Friday, December 27, 2019

Faallo iyo Falanqeyn: Hadaljeedintii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ee PDRC Talks.


Hay’adda Cilmibaarista PDRC ee xarunteedu tahay magaalada Garoowe oo ah hay’adaha cilmibaarista Puntland ka jira tooda ugu facaweyn, ayaa waayadii u danbeysay bilowday madal-aragtiyeed lagu gorfeeyo doodo ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan arrimaha bulshada oo la qabto bishiiba mar ama ka badan.
Madashii 8aad oo cinwaankeeda laga dhigay XAALADDA GUUD EE PUNTLAND IYO DOORASHOOYINKA FEDERAALKA 2020/2021 uu martina ku ahaa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay [26/12/2019] ka qabsoontay xarunta hay’adda.
Lafagurid ku saabsan mudnaanshaha goobta hadaljeedintu ka dhacday, xiriirintii, hadaljeedintii madaxweynaha, waxyaabihii loo baahnaa ee uusan ka hadlin, nooca su’aalihii la weydiiyay & jawaabihii uu bixiyay, ayaan qoraalkaan ku sameyn doonaa. 
Mowduuca hadaljeedinta iyo muhiimaddiisa:
Cinwaanka barnaamijka la siiyay wuxuu ahaa mid aad u mudan oo waqtigiisii la joogay, maadaama ay bulshadu baahi badan u qabtay inay ogaato xaaladda deegaanka iyo sida ay xukuumaddaani rabto inay wax u maarayso oo ay u xalliso baahiyaha tiro beelka ah ee bulshadu la tacaalayso. Sidoo kale waxa ay hadaljeedintu diiradda saaraysay doorashooyinka federaaalka ee la filayo inay dalka ka dhacaan 2020/2021, maadaama aysan wali caddeyn nooca doorasho ee la qabanayo iyo inuusan jirin heshiis siyaasadeed dhexyaalla Puntland iyo Dowladda Federaalka ah, dadku aad ayay ugu dhegtaagayeen in madaxweynuhu iftiimiyo waxa Puntland ka qabto doorashooyinkaas iyo waxa la gudboon xukuumaddiisa siyaasad ahaan.
Madaxweynuhu ma abbaaray mowduucii hadaljeedinta?
Labada qeybood ee ay hadaljeedintu ka hadlaysay aan u kala qaadno si kala madaxbannaan.
Qeybta koowaad waxaa la rabay inuu madaxweynuhu ka hadlo xaaladda Puntland iyo dhibaatooyinka deegaanka kajira, madaxweynuhu cinwaankaas waa dhinac maray wuxuuna waqti dheer geliyay ka hadlidda sooyaalkii Puntland iyo geeddi-socodkii uu soo maray hanaqaadkeedu! Waa cashar muhiim ah balse aan ka turjumayn mowduucii lagu ballansanaa ee bulshadu rabtay inay wax ka ogaato. Waaqica nololeed ee dhibka badan oo bulshada Puntland kujirto waxba ka tari maayo in looga sheekeeyo sooyaalkii dowladdooda. Waxyaabihii muhiimka ahaa ee uusan soo hadalqaadin hoos ayaan ku falanqeyn doonaa.
Qeybta labaad oo ku saabsanayd doorashooyinka federaalka, madaxweynuhu si fiican ayuu u abbaaray intii u muuqatay walow uusan aad ugu dheeraan, waxa aanna is iri wuxuu u gaabsaday maadaama aysan caddeyn nooca doorasho ee la aadayo iyo sharcigii doorashada oo aan diyaar ahayn, aad buu isaga ilaaliyay in hadallo uga dhacaan sida hadalladii ka dhacay madaxweynihii ka horreeyay isaga Cabdiwali Gaas oo ay hadaladiisu si joogto ah isu burin jireen.
Goobta hadaljeedinta iyo Xiriirinta:
Xarunta PDRC oo ahayd barta hadaljeedintu ka dhacaysay waxa ay ahayd meel ku habboon in barnaamijkaan lagu qabto, adeegyada xarunta laga heli karo iyo ciddii baahi gaar ahi qabsato say caawinaad u heli karaan oo goobta laga sheegayna waxay ahayd tillaabo qurux badnayd.
Dhaliisha ay goobtu lahayd waa iftiinka oo ku yaraa, ayna adkayd in qeybaha danbe la arko marka aad muuqaal-baahiyaha ka daawanaysid, intaasna inay xalliyaan ayaan u rejaynayaa.
Xiriirinta barnaamijku aad bay u qurxoonayd, balse waxaa dhaliil ka muuqatay sida ay dadka su’aalaha ugu qeybinayeen oo dheelli kujiray, waxa aan ka rejayn inay dhaliishaan cashar ka dhigtaan.
Waxyaabihii loo baahnaa ee uusan ka hadlin.
Madaxweynuhu wuxuu ilduufay ama ku-talogal uga tagay ka hadalidda arrimahaan soo socda.
Xaaladda waxbarashada Puntland: 
Madaxweynuhu kama uusan hadlin adeegyada waxbarashada ee Puntland ka jiray hortiis iyo waxay ku dareen mudadii ay xafiiska joogeen. Dhanka waxbarashada qodobka muhiim ah ee dadkoo dhammi sugayeen inuu ka hadlo waa khilaafkii imtixaanka iyo shahaadada ee dhexmaray DFS iyo Puntland, waxaa shahaadooyin la’ arday 5kun kor u dhaafaysa oo la rabay inay Garoowe shahaado ka qaataan, waxa aad isu dhimay tirada ardaydii deeqaha waxbarasho dibadeed heli jiray, majirto wax wadahadal ah oo laga galay arrimahaan oo madaxweynuhu sheegay, marka laga reebo in su’aal la weydiiyay isaga oo ka jawaabay uu sheegay inaysan wadahadal ka galayn wixii sharci ah.
Sannadka danbe isla dhibaatadaas ayay wajihi karaan ardayda cusubi haddii aan xal la gaarin, mana muuqato xal ay xukuumaddiisu raadinayso iyo fursad ay u hayaan ardayda.
Xaalad Puntland kajirta oo arrintaas ka culus ma ay jirto, waana la yaab sababta uu madaxweynuhu isaga indhotiray!
Xaaladda caafimaadka:
Puntland kama jiro wax isbitaal dowladeed ah oo laga heli karo adeeg caafimaad oo dhammaystiran, sidoo kale wuxuu dayac baahsan haystaa daryeelka hooyada iyo dhallaanka. Xaaladdaanna madaxweynuhu waa iska indhotiray, mana muuqato wax laga qabtay mudadiii ay xilka joogtay xukuumaddiisu,  Oxygen la’aan iyo dhiigbax ayaa loogu dhintaa isbitaallada Puntland.
Xaaladda degmada Eyl:
Xaaladda degmada Eyl iyadu waxa ay u muuqataa looma-ooyaan iyo nin aamusan hooyadiis qadisay, cid arrinkaas ka hadashay oo aan ahayn xildhibaanno xog-waraysi degmada u tagay ma jiraan.
Waxaa burburay qeybo kamid ah waddooyinka laga soo galo magaalada, taasoo sii xumaynaysa xaaladda deegaanka iyo bulshada oo haddaba la daalaa-dhacaya dhibaatooyin adeegxumo dowladeed oo ballaarran. Ma jirto wax qorshe muuqda ah oo xukuumadda uga qorshaysan hagaajinta waddooyinka iyo gargaar u fidinta bulshada, madaxweynuhuna masoo hadalqaadin.
Burburka iyo shaqoxumada kaabayaasha dhaqaalaha:
21sano oo ay Puntland jirtay majirto wax laga qabtay hirgelinta waddooyin cusub oo isku xira gobollada dalka marka laga reebo wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo howsheedu socoto. Iska daa in waddo cusub la dhisee tii hore ee laga dhaxlay dowladdii kacaanka ayaan xil la iska saarin daryeelkeeda iyo ilaalinteeda.
Roobabkii ugu danbeeyay ee da’ayay ayaa wadada Boosaaso-Garoowe ka gooyay meelo badan, inkastoo shirkadda CCECC la yiri waa dayactiraysaa haddana madaxweynuhu arrinkaas hadaljeedintiisa kagama hadal iyada oo faahfaansan iyo goorta la dhammayn doono dayactirkaas maadaama xaalku sii xumaan karo haddii roobab kale da’aan.
Dhismihii qabyada ahaa ee wadada Garoowe-Gaalkacyo isna majirto shaqo ka socota, shirkaddii qandaraaska wadada lagu siiyay sharcidarradana wali lagama qaadin mashruucii ay ku fashilmeen.
Puntland garoomaha diyaaraduhu waxay ka noqdeen baahiyaha koowaad meelkastana waxaa laga dhisay gegi aan la aqoon waxa ku degi doona iyo waxa ka duuli doona toonna. Laga bilaabo Boosaaso, Garoowe ilaa Gaalkacyo waxaa ku yaal garoomo lacag badani gashay dhisidooda balse aan wax xil ah la iska saarin hagaag-u-shaqeyntooda marka laga reebo garoonka Garoowe, garoonka Gaalkacyo shaqadiisii aad bay isu dhintay diyaaradihii ka degi jirayna waa ka wareegeen, garoonka Boosaaso waa kan ugu weyn gegi diyaaradeed oo Puntland ku taalla balse shaqo ahaan waa kan ugu liita!
Amniga Boosaaso, collaytanka ganacsatada iyo gadoodka maleeshiyaadka beelaha:
Magaalada Boosaaso oo ah isha ganacsiga Puntland iyo meesha dowladdu ka hesho dakhligeedda ugu badan, waxaa hareeyay dhibaatooyin amni oo intooda badani ku salaysan colaad ka dhalatay is-haysi iyo xifaaltan ganacsato ma-naxayaal ah iyo kacdoonno maleeshiyaad. Muddo dhaweyd waxaa magaalada amnigeeda khatargeliyay dhallinyaro ciidamo ah oo magaalada xoog ku galay askarna ku laayay kantaroolka magaalada, inkastoo markii danbe magaaladii lagaga saaray xal isimo keeneen wali ma muuqato in wax laga qabtay tabashadoodii maadaama ay dhowr beri ka hor joojiyeen isu-socodka gaadiidka.
Waa arrin ay ahayd in si furan looga hadlo, degdegna loo xalliyo intaysan dabo-dheeraan balse hadaljeedintii madaxweynaha laguma soo hadalqaadin.
Heshiisyada xukuumaddaani galayso iyo heshiishkii dekaddda Boosaaso & DP World:
Xukuumaddii madaxweyne Cabwali Gaas heshiis aan waxba laga ogeyn oo sidii miro barde loo liqay ayay la gashay shirkadda DP World oo lagu wareejiyay maamulka dekadda muddo 30sanadood ah iyadoo laga rabay inay dekadda ballaariyaan. Wali waxba lagama qaban ballaarintii dekadda, dibna looma eegin heshiiskii DP World.
Sida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo-daareed sheegay wuxuu xilkiisii ku waayay ka hadlidda iyo dabagalidda heshiisyada xukuumaddu galayso. Jiritaanka hadalkaas iyo aamuska xukuumaddu wuxuu dab kusii shidayaa welwelkii laga qabay heshiisyada lala galayo shirkadaha shisheeye oo ay ugu danbeeyay kii lala galay shirkadda Frontier Service Group.
Xaaladda Garsoorka Puntland:
Madaxweynuhu kama hadlin tayodarrada nidaamka garsoorka Puntland haraysay taasoo sababtay in beelaha qeybtood meelo kale looga gacan haatiyo iyo in xukunka kiisas dacwadeedku qaataan waqti dheer oo tacaddi ku ah dhibbanayaasha. 
Hirgelinta maxkamadda dastuuriga ah wuxuu sheegay inaysan muhiim ahayn, taasoo loo fasiran karo inuusan dhisi doonin, waana tillaabo dhaawac ku noqon karta rejada laga qabo nidaam dimuqraadiyadeedka doorasho ee la hiigsanayo!
Xiriirka madaxweynaha iyo kooxda Aaranjaan:
Laga soo bilaabo ololihii doorashada Puntland 2018, waxaa si baahsan usoo baxday awoodda ay leeyihiin koox ganacsato ah oo u abaabulan inay talada dalka gacanta ku dhigaan iyaga oo ku bixinaya qiime kasta oo ay ku heli karaan. Guushii madaxweyne Deni kadibna waxaa sii korodhay awooddii kooxdaas oo lagu eedaynayo inay madaxweynaha talada la hayaan oo waxkasta rabitaankooda ku socdo!
Madaxweynaha waxaa laga rabay inuu kooxdaas iska beri yeelo haddaysan talada lahayn balse aamuskiisu wuxuu caddeyn u yahay run ahaanshaha arrintaas.

Nooca su’aalihii la weydiiyay iyo jawaabihii madaxweynaha.
Dadka su’aalaha weydiinayay waxaa ka dhexmuuqday tiro dad ah oo madaxweynaha siyaasadda xukuumaddiisa sax iyo khaladba Facebook ka difaaca, inkastoo qeybtood su’aalo macquul ah weydiiyeen balse inta badan xaaladda Puntland ee cakiran waxba kama aysan weydiin. Waxaa iyana welwel i gelisay in dadkii waxgalka ahaa ee meesha joogay badankood aysan su’aalo weydiin madaxweynaha, qof goobta joogay ayaa ii sheegay in dadka gacmaha taagayay oo su’aal weydiinta rabay ay u badnaayeen taageerayaal, baqdin ayaa haysata bulshada oo qofkii hadallo adag laga dareemo dhaqaale ahaan ayaa loo weerari karaa haddii lagu dhici waayo hanjabaad toos ah in loo diro.
Jawaabaha uu madaxweynuhu bixinayay waxaa ka muuqatay intooda badan degganaan iyo xog-ogaalnimo balse waxaa jira qofkii aad ugu sii fiirsada dhowr su’aalood oo sida madaxweynuhu uga jawaabay aad ka dareemayso wacyixumo madaxweynaha haysa, waxa aan dooddaas ku kabayaa warcelin uu madaxweynuhu ka bixiyay weydiin uusoo jeediyay Maxamed Xasan barre oo ahayd “ Dastuurka Puntland waxaa ku qoran in Puntland u madaxbannaantahay arrimaheeda dibadda inta laga helayo dastuur ay leedahay JFS oo lagu ansixiyay afti dadweyne” arrintaas ma laga tiray dastuurka?
Madaxweynuhu wuxuu ku jawaabay “ma garanayo dastuurkii la xaday ee la sheegi jiray inay ku jirto iyo inay kan kujirto” waa jawaab ay ka muuqato inuusan madaxweynuhu warba u hayn dastuurka oo ay arrintaasi qodobadiisa hore ku xusantahay! Waa arrin laga yaxyaxo dowlad aan madaxweyneheedii aqoon dastuurkeeda!
Qodobkaas dastuurka kujira inuu saxanyahay iyo inuu khaldanyahay waa dood kale, anigu se waxa aan qabaa inuu qodob khaldan yahay.
Su’aal kale oo madaxweynaha laga weydiiyay nidaamka awooodqeybsiga 4.5, jawaabtii uu ka bixiyay waxaa iyana laga fahmi karaa degganaanta madaxweynaha iyo siduu uga fiirsanayo ballanqaadyadiisa, in badan ayuu ku saxnaa inuusan go’aan degdeg ah arrintaas ka qaadan waayo ma ahan go’aan Puntland kaliya u yaalla.

Ugu danbeyn, waxa aan ku bogaadinayaa xarunta PDRC sameynta PDRC Talks, inay madaxweynaha Puntland keentay iyo inay xil iska saareen xulashada mowduuc aad muhiim ugu ahaa bulshada deegaanka. Waxa isna bogaadin mudan madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo soo ajiibay casumaadda barnaamijkaan.
Mahadcelin ayaan u dirayaa maamulka iyo shaqaalaha Puntland TV oo si wanaagsan noogu soo tabiyay muuqaalka barnaamijka.

Thursday, September 28, 2017

MAXAA KA QALDAN DHAQAALAHA PUNTLAND?!




Puntland waa maamul jirsaday 19 sano oo laga filan karo maanta inuu sameeyay horumar dhankasta ah anoo middaas ka duulaya ayaan rabaa inaan soo qudbiyo warbixin ku saabsan dhaqaalaha Puntland . Qoraalkaan waxaan si gaar ah diiradda ugu saari doonaa 19 sano kadib maxay yihiin caqabadaha haysta dhaqaalaha Puntland? Iyo sidoo kale talo soo jeedin aan ku darsanayo oo aan is leeyahay waa lagu xallin karaa caqabadahaas.
Runtii ma yara caqabadaha haysan kara dhaqaalaha dhul ku yaalla dunida saddexaad oo haddana ku dhexyaalla waddan intiisa badan aysan kajirin amni lagu abuuri karo horumar dhaqaale oo xasiloon. Anoo arrimahaas oo dhan ogsoon ayaan qoraalkaan kusoo bandhigayaa caqabadaha haysta dhaqaalaha Puntland.

1.      Dhaqaale koror curyaan ah.
Caqabadda koowaad ee haysata dhaqaalaha Puntland waa dhaqaale koror hooseeya (Weak Economic Growth). Sida ku cad qorshaha horumarinta Puntland ee 5ta sano (Puntland Five Year Development Plan) dhaqaalaha Puntland wuxuu sameynaa kor u kac 3% taasoo ah wax aad u hooseeya oo aan laga filan karin maamul 19sano jirsaday oo intaas haystay xasilooni amni oo aasaas u noqon kartay in la helo horumar dhaqaale.
Waxsoosaarka Puntland (GDP) sida ku cad shaxdaan hoos ka muuqata si gaabis ah ayuu u siyaadayaa
GDP Growth
Year
GDP ($)
GDP PPP ($)
2014
2,027,938,434
8,111,753,734
2015
2,129,335,355
8,517,341,421
2016
2,235,802,123
8,943,208,492
2017
2,347,592,229
9,390,368,917
2018
2,464,971,841
9,859,887,362
Source: MoPIC, 2011b

2.      Miisaaniyadda Dowladda oo liidata (Weak government budget).
Caqabada labaad oo haysata dhaqaalaha Puntland waa miisaaniyadda oo ah mid aad u liidata taasoo badday in waddanku markasta uu kujiro is-dhin miisaaniyadeed (Budget deficit). Halka inta badan qeybaha dowladdu ay galayaan kharashaad tirobadan oo qeybtood ay yihiin wax laga maarmi karo.
Shaxdaan hoose ayaa muujinaysa isbarbardhigga dakhliga iyo kharashaadka dowladda.
Government Expenditure and Revenue
Year
Government Expenditure
Government Revenue

2014
42,175,617,430
41,245,286,548

2015
44,284,398,302
42,895,098,010

2016
46,498,618,217
44,610,901,930

2017
48,823,549,128
46,395,338,007

Source: MoPIC 2011b
Waxaad ka garan kartaan shaxdaan sida kharashka dowladdu uu uga badanyahay dakhliga dowladda. Mana jiro waddan horumar dhaqaale gaari kara isaga oo kujira is-dhin miisaaniyadeed (Budget deficit).

3.      Liidashada hab-maamulka cashuurta.
Cillada kale oo haysata dhaqaalaha Puntland waxa waaye hab maamulkii cashuurta oo aan fadhiyin. Waa sax waanku taageersanahay dowladdu inay qaaddo cashuurta waajibka ay ee ay tahay in la qaado laakiin waxa aan ku dhaliilsanahay dowladda habka cashuurtaas loo maamulo oo aan ahayn mid habboon. Haddii dowladdii ka cabanayso is-dhin miisaaniyadeed isla jeerkaasna ay maamuli la’dahay ilihii dakhligeeda kuwii ugu muhiimsanaa waxay caddayn u tahay inaan wali ka fognahay heer aan ku riyoonno horumar dhaqaale oo taabbagal ah.

4.      Tiro koob la’aan shacabka ah.
Tirakoobka dadku wuxuu muhiim u yahay dowladnimada iyo horumarka labadaba. Sida anigu aan qabo, dad badan oo dhaqaalaha bartayna ay qabaan korodhka bulshadu wuxuu saameyn togan kuleeyahay horumarka dhaqaalaha iyo waliba taabbagalinta dowlad wanaagga.
Dowladda Puntland 19sano kadib maanta majiro tirokoob si sax ah shacabkeeda loogu sameeyay wallow ay jiraan tirokoob ay hay’ado gaar ahi sameeyeen oo anigu aan dhaliilsanahay sax ahaanshahooda iyo tirokoob yo aan dhammaystirnayn oo dowladdu sameysay.
Tirkoobku wuxuu ina ka caawinaya in dadka raba inay waddanka maalgashtaan ay helaan tirsi ay ku go’aan qaadan karaan. Sidoo kale ganacsatada waddankuna inay fahmaan deegaanku intuu ganacsi qaadi karo iyo meelayoowga ay ka heli karaan dad farobadan oo wax iibsada.

5.      Shaqo abuur la’aanta da’yarta.
Anoo tixraacaya warbixin ay soo saartay qaramada midoobay, heerka shaqo la’aanta kajirta Soomaaliya waa mid kamid ah kuwa ugu sarreeya adduunka ku dhawaad 67% ayaa shaqo la’aan ah dadka da’doodu u dhexayso 14 ilaa 29 sano. Halka 61% raga ah iyo 74% dumarka ah ay shaqo la’aanyihiin. Sida cad waa dhibaato weyn arrinta shaqo la’aan.
Dhibaatadaas shaqo la'aanta Puntland waxay la wadaagta soomaalida kale waase arrin lama huraan ah in la xalliyo.
Halkan ka aqriso qoraal aan horay uga qoray shaqo la’aanta (http://cabdullahi-sanco.blogspot.com/2016/12/baagamuuddo-iyo-burbur-dhaqaale.html)

6.      Sicir bararka
Sicir barar ku wuxuu caqabad weyn ku yahay dhaqaalaha Puntland
Jaantuskaani wuxuu muujinayaa sicir bararka Puntland ka jiray sanadihii lasoo dhaafay si gaar ah wuxuu farta ugu godayaa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Haddaan si guud u fiirinno sicir bararka Puntland sida ku cad jadwalkaan 2006 wuxuu ahaa 29.72% waxayna ahayd markuu ugu yaraa wixii intaas ka danbeeyay wuxuu kujiray heehaab uusan meelna ku xasilnayn. Wuxuu gaaray heerkiisii ugu sarreeyay sannaddii 2010 (July-September) 140.43%.
Sida aad uga jeedo jaantuskaan sicir bararka kajira Puntland waa mid aad xasiloonida uga fog wuxuuna caqabad ku ahaan doonaa dhaqaalaha ilaa inta xukuumadda deegaanka kajirta ay keenayso xal lagu xasilayo.
Halkan ka daalaco maqaal aan ka qoray sicir bararka (http://cabdullahi-sanco.blogspot.com/2016/11/silic-iyo-sicir-barar.html)

7.      Sarrifka lacagaha qalaad.
Sarrifka lacaguhu waa mid kale oo kamid ah caqabadaha ugu waaweyn oo Puntland haysta, maadaama aysan jirin dowladda dhexe oo tayo badan isla markaasna aysan jirin cid maamulaysa siyaasadda lacagta waddanka waxaa wax fudud iska noqotay in ganacsatadu ay noqdaan kuwa jaangooya sarrifka lacagaha oo markay doonaan bay kor u qaadaan markay doonaanna hoos ayay u dhigaan.
Jaantuskaani wuxuu ina tusaya  sarrifka billaha ah ee $1 inta uu u dhigmo So. Sh

Sida ku cad jaantuskaan 2001 bishii January $1 waxaa lagu sarrifi jirey 13,000 so. Sh, oo ahaa qiimo hoose marka loo barbardhigo sannadaha ka danbeeya. Sannadkii 2008 ayay ahayd markii Puntland uu shillinku gaaray heerkiisii ugu xumaa iyadoo la gaaray in $1 lagu sarrifo lacag 40,000 so. sh ku dhow oo ahayd 38,000 so. Sh.
Sida jaantuskaani sheegaayo sarrifka lacaguhu ma ahan mid fadhiya ee waa mid si xowli ah isu bedbedlaya taasna waxay caqabad ku tahay dhaqaalaha deegaanka, haddii aan xal loo helinna waa adkaan doontaa in horumar dhaqaale oo miro dhal ah la helo.

8.      Isu dheelli tirnaan la’aanta wax-soo-dhoofitaanta (import) iyo wax-dhoofinta (export).
Caqbad kale oo weyn oo Puntland haysata waxa waaye wax soo dhoofinta (import) iyo wax dhoofinta (export) oo aan isu dhammaystirnayn bal xitaa aan isu dhaweyn. Waxaan soo dhoofsannaa 78% halka aynu dhoofinno kaliya 22%.
Maadaama waxbadan aan soo dhoofsanno wuxuu waddankeenu kujiraa markasta is-dhin ama khasaare ganacsi (trade deficit) way na adagtahay inaan horumar dhaqaale ka fakarno inta xaaladdu saan tahay waana arrin u baahan in wax laga qabto ayna ku fashilmeen xukuumadihii deegaanka soo marayi inay wax ka qabtaan.
Source: MoPIC, 2011a
9.      Kaabayaasha dhaqaalaha oo yar
Caqabad kale oo deegaanka haysata ayaa ah kaabayaasha dhaqaalaha oo aad ugu yar maadaama dowladdii Maxammed Siyaad AUN ay deegaankaan u aqoonsanayd gaariwaa isla markaasna aysan uga tagin kaabayaal dhaqaale oo fara badan. Si kastoo ay tahay xukuumadihii Puntland soo maray waxay xil weyn iska saareen sidii loo heli lahaa kaabayaal dhaqaale oo horumarsan, xukuumaddaan Cabdiweli Gaas ba ha ugu fiicnaatee dhammaantood waxbadan ayay ka qabteen dhankaas wallow ay tahay wali caqabad taagan oo si ku filan aan loo xallin.

10.  Soo dejinta qaadka.
Dhibaatada kale ee deegaankaan haysata waa qaad oo ka mid noqday cunnooyinkii caadiga bal wuxuu ka isticmaal badanyahay cuntooyinka qeybtood.
Maadaama deegaanka uusan qaad ka bixin waxaa laga keenaa waddamada deriska ah Ethiopia iyo Kenya lacag farabadan ayaana kaga baxda dadka deegaanka oo ay wax kale ku qabsan lahaayeen.
Sidoo kale waxa aan indhaha laga qarsan karin in qaadku uu yahay il dakhli oo dowladda lacag badan oo cashuur ahi kasoo gasho, wallow khasaarihiisu uu ka badanyahay faa’iidadiisa.

11.  Suuqyada maaliyadda oo aan firfircoonayn.
Wallow sannadihii ugu danbeeyay uu kobcay suuqa bangiyadu haddana wali ma gaarin heer ku filan. Puntland si ay ula jaanqaaddo horumarka dunida kale gaartay waa inay kajiraan bangiyo bixin kara dhammaan adeegyada loo baahan karo oo lagama maarmaanka u ah ganacsiga iyo nolosha.

TALO SOO JEEDIN.
Waxaan talo ahaan kusoo jeedinayaa:
1.      Dowladdu inaysan sameyso shaqo abuur si loo xalliyo dhibaatada shaqo la’aanta isla markaasna tillaabo horay loogu qaado horumarinta dhaqaalaha.
2.      Dowladdu waa inay dib u eegis iyo sixitaan ku sameysaa miisaaniyadda ay dejiso isla markaasna ay hubisaa in meelkasta loo qoondeeyay kharashkii ku habboonaa maadaama miisaaniyadda hadda ay kajirto isu-dheellitirnaan la’aan weyn.
3.      Dowladdu waa inay dadaal iyo waqti gelisaa sidii loo tirokoobi lahaa shacabka Puntland taasoo sahli karta in qiimeyn dhab ah lagu sameeyo suuqa Puntland iyo tirada ganacsi ee uu qaadi karo ama laga hirgalin karo. Sidoo kale waxay sahlaysaa in la gaaro doorasho hal qof iyo hal cod ah.
4.      Dowladdu waa inay bangigeeda shaqadiisa u ogolaataa isla markaasna kula xisaabtantaa inuu xalliyay sicir bararka iyo sarrifka lacagaha iyo inkale. Sidoo kale dowladdu waa inay ka waantoowdaa dhaqan xumada maamul ee ah inay isku daydo in sicir bararka lagu xalliyo qori caaraddiisa isla markaana loo diro inay xalliyaan dad aan ehelkeedii ahayn.
5.      Dowladdu waa inay dhiirrigelisaa waxsoosaarka waddanka si loo yareeyo farqiga weyn is-dhin ganacsiyeedka ee jira.
6.      Dowladdu waa inay cilmi baaris rasmi ah ka sameysaa dhibaatada qaadka isla markaasna ay ka yeelataa siyaasad cad oo haddaan xitaa la joojin karin suurtogalin karta in labada dhinac ee heshiiska qaadku ka dhexeeyo ay si isu dhow uga faa’iidi karaan.
7.      Dowladdu waa inay dhiirrigelisaa bangiyada deegaanka ku yaal isla markaasna ay kuwo kale kusoo jiiddaa inay yimaadaan taasoo suurtogelin karna in la helo maalgalin dibadda inooga timaadda.

Ugu danbeyntii waxaa hubaal ah intaan in ka badan oo caqabado ah inay jiri karaan. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa WAR LA HEL YAABA TALO LA HEL caqabadaha aan qoraalkayga ku xusay dhaliil ma ahan ee waa inaa ogaanno meesha la ina ka hayo si aan u raadinno illinkii aan u mari lahayn xallinta dhibaatadaas.

TIXRAAC
MoPIC, 2013, Puntland Macroeconomic Projections, MoPIC, SIDP-IOM, August, Garowe
MoPIC, 2014, Puntland Five Year Development Plan 2014-2018, Garowe, Puntland
Puntland Economic Challenges and Future Possibilities by Mohamed Said Samantar, DPhil
Puntland’s Consumer Price Index  & Exchange Rate Regime January 2014 Retrieved on Aug 8

              







Tuesday, July 4, 2017

WAA KUMA JOHN MAYNARD KEYNES?

“When the facts change, I change my mind”- John Maynard Keynes

John Maynard Keynes wuxuu ahaa dhaqaalayahan reer ingiriis ah. Dadka qeyb ayaa soo weriya inuu ahaa diin laawe (atheist). Wuxuu dhashay 5 June 1883, wuxuuna ku dhashay Cambridge,England. Keynes qoyskiisu wuxuu ahaa dabaqadda dhexe, wuxuuna ahaa ilmaha qoyska ugu weyn. Aabbhiiis John Neville Keynes wuxuu ahaa dhaqaalayahan ka tirsan jaamacadda Cambridge, hooyadiisna waxay ahayd Florence Ada Keynes oo iyaduna ahayd qof ka shaqaysa arrimaha bulshada. Keynes wuxuu helay jacaylkii iyo daryeelkii caruurnimo ee uu u baahnaa.
Keynes wuxuu haystay mad-habka dhaqaalaha ee ah Keynesian school. Aasaaska mad-habkaas waxaa lahaa Keynes isagoo aragtiyihii qadiimiga ahaa u beddelay aragtiyo casri ah. Keynes wuxuu ahaa nin hal abuur badan wuxuuna qeyb ka qaatay sidii loo xallin lahaa jahawareerkii dhaqaale ee dunida soo maray kuwoodii ugu waaweynaa. Aragtiyaha mad-habka Keynesian waxay u badanyihiin kuwo ku keenay isbeddel togan iyo xasilooni dhaqaalaha dunida, taas ayaa keentay in dad badan oo dunida magac ku leh ay taageeraan mad-habkaas oo ay dhaqangeliyaan afkaartiisa. Dadka ugu caansan ee mad-habkaan taageera waxaa kamid ah labadii madaxweyne ee hore ee Maraykanka George W. Bush iyo Barack Obama. Iyo raiisul wasaarihii ingiriiska Gordon Brown.
Keynes wuxuu ahaa dhaqaalayahankii indhaha kusoo jeediyay muhiimadda ay leedahay inay dowladdu suuqa u faragashato si maangal oo ay saxdo halkii ay gacmaha ka laaban lahayd arrintaasna waxaa caddayn u ah oraahdiisii caanka noqotay ee ahay “In the long run we are all dead” oo nuxurkeedu yahay haddaysan dowladdu suuqa faragashan oo aysan sixin intuu suuqu isa saxayo dhammaanteen dhimannay.
Sidoo kale John Maynard Keynes waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay aabbaha aasaasay dhaqaalaha guud ee casriga ah  (modern macroeconomics).

Waxbarashadii Keynes
Keynes wuxuu ku qaatay waxbarashadiisii aasaasiga ahayd guriga kadibna wuxuu dhiganay St Faith's preparatory school intii u dhexaysay 1892-1897. Kadib Eton ayuu ku biiray isagoo ka helay deeq waxbarasho. Intuu Eton dhiganayay wuxuu muujiyay inuu aad ugu fiicanyahay xisaabta, iyo taariikhda. Sanadkii 1902 keynes wuu ka tagay Eton si uu aqoon dheeri ah usii doonto wuxuuna ku biiray King's College. Cambridge ayuu iyadana ka helay deeq waxbarasho halkaas ayuuna kasii watay barashadiisi xisaabta.
Alfred Marshall ayaa Keynes ku booriyay inuu dhaqaalayahan noqdo laakiin isagu wuxuu aad u xiisayn jirey falsafadda.
May 1904 wuxuu qaatay shahaadadiisii koowaad ee xisaabaadka. Keynes wuxuu ka qeybqaatay doodo farabadan wuxuuna sii waday inuu sii barto falsafadda sidoo kale na wuxuu qaatay muxaadarooyin dhaqaalaha ku saabsan.

Waxyaabihii uu Keynes soo siyaadiyay
Keynes wuxuu dhaqaalaha dunida kusoo kordhiyay aragtiyo, qoraallo iyo buugaag aad u fara badan.
Buugaagtii, aragtiyihii iyo maqaalladii saamaynta yeeshay oo uu qoray Keynes waxaan tusaale uga soo qaadan karnaa
1913 Indian Currency and Finance.

1915 The Economics of War in Germany.
1919 The Economic Consequences of the Peace.



1922 The Inflation of Currency as a Method of Taxation.
1923 A Tract on Monetary Reform
1925 Am I a Liberal?
1931 The Great Slump of 1930
1933 The Means to Prosperity.
1936 The General Theory of Employment, Interest and Money.

1937 The General Theory of Employment.

Shaqooyinkii Keynes
Keynes waxa uu la taliye u noqday hay’ado dhowr ah oo samafalka ka shaqeeya. Sidoo kale waxa uu agaasime ka noqday bangi la dhihi jirey Bank of England. Waxa uu noqday shaqaale rayid ah. Sanadkii 1911 Keynes waxa uu tifatire ka noqday joornaal dhaqaalaha ka faalloon jirey oo la dhaho ‘Economic Journal’. Isla sanadkaas waxa uu xubin ka noqday ‘Royal Commission on Indian Currency and Finance’. Kadib Keynes maadaama uu noqday qof caan ah dowladdii England ayaa soo wacday si uu kaalin uga qaato dagaalkii koowaad ee dunida. January 1915 Keynes waxaa laga shaqaalaysiiyay xafiis dowladeed. 1919 Keynes waxa uu u dallacay matale maaliyadeed “Financial representitative” isaga oo England u matalay shirkii nabadda ee Versailles “ Versailles peace conference”. Keynes intaas kadib waxa uu iska casilay shaqadii uu u hayay, isaga oo u wareegay dhanka qoraalka sanado kadibna waxa uu daabacay buugiisa ahaa ‘The Economic Consequences of the Peace’.

Noloshiisa gaar ka ah.

Keynes waxa uu ahaa nin laga roone ah wuxuuna ahaa ragga xiriirka la sameeyaa ragga kale (homosexuality). Sanadkii 1921 Keynes wuxuu jacayl u qaaday gabadh wadanka Ruushka u dhalatay oo la dhihi jirey Lydia Lopokova. Sanaddii 1925 ayuu guursaday gabadhii uu jeclaaday.

Dhimashadii Keynes
Keynes waxa uu ahaa nin howl badan waqti bandanna ma uusan gelin caafimaadkiisa sidaas darteed ayaa waxaa ku dhacay wadne xanuun daran.
Wadne xanuunkaas ayuu ugu dhintay Firle, East Sussex,UK markay taariikhdu ahayd 21 April 1946.

Qeyb kamid ah hadalladii Keynes ee dhaxalgalka noqdey.
Ideas shape the course of history.
Lung run is a misleading guide to current affairs. In the long run we are all dead.
I don’t know which makes man more conservative to know nothing but the present, or nothing but the past.
The importance of money flows from it being a link between the present and the future.
The political problem of mankind is to combine three things: economic efficiency, social justice and individual liberty.
People will do rational thing, but only after exploring all other alternatives.
Men will not always die quietly.