Saturday, March 9, 2024

Hooyo Ummaddeed: Dr Xaawo Cabdi

 


Shalay waxay aheyd maalinta haweenka, waa maalin xus iyo weynayn loo sameeyo waxtarka joogtada ah ee haweenku ku leeyihiin nolosha bulshada. Xuska maalinkaas waxaan kaga qeybqaadanayaa inaan waxyar ka sheego xusuusqorka Hooyo Dr Xaawo Cabdi Dhiblaawe iyo waxtarkeedii qiimaha lahaa ee ay ummaddeeda tartay. Dhab ahaan waxay aheyd qof keligeed ummad aheyd.

Dr Xaawo Cabdi waxay dhalatay 1947, aabbaheed oo agoonnimo kusoo koray ayaa waqti hore soo galay Muqdisho halkaas oo uu kula kulmay Dahabo oo aheyd Dr Xaawo hooyadeed. Iyada oo ka sheekaynaysa xiriir jaceyl ee ka dhexeeyay aabbaheed iyo hooyadeed ayay tusaale usoo qaadanaysaa inuu ugu heesi jiray, "Sidii dayax iyo daruur u ekeey, Dahabooy maku daadaheeya." Nasiibxumo, Dr Xaawo hooyadeed waxa ay dhimatay iyada oo aad u yar. Aabbaheedna isaga oo jaceylkiisii ka samri la' ayuu diiday inuu guur kale sameysto, iyada oo gabdhihiisu ku qalqaalinayaan. Qodobkaan sheegiddiisu waxay muhiim u tahay, in ilmuhu deegaanka uu ku koro iyo xiriirka waalidkiisu ay saameyn waarta ku leeyihiin shakhsiyaddiisa.

Dr Xaawo halkaas waxaa uga bilaabatay nolol gaar ah oo aad u qaxar badan, sida ay u maaraysana laga baran karo shakhsiyadeeddii aan is dhiibidda aqoon. Noloshaas gaarka ah ee dhibta badan waxaa kamid ah in iyada oo aad u yar nin lagu daray, ilmo ay ku dhashay, ilmihii ka saqiiray, ayeeyadeed dhimatay, walaasheeddii ay jeclayd Aamina dhimatay, gabdhihii walaalaheed ahaa ee ay korinaysay niyadjabiyeen, aabbaheed dhintay, guur labaad ay gashay, ninkeedii ka tagay maalin xaaladdu adkeyd, wiilkeedii dhintay, iyo boqolaal dhibaato oo kale oo aan midna mid ka dhib yareyn.

Dhanka caafimaadka oo ay ku caan baxday, waxay wax kusoo baratay dhulweynihii Soviet ka la oran jiray si gaar ah Kiev, Ukraine, waxayna shaqada caafimaadka bilowday 1972 oo ay kamid aheyd labo gabdhood oo dhakhaatiir ka ahaa Isbitaalka Digfeer, waxa kale oo macallimad kasoo noqotay Jaamacadda Ummadda. 

1983 ayay hooyo Xaawo Cabdi aasaastay xarunteeda caafimaad ee ku taal inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyada oo hal qol caafimaad ku bilowday ilaa ay xaruntaasi noqotay xaafad dhan oo beddeshay nolosha 90,000 oo qof, una noqotay deegaan ay ka helaan hoy, cunto, nabadgalyo, daryeel caafimaad iyo waxkasta oo nolosha aasaas u ah.

Labada cutub ee xusuusqorkeeda iigula murugada badan waa mid ay u bixisay "Losing My Past and My Future" oo ay kaga sheekaynayso sida dhimashada hooyadeed, tii ayeeydeed iyo tii cunugteedii Faaduma oo saqiirtay ay u taabteen, waa saddex dhacdo oo nolosheeda aad u saameeyay. Arrintaas iyada oo qeexaysa, waxay tiri, "When my mother died, I lost my identity; now, without Ayeeyo and Faduma, I had lost my past and my future."  

Cutub kale oo murugo badan waa mid ay u bixisay "Ahmed" oo ay kaga sheekanayso geerida wiilkeedii Axmed oo ahaa wiilka kaliya ee ay dhashay dedaal badanna ay ku bixisay waxbarashadiisa ayna hami sare ka laheyd, iyada oo sidoo kalena uusan jirin wiil iyada la dhashay. Cutubka ay kaga sheekaynayso weerarkii ururkii Xisbul Islaam uu kusoo qaaday ayaa isna ah cutub kale oo cashar weyn laga baran. Caqliyadda badownimada ah ee Islaamiyiinta iyo qeybo badan oo ragga kamid ah ay dumarka kula dhaqmaan baad si fiican uga fahmaysaa, ilaa ayba aaminsanyihiin inay haweenku aysan waxba hoggaamin karin, waxna lahaan karin! 

Cutubka ugu danbeeya buuggeeda ee ay "Forgiveness" u bixisay ayaa isna wax weyn ina ka baraya shakhsiyaddii gobta aheyd ee Dr Xaawo, waxay cafisay qofkasta oo wax u geystay intii ay ku jirtay halgankaas nololeed ee nafhurnimada leh.

Waxa kale oo ah cashar muhiim ah oo buugga laga kororsan sida Xaawo aabbaheed uu ugu dedaalay waxbarashadeeda iyada oo dad badani aysan aaminsanayn in gabar ay waxbarasho wax micno leh ka keeni karto. Aad buu ugu kalsoonaa kartida gabadhiisa, dhab ahaanna waa ay rumaysay hankiisii. Sidoo kale, Dr Xaawo aad bay iyaduna ugu dedaashay waxbarashada ilmaheeda, labadeeda gabdhood Deeqo iyo Aamina iyo wiilkeedii Axmed intaba si qiimo leh ayay wax u bartay, gabdhaheediina waa dad maanta ka dhex muuqda bulshada Soomaaliyeed. 

Hoggaaminta dhaladka ah ee Dr Xaawo laheyd ayaa iyana xusid mudan, sida ay howlaha xarunta u hagi jirtay iyo sida ay ula tashan jirtay dadka ay shaqada wadaaggga yihiin waa arrin dhugasho mudan. Geedkii ay u bixisay Camp David iyo shirarkii ah shaqaalaheeda kula yeelan jirtay casharro ayaa ku duugan.

Arrin kale oo xusid mudan waa sida Dr Xaawo ay dhexda ugu xiratay korinta walaalaheedii ka yaryaraa iyo ilmahoodii, inta badan waxaad buugga ka fahmaysa sida ay ugu hagarbaxday. Waxbarashada guud ee ummadda Soomaaliyeed iyo daryeelka caafimaadka bulshada kaalintii qiimaha laheyd ee ay ka geysatay iyadu sida cadceedda ayay qofkasta ugu muuqataa. 

Waxaana arrintaas qiray dunida oo idil oo waa tan iyada iyo gabdhaheedu ku mutaysteen billadda Glamour Magazine's women of the year, waxaa kale oo loo sharraxay abaalmarinta Nobel Peace Prize, abaalmarinno kale oo ay iyadu gaar u heshayna waa ay jiraan. Dadka dunida magaca ku leh ee waxtarkeeda qiray waxaa kamid ah Marwo Clinton, oo mar ay Dr Xaawo la kulantay ku tiri, "Waad ii dhiirrigelisay" waa Dr Xaawo qofta dhiirrigelisay Marwo Clinton. 

Nasiibxumo, Dr Xaawo kama helin bulshadeeda Soomaaliyeed aqoonsigii ay mudnayd, aqoonsi iska daaye waxayba u geysteen dhibaato badan, oo aan ka xusi karno mar mooryaantii Janan Caydiid ay isku dayeen inay dilaan iyo weerarkii ay xarunteeda u geysteen mooryaan diimeedkii Xisbul Islaam ee uu Xasan Daahir Aweys horjoogaha u ahaan jiray. 

Hooyo Xaawo Cabdi waxaa tii Alle u timi Aug, 2020 oo ay Muqdisho ku geeriyootay, ilaa maantana xaruntii ay ka tagtay, hay'addii kheyriga aheyd ee ay aasaastay iyo dhaxalkii kale ee ay reebtay ayaa loogu adeegaa dadkeedii ay jeclayd. Alle ha u naxariisto hooyo Xaawo, jannooyinkiisa midda ugu sarreysana haku sooro. 

Innaga waxaa ina la gudboon inaan weynaynno dhaxalkii Dr Xaawo, dadka tabarta yar aan caawinno, sooyaalkeeda aad u daraasaynno, gabdhaheenna kartida badanna aan garab iyo gaashaan u noqonno. Intiinna haleeli karta buuggaas ha raadiyeen oo ha akhriyeen, si gaar ah gabdhaha Soomaaliyeed oo caqabado badan wajahaya wax badan bay ka kororsadaan sooyaalka hooyo Xaawo.

Hambalyo dhammaan haweenka Soomaaliyeed.