Friday, December 27, 2019

Faallo iyo Falanqeyn: Hadaljeedintii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ee PDRC Talks.


Hay’adda Cilmibaarista PDRC ee xarunteedu tahay magaalada Garoowe oo ah hay’adaha cilmibaarista Puntland ka jira tooda ugu facaweyn, ayaa waayadii u danbeysay bilowday madal-aragtiyeed lagu gorfeeyo doodo ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan arrimaha bulshada oo la qabto bishiiba mar ama ka badan.
Madashii 8aad oo cinwaankeeda laga dhigay XAALADDA GUUD EE PUNTLAND IYO DOORASHOOYINKA FEDERAALKA 2020/2021 uu martina ku ahaa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay [26/12/2019] ka qabsoontay xarunta hay’adda.
Lafagurid ku saabsan mudnaanshaha goobta hadaljeedintu ka dhacday, xiriirintii, hadaljeedintii madaxweynaha, waxyaabihii loo baahnaa ee uusan ka hadlin, nooca su’aalihii la weydiiyay & jawaabihii uu bixiyay, ayaan qoraalkaan ku sameyn doonaa. 
Mowduuca hadaljeedinta iyo muhiimaddiisa:
Cinwaanka barnaamijka la siiyay wuxuu ahaa mid aad u mudan oo waqtigiisii la joogay, maadaama ay bulshadu baahi badan u qabtay inay ogaato xaaladda deegaanka iyo sida ay xukuumaddaani rabto inay wax u maarayso oo ay u xalliso baahiyaha tiro beelka ah ee bulshadu la tacaalayso. Sidoo kale waxa ay hadaljeedintu diiradda saaraysay doorashooyinka federaaalka ee la filayo inay dalka ka dhacaan 2020/2021, maadaama aysan wali caddeyn nooca doorasho ee la qabanayo iyo inuusan jirin heshiis siyaasadeed dhexyaalla Puntland iyo Dowladda Federaalka ah, dadku aad ayay ugu dhegtaagayeen in madaxweynuhu iftiimiyo waxa Puntland ka qabto doorashooyinkaas iyo waxa la gudboon xukuumaddiisa siyaasad ahaan.
Madaxweynuhu ma abbaaray mowduucii hadaljeedinta?
Labada qeybood ee ay hadaljeedintu ka hadlaysay aan u kala qaadno si kala madaxbannaan.
Qeybta koowaad waxaa la rabay inuu madaxweynuhu ka hadlo xaaladda Puntland iyo dhibaatooyinka deegaanka kajira, madaxweynuhu cinwaankaas waa dhinac maray wuxuuna waqti dheer geliyay ka hadlidda sooyaalkii Puntland iyo geeddi-socodkii uu soo maray hanaqaadkeedu! Waa cashar muhiim ah balse aan ka turjumayn mowduucii lagu ballansanaa ee bulshadu rabtay inay wax ka ogaato. Waaqica nololeed ee dhibka badan oo bulshada Puntland kujirto waxba ka tari maayo in looga sheekeeyo sooyaalkii dowladdooda. Waxyaabihii muhiimka ahaa ee uusan soo hadalqaadin hoos ayaan ku falanqeyn doonaa.
Qeybta labaad oo ku saabsanayd doorashooyinka federaalka, madaxweynuhu si fiican ayuu u abbaaray intii u muuqatay walow uusan aad ugu dheeraan, waxa aanna is iri wuxuu u gaabsaday maadaama aysan caddeyn nooca doorasho ee la aadayo iyo sharcigii doorashada oo aan diyaar ahayn, aad buu isaga ilaaliyay in hadallo uga dhacaan sida hadalladii ka dhacay madaxweynihii ka horreeyay isaga Cabdiwali Gaas oo ay hadaladiisu si joogto ah isu burin jireen.
Goobta hadaljeedinta iyo Xiriirinta:
Xarunta PDRC oo ahayd barta hadaljeedintu ka dhacaysay waxa ay ahayd meel ku habboon in barnaamijkaan lagu qabto, adeegyada xarunta laga heli karo iyo ciddii baahi gaar ahi qabsato say caawinaad u heli karaan oo goobta laga sheegayna waxay ahayd tillaabo qurux badnayd.
Dhaliisha ay goobtu lahayd waa iftiinka oo ku yaraa, ayna adkayd in qeybaha danbe la arko marka aad muuqaal-baahiyaha ka daawanaysid, intaasna inay xalliyaan ayaan u rejaynayaa.
Xiriirinta barnaamijku aad bay u qurxoonayd, balse waxaa dhaliil ka muuqatay sida ay dadka su’aalaha ugu qeybinayeen oo dheelli kujiray, waxa aan ka rejayn inay dhaliishaan cashar ka dhigtaan.
Waxyaabihii loo baahnaa ee uusan ka hadlin.
Madaxweynuhu wuxuu ilduufay ama ku-talogal uga tagay ka hadalidda arrimahaan soo socda.
Xaaladda waxbarashada Puntland: 
Madaxweynuhu kama uusan hadlin adeegyada waxbarashada ee Puntland ka jiray hortiis iyo waxay ku dareen mudadii ay xafiiska joogeen. Dhanka waxbarashada qodobka muhiim ah ee dadkoo dhammi sugayeen inuu ka hadlo waa khilaafkii imtixaanka iyo shahaadada ee dhexmaray DFS iyo Puntland, waxaa shahaadooyin la’ arday 5kun kor u dhaafaysa oo la rabay inay Garoowe shahaado ka qaataan, waxa aad isu dhimay tirada ardaydii deeqaha waxbarasho dibadeed heli jiray, majirto wax wadahadal ah oo laga galay arrimahaan oo madaxweynuhu sheegay, marka laga reebo in su’aal la weydiiyay isaga oo ka jawaabay uu sheegay inaysan wadahadal ka galayn wixii sharci ah.
Sannadka danbe isla dhibaatadaas ayay wajihi karaan ardayda cusubi haddii aan xal la gaarin, mana muuqato xal ay xukuumaddiisu raadinayso iyo fursad ay u hayaan ardayda.
Xaalad Puntland kajirta oo arrintaas ka culus ma ay jirto, waana la yaab sababta uu madaxweynuhu isaga indhotiray!
Xaaladda caafimaadka:
Puntland kama jiro wax isbitaal dowladeed ah oo laga heli karo adeeg caafimaad oo dhammaystiran, sidoo kale wuxuu dayac baahsan haystaa daryeelka hooyada iyo dhallaanka. Xaaladdaanna madaxweynuhu waa iska indhotiray, mana muuqato wax laga qabtay mudadiii ay xilka joogtay xukuumaddiisu,  Oxygen la’aan iyo dhiigbax ayaa loogu dhintaa isbitaallada Puntland.
Xaaladda degmada Eyl:
Xaaladda degmada Eyl iyadu waxa ay u muuqataa looma-ooyaan iyo nin aamusan hooyadiis qadisay, cid arrinkaas ka hadashay oo aan ahayn xildhibaanno xog-waraysi degmada u tagay ma jiraan.
Waxaa burburay qeybo kamid ah waddooyinka laga soo galo magaalada, taasoo sii xumaynaysa xaaladda deegaanka iyo bulshada oo haddaba la daalaa-dhacaya dhibaatooyin adeegxumo dowladeed oo ballaarran. Ma jirto wax qorshe muuqda ah oo xukuumadda uga qorshaysan hagaajinta waddooyinka iyo gargaar u fidinta bulshada, madaxweynuhuna masoo hadalqaadin.
Burburka iyo shaqoxumada kaabayaasha dhaqaalaha:
21sano oo ay Puntland jirtay majirto wax laga qabtay hirgelinta waddooyin cusub oo isku xira gobollada dalka marka laga reebo wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo oo howsheedu socoto. Iska daa in waddo cusub la dhisee tii hore ee laga dhaxlay dowladdii kacaanka ayaan xil la iska saarin daryeelkeeda iyo ilaalinteeda.
Roobabkii ugu danbeeyay ee da’ayay ayaa wadada Boosaaso-Garoowe ka gooyay meelo badan, inkastoo shirkadda CCECC la yiri waa dayactiraysaa haddana madaxweynuhu arrinkaas hadaljeedintiisa kagama hadal iyada oo faahfaansan iyo goorta la dhammayn doono dayactirkaas maadaama xaalku sii xumaan karo haddii roobab kale da’aan.
Dhismihii qabyada ahaa ee wadada Garoowe-Gaalkacyo isna majirto shaqo ka socota, shirkaddii qandaraaska wadada lagu siiyay sharcidarradana wali lagama qaadin mashruucii ay ku fashilmeen.
Puntland garoomaha diyaaraduhu waxay ka noqdeen baahiyaha koowaad meelkastana waxaa laga dhisay gegi aan la aqoon waxa ku degi doona iyo waxa ka duuli doona toonna. Laga bilaabo Boosaaso, Garoowe ilaa Gaalkacyo waxaa ku yaal garoomo lacag badani gashay dhisidooda balse aan wax xil ah la iska saarin hagaag-u-shaqeyntooda marka laga reebo garoonka Garoowe, garoonka Gaalkacyo shaqadiisii aad bay isu dhintay diyaaradihii ka degi jirayna waa ka wareegeen, garoonka Boosaaso waa kan ugu weyn gegi diyaaradeed oo Puntland ku taalla balse shaqo ahaan waa kan ugu liita!
Amniga Boosaaso, collaytanka ganacsatada iyo gadoodka maleeshiyaadka beelaha:
Magaalada Boosaaso oo ah isha ganacsiga Puntland iyo meesha dowladdu ka hesho dakhligeedda ugu badan, waxaa hareeyay dhibaatooyin amni oo intooda badani ku salaysan colaad ka dhalatay is-haysi iyo xifaaltan ganacsato ma-naxayaal ah iyo kacdoonno maleeshiyaad. Muddo dhaweyd waxaa magaalada amnigeeda khatargeliyay dhallinyaro ciidamo ah oo magaalada xoog ku galay askarna ku laayay kantaroolka magaalada, inkastoo markii danbe magaaladii lagaga saaray xal isimo keeneen wali ma muuqato in wax laga qabtay tabashadoodii maadaama ay dhowr beri ka hor joojiyeen isu-socodka gaadiidka.
Waa arrin ay ahayd in si furan looga hadlo, degdegna loo xalliyo intaysan dabo-dheeraan balse hadaljeedintii madaxweynaha laguma soo hadalqaadin.
Heshiisyada xukuumaddaani galayso iyo heshiishkii dekaddda Boosaaso & DP World:
Xukuumaddii madaxweyne Cabwali Gaas heshiis aan waxba laga ogeyn oo sidii miro barde loo liqay ayay la gashay shirkadda DP World oo lagu wareejiyay maamulka dekadda muddo 30sanadood ah iyadoo laga rabay inay dekadda ballaariyaan. Wali waxba lagama qaban ballaarintii dekadda, dibna looma eegin heshiiskii DP World.
Sida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo-daareed sheegay wuxuu xilkiisii ku waayay ka hadlidda iyo dabagalidda heshiisyada xukuumaddu galayso. Jiritaanka hadalkaas iyo aamuska xukuumaddu wuxuu dab kusii shidayaa welwelkii laga qabay heshiisyada lala galayo shirkadaha shisheeye oo ay ugu danbeeyay kii lala galay shirkadda Frontier Service Group.
Xaaladda Garsoorka Puntland:
Madaxweynuhu kama hadlin tayodarrada nidaamka garsoorka Puntland haraysay taasoo sababtay in beelaha qeybtood meelo kale looga gacan haatiyo iyo in xukunka kiisas dacwadeedku qaataan waqti dheer oo tacaddi ku ah dhibbanayaasha. 
Hirgelinta maxkamadda dastuuriga ah wuxuu sheegay inaysan muhiim ahayn, taasoo loo fasiran karo inuusan dhisi doonin, waana tillaabo dhaawac ku noqon karta rejada laga qabo nidaam dimuqraadiyadeedka doorasho ee la hiigsanayo!
Xiriirka madaxweynaha iyo kooxda Aaranjaan:
Laga soo bilaabo ololihii doorashada Puntland 2018, waxaa si baahsan usoo baxday awoodda ay leeyihiin koox ganacsato ah oo u abaabulan inay talada dalka gacanta ku dhigaan iyaga oo ku bixinaya qiime kasta oo ay ku heli karaan. Guushii madaxweyne Deni kadibna waxaa sii korodhay awooddii kooxdaas oo lagu eedaynayo inay madaxweynaha talada la hayaan oo waxkasta rabitaankooda ku socdo!
Madaxweynaha waxaa laga rabay inuu kooxdaas iska beri yeelo haddaysan talada lahayn balse aamuskiisu wuxuu caddeyn u yahay run ahaanshaha arrintaas.

Nooca su’aalihii la weydiiyay iyo jawaabihii madaxweynaha.
Dadka su’aalaha weydiinayay waxaa ka dhexmuuqday tiro dad ah oo madaxweynaha siyaasadda xukuumaddiisa sax iyo khaladba Facebook ka difaaca, inkastoo qeybtood su’aalo macquul ah weydiiyeen balse inta badan xaaladda Puntland ee cakiran waxba kama aysan weydiin. Waxaa iyana welwel i gelisay in dadkii waxgalka ahaa ee meesha joogay badankood aysan su’aalo weydiin madaxweynaha, qof goobta joogay ayaa ii sheegay in dadka gacmaha taagayay oo su’aal weydiinta rabay ay u badnaayeen taageerayaal, baqdin ayaa haysata bulshada oo qofkii hadallo adag laga dareemo dhaqaale ahaan ayaa loo weerari karaa haddii lagu dhici waayo hanjabaad toos ah in loo diro.
Jawaabaha uu madaxweynuhu bixinayay waxaa ka muuqatay intooda badan degganaan iyo xog-ogaalnimo balse waxaa jira qofkii aad ugu sii fiirsada dhowr su’aalood oo sida madaxweynuhu uga jawaabay aad ka dareemayso wacyixumo madaxweynaha haysa, waxa aan dooddaas ku kabayaa warcelin uu madaxweynuhu ka bixiyay weydiin uusoo jeediyay Maxamed Xasan barre oo ahayd “ Dastuurka Puntland waxaa ku qoran in Puntland u madaxbannaantahay arrimaheeda dibadda inta laga helayo dastuur ay leedahay JFS oo lagu ansixiyay afti dadweyne” arrintaas ma laga tiray dastuurka?
Madaxweynuhu wuxuu ku jawaabay “ma garanayo dastuurkii la xaday ee la sheegi jiray inay ku jirto iyo inay kan kujirto” waa jawaab ay ka muuqato inuusan madaxweynuhu warba u hayn dastuurka oo ay arrintaasi qodobadiisa hore ku xusantahay! Waa arrin laga yaxyaxo dowlad aan madaxweyneheedii aqoon dastuurkeeda!
Qodobkaas dastuurka kujira inuu saxanyahay iyo inuu khaldanyahay waa dood kale, anigu se waxa aan qabaa inuu qodob khaldan yahay.
Su’aal kale oo madaxweynaha laga weydiiyay nidaamka awooodqeybsiga 4.5, jawaabtii uu ka bixiyay waxaa iyana laga fahmi karaa degganaanta madaxweynaha iyo siduu uga fiirsanayo ballanqaadyadiisa, in badan ayuu ku saxnaa inuusan go’aan degdeg ah arrintaas ka qaadan waayo ma ahan go’aan Puntland kaliya u yaalla.

Ugu danbeyn, waxa aan ku bogaadinayaa xarunta PDRC sameynta PDRC Talks, inay madaxweynaha Puntland keentay iyo inay xil iska saareen xulashada mowduuc aad muhiim ugu ahaa bulshada deegaanka. Waxa isna bogaadin mudan madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo soo ajiibay casumaadda barnaamijkaan.
Mahadcelin ayaan u dirayaa maamulka iyo shaqaalaha Puntland TV oo si wanaagsan noogu soo tabiyay muuqaalka barnaamijka.