xafiisku wuxuu u baahanyahay agab, deegaan iyo qalab ku filan.

Dhan kale, baarlamaanka waxaa laga rabaa inay xafiiska garab ku siiyaan inuu guto shaqadiisa. Si taasi u suurtogashona waa in baarlamaanku hubiyo in la dhaqangeliyo talooyinka uu Hantidhowrku soo saaro.

Sidoo kale, xafiisku wuxuu u baahanyahay karti farsamo oo ku filan si ay wajibaadkooda u gutaan, si taas loo suurtogeliyo waa in hay’adaha caalamiga ah ay gacan maaliyadeed iyo mid farsamoba siiyaan xafiiska. Dowladduna waa inay dhiirrigelin siyasadeed ku kaalmayso howlgudashada xafiiska.

Waxaa iyana muhiim ah in xafiisku uu xiriir wanaagsan la lahaado hay’adaha uu kormeerka ku sameynayo. Wadashaqeynta wanaagsani waxay fududeyn kartaa isla wadaagista xogaha, iyadoo sidoo kale xoojin karta la dagaallanka musuqmaasuqa.

Sidoo kale, xafiisku waa inuu si taxaddar leh u isticmaalo miisaaniyadda iyo kaalmada kale oo uu helo si ay taasi ugu suurtogeliso inuu heysto shaqaalaha tayada leh ee xafiiska jooga iyo si uu usoo jiito xirfadlayaasha xisaabeed ee tayada sare iyo kartida leh.

Tixraac:

- Buugga Miisaaniyadda Puntland 2020

- Buugga Miisaaniyadda Puntland 2022

- Xeerka Xafiiska Hantidhowrka Puntland, 2000

- Hadaljeedintii Hantidhowraha Guud ee baarlamaanka Puntland, 2022

Wednesday, July 6, 2022

Puntland: Dowlad-xubineedka federaaliga ah ee Garowe kaliya ku kooban ma sii shaqeyn karto!

Jamhuuriyaddii hore ee dalkeenna waxaa jidkii qumanaa ka lumiyay markii taladii dalka iyo guud ahaan kheyraadkii koobnaa ee dalku ay ku urureen hal magaalo, taasoo keentay in markii kaligiitalisku magaaladaas qabsaday uu dalkii oo idil na saas gacanta ugu dhigay! Maadaama adeeg kasta oo dowladeed uu magaaladaas ku xirnaa, fursadihii oo idilna ay magaaladaas ku urureen waxaa xigtay in markii magaaladii duntay uu dalkii oo idilna sagxadda tagay. Haddii nidaam adeegyadu daadegsanyihiin inoo jiri lahaa, ugu yaraan meelo dalka kamid ah ayaa badbaadi lahaa, caasimadda dabkii ka baxayayna in la bakhtiiyo waa fududaan laheyd. 

Iyadoo sababtii iyo raadkii burburkaas maanka lagu hayo, ayaa lagu dedaalay in la dhiso nidaam dowladeed oo kii hore ka sal adag, asalkiisuna yahay in adeegyada la daadajiyo iyo in talada la baahiyo oo ugu yaraan degmo walba adeegyada aasaasiga ah la geeyo, talada dalkuna aysan madaxda caasimadda joogta kaliya ka go’ine ay noqoto mid la wadaago. Dowladnimada la rabo inay saas u shaqeyso oo federaal loogu wanqalay ayay badi siyaasiyiintii Soomaalida ee dowlad dhiska dalka ku howllanaa isku raaceen in la hirgeliyo. Noocaas dowladeed oo maanta guud ahaan dalka kajira waxaa curad u ah Puntland, oo ah dowladdii koowaad oo mabda’aas ku dhisantay. 

Nasiibxumo, dowladdii Puntland ee la rabay inay hormuud noqoto oo dowladnimadii daadejiso oo adeegyadii Muqdisho laga soo qaaday aysan Garowe ku hakin ee hoos loo sii daadejiyo way ku fashilantay dhaqangelinta mabda’aas federaaleynta dalka lafdhabarta u ah! Maanta ardayga jooga Caluula oo Garowe u jirta wax ku dhow kun kiiloomitir wuxuu shahaadada dugsi sare usoo doontaa Garowe. Dhammaan xarumihii wasaaradaha Puntland marka laga reebo hal wasaarad waxay xarumahooda ku leeyihiin Garowe. Taasoo keentay in wixii fursad shaqo ahaana ay Garowe kusoo ururaan.

Degmooyinka Puntland oo tafaariiqeyn tusbax furtay noqotay oo laga maarmi karay ku farcamay oo hadda 52 degmo gaaraya labo degmo oo kaliya ayaa leh gole deegaan oo dadweynuhu soo doortay oo shaqeeya, hal degmona waxay leedahay gole la soo doortay oo aan shaqeyn! 49-ka degmo ee kale waxna digreeto madaxweyne ayaa maamulkooda loogu magacaabaa oo ma leh gole deegaan, kuwona waxa ka jira gole oo ku yimaado nidaam xulasho jifiyeed oo aan cadaalad ku dhisnayn, si hagaagsanna u shaqeyn. Kuwa aan golaha deegaanka laheyn waxaa kamid ah labada magaalo ee Puntland ugu waaweyn uguna dadka badan waa Boosaaso iyo Gaalkacyo. Talada degmooyinka oo idil waxay taallaa Garowe.

Intaas waxaa dheer, gobollada Puntland oo iyagana sidii loo sii sarrifayay hadda 9 maraya, waxaa guddoomiyayaashooda laga magacaabaa Garowe! Aragtidayda, ilama ahan inay jirto asalkaba sabab loogu baahanyahay guddoomiye gobol haddii la qaatay nidaam federaal ah oo dowladnimadu saddex heer tahay [Dowlad dhexe oo federaal ah, dowlad-xubineed, FMS iyo Dowlad hoose] umana arko inuu yahay hab la jaanqaadaya federaalaynta dalka. 

Madaxda Puntland waxay rabaan inay hirgeliyaan nooc dowladeed oo magac ahaan federaal ah, balse shaqo ahaan ah dowladdii dhexe ee Muqdisho laga diiday oo Garowe laga unkayo! Haddaan adeegga la daadajinayn, taladana la baahinayn majirto wax ay kaga duwantahay dowladdii dhexe ee sagaashamaadkii la dumiyay.

Dowladnimadaas federaal-beenaadka ku dhisan ee Garowe laga yabyabayo waxay mari doontaa dhabbadii ay martay magaaladii Yutoobiya ee ku jirtay sheeko-faneedda Yutoobiya, magaaladaasoo eedday kadib markii magaaladii kale ee saboolku ka gadooday barwaaqadii magaaladaas lagaga noolaa ee ay iyaguna ka calool marnaayeen, tabashaduna u wehelisay iyo kibirkii bareerka ah ee uga imaanayay dhanka hantiilayaashii Yutoobiya ku noolaa ee hodantinimada ay keligood heysteeni indhotirtay! Si la mid ah, dhabbihii ay martay dowladdii dhexe ee Muqdisho laga dhidbayay soddonka sano, ee markii saqafka la dhisay la arkay in dowladnimaduba aysan laheyn tiirar heyn kara, saasna ay ku duntay. Haddii aan shaqada adeeg daadejinta iyo talo baahinta ah hadda lagu dhaqaaqin, Puntland kama badbaadi doonto dadkeeda tabashada qaba ee baraarugay!

Xalka kaliya ee furan ee Puntland jiritaankeeda lagu sii ilaalin karo, waa ka shaqeysiinta nidaamka federaalka oo ah in adeegyada dowladnimado ee Garowe lagu koobay si degdeg ah loo daadejiyo, talada gacmaha kooban kusoo ururtay ee la iska dumaalayo oo la baahiyo, iyadoo laga bilaabayo in awoodqeybsiga la dheellitiro iyo in habka la isu doorto la beddelo oo dadweynuhu doortaan madaxdooda heer degmo ilaa heer dowlad-xubineed! Haddii isbeddelkaas lama huraanka ah laga sii indho-qarsado miyaa, wadadii Yutoobiya iyo Muqdisho mareen ayay Garowena mari doontaa. 

Bulshada waxaa dan u ah in adeegyada dowladeed ee ay xaqa u leeyihiin la gaarsiiyo, siyaasiyiintaan damiiniinta ah ee dowladnimadii aan Garowe dhaafinayn iyagana waa in la tuso in saameyntooda siyaasadeed uu habkaan federaalka ahi tiir dhexaad u yahay, oo haddii aan nidaamkaan laga shaqeysiin oo dadka reer Puntland oo idil miraha wada guran ay hubaal tahay inuu maalin dhow imaan doono kacdoon ay bulshada reer Puntland si fahan xumo ah dowladdooda isaga dumiyaan ama u dhibaateeyaan, sida ina aadane lagu yaqaanno oo tagto-jamashada ahna ay u boholyoobaan in markale dowladnimadoodii ay hal meel oo Muqdisho ah ku ururto! Halkaasna ay ku lumi doonto saameynta siyaasadeed ee Puntland ku leedahay siyaasadda heer dowlad federaal. 

Dad baa wali wixii Muqdisho ka jiri jiray u yaqaan bari-samaad, oo haddii siyaasi yeershaa ah oo ina Farmaajo oo kale ah yimaado uu ku khaldi karaa dhaldhalaalka wadanniyadda beenta ah iyo qabka banka-abuurka ah, ama haddii siyaasi kale oo dantiisa federaalaynta ka dhex arki waaya uu yimaado uu lumin karaa. Maanta inta taladu gacanteenna kujirto aan si dhab ah uga shaqeysiinno federaalaynta. Wixii maanta  aragti-gaabnimadeenna darteed aan u sameyn weynno, yeynaan berri u barooran. 

Puntland oo is badbaadisa oo ka shaqeysiisa federaaleynta deegaamadeeda iyada kaliya dan uma ahee, waxay dhabbaha u xaari kartaa dhab-u-federaaleynta dalka oo idil iyo sii joogteynta kaalinta siyaasadeed ee ay ku leedahay dheelli ka ilaalinta dhismaha dowladnimada.  

Dowladnimo federaal ah oo adeeggu baahsanyahay, taladana la wadaago heer federaal, heer dowlad-xubineed ilaa heer dowlad hoose weeye mabda’u!


Saturday, March 26, 2022

Wejiyada Isbeddelaya ee Odayaasha Dhaqanka Puntland

Isimadu waxay muddo dheer laf dhabar u ahaayeen qaab dhismeedka bulshada Soomaaliyeed, arrintaasi waxay keentay in odayaashu ay saameyn ballaaran oo dhinac kasta ah ku lahaadaan nolosha bulshada. Dowladnimada yabyabka ah ee Soomaaliya loo dhisayona, waxay ku leeyihiin door weyn oo ayba iyagu yihiin cidda sharciyadda siisa baarlamaannada Soomaaliya ka jira dhammaantood marka laga reebo Somaliland oo doorashooyin dadweyne hirgelisay. Intaas waxaa dheer oo bogaadin mudan, in isimadu ay qeyb ka qaataan horumarinta adeegyada bulshada.
Puntland iyadu waa meelaha sida gaarka ah ay isimadu u leeyihiin awood muuqata, saameyntoodu waxay kasoo bilaabatay aasaaskii dowladnimada Puntland oo ay dadkii dhidibada u taageen ka mid ahaayeen. Isimadu waxay shirguddoomiyeen shirkii aasaaska, isla iyaga ayaana soo xulay xildhibaannadii koowaad ee doortay madaxweynihii koowaad. Walow axdigii aasaaska Puntland uu dhigayay in saddex sano kadib aasaaska la hirgeliyo doorashooyin dadweyne oo la gudbo xulidda odayaasha, nasiibdarro arrintaasi ma suurtogelin ilaa manta oo aasaaskii laga joogo ku dhawaaad nus qarni.
Fashilkaas siyaasiga ah ee siyaasiyiintu ku fashilmeen in doorashooyin dadweyne la hirgeliyo, wuxuu sii naaxiyay awooddii isimada oo iyagu maanta soo xula xildhibaanada iyo golayaasha deegaanka! Haddana waxay ku darsadeen inay marooqsadeen awoodihii kale ee dowladda, oo ayba iyagu maanta burin karaan digreeto madaxweyne soo saaray.

Isbeddellada ku dhacay odayaasha dhaqanka:

Tayadooda oo hoos u dhacday

Isinnimada inteeda badan waxay ku socotaa qaab dhaxaltooyo ah [Ogaalkayga beesha Reer Xirsi, Cumar Maxamuud, Majeerteen ayaa ah cidda kaliya ee dhaqankeeda tayo ku xulata] Sida caadada ahse waa in isin kasta marka ay tii Alle u timaaddo, saldanadiisii uu dhaxlaa wiilashiisa kan ugu weyn ama kan ugu roon. Arrintaasi waxay keentaa in mar mar badan ay dhabowdo oraahdii Soomaaliyeed ee aheyd “Hebel isma dhalin” oo ay taladii gacanta u gasho wiil aan gashan karin kabihii odayga, aanna xiran karin koofiyaddii duqa.
Isimadii Puntland ee xilkasnimada lagu yaqaannay, waxaa kusoo fatahmay mowjado tayoxumo ah oo ka imaanaya jiilka cusub ee isimada ah, iyo kuwii hore intii ka nool oo noqday bartii yaqaan aan la jaanqaadi karin horumarrada dowladeed ee la hirgelin karo. Arrimahaas iyo kuwa kale oo tusaalayaal loo heli karoba waxay hoos u dhigeen tayadii hoggaanka dhaqanka, kadibna waxaa dheelli weyni ku yimi go’aamada ay gaarayaan oo u muuqda kuwo aan laga fiirsan kuna fadhiyin xikmad iyo xirrib odayeed.

Wacyigooda oo liita

Qodobkale oo ay tahay in la xuso, waa wacyiga isimada oo hoos-u-dhac weyni ku yimi, maadaama magaaloowgii uu xowli u faafay oo bulshda loo talinayay intoodii miisaanka laheyd ay magaalo soo galeen, odayaashii waxay usoo guureen magaaladii iyada oo barkood aysan ogaal magaalo laheyn! Dhanka kalena, korriimada dowladnimada ku socota ayay ka hareen maadaama fahankooda dowladnimo oo markii horeba iska koobnaa, haddana aan helin cid wax ku biirisa! Fahankoodu ma dhaafsiisna xildhibaan la xulay, wiil jifida ah oo kursi looga baryay madaxweynaha jooga, wiil abti loo yahay oo kursi loo xiray, wiil adeer loo yahay oo loo ololeeyay iyo mid la necebyahay oo saxiixa loo diiday.

Kaalintoodii doorashadii 2019

Isimadu waxay si daran ugu milmeen doorashadii ugu danbeysay ee Puntland ka dhacday, taasina waxay mar kale muujisay sida ay siyaasiyiin u noqdeen oo uu u doorsoomay wajigii aan ku barannay ee kan dhaqan ahaa.
Isimada Gobolka Nugaal oo doorashadii 2019 si aan ka fiirsi lahayn ugu milmay aan tusaale usoo qaadanno. Isimada Gobolka Nugaal, oo aan markaan ula jeedo labada isin ee Ciise Maxamuud, waxay qaadeen tillaabo dad badan oo aan anigu ku jiro la yaab ku noqotay! Shantii xildhibaan ee beeshaasi lahayd iyo labo kale oo ay leeyihiin beelo kale oo Nugaal deggan ayay si nin jeclaysi ah u xuleen, iyaga ka fiirinaya hal tayo ama hal ballanqaad oo ah inay musharrax Deni codka siinayaan. Arrintaas labo sababood baa loo yeelay, midda koowaadi waa inay jirto is heyn ku qotonta xifaaltan miirqab ka maran oo damac shakhsiyadeed ku dhisan, oo ka dhexeeyay iyaga iyo Boqor Burhaan, tan labaadina waa inay isimadu taladoodii ay gacanta u galiyeen mooryaanta Aaranjaan oo dhab ahaan go’aankaba isimada loo gaaro, maadaama nimankaasi ay Deni dhisayeen saasaa odayaasha ku khasabtay inay codadka beeshooda aysan ku saleyn matalaad bulsho iyo rabitaanka beelaha! Nasiibdarro, arrintaasi waxay keentay in beeshu aysan maanta matalaad micno leh ku dhex lahayn golaha wakiillada Puntland! Adiguba caqli baad leedahaye maxay tahay mataaladda laga sugayo ninka xilka lagu siiyay Deni u codee, markii ay codeeyeen bay dayaameen intoodii badnayd, markaasaa mid la ceyriyay, mid la deyriyay, inta kalena baarlamaanka waa dhex joogaan ma se arag micno ay la dhex fadhiyaan!

Sababo dhaqaale

Dhibaato kale oo baahsan oo odayaasha marada ka tuurtay waa damac dhaqaale! Dhammaantood ma ahan, balse qeybo badan oo kamid ah waxaa looga faa’iideystay oo go’aamadoodii loo majara habaabiyay waa dano dhaqaale.
Waayadii hore waxaa jiray dhaqan lama dhaafaan ah oo dhigayay in isinka markii lagu caanoshubo loo xoolo-gooyo taasi waxay keenaysay in isinka go’aamadiisa aan la saameyn! Dhaqankaas oo meeshii ka baxay iyo odayadii oo magaalo soo galay gacmihii baa is dhaafay, taasina wajigii dhaqan ee aan naqaanay waa ay dhaawacday.
Arrintaas waxaa tusaale u noqon kara, sida doorashada dadban ee hadda socota odayada loo saameeyay oo qeybtood la sheegayo inay lacago qaateen si ay u tuuraan qofkii beeshu isku soo raacday, qeybtoodna ay reeraha dusha ka saareen mudanayaal aan la rabin si ay u gaareen danahooda maaddiga ah.

Cadaalad-darro

Ujeedka guud ee oday dhaqameed loogu caanoshubo waa inuu xal u raadiyo khilaafaadka soo dhexgalo reerkiisa iyo dadka kale, sidoo kale waa inuu u cadaalad sameeyo reerka dhexdiisa. Odayaasha maanta jira waxay u muuqataa inay arrintaas ku fashilmeen maadaama hadda xaalku marayo in jifi kasta isin sameysato iyadoo ka cabanaysa cadaalad-darro uu sameeyay isinkii guud. Waxaan tusaale usoo qaadan karnaa, isimada beesha Cumar Maxamuud oo hadda tusbax furtay noqday, waxaa hadda dhabbahaas cagta saaray beesha Ciise Maxamuud oo iyaguna saddexdii bilood oo ugu danbeysay saddex isin oo cusub caleemosaaray. In jifiyihii sidaas u kala tagaan waxaa sababteeda leh isimadii hore oo eex laga tirsaday. Anigu waxaan qabaa in isin la badiyo uusan xalku ku jirin, ee ay tahay in awoodda la geliyo sidii loo tayeyn lahaa hay’adaha dowladda loogana maarmi lahaa awoodaha isinku dowladda ku dhex leeyahay. Haddii taasi dhacdo reer walba nabaddoon dantooda hoose ka shaqeeya baa ku filnaan doona.

Ku milankooda siyaasadda

Odayaashu waxay aad ugu milmeen siyaasaddi ilaa heer aad ka shakiyayso magaca siyaasi iyo kan isin kaad ugu yeerayso! Sideedaba dhaqanku waa nin mar lagu caanoshubay oo sida kaliya ee loo beddeli karo ay tahay inay tii Allle u timaaddo, ma dhacdo in isin laga xayuubiyo xasaanadda. Taasi waxay ka micno tahay in isinku ilaashado saldanadaas aan dhicin, uusannna dhex dabaalan mulki siysaadeed oo muddo kooban jiraya.
Waa iyaga iyo Allahoode, waxay weriyeen in Boqor Burhaan uu doorashadii 2019 ololaha dhinaciisa ka galay, isaga oo xilka u raadinaya wiilka uu adeerka u yahay ee Asad Diyaano, uma se suurtogelin inuu wiilka xilka saaro! Waxaa cajiib ah in ku dhawaad 10 kamid ah musharaxiintii hoolka gashay ay ahaayeen jifida boqorka, Cismaan Maxamuud, waa wax aan la fahmi karin sida uu ugu kala eexday ragga uu isinka u wada yahay, waxaa se jirta baa la yiri in boqorku iyo wiilku ay qoys hoose isla yihiin.
Waxaa xusid mudan inaan dad kasoo xiganayo in boqorku maalmihii doorashadu soo dhawaatay uu ololaha ka baxay, oo uu dhex noqday, waa se goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen! Anoo taas maanka ku haya, baan haddana la yaabay sida uu boqorku ula kala saftay taliyaha PSF Maxamuud diyaano iyo madaxweyne Deni markii ay is qabteen.

Isku milanka wadaadada iyo isimada

Khatar kale oo ay tahay in lagu baraarugo waa isdhexqaadka dhaqanka iyo wadaadada! Wadaadada oo awalba haystay kaalin lama taabtaan ah oo aan la dhaleecayn karin, ayaa haddana raadsaday isinnimadii oo iyaduna deegaannada Puntland ka ah martabad aan la dhaliili karin.
Arrintaasi waa khatar aan la xakamayn doonin haddaan hadda la kala weecin! Waxaan sidaas u leeyahay waa damaca waalan ee wadaadadu u qabaan inay mar xukunka hantaan. Wadaadada deegaanku waxay ka simri la’yihiin jabkii loo geystay waayadii ay damceen inay dhulkaas si qaabdaran uga taliyaan, waa jabkii kasoo raacay dagaalkii Saliid.
Inta dowladnimadeenna oday dhaqameedku jaangooyo waxaa ila habboon in wadaad iyo dhaqan la kala ilaaliyo! Waa labo awoodood oo qofkii isla hela uu keligii-talis isaga dillaacayo haddduu awooddii siyaasadeedna la helo, wadaaduna sababta dhaqanka u gelayaan waa inay ka dhabbeeyaan hayaankooda xukundoonka ah.

Xallinta khilaafaadka siyaasadeed

Odayaashu sidoo kale waxay ku fashilmeen xallinta khilaafaadka siyaasadda. Sideedaba odayadu ma ahan inay galaan arrin siyaasaddeed, wixii siyaasad la xiriira xalkeedu wuxuu u yaallaa masuuliyiinta loo doortay dowladda! Balse maadaama Buntilaantii noqotay digsi dabka saaran oo qofkasta markiisa qaadada geliyo, odayaashuna digsiga markooda ayay walaaqaan!
Aasaaskii dowladnimada Puntland ayaa odayaashu qaateen kaalin aad u ballaaran waana ku ammaananyihiin intooda nooli, inta dhimatayna Eebbe haka ajarsiiyo. Balse waxaa farsamoxumo ah in odayaashu ilaa maanta ay rabaan kaalintii ay aasaaska lahaayeen. Waxaa la rabaa cid dhiirran oo odayaasha runta u sheegta oo ku dhahda dowladnimada dhubuqdhubuqda ka daaya, sidoo kale waxaa aad loogu baahanyihiin siyaasiyiin waxgarad ah oo dhisa nidaam dowladeed oo odayaasha looga maarmo.
Haddiiba odayaashu u kaceen xal u raadinta khilaafaadka siyaasiga ah waxay aheyd inay marka hore fursad siiyaan siyaasiyiinta si khilaafkaas xal siyaasadeed looga gaaro, nasiibxumo waayadan taas ma sameeyaan oo iyagaa xalka marka koowaadba go’aan ka gaara! Arrintaasi waxay kasoo horjeeddaa sida dhaqankii hore lagu yaqaannay ee aheyd in odayadu ay lahaayeen guddoonka xaajada, rogrogidda xaalkana loo deyn jiray dadka kale ee xaajadu khusayso. Arrintaasi waxay la xiriirtaa dhaqanka reeraha, balse maadaama dowladnimadii Buntilaanta iyo dhaqankii loo kala caal waayay bal inay rogrogidda xaajada dowladda u daayaan bay aheyd.
Aan tusaale u soo qaadanno sida odayaashu u wajaheen xallinta rabshaddii ka dhalatay markii agaasimaha PSF Janan Maxamuud Diyaano uu diiday digreetadii madaxweyne Siciid Deni xilka kaga qaaday. Odayaashu iyaga oo aan sugin xal siyaasadeed oo dowladda iyo siyaasiyiintu raadiyaan ayay soo saareen waraaq dadka qaarkiis ku sheegeen inay dabka hurisay, anigu se aanan dhaheyn dabkay hurisay balse waxay aheyd waraaq kala fogeysay dowladdii iyo sargaalkii markaas amardiidka ahaa, waana qabaa in laga maarmi karay soo saarista xaanshidaas. Mashaqo kadib, odayaashu warqad kale ayay soo saareen oo meeshii laga sugaayay xal u raadinta shaqaaqadii PSF, waxayba fureen furimo hor leh oo khilaaf keenay lagana maarmi karay in lagu dhexfuro howshii socotay. Waxaa la yaab leh oo caddeynaysa in dhaqanka Puntland uu noqday lugtii jeeniga dhaaftay, qodob odayaashu soo saareen oo sheegayay in 17% dakhliga Boosaaso kasoo xarooda loo jaro degmada Boosaaso, runtii Boosaaso waa mudantahay in loo qoondeeyo miisaaniyad horumarin, waxaa se la dhegofaaray markay dhaheen lacagtana annagaa maamulaynna! Oo haddii dowladdu aysan maamuli karin cashuurtii ay ururisay maxay dowlad ka tahay.

Howlgabnimada siyaasiyiinta

Waxaasoo mushkilo ah oo dhaqanku dowladnimada u geystay ama ku hayo waxaa fududeeyay howlgabnimqda siyaasiyiinta Puntland. Dhammaan madaxdii Puntland soo martay waxay ku fashilmeen inay deegaanka gaarsiiyeen nidaam doorasho xisbiyo badan oo awoodda kusoo celin lahaa dadweynaha, taasi waxay xal u keeni laheyd in meesha laga saaro awoodda odayaashu ku gorgortamayaan ee ah inay soo xulayaan xildhibaannada baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka. Sidoo kale, madaxdu waxay ku fashilmeen inay dhisaan nidaam garsoor oo lagu kalsoonaan karo lagagana maarmi karo in odayaashu soo dhexgalaan arrimaha garsoorka.
Doorasho iyo garsoor kaliya ma ahane, qodobkasta oo dowladnimada wanaag u noqon lahaa inay si dhammeystiran u hirgeliyaan waa ku fashilmeen. Meelkasta waxbaa qabyo ka ah Puntland, waxaan qabaa Puntland ilaa markii la aasaasay inaysan helin madaxweyne dhismaheeda si weyn isugu howla. Malaha dhanka dhismaha dowladnimada waxaa ugu dadaal badnaa Madaxweyne Faroole oo wax weyn ka qabtay qabyotirta qalfoofta dowladnimada ma se idlayn. Isagana waxaa dadaalkiisii kala dhantaalay macangagnimo shakhsi oo dadkii ku dirtay xitaa isaga oo wanaag wada, kalaqeybsan bulshada ka dhex-abuurmay iyo dowladdiisii oo gobollada qeybtood eedo ka tirsadeen, ma se xaqiijin karo inay wax ka jiraan eedahaas.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, Alle Ha U Naxariisto, inkastoo uu lahaa bilowga dhismaha hay’adaha dowliga ah balse wax badan kama qaban inuu ka shaqeysiiyo hay’adda dowladda, hankiisu markasta waa kasii jeeday Puntland. Madaxweyne Cadde Muuse, Alle Ha U Naxariisto, isna wuxuu maamuli waayay isu dheellitirka wixii dowladdii TFG ee Cabdullaahi hoggaaminayay ka rabtay Puntland iyo dhab ahaan waxa Puntland ku biirin kartay hayaankaas. Wuxuu isku dayay in Puntland ay bixiso wax ka badan wixii ay bixin kartay, dhabar jab weyn ayaana ku yimi dowladnimadii Puntland ilaa midnimadeeda bulsho iyo mideeda dhuleed ba uu dhaawac weyni gaaray. Wuu se ku ammaananyahay inuu garab istaag u muujiyay dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo federaali ah.
Madaxweyne Cabdiweli Gaas dadka la dhacsani waxay ku qiimeeyaan inuu horumarinta kaabayaasha-dhaqaalaha Puntland wax ka qabtay, waa waxqabad wanaagsan. Waxaa se xusid mudan, inuu fadhiid ka dhigay hay’adaha dowladda iyo inuu sii ballaariyay musuqmaasuqii hantidii umadda lagu hayay.
Madaxweyne Siciid Deni, inkastoo uu dhaliishii Cabdullaahi leeyahay oo uu kasii jeedo Puntland, waxbadan ayuu ka qabtay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda, dhismaha ciidamada, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor-u-qaadida miisaanka siyaasadeed ee Puntland. Nasiibxumo, waxqabadkiisii ugu micnaha badnaa ee ka dhabeynta hayaanka dimoqraadiyadda Puntland isaga ayaa ku dhuftay dhaawac uusan isagu xitaa hadda daweyn karin.

Xalka

Shaqada koowaad oo ay tahay in la qabto waa in wacyigelin ballaaran la sameeyo iyadoo odayaasha la tusayo inay bad ku dhexjiraan. Sidoo kale, waa in la abuuro wacyi bulsho oo suurtogelin kara in sida ay siyaasiyiinta u dhaliilayaan si lamid ah u dhaliilaan odayaasha dhaqanka maalinka ay galaan wax aan shaqadooda. Haddii xaaladdu saan ku socota odayaashana aan la sixin, waxaan ka cabsi qabaa inay iyaguna is gaarsiiyaan martibaddii culimadu ay isku difaaci jireen marka fikirkooda la dhaleeceeyo ee aheyd “Hilibka Culimadu waa suumeysanyahay”!

Waxaa kaloo baraarujin mudan in beeluhu marka koowaad ay isimada u xoola gooyaan, si looga hortago isin jeebka u gala nin siyaasi ah oo noqda makarafuun siyaasigu hadalkiisa dhexmarsado. Waana in beeluhu ay ka fiirsadaan dadka ay dhaqanka ka dhiganayaan oo aysan ku xulin inuu iyaga xaqooda usoo dhiciyo oo kaliya, ee waa in sidoo kale laga fiiriyo waxa uu ku darsan karo wanaagga guud ee bulshada.

Madaxda dowladda iyo siyaasiyiintana waxaa laga rabaa inay si dhab ah waqti u geliyaan dhismaha nidaamka dowliga ah iyo ka shaqeysiinta hay’adaha dowladda ee magac-u-yaalka noqday. Waa in la abuuro nidaam dowladeed oo lagu kalsoonaan karo loogana maarmi karo kaalinta siyaasadeed ee dhaqanka. 

Email: Abdullahisanco@gmail.com

Twitter @abdullahi_sanco