Wednesday, September 28, 2022

Hantidhowrka Habowsan ee Puntland!

Xafiiska Hantdhowrka Guud ee Puntland waxaa lagu dhisay xeer lambar 9 oo soo baxay Sept 2000, xeerkaasi xafiiska wuxuu siinayaa madaxbannaani shaqo, ujeedka loo siiyayna wuxuu ahaa inuu kaalin muuqata ka geysto ilaalinta hantida umadda taasoo hubinaysa in hantida umadda loo isticmaalo hababka qorsheysan ee danta guud loogu shaqeynayo, oo aysan marna suurtogelin in hanti ummadeed loo isticmaalo si danta umadda iyo xeerarka dowladda baal marsan.

Nasiibxumo, inkastoo uu xafiisku maanta jiro 22sannadood haddana ma hayo shaqadii loo idmaday. Mana leh tayo uu ku qaban karo shaqo hantidhowr. Haddaba waxaan si kooban u dulmarayaa waxyaabaha aan is leeyahay xafiiska waxay ka dhigeen howlgab, ilaa masuuliyiinta xafiisku ay si toos baarlamaanka uga hor qirteen inay ku fashilmeen inay baaritaan ku sameeyaan xafiisyadii ugu waaweynaa dowladda oo ay ku baxaysay qeybta ugu weyn ee miisaaniyadda.

Hantidhowraha Guud ayaa 25kii June, 2022 baarlamaanka hortiisa ka sheegay inaysan wax baaritaan ah ku sameyn Madaxtooyada, Golaha Wakiillada, Hay’adaha Garsoorka iyo Hay’adaha Amniga! Waxaana xusid mudan in Miisaaniyadda Puntland 46% lagu bixiyo hay’adaha amniga. Sidoo kale golaha wakiillada lagu bixiyo 3% miisaaniyadda kamid ah, madaxtooyada ayaa 5% lagu bixiyaa, halka hay’adaha garsoorka iyagana 2% lagu bixiyo. Halkaas waxaa ka cad in 56% kamid ah miisaaniyadda uusan hantidhowrku wax baaritaan ah ku sameyn!

Caqabadda koowaad ee Xafiiska heysta waa habacsanaanta baahsan ee hoggaanka xafiiska. Bilowgii laguma magacaabin karti, aqoon iyo xirfad dheeri ah oo ay shaqadaan u lahaayeen, ee sida ay xafiisyada kale ee Puntland la wadaagaan ayaa lagu soo xulay qoondo reereed iyo qancin jifiyeed. Tayadorrada hoggaanka xafiisku waxay meesha ka saartay filashadii laga qabay in magacaabistoodu ay dardargelin karto shaqada xafiiska, waxayna sii wadday shaqo xumadii xafiiska oo markii horeba aan sidaan dhaamin.

Kormeer la’aantooda joogtada ahi waxay bullaalisay musuqii lagu hayay hantida umadda. Hantidhowrku shaqooyinka uu qabto waxaa kamid ah inuu dabagal ku sameeyo xafiisyada dowladda, oo uu hubiyo in si saxan loo isticmaalay qoondadii miisaaniyadeed iyo in la ilaaliyay guud ahaan hantida umadda. Xafiiska Hantidhowrku wuxuu ku fashilmay inuu shaqadaas u guto si dhammeystiran, sida guddoomiyaha xafiisku uu baarlamaanka ka hor sheegayna 56% kamid ah miisaaniyadda dowladdu xafiisyada ay ku baxdo wax baaritaan ah kuma sameeyaan. Dhanka kale, sida uu isla guddoomiyuhu sheegay majiraan wax tirokoob hantiyeed ah oo ay hayaan, taasoo ka dhigan waxa hanti dowladdu leedahay oo gawaari, guryo, agabka ciidamada, qalabka xafiisyada iyo guud ahaan hantida dowladda aysan xog ka heyn. Baaritaan la’aanta hantiyeed ee xafiisku waxay kasoo horjeeddaa qodobka 15aad ee xeerka xafiisku ku dhisanyahay.

Dhanka kale, inkastoo uu Hantidhowruhu baarlamaanka ka horsheegay in sannadkii 2020 ay 16 kamid ah 18ka wasaaradood baaritaan ku sameeyeen, sannadkii tagayna uu baaritaankiisii marinayo 12 kamid ah 20ka wasaaradood, waxaa xusid mudan in guud ahaan hay’adaha dowladeed ee Puntland oo tiradoodu 90 kor u dhaaftay in badan oo kamid ah aan wax baaritaan ah lagu sameyn, kuwo lagu sameeyayna uusan baaritaankoodu soo bandhigin dayaca maamul maaliyadeed iyo boobka hantiyeed ee Puntland ka jira. Waxaa jira baaritaanno tiro yar  oo la soo bandhigay iyadoo dano siyaasi ah loo adeegsanayo, baaritaannadaas lama soo gebogebayn oo lagama gungaarin eedihii lasoo jeediyay, haddayba wax ka jireennna looma gudbin hay’adihii ku shaqada lahaa. Aan dhowr tusaale oo arrintaas ku saabsan soo qaato.

Duqii hore ee Degmadda Gaalkacyo Saahid Maxamuud ayuu hantidhowrku kusoo eedeeyay musuqmaasuq taasoo keentay in duqii shaqada laga joojiyay, xilkiina uu banneeyay. Intaas kadib, hantidhowrkii wax tillaabo ah ma uusan qaadin, taasoo loo fasiri karo in eeddaasi ay aheyd mid siyaasadaysan oo hantidhowrku uu yahay hay’ad habowsan oo loo adeegsado in masuuliyiinta eedo aan jirin loogu abuuro ama say u badantahay inuu yahay xafiis aan shaqadiisa aqoon.

Tusaale kale waa duqii hore ee Boosaaso Cabdisalaan Bashiir oo isagana Hantidhowrku musuq ku eedeeyay taasoo keentay in shaqadii laga joojiyo, kadibna uu isagu is casilay. Intaas kadib majiro wax shaqo ah oo uu Hantidhowrku ka qabtay eeddii uu soo jeediyay iyo dacwad uu u gudbiyay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud si waafaqsan qodobka 22ad ee xeerka xafiisku ku dhisanyahay, taasoo markale ka dhigan in hay’addaani ay noqotay cagaf lagu xaaro ciddii la rabo in xilka laga qaado, halkii ay ahaan laheyd hay’ad hufan oo hantida ummadda ilaalisa.

Mar kale, agaasimihi Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax iyo Agaasime waxeedyo kale oo wasaaradda ka tirsan ayuu Hantidhowrku musuq ku eedeeyey, taasoo ugu danbeyn keentay in agaasimihii xilka laga qaado, halka agaasime waaxeedyadii shaqadoodii lagu celiyay iyada oo aan eeddii Hantidhowrka baaritaankeeda la sii wadin!

Mar kale, waxaa xilkii duqa degmada Garowe laga qaaday Axmed Barre, kadib markii qeybo bulshada reer Puntland kamid ahi ay qawadeen sababta uu xilkiisa ku waayay Axmed Barre oo loo arkayay duqa ugu waxqabad roon guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland, waxaa warbaahinta lagu soo daayay warbixin Hantidhowrku soo saaray, walow eedda warbixintaas ku qoran ay ka duwaneyd eedihii hore ee uu hantidhowrku jeedin jiray. Haddana waxaa warbixintaas loo fasirin karaa in Hantidhowrku uu noqday xarun lagu sumcad dilo qofkii la rabo in xilka laga qaado, iyo xarun loo adeegsado marinhaabinta bulshada.

Caqabad kale oo xafiiska heysata waxay salka ku haysaa siyaasadxumo dowladeed oo si ku talogal ah xafiiskaan howlgab uga dhigtay, taasina ay fududeynayso dhaca hantida umadda. Si xafiisku uusan shaqadiisa u gudan waxaa suququr laga dhigay miisaaniyadda xafiiska. Waa wax caqliga ka fog in xafiiska la rabo inuu baaritaan ku sameeyo tiro ka badan 90 xafiis oo dowladeed in miisaaniyaddiisa billaha ah ay tahay wax ka yar 40 kun oo dollar, halka Puntland TV oo wax looga baahanyahay TV dowladeedba aysan jirin ay ku baxdo bishii lacag ku dhow 60kun oo dollar! Intaas waxaa dheer tirada shaqaalihiisa oo aad u yar kana kooban 46qof, aadna u tayo hooseeya intooda badani. Suququrkaas miisaaniyadeed ee xafiiska heysta waxa uu keenay inay meesha ka badaxdo madaxbannaanidii shaqeed ee xafiiska laga rabay, wuxuuna si toos ah ugu milmay laantii fulinta ee uu kormeerka iyo baaritaanka ku sameyn lahaa.

Si gaar ah waxaa xafiiska afartii sano ee ugu danbeysay caqabad ku noqday maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo uu waayahan hoggaaminayay wasiir adeegsanaya awood ka badan tii xafiisku siinayay, sameeyayna ku takrifal awoodeed oo dheelli weyn geliyay dowladnimadii.

Caqab kale oo xafiiska heysta waa kartidarro hay’adeed. Guud ahaan xafiisku ma leh karti hay’adeed oo u suurtogelin karta inay qabsadaan shaqada dowladeed ee laga sugayo. Saan korba ku sheegnay, hoggaanka xafiisku karti ahaan uma diyaarsana inay shaqadaan qabtaan tiiyo ay sii dheertahay in shaqaalaha xafiiskana ay tayadoodu liidato. Waxaa xusid mudan inay jiraan la taliyayaal kooban oo xafiisku leeyahay, balse heerka tayodarro ee meesha ka jirta aad bay uga weyntahay wax ay la taliyayaal tirsani dheellitiri karaan. Kartidarrada hay’adeed ee Hantidhowrka heysta oo loo geeyay miisaaniyad yaraanta heysa, waxay keeneen inay awoodi waayaan soo shaqaaleysiinta xirfadlayaal hantidhowr iyo inay haysan waayaan kuwa tirada yar ee lasoo shaqeeyay. 

Xafiiska Hantidhowrku wuxuu sidoo kale wajahayaa caqabado farsamo oo tirobeel ah. Dunida sii casriyoobaysaa waxa hantidhowrka haga halbeegyo caalami ah, walow ay jiraan tababaro uu xafiisku helay haddana aqoonta halbeegyadaasi aad bay ugu yartahay xafiiska, taasoo warbixinahooda ka qaadday micnihii ay yeelan lahaayeen. Dhanka kale, waxa xafiisku aad ugu hooseeyaa dhanka isticmaalka tiknooloojiyadda. Waana adagtahay in maanta la soo saaro warbixino hantidhowr oo micno leh iyada oo aan la isticmaalayn tiknooloojiyadaha casriga ah. Waxaa la yaab ah in xafiiskaasi uusan laheyn mareeg warbaahineed (website) uu shaqooyinkiisa kusoo gudbiyo! Waa wax aan la fahmi karin xafiis dhanka isticmaalka tiknooloojiyadda sidaas uga liita habka uu u sameyn karo Information systems auditing oo ah habka ay ku baari karaan nidaamka Puntland Financial Management Information Systems ee ay inta badan wasaaradaha dowladdu ku shaqeeyaan. Waxaa iyana xusid mudan in deegaanka, gaadiidka iyo agabkuba ay aad uga hooseeyaan heerkii laga rabay in xafiiskaani uu joogo 22sano kadib.

Talooyin

Waxaa lama huraan ah in hoggaanka dowladdu ay garowsadaan muhiimadda xafiiskaani u leeyahay dowladwanaagga, isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta. Si xafiisku shaqadiisa u qabtona waxaa lagama maarmaan ah in miisaaniyadda xafiiska la kordhiyo oo la gaarsiiyo miisaaniyad u dhiganta culeyska shaqo ee la rabo inuu xafiisku ku guto. Sidoo kale, xafiisku wuxuu u baahanyahay agab, deegaan iyo qalab ku filan.

Dhan kale, baarlamaanka waxaa laga rabaa inay xafiiska garab ku siiyaan inuu guto shaqadiisa. Si taasi u suurtogashona waa in baarlamaanku hubiyo in la dhaqangeliyo talooyinka uu Hantidhowrku soo saaro.

Sidoo kale, xafiisku wuxuu u baahanyahay karti farsamo oo ku filan si ay wajibaadkooda u gutaan, si taas loo suurtogeliyo waa in hay’adaha caalamiga ah ay gacan maaliyadeed iyo mid farsamoba siiyaan xafiiska. Dowladduna waa inay dhiirrigelin siyasadeed ku kaalmayso howlgudashada xafiiska.

Waxaa iyana muhiim ah in xafiisku uu xiriir wanaagsan la lahaado hay’adaha uu kormeerka ku sameynayo. Wadashaqeynta wanaagsani waxay fududeyn kartaa isla wadaagista xogaha, iyadoo sidoo kale xoojin karta la dagaallanka musuqmaasuqa.

Sidoo kale, xafiisku waa inuu si taxaddar leh u isticmaalo miisaaniyadda iyo kaalmada kale oo uu helo si ay taasi ugu suurtogeliso inuu heysto shaqaalaha tayada leh ee xafiiska jooga iyo si uu usoo jiito xirfadlayaasha xisaabeed ee tayada sare iyo kartida leh.

Tixraac:

- Buugga Miisaaniyadda Puntland 2020

- Buugga Miisaaniyadda Puntland 2022

- Xeerka Xafiiska Hantidhowrka Puntland, 2000

- Hadaljeedintii Hantidhowraha Guud ee baarlamaanka Puntland, 2022