Horudhac
Shaqo la’aantu waa cudur ku dhaca dhaqaalaha waddanka, dhammaan
dhaqaaleyahannadu waxay isku raaceen inuu yahay cudur dilaa ah oo dhaqaalaha
dabarjari kara haddaan lagu xallin si degdeg ah, waxaan caad saarnayn heerka
shaqo la’aanta waddankeenna kajirta inay tahay mid kamid ah kuwa ugu xun ee
adduunka kajira.
Shaqo la'aantu (Unemployment; البطالة)
waa ammin uu qofku waayo fursad shaqo isaga oo shaqayn kara isla markaana
hayaan ugu jira helidda fursad shaqo.
Qeexiddaasi waxay caddaynaysaa in qofkasta oo aan shaqo haynin inuusan
shaqo la'aan ahayn.
Ereyga baagamuuddo kuma jirin dhaqankii hore ee Soomaaliyeed
maaddaama xilliyadii hore aynaanba aqoon micnaha shaqa la’aanta oo nin walba
noloshiisa baadiyaha ayaa u ahayd shaqo, malahayga in qof loo shaqeeyo ceeb
ayayba ahayd. Laakiin eraygaan shaqo la’aan wuxuu la dhasahy soo if-bixii
kacdoonkii warshadaha, haddana shaqo la’aantu waxay noqotay dhibaato caalami ah
oo dunida oo dhan si isku mid ah looga diraaseeyo, maaddaama loo arko in shaqa
la’aantu ay curyaamin iyo baabi’in isugu darto dhaqaalaha iyo horumarka
waddanka.
Aragtida Islaamku Ka Qabo Shaqo La’aanta.
Diinteenna islaamku waxay kasoo horjeeddaa shaqo la’aanta waxayna
aad u dhiirigalisay in qofku uu shaqaysto waxaana taas daliil u ah aayadda soo
socota iyadoo la isku amray in dhulka loo foof tago salaadda kadib iyadoo la
raadsanayo shaqo
قال
تعالى: {فَإِذَا قُضِيَتِ الصَّلَاةُ فَانْتَشِرُوا فِي الْأَرْضِ وَابْتَغُوا
مِنْ فَضْلِ اللَّهِ وَاذْكُرُوا اللَّهَ كَثِيرًا لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ}
[الجمعة: 10].
Rususha iyo anbiyada Alle
waxay ahaayeen kuwo shaqaysta waxaana tusaale kuugu filan in nabi Nuux cs uu
ahaa farayaamiiste, nabi idriis cs asna uu ahaa harqaanle sidoo kale nabigeenna
Muxammad NNKH wuxuu soo noqday ari jire intaan lasoo saarin ka hor. Dhammaan
tusaalayaashaani waxay na tusinayaan sida diinta islaamku u dhiirigalisay inuu
qofku shaqaysto.
Sidoo kale nabigeenna suubban NNKH waxuu mar walba ku adkayn jiray
asxaabtiisa in ay xoogooda isticmaalan sida xaddiiska ku cad, cunto waxa ugu
fiican tan aad gacantaada iyo dhididkaaga ku hesho. Sidoo kale waxa uu diiday
gacan hoorsiga amrayna in la shaqeeyo shaqadu haba yaraatee.
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: “ما أكل أحد طعاماً قط خيراً من أن
يأكل من عمل يده ، وإن نبي الله داود كان يأكل من عمل يده“
Heerka Shaqo La’aanta Soomaaliya.
Anoo tixraacaya warbixin ay soo saartay qaramada midoobay, heerka
shaqo la’aanta kajirta Soomaaliya waa mid kamid ah kuwa ugu sarreeya adduunka
ku dhawaad 67% ayaa shaqo la’aan ah dadka da’doodu u dhexayso 14 ilaa 29 sano. Halka
61% raga ah iyo 74% dumarka ah ay shaqo la’aanyihiin.
Markaan fiirinno warbixintaas waxaad dareemi kartaa heerka shaqo
la’aan ee kajirta dalkeenna oo runtii niyad jab iyo wel-wel ku ridday
dhallinteennii, waxaana lagama maarmaan ah in la ogaado dhibaatadan waxa
sababay iyo sida loo xallin karo.
Sababaha Shaqo La’aanta
Qofku markuu kufo waxaa habboon inuu kaco, kufitaankuna ma ahan
nolosha gabagabadeedii, haddaba, si aan u garranno daawada dhibaatada ina
haysata waa inaan diraasayno sababaha keenay dhibaatada.
Sababaha shaqo la’aanta keenay waxaa kamid ah:
1.
Hal
abuur la’aan
Shaqo la’aanta maanta dhallinyaradeenna haysata waxaa sababay hal
abuur la’aan maaddaama dhallinyaradu markay jaamacadaha kasoo baxaan ay ku
fakarayaan inay helaan shaqo NGO ama
hay’adeed ama mid dowladeed, taasi waxay meesha ka saartay in dhallinyaradu ka
fakarto inay la yimaadaan hal-abuur shaqo oo ay iyagu shaqo abuurtaan.
Shaqooyinka ka bannaan xafiisyadaasi ma qaadaan tirada ardayda hal jaamacad
dhammaysay, taa iska daayee xitaa ma qaadaan tirada ardayda hal kulliyad
dhammaysay, waxaana aan suurtogal noqon doonin marna in dhallintoo dhan ay
kawada shaqeeyaan xafiisyo haddii aan la helin hal abuur shaqo.
2.
Fursadaha
shaqada iyo shaqa doonka oo aan isu dheelli tirnayn
Fursadaha shaqada ka jira waddanka aad bay u yaryihiin marka loo
barbardhigo tirada dadka shaqada raadinaya oo ku sugan dalka. Isu dheelli
tirnaan la’aantaasi waxay sababaysaa inuu suququr galo fursadihii shaqada,
taasna waxay keenaysaa in dad badan fursado waayaan, sidoo kale na shirkadihii
waxay ku dhiirigalinaysaa inay mushaaraad yar dadka ku shaqaalaysiistaan
maaddaama qofku uu diyaar u yahay waxkasta oo uu kaga cararayo cadowga
baagamuuddada.
3.
Xirfad
xumo.
Dhallinyaradeenna waxaa haysata xirfad xumo taas ayaana sabab u ah
shaqo la’aantan baahsan, dunidaan manta aan joogno kuguma filna inaad shahaado
jaamacadeed kaliya heshaa laakiin waxaa muhiim ah inaad leedahay xirfado badan
oo aad ku kaabayso aqoontaada, tusaale haddii aad ka qalinjabisay kulliyada
"accounting" oo aadan lahayn xirfad kale marna ma heli doontid shaqo
maxaa yeelay majirto meel maanta looga shaqeeyo "manual accounting"
(accounting-ka gacanta lagaga shaqeeyo), laakiin waxaad u baahantahay ugu
yaraan inaad taqaano Quickbook, si lamid ah dhammaan maaddooyiinka kale xirfad
baad u baahantahay uma baahnid aqoon kaliya.
4.
Shaqaaleysiinta
shisheeye.
Sababta kale oo loo aanayn karo shaqo la’aanta kajirta dalkeenna
waa shaqaalaysiinta shisheeyaha, shaqooyin badan oo ay dhallinteennu qaban
karaan ayaa waxaa haya shisheeye taasna waxay dhaawac ku tahay
dhallinyaradeenna.
5.
Isla
waynida shaqo ee dhalinyarada.
Waxaa wax laga xumaado ah in dhallinyaradu ay maanta ka faanaan
shaqooyinka qeybtood iyaga oo waliba shaqo la’aan ah. Haddii ninkasta oo
dhallinyaro ah uu dhaho xafiis baan fadhiisan haddee ogow xafiiska ugu badan 10
qof ma qaado, haddaan dhamaanteen xafiis tagnana yaa qabanaya shaqooyinkii
kale?!! Tusaale waxaa kugu filan waxaan ka faannay dhismihii, kabalyeerigii,
doobbigii, huteeladii iyo kuwa la mid ah, dhammaantoodna ajnabi ayaa ka
shaqeeya maanta taasina waa dhaawac ay dhallintu naftooda gaarsiiyeen oo ay ku
burburiyeen fursadahoodii shaqo.
6.
Kororka
aqoonta iyo aqoonyahanada
Heerkii aqoonta bulshada iyo tirada aqoonyahanaduba way kordheen
sanadahan danbe taas na waxay sii badisay tartankii loogu jiray fursadaha
yar-yar ee shaqooyinka. Kororka ku yimaaday ardayda qalinjabinaysaana wuxuu sii
badiyay shaqo la’aantii maaddaama aysan jirin dowlad jihaynaysa dadka soo
qalinjabinaya.
7.
Kororka
kasoo guuritaanka baaddiyaha
Dhaqanka Soomaalidu wuxuu ka dab qaataa baaddiyaha si lamid ah
dhaqaalaha Soomaaliduna wuxuu ku tiirsanyahay xoolaha, laakiin waqtiyadaan
danbe waxaa muuqata ifafaale ah in dadku ay magaalooyinka kusoo xaroonayaan,
taasna waxay keenaysaa in guud ahaan dhaqaalihii hoos u dhaco iyo in heerka
baagamuudadu uu sii kordho, maaddaama aysan ka jirin wax shaqo abuur ah
magaalooyinkii.
8.
Musuqmaasuqa
shaqaalaysiinta
Habka shaqaalaysiinta waddanka oo ah mid ay hareeyeen musuqmaasuqyo
faro badan ayaa qeyb ka qaata korodhka shaqo la’aanta. Ma cadda inta badan
habka ay shirkaduhu u maraan shaqaalaysiintooda oo shaqo doonuhu wuxuu ka qabaa
shaki badan, iyadoo ayba waddanka ka jiraan shirkado caddaystay musuqa habka
shaqaalaysiintooda oo aan shaqaalaysiin nooc kamid ah bulshada. Taasna waxaa
kasii daran dowladdii la rabay inay howshaas wax ka qabato iyada ayaaba ah
meeshii hooyada u ahayd musuqmaasuqa.
9.
Amni
Xumo
Amni xumada waddankeenna ka jirtaa waa mid diidaysa in shirkado
badan oo caalami ah ay waddankaan maalgashtaan, sidoo kale waxay diidaysaa inay
waddanka yimaadaan khuburo badan oo dhallinyaradeennu ka baran lahaayeen
xirfado muhiim u ah shaqooyinka.
10.
Damiir
la’aanta maalqabeenka
Maalqabeenada soomaaliyeed ee dunida daafaheeda ku kala nooli waxay
awoodaan inaan malaayiin fursado shaqo ah waddankaan ka abuuraan, laakiin
masuuliyad iskama saarin middaas, taasna waxay niyad jabisay dhallinta. Iyadoo
tiirarka dhaqaalaha islaamku ku dhisanyahay ay kamid tahay xaq dhowrka
masaakiinta oo diin ahaan ah wax sharci ah ayaysan maalqabeenka Soomaaliyeed la
imaan hab shaqo abuur loogu sameeyo da’yartaan dayacan.
11.
Dowlad
xumo
Dowlad xumada ina haysta waa midda qaybta ugu badan ka qaadata
shaqo la’aanta. Qorshe shaqeedka dowladda ayay kamid tahay inay shaqooyin u
abuuraan da’yarta hadda soo qalinjabinaysa. Taas iska daayee dowladaha
Soomaaliya hadda kajira mid dhexe iyo mid gobolba way ku fashilmeen inay la
yimaadaan siyaasado shaqo abuur, iyagoo xitaa ku fashilmay inay bixiyaan
mushaaraadka dadka u shaqeeya iskadaa shaqaale cusub e.
12.
Dhaqaale
Xumo
Dhaqaale xumada haysata waddankeennu waa mid diidaysa in dhaqaaluhu
wax fursad shaqo ah abuuro. Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa goboladuna
waxay u awoodi la’ yihiin shaqo abuur iyo mushaarbixintoonna waxaa qeyb weyn ka
ah dhaqaale xumada walow musuquna uu qeybtiisa qaadanayo.
Saamaynta Shaqo La’aanta
1.
Shaqo
la’aantu waxay saamayn taban ku leedahay horumarka dhaqaale ee dalka, haddii
heerka shaqo la’aantu uu aad u sarreeyo marna ma suurtogalayso inaan helno
dhaqaale caafimaad qaba. Sidaa darteed baagamuuddadu waxay curyaamisay horukaca
dhaqaalaha dalka.
2.
Maaddaama
shaqo la’aanta ugu badan ee maanta dalka kajirta ay haysato dhallinyarada taas
waxay sababaysaa inay dhallinyaradii niyad jabaan oo ay ka lunto kalsoonidii.
3.
Shaqo
la’aantu saamaynta xun oo kale oo ay leedahay waxa waaye heerka faqriga
bulshada oo aad u siyaada, maaddaama aysan dadku shaqaynayn waxaa imaanaysa in
baahidu badato oo lagu dul noolaado qof shaqeeya ilaa heerka faqrigu uu gaaro
nooca faqri ee ugu xun "Absolute poverty" faqri sugan.
4.
Haddii
shaqo la’aantu badato sidoo kale waxaa hoos u dhacaya kaydka (saving) ka
bulshada oo waxaa la waayayaa qof wax kaydsada, taasna waxay curyaamin ku tahay
guud ahaan horumarka dhaqaalaha.
5.
Sidoo
kale shaqo la’aantu waxay keenaysaa hoos u dhaca heerka nolosha (standard of
living) ee bulshada.
6.
Shaqo
la’aantu waxay kaloo keenaysaa in
dhallintii ee ay waddanka ka niyad jabaan oo ay ka tahriibaan, saamayntaani waa
mid aan toos u aragno oo sanad kasta waxaa dalka kasii baxaya kumannaan dhallinyaro
ah oo waxbaratay taasna waxay sii xumaynaysaa in dhaqaalaheennu dib u soo
kabto, maaddaama xooggii shaqaalaha (Labor force) uu waddanka bannaanka uga
baxayo.
7.
Shaqo
la’aantu waxay kaloo ka qeyb qaadataa amni darrada dalka maaddaama dadku aysan
haysan waxay cunaan iyo waxay ku noolaadaan, waxay isku dayayaan inay
adeegsadaan sifo kasta oo ay waxku heli karaan ha ahaato dhac, boob ama
tuugnimo. Dhammaan falalkaasina waxay dibindaabyo ku yihiin amniga dalka.
Shakina kuma jiro in haddii amnigu xumaado ay waxkasta oo kale xumaanayaa.
8.
Sidoo
kale baagamuuddadu waxay sababtaa in bulshadu ay kala sara marto oo ay kala
noqdaan dabaqado kala duwan, taasna waxay mustaqbalka keenaysaa cadaawad iyo
dagaal dhexmara hantiilayaasha iyo baahanayaasha.
9.
Ugu
danbayn waxaan is leeyahay shaqo la’aantu waxa kale oo ay sababtaa caafimaad
darro ay ugu horrayso waallidu. Markasta oo uu qofku shaqo la’aan ahaado oo ay
baahi qabato waxaa qasab ah inuu fakaro oo wareero oo uu garan waayo meel uu
wax ka raadsho taas oo ugu danbayn dhasha waalli iyo xanuuno kale oo fara
badan.
Xalka Shaqo La’aanta
Aragtidayda Cabdullaahi ahaan waxaan is leeyahay haddii la fuliyo
dhowrkaan qodob shaqo la’aanta waa la yarayn karaa:
1.
Dhiirri
galinta hal abuurka:
Dhibaatada shaqo la’aanta waxaa lagu yarayn karaa in da’ yarta soo
qallinjabinaysa lagu dhiirrigaliyo inay la yimaadaan fikrado ganacsi oo ay
iyagu leyihiin halkii ay shaqo ka sugi lahaayeen cidkale shaqadaan
dhiirigallinta halabuurka maanta waxaa aad uga qeybqaadan kara bangiyada
wadanka kajira.
2.
Kor
u qaadka waxsoosaarka
Sidoo kale waxaa dhibaatadan lagu xallin karaa inay dowladuhu iyo
bangiyadu dhiirigaliyaan waxsoosaarka dalka, in la gacan qabto ganacsatada yar
yar iyo in la abuuro warshado yar yar oo ka shaqeeya waaxyaha dhaqaalaha
(Economic sectors) ee uu waddanku hodanka ku yahay sida warshadaha kalluunka,
beeraha iwm.
3.
Maalgashi
iyo fursad abuur.
Dhibaatadan waxaa kale oo lagu yaran karaa in waddanka laga
hirgaliyo maalgashi ha ahaado maalgashi ay sameeyaan hantiilayaasha waddanka u
dhashay ama ha ahaado maalgashi shisheeye. Maalgashigaasi wuxuu hirgalinayaa
helitaanka fursado shaqo oo ku filan shaqo doonayaasha halkaas ayayna ku
yaraanaysaa shaqo la’aantu. Sidoo kale waxaa la rabaa bangiyadu inay qeyb ka
qaataan fursad abuuridaan, waxaa kaloo qeyb muhiim ah hada qaadanaysa bahda
fikirka fursad fund oo ah waddo kale oo shaqo la’aanta yarayn karta
4.
Dib
u eegis lagu sameeyo shaqaalaha
Waxaa muhiim ah in dib u eegis lagu sameeyo shaqaalaha ka howlgala
laamaha dowladaha oo la baddalo shaqaalaha howlgabka ah si ay fursad u helaan
da’yarta soo qallinjabinaysa. Waxyaabaha yaabka leh ee kajira waddankeenna waxaa
kamid ah inay jiraan xilal la iska dhaxlo oo haddii qofkii hayay xitaa dhinto
reerkii ay qofkale keensadaan iyadoo dadkii booskaas qaban lahaa ay
dhoobanyihiin fadhi kudirirka oo halkaas busaarad ku dishay.
5.
Yaraynta
shaqaalaha shisheeye
Anoo og inaan maanta ku noolnahay adduun casri ah oo qofku meeshuu
doono ka shaqaysan karo, haddana waxaa muhiim ah in dalkeenna aan ka yarayno
shaqaalaha shisheeye ee qabanaya shaqooyin ay yaqaanaan muwaaddiniinta waddanka
u dhashay. Waxaana habboon in xeer laga soo saaro arrintaas, yaraynta
shaqaalaha shisheeye waxay dheef u tahay shaqo helitaanka dhallinteenna.
6.
La
daggaalanka musuqmaasuqa.
Anoo tixraacaya cilmi baadhis ay samaysay jaamacaddaydu
(PSU-GAROWE) waxaa kajira musuqmaasuq faro badan dowlad goboleedka Puntland
waxaana hubaal in maamulada kale ee Soomaalidu aysan dhaamin Puntland ee laga
simanyahay musuqmaasuqa. Haddaba Dabarjaridda musuqmaasuqa iyo la
dagaallankiisu waxay muhiim u tahay inaan ciribtirno baagamuuddada. Hirgalinta
hab shaqaalaysiin habboon waxay dhiirigalin u tahay shaqo doonayaasha waxayna
niyadda ku dhisanayaan inay shaqo heli doonaan halka musuqmaasuqa, qabyaaladda
iyo eexdu ay cadow u yihiin hanka iyo himilada aadanaha shaqo doonaha ah.
7.
Dhisidda
xirfadaha dhallinta iyo kor u qaadidda dugsiyada farsamada.
Shaqo la’aanta faraha badan ee dalka kajirta waxaa sababaheeda
kamid ah saan kusoo sheegay xirfad xumo. Haddaba, si aan dhibkaas u xallino
waxaa lama huraan inaan kor u qaadno goobaha lagu barto farsamada si loo helo
dhallinyaro aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba dhisan oo aan dhaliil lahayn.
8.
Hirgalinta
layliyo khibrad helid ah (Internship Programs)
Dhibaatooyinka kale ee waaydan danbe soo baxay waxaa ugu weyn in
markii shaqada lasoo dhajiyo lagu xiro ardaygii hadda soo qallin fulay waayo
aragnimo 5sano ah taasna waxay nabar ku noqotay da’yarta. Haddaba si loo
yareeyo dhibaatadan waa in dowladda dhexe ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada
iyo ganacsataduba ay xoogga saaraan sidii loo siin lahaa da’yarta fursado ay
ugu shaqeeyaan iskaa wax u qabso ah (Voluntary) taasoo dhallintu ay ka heli
doonaan waayo aragnimo ay ku darsadaan CV-ga oo ka caawisa helitaanka fursado
shaqo oo sugan iyo inuu fahmo goobaha shaqada sida looga shaqeeyo.
Gabagabo
Aad baad ugu mahadsantahay inaad qoraalkan aqrisay oo aad galisay
waqti badan! Mahadsanid!
Waxaa qorey qoraal cilmiyeedkaan:
Cabdullaahi Abshir
Muuse Sanco
Wixii talo iyo tusaale ah oo aad ii hayso fadlan halkan iigu soo
dir
Email: Sancosanco119@gmail.com
Facebook: Cabdullaahi Abshir Muuse Sanco.
No comments:
Post a Comment