Saturday, March 9, 2024

Hooyo Ummaddeed: Dr Xaawo Cabdi

 


Shalay waxay aheyd maalinta haweenka, waa maalin xus iyo weynayn loo sameeyo waxtarka joogtada ah ee haweenku ku leeyihiin nolosha bulshada. Xuska maalinkaas waxaan kaga qeybqaadanayaa inaan waxyar ka sheego xusuusqorka Hooyo Dr Xaawo Cabdi Dhiblaawe iyo waxtarkeedii qiimaha lahaa ee ay ummaddeeda tartay. Dhab ahaan waxay aheyd qof keligeed ummad aheyd.

Dr Xaawo Cabdi waxay dhalatay 1947, aabbaheed oo agoonnimo kusoo koray ayaa waqti hore soo galay Muqdisho halkaas oo uu kula kulmay Dahabo oo aheyd Dr Xaawo hooyadeed. Iyada oo ka sheekaynaysa xiriir jaceyl ee ka dhexeeyay aabbaheed iyo hooyadeed ayay tusaale usoo qaadanaysaa inuu ugu heesi jiray, "Sidii dayax iyo daruur u ekeey, Dahabooy maku daadaheeya." Nasiibxumo, Dr Xaawo hooyadeed waxa ay dhimatay iyada oo aad u yar. Aabbaheedna isaga oo jaceylkiisii ka samri la' ayuu diiday inuu guur kale sameysto, iyada oo gabdhihiisu ku qalqaalinayaan. Qodobkaan sheegiddiisu waxay muhiim u tahay, in ilmuhu deegaanka uu ku koro iyo xiriirka waalidkiisu ay saameyn waarta ku leeyihiin shakhsiyaddiisa.

Dr Xaawo halkaas waxaa uga bilaabatay nolol gaar ah oo aad u qaxar badan, sida ay u maaraysana laga baran karo shakhsiyadeeddii aan is dhiibidda aqoon. Noloshaas gaarka ah ee dhibta badan waxaa kamid ah in iyada oo aad u yar nin lagu daray, ilmo ay ku dhashay, ilmihii ka saqiiray, ayeeyadeed dhimatay, walaasheeddii ay jeclayd Aamina dhimatay, gabdhihii walaalaheed ahaa ee ay korinaysay niyadjabiyeen, aabbaheed dhintay, guur labaad ay gashay, ninkeedii ka tagay maalin xaaladdu adkeyd, wiilkeedii dhintay, iyo boqolaal dhibaato oo kale oo aan midna mid ka dhib yareyn.

Dhanka caafimaadka oo ay ku caan baxday, waxay wax kusoo baratay dhulweynihii Soviet ka la oran jiray si gaar ah Kiev, Ukraine, waxayna shaqada caafimaadka bilowday 1972 oo ay kamid aheyd labo gabdhood oo dhakhaatiir ka ahaa Isbitaalka Digfeer, waxa kale oo macallimad kasoo noqotay Jaamacadda Ummadda. 

1983 ayay hooyo Xaawo Cabdi aasaastay xarunteeda caafimaad ee ku taal inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyada oo hal qol caafimaad ku bilowday ilaa ay xaruntaasi noqotay xaafad dhan oo beddeshay nolosha 90,000 oo qof, una noqotay deegaan ay ka helaan hoy, cunto, nabadgalyo, daryeel caafimaad iyo waxkasta oo nolosha aasaas u ah.

Labada cutub ee xusuusqorkeeda iigula murugada badan waa mid ay u bixisay "Losing My Past and My Future" oo ay kaga sheekaynayso sida dhimashada hooyadeed, tii ayeeydeed iyo tii cunugteedii Faaduma oo saqiirtay ay u taabteen, waa saddex dhacdo oo nolosheeda aad u saameeyay. Arrintaas iyada oo qeexaysa, waxay tiri, "When my mother died, I lost my identity; now, without Ayeeyo and Faduma, I had lost my past and my future."  

Cutub kale oo murugo badan waa mid ay u bixisay "Ahmed" oo ay kaga sheekanayso geerida wiilkeedii Axmed oo ahaa wiilka kaliya ee ay dhashay dedaal badanna ay ku bixisay waxbarashadiisa ayna hami sare ka laheyd, iyada oo sidoo kalena uusan jirin wiil iyada la dhashay. Cutubka ay kaga sheekaynayso weerarkii ururkii Xisbul Islaam uu kusoo qaaday ayaa isna ah cutub kale oo cashar weyn laga baran. Caqliyadda badownimada ah ee Islaamiyiinta iyo qeybo badan oo ragga kamid ah ay dumarka kula dhaqmaan baad si fiican uga fahmaysaa, ilaa ayba aaminsanyihiin inay haweenku aysan waxba hoggaamin karin, waxna lahaan karin! 

Cutubka ugu danbeeya buuggeeda ee ay "Forgiveness" u bixisay ayaa isna wax weyn ina ka baraya shakhsiyaddii gobta aheyd ee Dr Xaawo, waxay cafisay qofkasta oo wax u geystay intii ay ku jirtay halgankaas nololeed ee nafhurnimada leh.

Waxa kale oo ah cashar muhiim ah oo buugga laga kororsan sida Xaawo aabbaheed uu ugu dedaalay waxbarashadeeda iyada oo dad badani aysan aaminsanayn in gabar ay waxbarasho wax micno leh ka keeni karto. Aad buu ugu kalsoonaa kartida gabadhiisa, dhab ahaanna waa ay rumaysay hankiisii. Sidoo kale, Dr Xaawo aad bay iyaduna ugu dedaashay waxbarashada ilmaheeda, labadeeda gabdhood Deeqo iyo Aamina iyo wiilkeedii Axmed intaba si qiimo leh ayay wax u bartay, gabdhaheediina waa dad maanta ka dhex muuqda bulshada Soomaaliyeed. 

Hoggaaminta dhaladka ah ee Dr Xaawo laheyd ayaa iyana xusid mudan, sida ay howlaha xarunta u hagi jirtay iyo sida ay ula tashan jirtay dadka ay shaqada wadaaggga yihiin waa arrin dhugasho mudan. Geedkii ay u bixisay Camp David iyo shirarkii ah shaqaalaheeda kula yeelan jirtay casharro ayaa ku duugan.

Arrin kale oo xusid mudan waa sida Dr Xaawo ay dhexda ugu xiratay korinta walaalaheedii ka yaryaraa iyo ilmahoodii, inta badan waxaad buugga ka fahmaysa sida ay ugu hagarbaxday. Waxbarashada guud ee ummadda Soomaaliyeed iyo daryeelka caafimaadka bulshada kaalintii qiimaha laheyd ee ay ka geysatay iyadu sida cadceedda ayay qofkasta ugu muuqataa. 

Waxaana arrintaas qiray dunida oo idil oo waa tan iyada iyo gabdhaheedu ku mutaysteen billadda Glamour Magazine's women of the year, waxaa kale oo loo sharraxay abaalmarinta Nobel Peace Prize, abaalmarinno kale oo ay iyadu gaar u heshayna waa ay jiraan. Dadka dunida magaca ku leh ee waxtarkeeda qiray waxaa kamid ah Marwo Clinton, oo mar ay Dr Xaawo la kulantay ku tiri, "Waad ii dhiirrigelisay" waa Dr Xaawo qofta dhiirrigelisay Marwo Clinton. 

Nasiibxumo, Dr Xaawo kama helin bulshadeeda Soomaaliyeed aqoonsigii ay mudnayd, aqoonsi iska daaye waxayba u geysteen dhibaato badan, oo aan ka xusi karno mar mooryaantii Janan Caydiid ay isku dayeen inay dilaan iyo weerarkii ay xarunteeda u geysteen mooryaan diimeedkii Xisbul Islaam ee uu Xasan Daahir Aweys horjoogaha u ahaan jiray. 

Hooyo Xaawo Cabdi waxaa tii Alle u timi Aug, 2020 oo ay Muqdisho ku geeriyootay, ilaa maantana xaruntii ay ka tagtay, hay'addii kheyriga aheyd ee ay aasaastay iyo dhaxalkii kale ee ay reebtay ayaa loogu adeegaa dadkeedii ay jeclayd. Alle ha u naxariisto hooyo Xaawo, jannooyinkiisa midda ugu sarreysana haku sooro. 

Innaga waxaa ina la gudboon inaan weynaynno dhaxalkii Dr Xaawo, dadka tabarta yar aan caawinno, sooyaalkeeda aad u daraasaynno, gabdhaheenna kartida badanna aan garab iyo gaashaan u noqonno. Intiinna haleeli karta buuggaas ha raadiyeen oo ha akhriyeen, si gaar ah gabdhaha Soomaaliyeed oo caqabado badan wajahaya wax badan bay ka kororsadaan sooyaalka hooyo Xaawo.

Hambalyo dhammaan haweenka Soomaaliyeed.

Monday, January 29, 2024

𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐨 𝐚𝐲 𝐤𝐡𝐚𝐬𝐚𝐛 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐤𝐡𝐫𝐢𝐧𝐧𝐨!



Sheeko-maanseeddan qiimaha badan ee loogu magac bixiyay "𝐂𝐚𝐝𝐥𝐢𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐥 𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐁𝐚𝐝𝐚𝐲: 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝟏𝟗𝟖𝟖" waxaa hal-abuuray xeeldheere Axmed Sheekh Jaamac, Alle ha u naxariistee. Jaldiga koowaad ee buugga markaad magaca ku aragtid xoolo shiray iyo cadaalad la raadinayo aadna horay u akhrisay ama u maqashay sheeko-faneedda Animal Farm ee George Orwell waxaa laga yaabaa inaad umaleyso sheeko taas la ujeed ah, waa sax wax bay wadaagaan balse waa sheeko aad uga micno badan, uga gun dheer, uga muhiimad ballaaran, ugana suugaan cuddoon sheekadaas hore.



Haddaba haddaad is weydiinayso sababta indheergaradkaas shisheeye ay sheekadiisa aadka ugu maqleen xitaa inteenna aan wax akhrin, dhanka kalena inta wax akhrisa aysan badankood u akhrin una falanqeyn sheekada indheergaradkeenna ummadeed? Jawaabtu waa in George Orwell uu ka dhashay ummad laandheere ah oo qoraalku agtooda micno ku leeyahay, indheergarad Axmed na uu ka dhashay bulsho dhexdeeda buuggu ku dayacanyahay sida uu Ibraahin-Hawd beri dhexe ku sheegay qoraal gaaban oo uu u bixiyay "Silica heysta buugga Soomaaliyeed"
Waxaan qoraalkaan kusoo gudbinayaa guudmar kooban oo aan la fil aheyn sheekada, ujeedkuna waa inaan wax ka sheego sheekada si loo akhriyo, dadka sheekooyinka iiga ogaalka iyo aqoonta badanina ay u falanqeeyaan.
Sheekadani waxay ka koobantahay saddex qeybood oo tix iyo tiraabba leh, waxaa ku jira 50 maanso oo iyada oo ujeed gundheer la abbaarayo laga hadalsiinayo xoolo kala duwan oo ka qeybgalay shirka Jamhuuriyadda Xoolaha Soomaaliyeed. Sheekada waxaa matala koowaad ka ah 𝐝𝐚𝐦𝐞𝐞𝐫 ka cabanaya cadaalad darrada joogtada ah ee uu la kulmo, marka uu cabashadiisa soo bandhigtana xafiiska kasta oo uu cabashadiisa geystay uu iska indhotiray!
Cabashadiisa koowaad waxa uu dameerku ku qeexay maanso aan tusaalahan kasoo qaadanaynno;
𝐂𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐝𝐢𝐠𝐨 𝐥𝐚'𝐲 𝐜𝐮𝐥𝐞𝐲𝐬 𝐧𝐚𝐠𝐮 𝐱𝐚𝐦𝐚𝐚𝐥𝐚𝐚𝐧𝐞,
𝐗𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠 𝐝𝐚𝐜𝐚𝐲 𝐚𝐡 𝐛𝐚𝐲 𝐪𝐨𝐰𝐥𝐚𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐧𝐚𝐠𝐮 𝐱𝐚𝐧𝐮𝐮𝐧𝐣𝐚𝐚𝐧𝐞,
𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪 𝐰𝐚𝐱 𝐚𝐚𝐧𝐧𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐧𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐜𝐢𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐧𝐚𝐦𝐚 𝐱𝐢𝐬𝐡𝐚𝐚𝐛𝐬𝐡𝐚𝐚𝐧𝐞,
Halkii laga garaabi lahaa cabashadaas waxaa dameerkii loogu jawaabay inuusan ba xoogsatada xisaabsanayn oo aan la aqoonsanayn inuu xuquuq leeyahay, jawaabtii la siiyay waxaan tusaale uga soo qaadan karnaa;
𝐗𝐨𝐨𝐠𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐢 𝐚𝐚𝐝 𝐮𝐠𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐱𝐞𝐞𝐫𝐤𝐢' 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐚𝐲𝐞,
𝐗𝐚𝐲𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐞 𝐚𝐡 𝐦𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐥𝐚𝐦𝐚 𝐱𝐮𝐬𝐮𝐮𝐬𝐧𝐚𝐲𝐧𝐞,
𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐱𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐚𝐥 𝐚𝐚𝐝 𝐱𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡'𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐪𝐚.
Dameerkii wuxuu abbaaray wasaaraddii oo cabashadiisa u gudbiyay, balse iyana kama garaabin, waxayna sheegtay in dulmiga dameerka lagu hayo uu xaal soo jiray iyo xeer yahay, jawaabtaasna waxaa kamid ahaa;
𝐗𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠 𝐝𝐚𝐜𝐚𝐲 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐢𝐝𝐢𝐧 𝐬𝐮𝐝𝐡𝐧𝐚𝐚 𝐭𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐚𝐚𝐭𝐚𝐚𝐲𝐞,
𝐗𝐚𝐝𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐲𝐚𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐠𝐚𝐚 𝐢𝐧 𝐚𝐚𝐝 𝐱𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐧𝐞,
𝐗𝐮𝐤𝐮𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐰𝐞𝐞𝐲𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐤𝐢' 𝐬𝐨𝐨 𝐣𝐢𝐫𝐞𝐲𝐞.
Mar dameerku uu xarun kale geystay dacwadiisa oo la maqli waayay, buu intaan yiri;
𝐀𝐟𝐤𝐚𝐚𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮𝐦𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐛𝐛𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐮𝐝𝐡𝐤'𝐚𝐚 𝐤𝐮 𝐥𝐚 𝐚𝐛𝐫𝐚𝐚𝐫𝐭𝐞𝐞𝐧𝐞,
𝐀𝐠𝐚𝐚𝐧 𝐥𝐚𝐦𝐚 𝐧𝐨𝐪𝐝'𝐞𝐞 𝐪𝐨𝐝𝐨𝐛 𝐫𝐚𝐲'𝐚𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐚𝐚𝐲𝐞,
𝐌𝐚𝐱'𝐚𝐚𝐝 𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐥𝐰𝐚𝐚𝐱𝐚𝐲𝐧 𝐱𝐚𝐪 𝐛𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐚𝐝𝐝𝐢𝐦𝐚𝐚𝐲𝐚𝐚𝐲𝐞.
Dameerkii oo daalay suu hadba cabashadiisa xafiis ula tagayay ayaa ugu danbeyn loo diray wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta, isaga oo jidka maraya ayuu ubax jidka ku yaallay ruday, kadibna xabsiga ayaa loo taxaabay. Xabsigii ayaa loogu geeyay xoolo kale, dood badan oo la isu jawaabay oo gudaha xabsiga ka dhacday kadib, orgi ayaa soo jeediyay si xooluhu isu xoreeyaan oo ay isu maamulaan waa inay dhistaan dowlad ay iyagu leeyihiin.
Dood dheer baa dhalatay cidda hoggaanka xoolaha noqonaysa, 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐬 baa diiday in dameer hoggaan laga dhigo oo ku maansooday;
𝐂𝐚𝐝𝐥𝐢 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐦𝐚 𝐡𝐞𝐥𝐨 𝐫𝐮𝐮𝐱 𝐡𝐚𝐝𝐝'𝐮𝐮 𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐠𝐮𝐧𝐚𝐚𝐝 𝐪𝐚𝐛𝐨 𝐞,
𝐂𝐚𝐰𝐚 𝐧𝐨𝐨𝐥 𝐛𝐚 𝐰𝐮𝐱𝐮 𝐡𝐢𝐛𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐝 𝐰𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚𝐲𝐞,
𝐂𝐢𝐝𝐝𝐢𝐝'𝐮𝐮 𝐪𝐚𝐧𝐢𝐢𝐧'𝐢𝐲𝐨 𝐟𝐚𝐫𝐭'𝐮𝐮 𝐜𝐮𝐧𝐢 𝐡𝐚𝐛𝐞𝐞𝐧𝐤𝐢𝐢𝐲𝐞.
Kadibna faraskii baa ku dooday in isaga loo doorto hoggaanka, waxaa se ganafka ku dhuftay orgi ku eedeeyay in xoolaha isku daya inay baxsadaan in iyada oo isaga la adeegsanayo la soo qaban jiray, sidaasna uu danbiile ku yahay. Intaas kadib awr baa is sharraxay la diid, sac baa wax is biday la se hor istaag, ido in la doorto ayaa la soo jeediyay iyana gaashaanka ayaa loo duruuray.
Haddii la is mari waayay ayaa 𝐨𝐫𝐠𝐢 talo kusoo jeediyay in la joojiyo is sharraxaadda oo marka hore la garto nooca dowladeed oo ay xooluhu yeelanayaan. Markaas ayaa la isku raacay si arrintaas la isula meel dhigo in xooluhu ay shir isugu yimaadaan, waxaana la qabtay guddi shirkaas soo agaasima.
Haddii shirkii la isugu yimi 𝐝𝐢𝐛𝐢 ayaa soo bandhigay taladii guddiga la saaray, wuxuuna tiriyay maanso dheer oo aragtidaas ku cabbirayo, oo aan kasoo qaadan karno;
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚𝐧𝐢 𝐛𝐚𝐝𝐡𝐞𝐞𝐝𝐡'𝐢𝐲𝐨 𝐭𝐚𝐥'𝐮𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲𝐚𝐚𝐲𝐞,
𝐁𝐚𝐬𝐚𝐫 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠 𝐭𝐚𝐚 𝐈𝐬-𝐰𝐢𝐝𝐡𝐚𝐧 𝐲𝐚𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐫𝐨𝐨𝐧𝐞,
𝐃𝐞𝐧𝐢𝐦𝐚𝐚𝐫𝐠𝐧𝐚 𝐰𝐚𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐨 𝐧𝐢𝐦𝐜'𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐞𝐥𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐍𝐨𝐨𝐫𝐰𝐞𝐞𝐲𝐞,
𝐁𝐚𝐡𝐝𝐚𝐚𝐬 𝐛𝐚𝐚 𝐝𝐞𝐠𝐠𝐚𝐧 𝐨𝐨'𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧 𝐛𝐨𝐨𝐥𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐞,
Guddigii wuxuu soo jeediyay in nooca dowladeed uu noqdo dimoqraadiyadda bulsheed ee lagaga dhaqmo dalalka iskendenaafiya. Arrintaas aad baa la isugu khilaafay. Ugu horreyn 𝐫𝐢' baa istaagtay oo arrinkaa genefka ku dhufatay iyada oo shuuciyad ku doodaysa, waxayna tiri;
𝐒𝐡𝐮𝐮𝐜𝐢𝐠𝐮 𝐬𝐢𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐰𝐞𝐞𝐲𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐚𝐰𝐥 𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐧𝐲𝐚𝐝𝐨 𝐞,
𝐒𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐚𝐥𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐚𝐧𝐞,
𝐖𝐚𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐬𝐚𝐛𝐚𝐛𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐥𝐢𝐛𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐧𝐤𝐞𝐞𝐝𝐞,
𝐌𝐚𝐛𝐝𝐚' 𝐜𝐮𝐝𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐚𝐱𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐚𝐧𝐞,
𝐒𝐚𝐱𝐚𝐧𝐬𝐚𝐱𝐨 𝐚𝐫𝐨𝐨𝐫𝐲𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐥𝐚𝐲𝐝𝐡 𝐬𝐚𝐱𝐨 𝐥𝐞𝐡 𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐚𝐧𝐞,
Waxaa dhanka kale ka istaagtay 𝐡𝐚𝐥 diidan shuucinnimada oo tiri;
𝐒𝐡𝐮𝐮𝐜𝐢𝐠𝐮 𝐬𝐢𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐦𝐚 𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐚𝐦'𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐡𝐚𝐲𝐫𝐚𝐚𝐝𝐞,
𝐒𝐚𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥 𝐫𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐰𝐞𝐞𝐲𝐞 𝐨𝐨'𝐧 𝐬𝐮𝐮𝐫𝐭𝐨𝐠𝐞𝐥𝐢𝐡𝐚𝐲𝐧𝐞
𝐁𝐞𝐞𝐧 𝐪𝐮𝐫𝐮𝐱 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐨𝐠𝐨𝐫𝐝𝐨𝐡 𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐚𝐧𝐞,
𝐒𝐨𝐧𝐤𝐨𝐫 𝐠𝐮𝐮𝐝𝐤𝐮 𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐮𝐧𝐭𝐮𝐧𝐚 𝐬𝐮𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲𝐞,
𝐃𝐡𝐚𝐥𝐚𝐧𝐭𝐞𝐞𝐝 𝐬𝐚𝐛𝐨𝐨𝐥 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐝'𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐞𝐛𝐢𝐠𝐚 𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐚𝐧𝐞,
𝐒𝐚𝐬𝐚𝐛 𝐦𝐚𝐚𝐭𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐱𝐬𝐚𝐝'𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐞𝐠𝐞𝐠𝐞𝐫 𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐚𝐧𝐧𝐞.
𝐒𝐚𝐜 ayaa iyana ku talisay in nidaam uu hoggaaminayo diktaatoor waddani ah la qaato, iyada oo leh;
𝐇𝐚𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐫𝐛𝐚𝐧𝐢 𝐫𝐞𝐞𝐫-𝐭𝐨𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐰𝐚𝐚 𝐡𝐢𝐧𝐣𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚𝐲𝐞,
𝐆𝐮𝐮𝐥 𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮𝐥𝐞𝐲𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐡𝐚𝐧𝐭𝐢𝐲𝐢𝐧 𝐡𝐨𝐫𝐞 𝐛𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐲𝐞,
𝐀𝐧' 𝐝𝐢𝐤𝐭𝐞𝐞𝐭𝐚𝐫 𝐥𝐨𝐨 𝐡𝐮𝐛𝐨 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠 𝐤𝐮 𝐡𝐢𝐫𝐚𝐧'𝐨𝐨 𝐫𝐚𝐚𝐜𝐧𝐨.
Taladaas dikteetarka waxaa diiday 𝐰𝐚𝐧, isaga oo yiri;
𝐃𝐢𝐤𝐭𝐚𝐚𝐭𝐨𝐨𝐫 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐮𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐤𝐚𝐜𝐨 𝐰𝐮𝐮 𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐠𝐚𝐲𝐚𝐚𝐲𝐞.
𝐇𝐨𝐠 𝐮𝐮𝐧 𝐛𝐮𝐮 𝐤𝐮 𝐫𝐢𝐝𝐢 𝐚𝐚𝐤𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐠𝐨𝐛 𝐝𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐧 𝐝𝐡𝐞𝐞𝐫𝐞,
𝐇𝐞𝐞𝐫𝐤'𝐮𝐮 𝐤𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐛𝐮𝐮 𝐡𝐨𝐨𝐬 𝐤𝐚 𝐬𝐢𝐢 𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞,
𝐇𝐚𝐲𝐝𝐚𝐚𝐫𝐭𝐨 𝐲𝐮𝐮 𝐛𝐚𝐝𝐢 𝐢𝐧𝐭'𝐮𝐮 𝐡𝐚𝐲𝐣𝐚𝐝 𝐬𝐨𝐨 𝐭𝐮𝐛𝐨 𝐞.
𝐋𝐚𝐱 ayaa dhinaceeda ka kacday oo ku talisay in la qaato habkii Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan, iyada oo leh;
𝐑𝐮𝐮𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐓𝐚𝐥𝐞𝐞𝐱 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐚𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐫𝐮𝐠𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐄𝐲𝐥 𝐲𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐲,
𝐖𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐫𝐚𝐲𝐬𝐢𝐧 𝐝𝐮𝐮𝐛-𝐜𝐚𝐝 𝐚𝐡 𝐱𝐚𝐝𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐫𝐚𝐤𝐨𝐨𝐜𝐚𝐚𝐲𝐚𝐲,
𝐖𝐢𝐱𝐢 𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝 𝐝𝐮𝐧𝐮𝐮𝐧𝐢𝐜𝐢 𝐬𝐢𝐝𝐢𝐢 𝐥𝐚 𝐢𝐬𝐮 𝐫𝐞𝐞𝐦𝐚𝐚𝐲𝐚𝐲,
𝐖𝐢𝐱𝐢 𝐫𝐞𝐞𝐫 𝐚𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧 𝐪𝐮𝐫𝐮𝐱𝐝𝐢𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐫𝐚𝐚𝐱𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐡𝐞𝐲𝐬𝐭𝐚𝐲,
𝐑𝐨𝐰𝐥𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐃𝐚𝐫𝐚𝐚𝐰𝐢𝐢𝐬𝐡𝐭𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐬𝐨𝐨 𝐫𝐨𝐠𝐚𝐚𝐥 𝐜𝐞𝐥𝐢𝐧𝐧𝐨.
Aragtidaas la diid, oo 𝐟𝐚𝐫𝐚𝐬 baa yiri,
𝐃𝐚𝐫𝐚𝐚𝐰𝐢𝐢𝐬𝐡𝐭𝐢𝐢 𝐲𝐚𝐲𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐫𝐨𝐠𝐦𝐚𝐧𝐞 𝐫𝐚𝐚𝐝 𝐤𝐮 𝐝𝐚𝐫𝐢 𝐦𝐚𝐲𝐧𝐨.
𝐀𝐰𝐫 baa dhanka kale ka is taagay oo maanso dheer tiriyay oo xusay in dhammaan mabaadi'da la sheegay uu mid waliba meel ku wanaagsanyahay, ayna tahay in la wada qaato oo la isku wada dhex kariyo, iyada oo danta guud laga eegayo daacadnimona lagu dhaqangeliyo, wuxuu maansadiisa kusoo xiray;
𝐌𝐚 𝐝𝐚𝐛𝐛𝐢𝐪𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐚𝐲𝐧𝐧𝐚𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝 𝐛𝐚𝐚𝐧 𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲𝐞?
Ugu danbeyn 𝐨𝐫𝐠𝐢 oo ahaa shirguddoonka shirka ayaa kacay soona jeediyay in dhammaan mabaadi'daas la qaato oo la isku dhafo, isaga oo maanso ku xusay sida loo wada qaadan karo dhammaan mabaadi'daas. Wuxuuna shirka kusoo xiray;
𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐝𝐢𝐧𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐲𝐫𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐝𝐮𝐜'𝐢𝐲𝐨 𝐘𝐚𝐚𝐬𝐢𝐢𝐧𝐞,
𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐝𝐢𝐧𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐲𝐫𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐝𝐮𝐜'𝐢𝐲𝐨 𝐘𝐚𝐚𝐬𝐢𝐢𝐧𝐞,
𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐝𝐢𝐧𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐲𝐫𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐝𝐮𝐜'𝐢𝐲𝐨 𝐘𝐚𝐚𝐬𝐢𝐢𝐧𝐞.
Inta aad sheekadaan akhrinayso waxyaabaha ku xiiso gelinaya waxaa kamid ah baacdheerida ogaal iyo tan aqooneed ee qoraaga, maadaama uu dowladnimo ka sheekaynayo, dowladnimaduna ay falsafad tahay, wuxuu maansooyinkiisa si farshaxan leh ugu muujinayaa aragtiyaha falsafadeed ee dowladnimada isaga xiganaya faylasuufyadii dunida soo maray sida Aristotle, Plato, Ibnu Siinaa, Epicrus, Jean-Paul Sartre, Karl Marx, Becon, Voltaire Immanuel Kant, Leo Tolstoy, Ibn Khaldun, iyo kuwo kale. Sidoo kale waxaa sheekada laga fahmi karaa xeeldheerida suugaaneed ee qoraaga, marka laga soo tago qotodheerida suugaantiisa waxaad dareemaysaa aqoontiisa suugaanta dunida isaga oo xusaya suugaanyahanno caalami ah sida Suhayr Ibna Abii Salma, Alphons de Lamartine, Abulcalaa Al-macarri, Buxturi, Baudlaire, Pushkin, Shawqi, Bernard Show iyo kuwo kale. Aqoontiisa diinta Islaamka ayaa iyana ah mid aad u ballaaran oo qoraalkiisa bishay.
Guud ahaan sheekadaani waxay soo bandhigaysa in cadaaladdu ay tahay aasaaska dowladnimada, haddii cadaalad la waayona ay ka dhigan tahay in dowladnimadii la waayay. Waxay kale oo sheekadu soo bandhigaysa wax isu quurid la'aanta iyo in cid kasta rabto inay iyadu dadka hoggaamiso, iyo sida inta kalena haddaysan hoggaanka qaban aysan u dareemayn lahaanshiyaha dowladdaas oo ay shaki uga qabayaan.
Ugu danbeyn, waxay sheekadu ina tusaysaa muhiimadda wadatashigu leeyahay iyo sida wadahadalku uu u keenayo is fahan iyo wax wada lahaansho. Waana midda maanta Soomaali u baahantahay inay isu timaaddo oo iska wareysto wixii khaldamay, sababaha ay u khaldameen, iyo sida looga bixi karo dhibaatada dowladnimo ee ina heysta. Waana inaynaan xoolaha ka liidan oo iyagaba shirkooda cid kale ma dhexgeline, innaguna aan shirkeenna u madaxbannaano oo aysan beel caalam iyo dowladaha deriska ah toonna wadatashigeenna u soo farogelin.
Sheekadaan in la fahmo oo la dhuuxo kuma filna feegaarkaan gaaban ee aan qoray. Waxaan qofkasta kula talinayaa inuu sheekadaas akhriyo. Waxaana qoraalkaan kusoo xirayaa oraah kujirta horudhac qiimo leh oo uu sheekadaan u sameeyay Rashiid Sheekh Cabdillaahi "Gadhweyne" oo isaga oo cabbiraya qiimaha fanka yiri, "𝐅𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐚𝐡𝐢 𝐝𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐮𝐮 𝐧𝐨𝐨𝐥𝐞𝐞𝐲𝐚𝐚." Dhab ahaan sheekadaani dadnimadaada ayay noolaynaysaa, maankaaga ayay carinaysaa oo su'aalo ku dhalinaysa, suugaanta ummaddaadana waa ku jeclaysiinaysaa.
FG: habqoraalka maansadu waa habka ay buugga ugu qoranyihiin.