Wednesday, July 6, 2022

Puntland: Dowlad-xubineedka federaaliga ah ee Garowe kaliya ku kooban ma sii shaqeyn karto!

Jamhuuriyaddii hore ee dalkeenna waxaa jidkii qumanaa ka lumiyay markii taladii dalka iyo guud ahaan kheyraadkii koobnaa ee dalku ay ku urureen hal magaalo, taasoo keentay in markii kaligiitalisku magaaladaas qabsaday uu dalkii oo idil na saas gacanta ugu dhigay! Maadaama adeeg kasta oo dowladeed uu magaaladaas ku xirnaa, fursadihii oo idilna ay magaaladaas ku urureen waxaa xigtay in markii magaaladii duntay uu dalkii oo idilna sagxadda tagay. Haddii nidaam adeegyadu daadegsanyihiin inoo jiri lahaa, ugu yaraan meelo dalka kamid ah ayaa badbaadi lahaa, caasimadda dabkii ka baxayayna in la bakhtiiyo waa fududaan laheyd. 

Iyadoo sababtii iyo raadkii burburkaas maanka lagu hayo, ayaa lagu dedaalay in la dhiso nidaam dowladeed oo kii hore ka sal adag, asalkiisuna yahay in adeegyada la daadajiyo iyo in talada la baahiyo oo ugu yaraan degmo walba adeegyada aasaasiga ah la geeyo, talada dalkuna aysan madaxda caasimadda joogta kaliya ka go’ine ay noqoto mid la wadaago. Dowladnimada la rabo inay saas u shaqeyso oo federaal loogu wanqalay ayay badi siyaasiyiintii Soomaalida ee dowlad dhiska dalka ku howllanaa isku raaceen in la hirgeliyo. Noocaas dowladeed oo maanta guud ahaan dalka kajira waxaa curad u ah Puntland, oo ah dowladdii koowaad oo mabda’aas ku dhisantay. 

Nasiibxumo, dowladdii Puntland ee la rabay inay hormuud noqoto oo dowladnimadii daadejiso oo adeegyadii Muqdisho laga soo qaaday aysan Garowe ku hakin ee hoos loo sii daadejiyo way ku fashilantay dhaqangelinta mabda’aas federaaleynta dalka lafdhabarta u ah! Maanta ardayga jooga Caluula oo Garowe u jirta wax ku dhow kun kiiloomitir wuxuu shahaadada dugsi sare usoo doontaa Garowe. Dhammaan xarumihii wasaaradaha Puntland marka laga reebo hal wasaarad waxay xarumahooda ku leeyihiin Garowe. Taasoo keentay in wixii fursad shaqo ahaana ay Garowe kusoo ururaan.

Degmooyinka Puntland oo tafaariiqeyn tusbax furtay noqotay oo laga maarmi karay ku farcamay oo hadda 52 degmo gaaraya labo degmo oo kaliya ayaa leh gole deegaan oo dadweynuhu soo doortay oo shaqeeya, hal degmona waxay leedahay gole la soo doortay oo aan shaqeyn! 49-ka degmo ee kale waxna digreeto madaxweyne ayaa maamulkooda loogu magacaabaa oo ma leh gole deegaan, kuwona waxa ka jira gole oo ku yimaado nidaam xulasho jifiyeed oo aan cadaalad ku dhisnayn, si hagaagsanna u shaqeyn. Kuwa aan golaha deegaanka laheyn waxaa kamid ah labada magaalo ee Puntland ugu waaweyn uguna dadka badan waa Boosaaso iyo Gaalkacyo. Talada degmooyinka oo idil waxay taallaa Garowe.

Intaas waxaa dheer, gobollada Puntland oo iyagana sidii loo sii sarrifayay hadda 9 maraya, waxaa guddoomiyayaashooda laga magacaabaa Garowe! Aragtidayda, ilama ahan inay jirto asalkaba sabab loogu baahanyahay guddoomiye gobol haddii la qaatay nidaam federaal ah oo dowladnimadu saddex heer tahay [Dowlad dhexe oo federaal ah, dowlad-xubineed, FMS iyo Dowlad hoose] umana arko inuu yahay hab la jaanqaadaya federaalaynta dalka. 

Madaxda Puntland waxay rabaan inay hirgeliyaan nooc dowladeed oo magac ahaan federaal ah, balse shaqo ahaan ah dowladdii dhexe ee Muqdisho laga diiday oo Garowe laga unkayo! Haddaan adeegga la daadajinayn, taladana la baahinayn majirto wax ay kaga duwantahay dowladdii dhexe ee sagaashamaadkii la dumiyay.

Dowladnimadaas federaal-beenaadka ku dhisan ee Garowe laga yabyabayo waxay mari doontaa dhabbadii ay martay magaaladii Yutoobiya ee ku jirtay sheeko-faneedda Yutoobiya, magaaladaasoo eedday kadib markii magaaladii kale ee saboolku ka gadooday barwaaqadii magaaladaas lagaga noolaa ee ay iyaguna ka calool marnaayeen, tabashaduna u wehelisay iyo kibirkii bareerka ah ee uga imaanayay dhanka hantiilayaashii Yutoobiya ku noolaa ee hodantinimada ay keligood heysteeni indhotirtay! Si la mid ah, dhabbihii ay martay dowladdii dhexe ee Muqdisho laga dhidbayay soddonka sano, ee markii saqafka la dhisay la arkay in dowladnimaduba aysan laheyn tiirar heyn kara, saasna ay ku duntay. Haddii aan shaqada adeeg daadejinta iyo talo baahinta ah hadda lagu dhaqaaqin, Puntland kama badbaadi doonto dadkeeda tabashada qaba ee baraarugay!

Xalka kaliya ee furan ee Puntland jiritaankeeda lagu sii ilaalin karo, waa ka shaqeysiinta nidaamka federaalka oo ah in adeegyada dowladnimado ee Garowe lagu koobay si degdeg ah loo daadejiyo, talada gacmaha kooban kusoo ururtay ee la iska dumaalayo oo la baahiyo, iyadoo laga bilaabayo in awoodqeybsiga la dheellitiro iyo in habka la isu doorto la beddelo oo dadweynuhu doortaan madaxdooda heer degmo ilaa heer dowlad-xubineed! Haddii isbeddelkaas lama huraanka ah laga sii indho-qarsado miyaa, wadadii Yutoobiya iyo Muqdisho mareen ayay Garowena mari doontaa. 

Bulshada waxaa dan u ah in adeegyada dowladeed ee ay xaqa u leeyihiin la gaarsiiyo, siyaasiyiintaan damiiniinta ah ee dowladnimadii aan Garowe dhaafinayn iyagana waa in la tuso in saameyntooda siyaasadeed uu habkaan federaalka ahi tiir dhexaad u yahay, oo haddii aan nidaamkaan laga shaqeysiin oo dadka reer Puntland oo idil miraha wada guran ay hubaal tahay inuu maalin dhow imaan doono kacdoon ay bulshada reer Puntland si fahan xumo ah dowladdooda isaga dumiyaan ama u dhibaateeyaan, sida ina aadane lagu yaqaanno oo tagto-jamashada ahna ay u boholyoobaan in markale dowladnimadoodii ay hal meel oo Muqdisho ah ku ururto! Halkaasna ay ku lumi doonto saameynta siyaasadeed ee Puntland ku leedahay siyaasadda heer dowlad federaal. 

Dad baa wali wixii Muqdisho ka jiri jiray u yaqaan bari-samaad, oo haddii siyaasi yeershaa ah oo ina Farmaajo oo kale ah yimaado uu ku khaldi karaa dhaldhalaalka wadanniyadda beenta ah iyo qabka banka-abuurka ah, ama haddii siyaasi kale oo dantiisa federaalaynta ka dhex arki waaya uu yimaado uu lumin karaa. Maanta inta taladu gacanteenna kujirto aan si dhab ah uga shaqeysiinno federaalaynta. Wixii maanta  aragti-gaabnimadeenna darteed aan u sameyn weynno, yeynaan berri u barooran. 

Puntland oo is badbaadisa oo ka shaqeysiisa federaaleynta deegaamadeeda iyada kaliya dan uma ahee, waxay dhabbaha u xaari kartaa dhab-u-federaaleynta dalka oo idil iyo sii joogteynta kaalinta siyaasadeed ee ay ku leedahay dheelli ka ilaalinta dhismaha dowladnimada.  

Dowladnimo federaal ah oo adeeggu baahsanyahay, taladana la wadaago heer federaal, heer dowlad-xubineed ilaa heer dowlad hoose weeye mabda’u!