Thursday, December 22, 2016

BAAGAMUUDDO IYO BURBUR DHAQAALE

Horudhac
Shaqo la’aantu waa cudur ku dhaca dhaqaalaha waddanka, dhammaan dhaqaaleyahannadu waxay isku raaceen inuu yahay cudur dilaa ah oo dhaqaalaha dabarjari kara haddaan lagu xallin si degdeg ah, waxaan caad saarnayn heerka shaqo la’aanta waddankeenna kajirta inay tahay mid kamid ah kuwa ugu xun ee adduunka kajira.

Shaqo la'aantu (Unemployment; البطالة) waa ammin uu qofku waayo fursad shaqo isaga oo shaqayn kara isla markaana hayaan ugu jira helidda fursad shaqo.  Qeexiddaasi waxay caddaynaysaa in qofkasta oo aan shaqo haynin inuusan shaqo la'aan ahayn.
Ereyga baagamuuddo kuma jirin dhaqankii hore ee Soomaaliyeed maaddaama xilliyadii hore aynaanba aqoon micnaha shaqa la’aanta oo nin walba noloshiisa baadiyaha ayaa u ahayd shaqo, malahayga in qof loo shaqeeyo ceeb ayayba ahayd. Laakiin eraygaan shaqo la’aan wuxuu la dhasahy soo if-bixii kacdoonkii warshadaha, haddana shaqo la’aantu waxay noqotay dhibaato caalami ah oo dunida oo dhan si isku mid ah looga diraaseeyo, maaddaama loo arko in shaqa la’aantu ay curyaamin iyo baabi’in isugu darto dhaqaalaha iyo horumarka waddanka.
Aragtida Islaamku Ka Qabo Shaqo La’aanta.
Diinteenna islaamku waxay kasoo horjeeddaa shaqo la’aanta waxayna aad u dhiirigalisay in qofku uu shaqaysto waxaana taas daliil u ah aayadda soo socota iyadoo la isku amray in dhulka loo foof tago salaadda kadib iyadoo la raadsanayo shaqo
 قال تعالى: {فَإِذَا قُضِيَتِ الصَّلَاةُ فَانْتَشِرُوا فِي الْأَرْضِ وَابْتَغُوا مِنْ فَضْلِ اللَّهِ وَاذْكُرُوا اللَّهَ كَثِيرًا لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ} [الجمعة: 10].
 Rususha iyo anbiyada Alle waxay ahaayeen kuwo shaqaysta waxaana tusaale kuugu filan in nabi Nuux cs uu ahaa farayaamiiste, nabi idriis cs asna uu ahaa harqaanle sidoo kale nabigeenna Muxammad NNKH wuxuu soo noqday ari jire intaan lasoo saarin ka hor. Dhammaan tusaalayaashaani waxay na tusinayaan sida diinta islaamku u dhiirigalisay inuu qofku shaqaysto.
Sidoo kale nabigeenna suubban NNKH waxuu mar walba ku adkayn jiray asxaabtiisa in ay xoogooda isticmaalan sida xaddiiska ku cad, cunto waxa ugu fiican tan aad gacantaada iyo dhididkaaga ku hesho. Sidoo kale waxa uu diiday gacan hoorsiga amrayna in la shaqeeyo shaqadu haba yaraatee.
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: “ما أكل أحد طعاماً قط خيراً من أن يأكل من عمل يده ، وإن نبي الله داود كان يأكل من عمل يده

Heerka Shaqo La’aanta Soomaaliya.
Anoo tixraacaya warbixin ay soo saartay qaramada midoobay, heerka shaqo la’aanta kajirta Soomaaliya waa mid kamid ah kuwa ugu sarreeya adduunka ku dhawaad 67% ayaa shaqo la’aan ah dadka da’doodu u dhexayso 14 ilaa 29 sano. Halka 61% raga ah iyo 74% dumarka ah ay shaqo la’aanyihiin.
Markaan fiirinno warbixintaas waxaad dareemi kartaa heerka shaqo la’aan ee kajirta dalkeenna oo runtii niyad jab iyo wel-wel ku ridday dhallinteennii, waxaana lagama maarmaan ah in la ogaado dhibaatadan waxa sababay iyo sida loo xallin karo.

Sababaha Shaqo La’aanta
Qofku markuu kufo waxaa habboon inuu kaco, kufitaankuna ma ahan nolosha gabagabadeedii, haddaba, si aan u garranno daawada dhibaatada ina haysata waa inaan diraasayno sababaha keenay dhibaatada.
Sababaha shaqo la’aanta keenay waxaa kamid ah:
1.      Hal abuur la’aan
Shaqo la’aanta maanta dhallinyaradeenna haysata waxaa sababay hal abuur la’aan maaddaama dhallinyaradu markay jaamacadaha kasoo baxaan ay ku fakarayaan inay helaan shaqo NGO  ama hay’adeed ama mid dowladeed, taasi waxay meesha ka saartay in dhallinyaradu ka fakarto inay la yimaadaan hal-abuur shaqo oo ay iyagu shaqo abuurtaan. Shaqooyinka ka bannaan xafiisyadaasi ma qaadaan tirada ardayda hal jaamacad dhammaysay, taa iska daayee xitaa ma qaadaan tirada ardayda hal kulliyad dhammaysay, waxaana aan suurtogal noqon doonin marna in dhallintoo dhan ay kawada shaqeeyaan xafiisyo haddii aan la helin hal abuur shaqo.
2.      Fursadaha shaqada iyo shaqa doonka oo aan isu dheelli tirnayn
Fursadaha shaqada ka jira waddanka aad bay u yaryihiin marka loo barbardhigo tirada dadka shaqada raadinaya oo ku sugan dalka. Isu dheelli tirnaan la’aantaasi waxay sababaysaa inuu suququr galo fursadihii shaqada, taasna waxay keenaysaa in dad badan fursado waayaan, sidoo kale na shirkadihii waxay ku dhiirigalinaysaa inay mushaaraad yar dadka ku shaqaalaysiistaan maaddaama qofku uu diyaar u yahay waxkasta oo uu kaga cararayo cadowga baagamuuddada.
3.      Xirfad xumo.
Dhallinyaradeenna waxaa haysata xirfad xumo taas ayaana sabab u ah shaqo la’aantan baahsan, dunidaan manta aan joogno kuguma filna inaad shahaado jaamacadeed kaliya heshaa laakiin waxaa muhiim ah inaad leedahay xirfado badan oo aad ku kaabayso aqoontaada, tusaale haddii aad ka qalinjabisay kulliyada "accounting" oo aadan lahayn xirfad kale marna ma heli doontid shaqo maxaa yeelay majirto meel maanta looga shaqeeyo "manual accounting" (accounting-ka gacanta lagaga shaqeeyo), laakiin waxaad u baahantahay ugu yaraan inaad taqaano Quickbook, si lamid ah dhammaan maaddooyiinka kale xirfad baad u baahantahay uma baahnid aqoon kaliya.
4.      Shaqaaleysiinta shisheeye.
Sababta kale oo loo aanayn karo shaqo la’aanta kajirta dalkeenna waa shaqaalaysiinta shisheeyaha, shaqooyin badan oo ay dhallinteennu qaban karaan ayaa waxaa haya shisheeye taasna waxay dhaawac ku tahay dhallinyaradeenna.
5.      Isla waynida shaqo ee dhalinyarada.
Waxaa wax laga xumaado ah in dhallinyaradu ay maanta ka faanaan shaqooyinka qeybtood iyaga oo waliba shaqo la’aan ah. Haddii ninkasta oo dhallinyaro ah uu dhaho xafiis baan fadhiisan haddee ogow xafiiska ugu badan 10 qof ma qaado, haddaan dhamaanteen xafiis tagnana yaa qabanaya shaqooyinkii kale?!! Tusaale waxaa kugu filan waxaan ka faannay dhismihii, kabalyeerigii, doobbigii, huteeladii iyo kuwa la mid ah, dhammaantoodna ajnabi ayaa ka shaqeeya maanta taasina waa dhaawac ay dhallintu naftooda gaarsiiyeen oo ay ku burburiyeen fursadahoodii shaqo.
6.      Kororka aqoonta iyo aqoonyahanada
Heerkii aqoonta bulshada iyo tirada aqoonyahanaduba way kordheen sanadahan danbe taas na waxay sii badisay tartankii loogu jiray fursadaha yar-yar ee shaqooyinka. Kororka ku yimaaday ardayda qalinjabinaysaana wuxuu sii badiyay shaqo la’aantii maaddaama aysan jirin dowlad jihaynaysa dadka soo qalinjabinaya.
7.      Kororka kasoo guuritaanka baaddiyaha
Dhaqanka Soomaalidu wuxuu ka dab qaataa baaddiyaha si lamid ah dhaqaalaha Soomaaliduna wuxuu ku tiirsanyahay xoolaha, laakiin waqtiyadaan danbe waxaa muuqata ifafaale ah in dadku ay magaalooyinka kusoo xaroonayaan, taasna waxay keenaysaa in guud ahaan dhaqaalihii hoos u dhaco iyo in heerka baagamuudadu uu sii kordho, maaddaama aysan ka jirin wax shaqo abuur ah magaalooyinkii.
8.      Musuqmaasuqa shaqaalaysiinta
Habka shaqaalaysiinta waddanka oo ah mid ay hareeyeen musuqmaasuqyo faro badan ayaa qeyb ka qaata korodhka shaqo la’aanta. Ma cadda inta badan habka ay shirkaduhu u maraan shaqaalaysiintooda oo shaqo doonuhu wuxuu ka qabaa shaki badan, iyadoo ayba waddanka ka jiraan shirkado caddaystay musuqa habka shaqaalaysiintooda oo aan shaqaalaysiin nooc kamid ah bulshada. Taasna waxaa kasii daran dowladdii la rabay inay howshaas wax ka qabato iyada ayaaba ah meeshii hooyada u ahayd musuqmaasuqa.
9.      Amni Xumo
Amni xumada waddankeenna ka jirtaa waa mid diidaysa in shirkado badan oo caalami ah ay waddankaan maalgashtaan, sidoo kale waxay diidaysaa inay waddanka yimaadaan khuburo badan oo dhallinyaradeennu ka baran lahaayeen xirfado muhiim u ah shaqooyinka.
10.  Damiir la’aanta maalqabeenka
Maalqabeenada soomaaliyeed ee dunida daafaheeda ku kala nooli waxay awoodaan inaan malaayiin fursado shaqo ah waddankaan ka abuuraan, laakiin masuuliyad iskama saarin middaas, taasna waxay niyad jabisay dhallinta. Iyadoo tiirarka dhaqaalaha islaamku ku dhisanyahay ay kamid tahay xaq dhowrka masaakiinta oo diin ahaan ah wax sharci ah ayaysan maalqabeenka Soomaaliyeed la imaan hab shaqo abuur loogu sameeyo da’yartaan dayacan.
11.  Dowlad xumo
Dowlad xumada ina haysta waa midda qaybta ugu badan ka qaadata shaqo la’aanta. Qorshe shaqeedka dowladda ayay kamid tahay inay shaqooyin u abuuraan da’yarta hadda soo qalinjabinaysa. Taas iska daayee dowladaha Soomaaliya hadda kajira mid dhexe iyo mid gobolba way ku fashilmeen inay la yimaadaan siyaasado shaqo abuur, iyagoo xitaa ku fashilmay inay bixiyaan mushaaraadka dadka u shaqeeya iskadaa shaqaale cusub e.
12.  Dhaqaale Xumo
Dhaqaale xumada haysata waddankeennu waa mid diidaysa in dhaqaaluhu wax fursad shaqo ah abuuro. Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa goboladuna waxay u awoodi la’ yihiin shaqo abuur iyo mushaarbixintoonna waxaa qeyb weyn ka ah dhaqaale xumada walow musuquna uu qeybtiisa qaadanayo.

Saamaynta Shaqo La’aanta
1.      Shaqo la’aantu waxay saamayn taban ku leedahay horumarka dhaqaale ee dalka, haddii heerka shaqo la’aantu uu aad u sarreeyo marna ma suurtogalayso inaan helno dhaqaale caafimaad qaba. Sidaa darteed baagamuuddadu waxay curyaamisay horukaca dhaqaalaha dalka.
2.      Maaddaama shaqo la’aanta ugu badan ee maanta dalka kajirta ay haysato dhallinyarada taas waxay sababaysaa inay dhallinyaradii niyad jabaan oo ay ka lunto kalsoonidii.
3.      Shaqo la’aantu saamaynta xun oo kale oo ay leedahay waxa waaye heerka faqriga bulshada oo aad u siyaada, maaddaama aysan dadku shaqaynayn waxaa imaanaysa in baahidu badato oo lagu dul noolaado qof shaqeeya ilaa heerka faqrigu uu gaaro nooca faqri ee ugu xun "Absolute poverty" faqri sugan.
4.      Haddii shaqo la’aantu badato sidoo kale waxaa hoos u dhacaya kaydka (saving) ka bulshada oo waxaa la waayayaa qof wax kaydsada, taasna waxay curyaamin ku tahay guud ahaan horumarka dhaqaalaha.
5.      Sidoo kale shaqo la’aantu waxay keenaysaa hoos u dhaca heerka nolosha (standard of living) ee bulshada.
6.      Shaqo la’aantu waxay  kaloo keenaysaa in dhallintii ee ay waddanka ka niyad jabaan oo ay ka tahriibaan, saamayntaani waa mid aan toos u aragno oo sanad kasta waxaa dalka kasii baxaya kumannaan dhallinyaro ah oo waxbaratay taasna waxay sii xumaynaysaa in dhaqaalaheennu dib u soo kabto, maaddaama xooggii shaqaalaha (Labor force) uu waddanka bannaanka uga baxayo.
7.      Shaqo la’aantu waxay kaloo ka qeyb qaadataa amni darrada dalka maaddaama dadku aysan haysan waxay cunaan iyo waxay ku noolaadaan, waxay isku dayayaan inay adeegsadaan sifo kasta oo ay waxku heli karaan ha ahaato dhac, boob ama tuugnimo. Dhammaan falalkaasina waxay dibindaabyo ku yihiin amniga dalka. Shakina kuma jiro in haddii amnigu xumaado ay waxkasta oo kale xumaanayaa.
8.      Sidoo kale baagamuuddadu waxay sababtaa in bulshadu ay kala sara marto oo ay kala noqdaan dabaqado kala duwan, taasna waxay mustaqbalka keenaysaa cadaawad iyo dagaal dhexmara hantiilayaasha iyo baahanayaasha.
9.      Ugu danbayn waxaan is leeyahay shaqo la’aantu waxa kale oo ay sababtaa caafimaad darro ay ugu horrayso waallidu. Markasta oo uu qofku shaqo la’aan ahaado oo ay baahi qabato waxaa qasab ah inuu fakaro oo wareero oo uu garan waayo meel uu wax ka raadsho taas oo ugu danbayn dhasha waalli iyo xanuuno kale oo fara badan.

Xalka Shaqo La’aanta
Aragtidayda Cabdullaahi ahaan waxaan is leeyahay haddii la fuliyo dhowrkaan qodob shaqo la’aanta waa la yarayn karaa:
1.      Dhiirri galinta hal abuurka:
Dhibaatada shaqo la’aanta waxaa lagu yarayn karaa in da’ yarta soo qallinjabinaysa lagu dhiirrigaliyo inay la yimaadaan fikrado ganacsi oo ay iyagu leyihiin halkii ay shaqo ka sugi lahaayeen cidkale shaqadaan dhiirigallinta halabuurka maanta waxaa aad uga qeybqaadan kara bangiyada wadanka kajira.
2.      Kor u qaadka waxsoosaarka
Sidoo kale waxaa dhibaatadan lagu xallin karaa inay dowladuhu iyo bangiyadu dhiirigaliyaan waxsoosaarka dalka, in la gacan qabto ganacsatada yar yar iyo in la abuuro warshado yar yar oo ka shaqeeya waaxyaha dhaqaalaha (Economic sectors) ee uu waddanku hodanka ku yahay sida warshadaha kalluunka, beeraha iwm.
3.      Maalgashi iyo fursad abuur.
Dhibaatadan waxaa kale oo lagu yaran karaa in waddanka laga hirgaliyo maalgashi ha ahaado maalgashi ay sameeyaan hantiilayaasha waddanka u dhashay ama ha ahaado maalgashi shisheeye. Maalgashigaasi wuxuu hirgalinayaa helitaanka fursado shaqo oo ku filan shaqo doonayaasha halkaas ayayna ku yaraanaysaa shaqo la’aantu. Sidoo kale waxaa la rabaa bangiyadu inay qeyb ka qaataan fursad abuuridaan, waxaa kaloo qeyb muhiim ah hada qaadanaysa bahda fikirka fursad fund oo ah waddo kale oo shaqo la’aanta yarayn karta
4.      Dib u eegis lagu sameeyo shaqaalaha
Waxaa muhiim ah in dib u eegis lagu sameeyo shaqaalaha ka howlgala laamaha dowladaha oo la baddalo shaqaalaha howlgabka ah si ay fursad u helaan da’yarta soo qallinjabinaysa. Waxyaabaha yaabka leh ee kajira waddankeenna waxaa kamid ah inay jiraan xilal la iska dhaxlo oo haddii qofkii hayay xitaa dhinto reerkii ay qofkale keensadaan iyadoo dadkii booskaas qaban lahaa ay dhoobanyihiin fadhi kudirirka oo halkaas busaarad ku dishay.
5.      Yaraynta shaqaalaha shisheeye
Anoo og inaan maanta ku noolnahay adduun casri ah oo qofku meeshuu doono ka shaqaysan karo, haddana waxaa muhiim ah in dalkeenna aan ka yarayno shaqaalaha shisheeye ee qabanaya shaqooyin ay yaqaanaan muwaaddiniinta waddanka u dhashay. Waxaana habboon in xeer laga soo saaro arrintaas, yaraynta shaqaalaha shisheeye waxay dheef u tahay shaqo helitaanka dhallinteenna.
6.      La daggaalanka musuqmaasuqa.
Anoo tixraacaya cilmi baadhis ay samaysay jaamacaddaydu (PSU-GAROWE) waxaa kajira musuqmaasuq faro badan dowlad goboleedka Puntland waxaana hubaal in maamulada kale ee Soomaalidu aysan dhaamin Puntland ee laga simanyahay musuqmaasuqa. Haddaba Dabarjaridda musuqmaasuqa iyo la dagaallankiisu waxay muhiim u tahay inaan ciribtirno baagamuuddada. Hirgalinta hab shaqaalaysiin habboon waxay dhiirigalin u tahay shaqo doonayaasha waxayna niyadda ku dhisanayaan inay shaqo heli doonaan halka musuqmaasuqa, qabyaaladda iyo eexdu ay cadow u yihiin hanka iyo himilada aadanaha shaqo doonaha ah.
7.      Dhisidda xirfadaha dhallinta iyo kor u qaadidda dugsiyada farsamada.
Shaqo la’aanta faraha badan ee dalka kajirta waxaa sababaheeda kamid ah saan kusoo sheegay xirfad xumo. Haddaba, si aan dhibkaas u xallino waxaa lama huraan inaan kor u qaadno goobaha lagu barto farsamada si loo helo dhallinyaro aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba dhisan oo aan dhaliil lahayn.
8.      Hirgalinta layliyo khibrad helid ah (Internship Programs)
Dhibaatooyinka kale ee waaydan danbe soo baxay waxaa ugu weyn in markii shaqada lasoo dhajiyo lagu xiro ardaygii hadda soo qallin fulay waayo aragnimo 5sano ah taasna waxay nabar ku noqotay da’yarta. Haddaba si loo yareeyo dhibaatadan waa in dowladda dhexe ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo ganacsataduba ay xoogga saaraan sidii loo siin lahaa da’yarta fursado ay ugu shaqeeyaan iskaa wax u qabso ah (Voluntary) taasoo dhallintu ay ka heli doonaan waayo aragnimo ay ku darsadaan CV-ga oo ka caawisa helitaanka fursado shaqo oo sugan iyo inuu fahmo goobaha shaqada sida looga shaqeeyo.

Gabagabo

Aad baad ugu mahadsantahay inaad qoraalkan aqrisay oo aad galisay waqti badan! Mahadsanid!

Waxaa qorey qoraal cilmiyeedkaan:
Cabdullaahi Abshir Muuse Sanco
Wixii talo iyo tusaale ah oo aad ii hayso fadlan halkan iigu soo dir
Email: Sancosanco119@gmail.com
Facebook: Cabdullaahi Abshir Muuse Sanco.


Monday, November 21, 2016

SILIC IYO SICIR BARAR



Maqaalkan waxaana kaga hadlayaa muxuu yahay sicir barar? Goormee bilowday? Maxaa sababa sicir barar? Maxaa ka dhasha sicir barar? Side loo xallin karaa? Iyo talo soojeedin.
Ma ahi dhakhtar bulshadiisa daacuun iyo malaariya ka daweynkara laakiin waxaan ahay arday ka naxaya dhibaatada dadkiisa. Iyadoo ay garowe tahay magaalo kharashka nolosheedu uu sareeyo hadii ay ku darsanto sicir barar waxaa imaanaysa in laga kala tago oo laga yaabo magaaladaan waana taas dhibta ani ii muuqata, waxaana u arkaa hooyooyinka ka mudahaaradaya sicir bararka inay yihiin geeesiyaal diidan in garowe laga kala guuro.
Aan gudagalo qormadayda, Sicir bararku wuxuu soo bilowday markii ay bilaabatay in la sameeyo lacagaha waraaqda ah (Fiat money), culimo badan ayaana kamid ah dadka wax ka qoray waxaana kamid ah Al Gazhali, Ibnu Khalduun, ibnu caabidiin, Dr. Sheikh Yusuf Alqaradawi iyo Dr. Cali Saluusi.
Sidoo kale dadka aad ka uga hadlay waxaa kamid ah Milton Friedman, ustaadka weyn ee billada nobel ka ku qaatay cilmiga dhaqaalaha wuxuuna ku tilmaamay sicir bararka cudur xun oo ay tahay in la xaliyo si uusan u dillin dhaqaalaha.

Sicir bararku (Inflation) waa kor u kac joogto ah oo ku yimaada qiimaha badeecooyinka iyo adeegyadda waqti cayiman. Sidoo kale sicir bararku waa siyaaditaanka ku yimaada lacagta suuqa kujirta (Money in Circulation). Markuu sicir barar dhaco waxaaa qaneeco beesha lacagta oo inta ay goyn jirtay inka yar ayay goysaa.

Sicir bararka waxaa sababa waxyaabo farabadan oo ay kamid yihiiin:
1. Daabacaad lacageed (Printing more money): hadii lacagta badan la daabaco waxaa imaanaya sicir barar, sababtoo ah hadii lacagtu ay badato waxaa kor u kacayo dalabka iyo qiimaha badeecooyinka.
2. Hoos u dhaca wax soosaarka (Declining productivity): hadii wax soosaarka shirkaduhu uu hoos u dhaco, iyadoo dalabkii uusan waxba iska badalin, shirkadihii waxay kor u qaadayaan qiimaha maadaama dalabkii uu ka badanyahay ax soosaarkii taasna waxay keenaysaa sicir barar.
3. Dalab koror (Demand pull): Hadii dalabku uu bato iyadoo uusan wax soosaarkii waxba iska badalin, dalabkii ayaa ka badanaya wax soosaarkii kadibna waxaa imaanaya in shirkadihii qiimaha ay kor u qaadaan taasna waxay sababaysaa sicir barar.
4. Kororka kharaskhka xukuumadda (increase in public expenditure); xukuumadu hadii ay kharashkeeda kordhiso waxaa siyaadaya mushaharaadka shaqaalaha markaas kadibna waxay iibsanayaan alaabo iyo adeegyo badan o aysan markii hore iibsan jirin, qiimayaashuna markaas waa kor dhayaan.
5.Alaabta oo la xaraysto (Hoarding of goods): hadii ganacasatadu alaabta xaraysato si ay suququr beenbeen ah u abuuraan si ay qaali ugu iibshaan markay alaabtaasi suuqa ku yaraato, taas waxa ka dhalanaya sicir barar.
6. Kor u kaca badeecooyinka dibadda laga keeno (Import prices): hadii qiimaha alaabta lasoo dhoofsado uu siyaado waxay sababi kartaa sicir barar.
7. Kor u kaca kharashka wax soosaarka (Cost of Production): hadii kharashkii wax soosaarku uu kor u kaco shirkadihiii waxy ku khasbanaanayaan inay kor u qaadaan qiimihii badeecooyinka taasna waxay keenaysa sicir barar.

Inakstoo ay jirto faaiidooyin uu u leeyahay sicirbararku dadka qaarkiisa hadana waxaa jira dhibaatooyin aad u farabadan oo ka dhasha sicir bararka dhibaatooyinkaas waxaa kamid ah:
1. Hoos u dhaca wax soosaarka (Reduction In Production): sicir bararku wuxuu hoos u dhigayaa waxsoo saarka inkastoo qiimaha badeecooyinku ay siyaadayaan shirkadu faaiido badan ayay helaysaa waqtiga dhow (Short Run) laakiin kharasha waxsoo saarka ayaa isna siyaadiya waqtiga fog (Long Run), sidaa darted sicirbararku wuxuu keenayaa in wax soosaarkii wadanka uu hoos u dhaco.
2. Hoos u dhaca tayada (Fall In Quality): maadaama uu sicir bararku keenayo in qiimaha badeecadu uu siyaado, shirkaduhu wuxuu ku dadaalayaan sida ay u heli lahaayeen faaiido badan iyagoo aan tayada xooga saarayn, sidaa darted sicir bararka waxa ka dhalinaya hoos u dhac ku yimaada tayada wax soosaarka.
3. hoos u dhacdo awooda gadashada ee qofka (purchasing power): markasta oo uu sicir barar yimado waxaa yaraanaya awooda iibka ee dadka.
4. Suuqa madow iyo musuqmaasuq (Black Market and corruption): markuu sicir bararku dhaco waxaa imaanaysa in marka dadku goyn waayaan badeecooyinka in wax lagu kala iibsado suuqa madow.
5. Faqri (Poverty); hadii sicir barar dhaco heerkii faqriga dadka ayaa siyaadaya maadaama aysan dadkii waxba gadan karin.
6. Yaraanshaha kaydka (Reduction in saving): marka sicir barar dhaco waxaa kor u kacaya dhamaaan qiimayaasha badeecooyinka, taas oo keenaysa in qofku dhamaan dakhligiisii oo uu kharashgareeyo taas oo yaraanaysa ama meesha ka saaraysa kaydkii.
7. Siyaadada sarifka lacagaha qalaad (Foreign Exchange Rate): hadii sicir barar dhaco waxaa imaanaysa in uu siyaado sarifkii lacagaha qalaad, sidoo kale waxa imaanaya inay hoos u dhacdo waxay goyso lacagtu gudahu (Real Money Balances) taas oo dhibaato weyn ku noqon karta bulshada.
8. Dumida nidaam lacageedka (Monetary System) wadanka: hadii sicir barar yimaado o ay hoos u dhacdo qiimihii lacagta wadanka taas waxay sababi kartaa in uu dumo nidaam lacageedkii wadanka.
9. Saamaynta Bulshada: sicir bararku wuxuu saamayn ku leeyahay bulshada, maxaa yeelay wuxuu siyaadinaya farqiga bulshada (Social Classes).
10. SAAMAYNTA SIYAASADDA: SICIR BARAR KU WUXUU GUBAABINAYAA SHACABKA TAAS OO KEENAYSA IN DADWEYNUHU MUDAHAADYO SAMEEYAAN OO AY KASOO HORJEESTAAN DOWLADDA. TAAS OO KEENI KARTA IN DOWLADU FASHILANTO.

Inagoo ka tusaale qaadanayna xadiiskii rasuulka NNKH oo micnihiisu aha ‘Xanuun walba daawo ayuu leeyahay’ Waxkast oo dhaca waxay leeyihiin xal, sicir bararkuna kama xuma xanuun sidaa darted wuxuu leeyahay xal macquul;
1. Siyaasadda lacag yaraynta (contractionary monetary policy): hadafka siyaasadani waxaa weeye in la yareeyo daabacaada lacagta iyo in suuqa laga saaro lacagta kujirta, waana tan sida kaliya ee lagu xalin karo sicir bararka manta ka taagan wadankayga aan jeclahay.
2. In la tayeeyo shaqada bangiga dhexe oo loo dhiibo dad yaqaan shaqadiisa maadaama bankiga dhexe uu muhiim u yahay labo shaqo oo lagama maarmaan ah (Lacagta iyo shaqaalaysiinta) waxaa muhiim ah in dowlada ay wax ka qabato bankiga si looga gudbo dhibaatdan.
3. In ay dowladdu ka taxadartaa dajinta miisaaniyadda, xukuumadu sanad walba haday samayso miisaaniyad la buunbuunshay (Inflated budget), canshuurtana si xad dhaaf ah loo siyaaadiyo taas waxaa keenaysa dib dhac horumarineed iyo sicir barar joogto ah.
4. In dowladu hirgaliso hab shaqeed qeexan (Transparency), xisaabtan (Auditing) iyo dabagal (follow up), si aan hadhow dowladda kaliya loo eedayn waa in dadka talada laga qeybgaliyaa.
5. In dowladda fiiro gaar ah u yeelato soo dejinta qaadka, qaadku waa waxa ugu daran in lacagteena meesha ka saaraya maxaa yeelay waa isha kaliya oo lacagta soomaaliga ah wadanka kaga baxdo, hadii qaadku lacagtii saaro dowladuna daabacdo waxaan noqonaynaa qof fuusto daloosha biyo ku shubaya hadaba waa inay dowladu ugu yaraan canshuur badan saarta qaadka si uu u yaraado ama ugu yaraan lacagta qeyb dowladdu u hesho.

Gebogebo
Aad baad ugu mahadsantahay inaad qoraalkan aqrisay oo aad galisay waqti badan, waana hubaa wax inaad ka faaiiday! Mahadsanid!

Tixraac 
1. Peter Bernholz (2003). Monetary Regimes and Inflation: History, Economic and Political Relationships. Edward Elgar Publishing. pp. 53–55. ISBN 978-1-84376-155-6.
2. What methods can the government use to control inflation? | Investopedia http://www.investopedia.com/…/what-methods-can-government-u…

Dhaawaca Shilin Soomaaliga iyo Dhaliisheeda Cidda Qaadanaysa

Hordhac

Ujeedka aan maqaalkan u qoriyo waa inaan usoo gudbiyo walaalaha soomaaliyeed aqoon dhaqaale oo ku qoran afkeena dahabiga ah ee soomaaliga iyo inaan muujiyo dhaawaca lacagteena oo aan ka cabsi qabo inay dabar go’do.



Qeexitaanka Ereyga Lacag


Dhaqaalayahaniintu Lacag waxay ku qeexeen “Wax kasta oo lagu heshiiyay in wax lagu kala badasho ama dayn la isaga baxsho” Lacagtu waxay soo martay heerar kala duwan sida lacag badeeco ah (commodity money), lacag cadadi ah (coin), lacag waraaqo ah (Fiat money), lacag jeeg ah, ilaa maanta oo la marayo lacag elektaroonig ah.
Dadka aan dhaqaalaha baran lacag iyo hanti ayay isku qaldaan. Markay rabaan inay dhahaan qofkaasi waa hantiile waxay ku dhahayaan ninkaas lacag ayuu leeyahay. Laakiin waxaa xaqiiq ah lacag iyo hanti inay aad u kala fogyihiin, maadaama hantidu ay isugu jiri karto guryo, baaabuur lacag iyo kabadanba.

Dhaawaca Lacagteena Maxaa Sababay?
Lacagteenu inay dhaawacantoo dhiigbaxdoo dhimasho ku dhawaato waxaa sababay dhowr qodob oo kala ah:
 1. Badashada daabacadeeda
Dhaawac lacagteena gaaray waxaa kamid ah inay noqotay lacag la iska daabacdo oo ay noqotay baylah aan cidna la hayn ama hal ninkii lahaaba dhacaayo. Markasta oo lacagta tiradeedu suuqa ku badotona waxaa hoos u dhacaya qiimaha lacagtaas.
2. Qaadka
Qaadku waa badeeco kamid ah kuwa ugu badan oo soomaaliya losoo dhoofiyo waana isha kaliya ee ay lacagta ugu badan kaga baxdo dalkeena. Waa ganacsiga kaliya ee shilin soomaaliga laku kala iibsado oo hadana shilin soomaaligaas dibadda loo dhoofiyo. Taas oo keenta in lacagtii ay yaraato oo maamulkastaa dhaho lacagttii waa yaraatee aan lacag daabacno. 
3. Dowlad la’aan
Dhibaato kasta oo wadankeena ka dhacday waxaa sababtay dowlad la’aan, dunida aan maanta ku noolnahay majiri karaan bulsho ku noolaan karta dowlad la’aan laakiin nasiib darro aniga oo ah kan qoraalkan qoray iyo adiga oo ah kan qoraalkan aqrinayaba waxaan dhadhaminay sharaf xumada iyo dib u dhaca ay dowlad la’aantu leedahay.
Dowlad la’aantu waxay keentay in qofkasta lacag daabacdo yaraantaydii waxaan maqli jiray lacag la dhihi jiray lacagtii caydiid oo aan ka socon jirin gobolada waqooyi bari soomaaliya markaan soo xusuusto waxaan is dhahaa side ay ugu suurtogashay in qof lacag daabacdo hdana waxaan isku qanciyaa dowlad la’aan inay sabab u tahay iyo inaanba goob jog u ahaa sicir bararkii ugu xanuunka badnaa o ka dhacay Puntland marki ganacsato iyo dowladda o heshiiyay ay lacag faaliso ah iska daabacdeen taasoo ka tagtay raad xanuun badan oo la xusuusan doono.
 4. Maqnaanshaha bangigii dhexe.
Qodobka kale oo muhiim oo sababay in lacagteeni xumaato waa maqnaanshaha bangiga dhexe, maadaama aysan jirin cid ilaalisa tayada lacagteena waxaa fududaatay in qofkasta ay fududahay inuu lacag daabacdo oo ay lacagteeni noqoto wax aan la isku halayn Karin innaba.
5. Faham xumida aan ka qaadnay federaalka.
Ma nihin dunida wadankii koowaad oo federal noqda mana noqon doono kii ugu danbeeyay laakiin dhibaatada ina haysata waxa waaye ma aynaanba fahmin nuxurka federaalka.
Dowlad goboleedkasta waxay rabtaa inay nidaamkeeda lacageed iyadu maamulato oo bangigoodu uu noqdo kan lacagta u sameeya, taasna waa dhaawac aan kusii dilayno lacagteenii awalba liidatay. Taas waxaaba kasii daran qeybo ka mid ah dalkeena inay samaysteen lacago gaar ah sida Maamulka Somaliland oo iyaduna ah dhaawac ay adkaanayso dhiyitaankiisu.
6. Horumarka Dollar ka
Dunida aan maanta ku noolnahay waxaa afduub ku haysta lacag ahaan wadanka maraykanka oo ay lacagtiisu noqotay mid caalamiya. Horumarkaas ay lacagtaasi samaysay waxay saamayn taban ku yeelatay lacagteena maadaama tayadii teena ay hoos u dhacday qofkasta wuxuu isku dayayaa inuu soomaaliga ka cararo oo lacagtaas helo.
7. Isu dheeelitirnaan la’aanta dajinta iyo dhoofinta.
Maadaama wadankeena wax dhoofitaankiisu uu aad u yaryahay aynuna wax badan dunida kasoo dhoofsano waxaa qasab ku ah ganacsatadeena inay lacagta soomaaliga u badalaan dollar si ay wax usoo dajistaan taasna waxay keenaysa in maadaama shillinkii qiimo ahaan hooseeyo inay shilin badan bixiyaan si ay u helaan dollar yar. Taas ayaa dhiirigalinaysa inay ganacsateduna wax ku iibiyaan dollar si ay uga badbaadaan khasaaraha shilin soomaaliga, taasna waxay sababtay inuu meesha ka baxo in wax lagu kala gato shillinka.
8. Lacagta taleefoonka lagu shubto.
Dhibaatooyinka kale oo dhiig baxa kusii badiyay lacagteena waxaa kamid ah lacagahan taleefoonada lagu shubto taas oo gabi ahaanba meesha ka saartay isticmaalka shilinkeenii maadaama lacagtaasi ay tahay lacag ku qiimaysan dollar kana howl fudud isticmaalka cooshka.
intooda badan bulshadii halkaas ayay u wareegtay o waxaanba noqonay bulsho aan isticmaalin lacagta cadaanka ah (Cashless Society) malahayga mana foga maalinta la inooku yeeri doono bulsho lacag la’aan ah o aysanba jirin lacag ay isticmaalaan.
Aragtidayda gaarka ah waxaan qabaa inay tani tahay dhaawac nafta ka saari dooona shilinkeena hadaynaan helin dowlad wanaagsan oo waxka qabata dhibaatadan.
9. Faragalinta bangiga dunida.
Waqtiyadaan danbe waxaa gobolkasta oo maamul kajiro xarumo waaweyn ka samaystay bangiga dhexe isaga oo shaqaalaysiistay dhalinyaro badan, laakiin aragtidayda bangiga aduunku wuxuu meesha kasii saari doonaa isticmaalkii shilin soomaaliga.
Maadaama awal maamulkastaa uu mushaaraadkiisa ku bixin jiray lacag soomaali ah hada waxaa imaan doonta in xittaa dowladdu mushaaraadka iyo kharashaadkeeda kale ku bixiso dollar oo waxaaba la waayi doona wax shilin soomaali qaata iyo wax raba toona.
10. Danayn la’aanta madaxdeena.
Wadankaan hantidiisa madax baa u dhaaratay inay ilaaliyaan oo ay dhowraan, lacagtuna aragtidayda waa hantida ugu muhiimsan oo aan dunida kula macaamili karno.
Laakiin maanta madaxweynaha soomaaliya ma oga kama fakaro mana daneeyo tayada lacagtaan qorshahana uguma jirto bal wuxuuba isku sawiray intiina aragtay isagoo lacag kale xayaysiinaya, musharaxiinta hada xilalka u sharaxana ma maqlin mid ololihiisa ku darsaday bal inuu lacagta wax ka qabanayo tayadeeda.
Madaxda maamulgoboleedyaduna waa lamid oo cabdiwali gaas isagaa noo cadeeyay isagoo madaxweyne noo ah oo masuulka ah hantida wadanka inuusan ogayn cidda lacagta daabacda waliba hal mar ma sheegine ilaa labo jeer ayuu baarlamaanka hortiisa ka sheegay.
Maxaa Guud Ahaan Lacag Loo Daabacaa?
Aragtidayda dhaqaale ahaan lacagta waxaa loo daabacaa dhowr sababood oo aasaasi u ah dhaqaalaha.
1. waa midda koowaade waa in ay dhacdo is badal hab lacageed oo ay qasab noqoto in laga guuro lacagtii hore oo la samaysto lacag cusub sida ka dhacday ciiraaq waqtigii madaxweyne Sadam laga riday xilka waxaa la daabacay lacag cusub maadama lacagtii hore uu sawirkiisu ku sawirnaa, sido kale dhacdadaas mid lamid ah waxay ka dhacday wadankeena soomaaliya waqtigii xorriyada markii laga guurayay lacagtii somalo oo la samaynayay lacagta shilinka.
2. Waa midda labaade lacag waxaa loo daabacaa inay caawiso horumarinta dhaqaalaha, haddii wadanka dhaqaale ahaan kobco oo tirsiga dadkiisuna bataan iyadoo aysan xaddiga lacagta wadanku wax iska badalin waxaa imaanaysaa in dalabkii lacagtu uu ka bato lacagtii suuqa ku jirtay taas oo keenaysa suququr lacageed oo ku dhiirgalinaya bangiga dhexe inuu lacag daabaco si dhaqaalaha loogu soo celiyo isu dheelli tirnaantiisii.
3. Waa midda saddexaade waxaa loo daabacaa inay lacagtu sahasha isdhaafisiga badeecadaha iyo adegyada.
4. Waa midda afaraade waxaa loo daabacaa in lacagtu ay wareejiso taayirka ganacsiga iyo dhaqaalaha wadanka.
Maxay dolwadda Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyadu hadda lacagta u daabacaan?
Inkastoo aan qaldami karo laakiin markaan aqriyay qoraalo faro badan oo la sameeyay iyo dhacdooyin aan maqlay ama goob jog usoo ahaa waxaan is leeyahay gabi ahaan dowladaha soomaalida mid dhexe iyo mid goboleedba waxay lacagta u daabacaan in dawladdu ka hesho lacag ay ku bixiso mushaarkeeda oo ay ku daboosho kharashkeeda faraha badan, taasi waa wax aan suurtogal ahayn oo hadda ka hor faraha lagaga gubtay. Aragtiyaha dhaqaaluhuna waxay ina barayaan in lacag la iska daabaco aysan keenayn waxaan ahayn sicirbarar iyo lacagta qiimaheda oo hoos u dhaca.
Yaa leh Dhaliisha Daabacaada Lacagta Shilin Soomaaliga?
Sharci ahaan dunida inteeda badan lacag daabacaaadda waxaa masuul ka ah Bankiga dhexe. Masuuliyada bankiga dhexe ayaa ah inuu hubiyo lacagta suuqa kujirta tayada lacagta sarifka lacagta iyo waliba inay jirto baahi lacag loo daabici karo, isaga ayaana dhaliisheeda leh.
Waxaan is dhihi jiray Wadankeena soomaaliya kama jiro bangi dhexe oo si hufan u shaqeeya taasna waxay keentay in maamul goboleedkasta ama xittaa ganacsade walba ay u fududahay inuu lacag daabacdo.
Laakiin maanta waxaa jirta mid taas ka duwan oo lamaba yaqaano cid masuul ah lacagta la daabacayo maalinkasta waxaana marag u haysta dhaqaalayahan madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo labo jeer oo uu la hadlay baarlamaanka sheegay inuusan aqqon cidda lacagta deegaanada Puntland u daabacday. Malahayga madaxweyne xasana wa la mid oo ma yaqaan cidda lacagtaan daabacday isagu wuxuuba dheeryahay kan hore wuxuu xayaysiiyaa dadyowga kaleacagahooda oo waqti ayuuba iskusoo sawiray isagoo reero kale toodood xayaysiinaya.
Hadii aan la aqoon cidda lacagtaas daabacda cidda masuulka ka ah soo ma mudna bal inteena waxabarata aan ka qeybqaadano doodaha faraha badan oo ka socda jaamacadaha caalamiga ah oo looga hadlayo shillinka soomaaliga iyo inaan qoraallo ka samayno.
“Dhaawaca iyo dhiig baxa lacagteena dhaliisheeda cidda leh ama masuuliyadooda ha inkireen ama ha qaateen waa madaxda dowladaha kajira soomaaliya heer dhexe iyo heer gobolba”
Maxaa Daawo U Ah Dhaawaca Shilinkeena?
Rasuulkeena waxaa laga wariyay majiro xanuun aan daawo lahayn. Hadaba iyadoo intaas oo xanuun ah jiraan hadana waxaa jidha daawo wax looga qaban karo xanuunkaas.
Aragtidayda lacagteena hadii la helo dhowrkaan qodob way wanaagsanaan kartaa:
1- Bangi dhexe oo hufan oo heshiis lagu yahay
Markaan leeyahay bangi dhexe oo hufan oo heshiis lagu yahay waxaan rabaa inaan ka fakarno helitaanka bangi dhexe oo ka tayo badan kan hadda jira.
Tayanta shaqada bangiga dhexe iyo in loo dhiibo dad yaqaan shaqadiisa oo aamin ah maadaama bankiga dhexe uu muhiim u yahay labo shaqo oo lagama maarmaan ah (Lacagta iyo shaqaalaysiinta) waa hab loo xallin karo dhibaatadan.
Joojinta qaadka.
In qaadka la joojiyo waa mid ka qeybqaadanaysa inaan hakino lacag faro badan oo inooka baxaysay banaanka. Hadii qaadka la joojiyo waxaan is leeyahay tayo badan ayay lacagteenu yeelan lahayd dhibaatoyinkeena dhaqaale na waa dawoobi lahaayeen.
Dib u eegidda federaalka.
Anoo ixtiraamaya dasuurka dalkayga ma rabo inaan duro laakiin waxaan talo kusoo jeedin In u eegid lagu sameeyo awoodaha dowlad goboleedyada oo bal aan meesha ka saarno in qolo walba ay lacag iska daabacan karto iyo in la cadeeyo shaqada dowlad goboleedyada iyo tan dowladda dhexe.
Kor u qaadidda waxsoosaarka.
Waxsoosaarka wadanka oo kor loo qaado waxay keenaysa in shaqo abuur badan la helo iyo wadankii uu waxbadan dibadda u dhoofiyo taas oo sababaysa in qiimaha lacagteena uu kor u kaco. Waxsoosaarka dalka oo kor u kaca waxay ka qeybqaadanaysaa guud ahaan horumarka iyo xasiloonida dalka.
Samaynta xeer xakamaynaya lacagaha taleefoonada.
Qodobkaan waxaan talo kusoo jeedinayaa in la sameeyo xeer xadidaya lacagaha taleefoonada oo bal yaraynaya kor u kacooda xanuunka ku ridaya shillinka soomaaliga.
Baarlamaanka cusub oo hadda dhisme doona oo aan isleeyahay dhalinyaro badan ayaa soo gali doonta ayaa laga rabaa inay horimariyaan xeer hagaya lacagaha taleefonada oo ka sokow dhibaatada ay ku rideen shilin soomaaliga ay khatar tahay inay ku lumaan hanti faro badan oo soomaali leedahay.
La xisaabtanka madaxda.
Baarlamaanada soomaaliya ka dhisan maalinta aakhiro waa la waydiin doonaa masuuliyaadka ay qaadeen waxaana lagama maarmaan ah inay la xisaabtamaan madaxda oo aysan kaga harin ma ogi cidda lacagtaan daabacday iyo in xitaa lagula xisaabtamo kharaashaadkooda aan wadanka micnaha kusoo kordhinayn sida kan ku baxa safarada tirade badan ee ay kujiraan har iyo habeen. Isla xisaabtankaasi ayaa dhibaatadan yarayn kara.
Samaynta miisaaniyada haboon.
Waxaan u arkaa xal in dowladuhu isku dayaan inay sameeyaan miisaaniyad isu dheeli tiran oo ka run sheegaya waaqica kajira wadanka laakiin hadii xukuumaddu sanad walba samayso miisaaniyad la buunbuunshay (Inflated budget), canshuurtana si xad dhaaf ah loo siyaaadiyo oo lagu qaado dollar waxay keenaysaa dhibaato dhaqaale oo hor. Waxaan kale oo iyada ka fiirsi u baahan kharashaadka dalka oo mudan in la yareeyo si aysan marmarsiiyo ugu noqon in lacag la daabaco markii kharashaadkii la gudi waayo.
Gabogabo:
Aad baad ugu mahadsantahay inaad qoraalkan aqrisay oo aad galisay waqti badan, waana hubaa wax inaad ka faaiiday Alle hakaa ajarsiiyo.