Thursday, September 28, 2017

MAXAA KA QALDAN DHAQAALAHA PUNTLAND?!




Puntland waa maamul jirsaday 19 sano oo laga filan karo maanta inuu sameeyay horumar dhankasta ah anoo middaas ka duulaya ayaan rabaa inaan soo qudbiyo warbixin ku saabsan dhaqaalaha Puntland . Qoraalkaan waxaan si gaar ah diiradda ugu saari doonaa 19 sano kadib maxay yihiin caqabadaha haysta dhaqaalaha Puntland? Iyo sidoo kale talo soo jeedin aan ku darsanayo oo aan is leeyahay waa lagu xallin karaa caqabadahaas.
Runtii ma yara caqabadaha haysan kara dhaqaalaha dhul ku yaalla dunida saddexaad oo haddana ku dhexyaalla waddan intiisa badan aysan kajirin amni lagu abuuri karo horumar dhaqaale oo xasiloon. Anoo arrimahaas oo dhan ogsoon ayaan qoraalkaan kusoo bandhigayaa caqabadaha haysta dhaqaalaha Puntland.

1.      Dhaqaale koror curyaan ah.
Caqabadda koowaad ee haysata dhaqaalaha Puntland waa dhaqaale koror hooseeya (Weak Economic Growth). Sida ku cad qorshaha horumarinta Puntland ee 5ta sano (Puntland Five Year Development Plan) dhaqaalaha Puntland wuxuu sameynaa kor u kac 3% taasoo ah wax aad u hooseeya oo aan laga filan karin maamul 19sano jirsaday oo intaas haystay xasilooni amni oo aasaas u noqon kartay in la helo horumar dhaqaale.
Waxsoosaarka Puntland (GDP) sida ku cad shaxdaan hoos ka muuqata si gaabis ah ayuu u siyaadayaa
GDP Growth
Year
GDP ($)
GDP PPP ($)
2014
2,027,938,434
8,111,753,734
2015
2,129,335,355
8,517,341,421
2016
2,235,802,123
8,943,208,492
2017
2,347,592,229
9,390,368,917
2018
2,464,971,841
9,859,887,362
Source: MoPIC, 2011b

2.      Miisaaniyadda Dowladda oo liidata (Weak government budget).
Caqabada labaad oo haysata dhaqaalaha Puntland waa miisaaniyadda oo ah mid aad u liidata taasoo badday in waddanku markasta uu kujiro is-dhin miisaaniyadeed (Budget deficit). Halka inta badan qeybaha dowladdu ay galayaan kharashaad tirobadan oo qeybtood ay yihiin wax laga maarmi karo.
Shaxdaan hoose ayaa muujinaysa isbarbardhigga dakhliga iyo kharashaadka dowladda.
Government Expenditure and Revenue
Year
Government Expenditure
Government Revenue

2014
42,175,617,430
41,245,286,548

2015
44,284,398,302
42,895,098,010

2016
46,498,618,217
44,610,901,930

2017
48,823,549,128
46,395,338,007

Source: MoPIC 2011b
Waxaad ka garan kartaan shaxdaan sida kharashka dowladdu uu uga badanyahay dakhliga dowladda. Mana jiro waddan horumar dhaqaale gaari kara isaga oo kujira is-dhin miisaaniyadeed (Budget deficit).

3.      Liidashada hab-maamulka cashuurta.
Cillada kale oo haysata dhaqaalaha Puntland waxa waaye hab maamulkii cashuurta oo aan fadhiyin. Waa sax waanku taageersanahay dowladdu inay qaaddo cashuurta waajibka ay ee ay tahay in la qaado laakiin waxa aan ku dhaliilsanahay dowladda habka cashuurtaas loo maamulo oo aan ahayn mid habboon. Haddii dowladdii ka cabanayso is-dhin miisaaniyadeed isla jeerkaasna ay maamuli la’dahay ilihii dakhligeeda kuwii ugu muhiimsanaa waxay caddayn u tahay inaan wali ka fognahay heer aan ku riyoonno horumar dhaqaale oo taabbagal ah.

4.      Tiro koob la’aan shacabka ah.
Tirakoobka dadku wuxuu muhiim u yahay dowladnimada iyo horumarka labadaba. Sida anigu aan qabo, dad badan oo dhaqaalaha bartayna ay qabaan korodhka bulshadu wuxuu saameyn togan kuleeyahay horumarka dhaqaalaha iyo waliba taabbagalinta dowlad wanaagga.
Dowladda Puntland 19sano kadib maanta majiro tirokoob si sax ah shacabkeeda loogu sameeyay wallow ay jiraan tirokoob ay hay’ado gaar ahi sameeyeen oo anigu aan dhaliilsanahay sax ahaanshahooda iyo tirokoob yo aan dhammaystirnayn oo dowladdu sameysay.
Tirkoobku wuxuu ina ka caawinaya in dadka raba inay waddanka maalgashtaan ay helaan tirsi ay ku go’aan qaadan karaan. Sidoo kale ganacsatada waddankuna inay fahmaan deegaanku intuu ganacsi qaadi karo iyo meelayoowga ay ka heli karaan dad farobadan oo wax iibsada.

5.      Shaqo abuur la’aanta da’yarta.
Anoo tixraacaya warbixin ay soo saartay qaramada midoobay, heerka shaqo la’aanta kajirta Soomaaliya waa mid kamid ah kuwa ugu sarreeya adduunka ku dhawaad 67% ayaa shaqo la’aan ah dadka da’doodu u dhexayso 14 ilaa 29 sano. Halka 61% raga ah iyo 74% dumarka ah ay shaqo la’aanyihiin. Sida cad waa dhibaato weyn arrinta shaqo la’aan.
Dhibaatadaas shaqo la'aanta Puntland waxay la wadaagta soomaalida kale waase arrin lama huraan ah in la xalliyo.
Halkan ka aqriso qoraal aan horay uga qoray shaqo la’aanta (http://cabdullahi-sanco.blogspot.com/2016/12/baagamuuddo-iyo-burbur-dhaqaale.html)

6.      Sicir bararka
Sicir barar ku wuxuu caqabad weyn ku yahay dhaqaalaha Puntland
Jaantuskaani wuxuu muujinayaa sicir bararka Puntland ka jiray sanadihii lasoo dhaafay si gaar ah wuxuu farta ugu godayaa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Haddaan si guud u fiirinno sicir bararka Puntland sida ku cad jadwalkaan 2006 wuxuu ahaa 29.72% waxayna ahayd markuu ugu yaraa wixii intaas ka danbeeyay wuxuu kujiray heehaab uusan meelna ku xasilnayn. Wuxuu gaaray heerkiisii ugu sarreeyay sannaddii 2010 (July-September) 140.43%.
Sida aad uga jeedo jaantuskaan sicir bararka kajira Puntland waa mid aad xasiloonida uga fog wuxuuna caqabad ku ahaan doonaa dhaqaalaha ilaa inta xukuumadda deegaanka kajirta ay keenayso xal lagu xasilayo.
Halkan ka daalaco maqaal aan ka qoray sicir bararka (http://cabdullahi-sanco.blogspot.com/2016/11/silic-iyo-sicir-barar.html)

7.      Sarrifka lacagaha qalaad.
Sarrifka lacaguhu waa mid kale oo kamid ah caqabadaha ugu waaweyn oo Puntland haysta, maadaama aysan jirin dowladda dhexe oo tayo badan isla markaasna aysan jirin cid maamulaysa siyaasadda lacagta waddanka waxaa wax fudud iska noqotay in ganacsatadu ay noqdaan kuwa jaangooya sarrifka lacagaha oo markay doonaan bay kor u qaadaan markay doonaanna hoos ayay u dhigaan.
Jaantuskaani wuxuu ina tusaya  sarrifka billaha ah ee $1 inta uu u dhigmo So. Sh

Sida ku cad jaantuskaan 2001 bishii January $1 waxaa lagu sarrifi jirey 13,000 so. Sh, oo ahaa qiimo hoose marka loo barbardhigo sannadaha ka danbeeya. Sannadkii 2008 ayay ahayd markii Puntland uu shillinku gaaray heerkiisii ugu xumaa iyadoo la gaaray in $1 lagu sarrifo lacag 40,000 so. sh ku dhow oo ahayd 38,000 so. Sh.
Sida jaantuskaani sheegaayo sarrifka lacaguhu ma ahan mid fadhiya ee waa mid si xowli ah isu bedbedlaya taasna waxay caqabad ku tahay dhaqaalaha deegaanka, haddii aan xal loo helinna waa adkaan doontaa in horumar dhaqaale oo miro dhal ah la helo.

8.      Isu dheelli tirnaan la’aanta wax-soo-dhoofitaanta (import) iyo wax-dhoofinta (export).
Caqbad kale oo weyn oo Puntland haysata waxa waaye wax soo dhoofinta (import) iyo wax dhoofinta (export) oo aan isu dhammaystirnayn bal xitaa aan isu dhaweyn. Waxaan soo dhoofsannaa 78% halka aynu dhoofinno kaliya 22%.
Maadaama waxbadan aan soo dhoofsanno wuxuu waddankeenu kujiraa markasta is-dhin ama khasaare ganacsi (trade deficit) way na adagtahay inaan horumar dhaqaale ka fakarno inta xaaladdu saan tahay waana arrin u baahan in wax laga qabto ayna ku fashilmeen xukuumadihii deegaanka soo marayi inay wax ka qabtaan.
Source: MoPIC, 2011a
9.      Kaabayaasha dhaqaalaha oo yar
Caqabad kale oo deegaanka haysata ayaa ah kaabayaasha dhaqaalaha oo aad ugu yar maadaama dowladdii Maxammed Siyaad AUN ay deegaankaan u aqoonsanayd gaariwaa isla markaasna aysan uga tagin kaabayaal dhaqaale oo fara badan. Si kastoo ay tahay xukuumadihii Puntland soo maray waxay xil weyn iska saareen sidii loo heli lahaa kaabayaal dhaqaale oo horumarsan, xukuumaddaan Cabdiweli Gaas ba ha ugu fiicnaatee dhammaantood waxbadan ayay ka qabteen dhankaas wallow ay tahay wali caqabad taagan oo si ku filan aan loo xallin.

10.  Soo dejinta qaadka.
Dhibaatada kale ee deegaankaan haysata waa qaad oo ka mid noqday cunnooyinkii caadiga bal wuxuu ka isticmaal badanyahay cuntooyinka qeybtood.
Maadaama deegaanka uusan qaad ka bixin waxaa laga keenaa waddamada deriska ah Ethiopia iyo Kenya lacag farabadan ayaana kaga baxda dadka deegaanka oo ay wax kale ku qabsan lahaayeen.
Sidoo kale waxa aan indhaha laga qarsan karin in qaadku uu yahay il dakhli oo dowladda lacag badan oo cashuur ahi kasoo gasho, wallow khasaarihiisu uu ka badanyahay faa’iidadiisa.

11.  Suuqyada maaliyadda oo aan firfircoonayn.
Wallow sannadihii ugu danbeeyay uu kobcay suuqa bangiyadu haddana wali ma gaarin heer ku filan. Puntland si ay ula jaanqaaddo horumarka dunida kale gaartay waa inay kajiraan bangiyo bixin kara dhammaan adeegyada loo baahan karo oo lagama maarmaanka u ah ganacsiga iyo nolosha.

TALO SOO JEEDIN.
Waxaan talo ahaan kusoo jeedinayaa:
1.      Dowladdu inaysan sameyso shaqo abuur si loo xalliyo dhibaatada shaqo la’aanta isla markaasna tillaabo horay loogu qaado horumarinta dhaqaalaha.
2.      Dowladdu waa inay dib u eegis iyo sixitaan ku sameysaa miisaaniyadda ay dejiso isla markaasna ay hubisaa in meelkasta loo qoondeeyay kharashkii ku habboonaa maadaama miisaaniyadda hadda ay kajirto isu-dheellitirnaan la’aan weyn.
3.      Dowladdu waa inay dadaal iyo waqti gelisaa sidii loo tirokoobi lahaa shacabka Puntland taasoo sahli karta in qiimeyn dhab ah lagu sameeyo suuqa Puntland iyo tirada ganacsi ee uu qaadi karo ama laga hirgalin karo. Sidoo kale waxay sahlaysaa in la gaaro doorasho hal qof iyo hal cod ah.
4.      Dowladdu waa inay bangigeeda shaqadiisa u ogolaataa isla markaasna kula xisaabtantaa inuu xalliyay sicir bararka iyo sarrifka lacagaha iyo inkale. Sidoo kale dowladdu waa inay ka waantoowdaa dhaqan xumada maamul ee ah inay isku daydo in sicir bararka lagu xalliyo qori caaraddiisa isla markaana loo diro inay xalliyaan dad aan ehelkeedii ahayn.
5.      Dowladdu waa inay dhiirrigelisaa waxsoosaarka waddanka si loo yareeyo farqiga weyn is-dhin ganacsiyeedka ee jira.
6.      Dowladdu waa inay cilmi baaris rasmi ah ka sameysaa dhibaatada qaadka isla markaasna ay ka yeelataa siyaasad cad oo haddaan xitaa la joojin karin suurtogalin karta in labada dhinac ee heshiiska qaadku ka dhexeeyo ay si isu dhow uga faa’iidi karaan.
7.      Dowladdu waa inay dhiirrigelisaa bangiyada deegaanka ku yaal isla markaasna ay kuwo kale kusoo jiiddaa inay yimaadaan taasoo suurtogelin karna in la helo maalgalin dibadda inooga timaadda.

Ugu danbeyntii waxaa hubaal ah intaan in ka badan oo caqabado ah inay jiri karaan. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa WAR LA HEL YAABA TALO LA HEL caqabadaha aan qoraalkayga ku xusay dhaliil ma ahan ee waa inaa ogaanno meesha la ina ka hayo si aan u raadinno illinkii aan u mari lahayn xallinta dhibaatadaas.

TIXRAAC
MoPIC, 2013, Puntland Macroeconomic Projections, MoPIC, SIDP-IOM, August, Garowe
MoPIC, 2014, Puntland Five Year Development Plan 2014-2018, Garowe, Puntland
Puntland Economic Challenges and Future Possibilities by Mohamed Said Samantar, DPhil
Puntland’s Consumer Price Index  & Exchange Rate Regime January 2014 Retrieved on Aug 8

              







Tuesday, July 4, 2017

WAA KUMA JOHN MAYNARD KEYNES?

“When the facts change, I change my mind”- John Maynard Keynes

John Maynard Keynes wuxuu ahaa dhaqaalayahan reer ingiriis ah. Dadka qeyb ayaa soo weriya inuu ahaa diin laawe (atheist). Wuxuu dhashay 5 June 1883, wuxuuna ku dhashay Cambridge,England. Keynes qoyskiisu wuxuu ahaa dabaqadda dhexe, wuxuuna ahaa ilmaha qoyska ugu weyn. Aabbhiiis John Neville Keynes wuxuu ahaa dhaqaalayahan ka tirsan jaamacadda Cambridge, hooyadiisna waxay ahayd Florence Ada Keynes oo iyaduna ahayd qof ka shaqaysa arrimaha bulshada. Keynes wuxuu helay jacaylkii iyo daryeelkii caruurnimo ee uu u baahnaa.
Keynes wuxuu haystay mad-habka dhaqaalaha ee ah Keynesian school. Aasaaska mad-habkaas waxaa lahaa Keynes isagoo aragtiyihii qadiimiga ahaa u beddelay aragtiyo casri ah. Keynes wuxuu ahaa nin hal abuur badan wuxuuna qeyb ka qaatay sidii loo xallin lahaa jahawareerkii dhaqaale ee dunida soo maray kuwoodii ugu waaweynaa. Aragtiyaha mad-habka Keynesian waxay u badanyihiin kuwo ku keenay isbeddel togan iyo xasilooni dhaqaalaha dunida, taas ayaa keentay in dad badan oo dunida magac ku leh ay taageeraan mad-habkaas oo ay dhaqangeliyaan afkaartiisa. Dadka ugu caansan ee mad-habkaan taageera waxaa kamid ah labadii madaxweyne ee hore ee Maraykanka George W. Bush iyo Barack Obama. Iyo raiisul wasaarihii ingiriiska Gordon Brown.
Keynes wuxuu ahaa dhaqaalayahankii indhaha kusoo jeediyay muhiimadda ay leedahay inay dowladdu suuqa u faragashato si maangal oo ay saxdo halkii ay gacmaha ka laaban lahayd arrintaasna waxaa caddayn u ah oraahdiisii caanka noqotay ee ahay “In the long run we are all dead” oo nuxurkeedu yahay haddaysan dowladdu suuqa faragashan oo aysan sixin intuu suuqu isa saxayo dhammaanteen dhimannay.
Sidoo kale John Maynard Keynes waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay aabbaha aasaasay dhaqaalaha guud ee casriga ah  (modern macroeconomics).

Waxbarashadii Keynes
Keynes wuxuu ku qaatay waxbarashadiisii aasaasiga ahayd guriga kadibna wuxuu dhiganay St Faith's preparatory school intii u dhexaysay 1892-1897. Kadib Eton ayuu ku biiray isagoo ka helay deeq waxbarasho. Intuu Eton dhiganayay wuxuu muujiyay inuu aad ugu fiicanyahay xisaabta, iyo taariikhda. Sanadkii 1902 keynes wuu ka tagay Eton si uu aqoon dheeri ah usii doonto wuxuuna ku biiray King's College. Cambridge ayuu iyadana ka helay deeq waxbarasho halkaas ayuuna kasii watay barashadiisi xisaabta.
Alfred Marshall ayaa Keynes ku booriyay inuu dhaqaalayahan noqdo laakiin isagu wuxuu aad u xiisayn jirey falsafadda.
May 1904 wuxuu qaatay shahaadadiisii koowaad ee xisaabaadka. Keynes wuxuu ka qeybqaatay doodo farabadan wuxuuna sii waday inuu sii barto falsafadda sidoo kale na wuxuu qaatay muxaadarooyin dhaqaalaha ku saabsan.

Waxyaabihii uu Keynes soo siyaadiyay
Keynes wuxuu dhaqaalaha dunida kusoo kordhiyay aragtiyo, qoraallo iyo buugaag aad u fara badan.
Buugaagtii, aragtiyihii iyo maqaalladii saamaynta yeeshay oo uu qoray Keynes waxaan tusaale uga soo qaadan karnaa
1913 Indian Currency and Finance.

1915 The Economics of War in Germany.
1919 The Economic Consequences of the Peace.



1922 The Inflation of Currency as a Method of Taxation.
1923 A Tract on Monetary Reform
1925 Am I a Liberal?
1931 The Great Slump of 1930
1933 The Means to Prosperity.
1936 The General Theory of Employment, Interest and Money.

1937 The General Theory of Employment.

Shaqooyinkii Keynes
Keynes waxa uu la taliye u noqday hay’ado dhowr ah oo samafalka ka shaqeeya. Sidoo kale waxa uu agaasime ka noqday bangi la dhihi jirey Bank of England. Waxa uu noqday shaqaale rayid ah. Sanadkii 1911 Keynes waxa uu tifatire ka noqday joornaal dhaqaalaha ka faalloon jirey oo la dhaho ‘Economic Journal’. Isla sanadkaas waxa uu xubin ka noqday ‘Royal Commission on Indian Currency and Finance’. Kadib Keynes maadaama uu noqday qof caan ah dowladdii England ayaa soo wacday si uu kaalin uga qaato dagaalkii koowaad ee dunida. January 1915 Keynes waxaa laga shaqaalaysiiyay xafiis dowladeed. 1919 Keynes waxa uu u dallacay matale maaliyadeed “Financial representitative” isaga oo England u matalay shirkii nabadda ee Versailles “ Versailles peace conference”. Keynes intaas kadib waxa uu iska casilay shaqadii uu u hayay, isaga oo u wareegay dhanka qoraalka sanado kadibna waxa uu daabacay buugiisa ahaa ‘The Economic Consequences of the Peace’.

Noloshiisa gaar ka ah.

Keynes waxa uu ahaa nin laga roone ah wuxuuna ahaa ragga xiriirka la sameeyaa ragga kale (homosexuality). Sanadkii 1921 Keynes wuxuu jacayl u qaaday gabadh wadanka Ruushka u dhalatay oo la dhihi jirey Lydia Lopokova. Sanaddii 1925 ayuu guursaday gabadhii uu jeclaaday.

Dhimashadii Keynes
Keynes waxa uu ahaa nin howl badan waqti bandanna ma uusan gelin caafimaadkiisa sidaas darteed ayaa waxaa ku dhacay wadne xanuun daran.
Wadne xanuunkaas ayuu ugu dhintay Firle, East Sussex,UK markay taariikhdu ahayd 21 April 1946.

Qeyb kamid ah hadalladii Keynes ee dhaxalgalka noqdey.
Ideas shape the course of history.
Lung run is a misleading guide to current affairs. In the long run we are all dead.
I don’t know which makes man more conservative to know nothing but the present, or nothing but the past.
The importance of money flows from it being a link between the present and the future.
The political problem of mankind is to combine three things: economic efficiency, social justice and individual liberty.
People will do rational thing, but only after exploring all other alternatives.
Men will not always die quietly.




Monday, June 5, 2017

WAA KUMA ADAM SMITH?

“The first thing you have to know is yourself. A man who knows himself can step outside himself and watch his own reactions like an observer.” ― Adam Smith.


Adam smih waxa uu ahaa filoosoofar iyo dhaqaalayahan reer Scotland ah. Wuxuu dhashay sanadkii 1723, wuxuuna ku dhashay magaalada Kirkcaldy, Scotland.

Adam wuxuu horyaal u ahaa cilmiga dhaqaale siyaasadeedka, sidoo kale waxaa loo tixgeliyaa inuu ahaa aabaha dhaqaalaha casriga. Wuxuuna ka tirsanaa culimada madhabka dhaqaalaha ee Classical school.
Raadadka uu adam ka tagay waxaa ugu muhiimsan buuggiisii ahaa ‘The Wealth of Nations’ oo kamid ah buugta dhaqaalaha ugu muhiimsan. Inkastoo uu ku dhashay tuulo yar xariifnimadii iyo xeeldheeridiisa qoraal waxaa yaraantiisii fahantay hooyadiis kadibna waxay isku dayday inay ka caawiso inuu helo waxbarasho tayo leh si uu uga mirodhaliyo hibadiisa gaar ah.
Hooyadiis ayaa noqotay qofka ugu saameynta badnaa nolosha adam. Adam dhaqankiisa iyo dabcigiisu waxay ahaayeen kuwo aan caadi ahayn oo aysan dadkoo dhan fahmi karin. Wuxuu ahaa mid kamid dadkii ugu dabci qallafsanaa ee dunida soo mara. Sidoo kale adam wuxuu caan ku ahaa deeqsinnimo iyadoo aan tusaale usoo qaadan karno mar uu adam iska casilay shaqo uu ka hayay iskuul ayuu muujiyay deeqsinnimo ay adagtahay inuu qof shaqo ka tagay muujiyo wuxuuna dib ugu celiyay ardayduu macallinka u ahaa fiigoodii laga qaaday laakiin nasiib xumo ardaydiisa ayaa ka diiday inay lacagta kala noqdaan.
Adam wuxuu aaminsanaa dhaqanka ah isla hadalka isagoo waqti badan isla sheekaysan jirey ilaa yaraantiisii. Waqtiyada qaar waxaa dhici jirtay in la arko isaga oo dhoolacaddaynaya keligiis.

Waxbarashadii Adam
Adam wuxuu ku dhashay magaalada Kirkcaldy, Scotland. Aabihiis Smith wuxuu ahaa garyaqaan. Nasiib darro Smith wuxuu dhintay labo bilood kadib dhalashadii Adam. Taas ayaa adam ka dhigtay wiil hooyadiis Margaret Douglas aad ugu dhow. Hooyo Margaret waxay ahayd hooyo aad u jecel uguna dhow wiilkeeda taas oo keentay inay kasoo qorto iskuulkii ugu fiicnaa markaas deegaanka (Burgh School of Kirkcaldy) halkaas oo uu si fiican ugu bartay qoraalka, xisaabta iyo taariikhda.
Adam markii danbe wuxuu falsafadda ka bartay University of Glasgow. Intaas kadib wuxuu ku biiray Balliol College oo uu ka bartay suugaanta Yurub. Wuxuuna noqday ardaygii ugu sarreeyay kuleejkaas isla markaas ayuu deeq waxbarasho helay.
Kadib markuu qalinjibiyay adam wuxuu noqday muxaadir fagaarayaal badan ka hadla oo cilmigiisa dadka u faaiideeya.
Wuxuu noqday Professor of Moral Philosophy sanadkii 1751. Wuxuuna qorey buug la dhaho 
Theory of MoralSentiments’ isla sannadihii uu qelinjibiyay. Kadib wuxuu kamid noqday culimada looga danbeeyo cilmiga falsafadda.

Muxuu soo siyaadayay?
Adam wuxuu soo siyaadiyay aragtiyo badan oo dhaqaale iyo kuwo falsafadeed. Dhanka falsafadda wuxuu ka qoray buugaan ah The theory of MoralSentiments.
Cilmiga dhaqaalaha wuxuu ka qoray buug la dhaho The Wealth of Nations oo la daabacay sanadkii 1776 kaasoo noqday buugga loogi iibsashada badanyahay noqdayna buug saameyn badan leh.
Aragtiyaha uu soo siyaadiyay waxaa kamid ah  suuqa xorta (free market), qeybinta shaqaaalaha (division of labour) iyo gacanta qarsoon (the "invisible hand")

Guulihii uu gaaray
Adam wuxuu qaatay magaca ah aabbaha dhaqaalaha casriga oo ah magic qiimo badan waana
guusha ugu weyn ee uu gaaray.

Noloshiisa gaar ka ah.
Adam waligiis ma uusan guursan. Wuxuu aad ugu dhawaa hooyadiis taasoo dhimatay 6 sano ka hor dhimashadiisii. Markuu dhimanay wuxuu ka shallaynayay inuusan waxbadan gaarin taasoo caddaynaysa sida uu u jeclaa inuu dunidaan wax kusoo siyaadiyo.

Dhimashadii Adam
Adam wuxuu dhintay sannaddii 1790 isaga oo jira 67 sano, wuxuuna ku dhintay magaaalada Edinburgh ee UK.