Saturday, March 26, 2022

Wejiyada Isbeddelaya ee Odayaasha Dhaqanka Puntland

Isimadu waxay muddo dheer laf dhabar u ahaayeen qaab dhismeedka bulshada Soomaaliyeed, arrintaasi waxay keentay in odayaashu ay saameyn ballaaran oo dhinac kasta ah ku lahaadaan nolosha bulshada. Dowladnimada yabyabka ah ee Soomaaliya loo dhisayona, waxay ku leeyihiin door weyn oo ayba iyagu yihiin cidda sharciyadda siisa baarlamaannada Soomaaliya ka jira dhammaantood marka laga reebo Somaliland oo doorashooyin dadweyne hirgelisay. Intaas waxaa dheer oo bogaadin mudan, in isimadu ay qeyb ka qaataan horumarinta adeegyada bulshada.
Puntland iyadu waa meelaha sida gaarka ah ay isimadu u leeyihiin awood muuqata, saameyntoodu waxay kasoo bilaabatay aasaaskii dowladnimada Puntland oo ay dadkii dhidibada u taageen ka mid ahaayeen. Isimadu waxay shirguddoomiyeen shirkii aasaaska, isla iyaga ayaana soo xulay xildhibaannadii koowaad ee doortay madaxweynihii koowaad. Walow axdigii aasaaska Puntland uu dhigayay in saddex sano kadib aasaaska la hirgeliyo doorashooyin dadweyne oo la gudbo xulidda odayaasha, nasiibdarro arrintaasi ma suurtogelin ilaa manta oo aasaaskii laga joogo ku dhawaaad nus qarni.
Fashilkaas siyaasiga ah ee siyaasiyiintu ku fashilmeen in doorashooyin dadweyne la hirgeliyo, wuxuu sii naaxiyay awooddii isimada oo iyagu maanta soo xula xildhibaanada iyo golayaasha deegaanka! Haddana waxay ku darsadeen inay marooqsadeen awoodihii kale ee dowladda, oo ayba iyagu maanta burin karaan digreeto madaxweyne soo saaray.

Isbeddellada ku dhacay odayaasha dhaqanka:

Tayadooda oo hoos u dhacday

Isinnimada inteeda badan waxay ku socotaa qaab dhaxaltooyo ah [Ogaalkayga beesha Reer Xirsi, Cumar Maxamuud, Majeerteen ayaa ah cidda kaliya ee dhaqankeeda tayo ku xulata] Sida caadada ahse waa in isin kasta marka ay tii Alle u timaaddo, saldanadiisii uu dhaxlaa wiilashiisa kan ugu weyn ama kan ugu roon. Arrintaasi waxay keentaa in mar mar badan ay dhabowdo oraahdii Soomaaliyeed ee aheyd “Hebel isma dhalin” oo ay taladii gacanta u gasho wiil aan gashan karin kabihii odayga, aanna xiran karin koofiyaddii duqa.
Isimadii Puntland ee xilkasnimada lagu yaqaannay, waxaa kusoo fatahmay mowjado tayoxumo ah oo ka imaanaya jiilka cusub ee isimada ah, iyo kuwii hore intii ka nool oo noqday bartii yaqaan aan la jaanqaadi karin horumarrada dowladeed ee la hirgelin karo. Arrimahaas iyo kuwa kale oo tusaalayaal loo heli karoba waxay hoos u dhigeen tayadii hoggaanka dhaqanka, kadibna waxaa dheelli weyni ku yimi go’aamada ay gaarayaan oo u muuqda kuwo aan laga fiirsan kuna fadhiyin xikmad iyo xirrib odayeed.

Wacyigooda oo liita

Qodobkale oo ay tahay in la xuso, waa wacyiga isimada oo hoos-u-dhac weyni ku yimi, maadaama magaaloowgii uu xowli u faafay oo bulshda loo talinayay intoodii miisaanka laheyd ay magaalo soo galeen, odayaashii waxay usoo guureen magaaladii iyada oo barkood aysan ogaal magaalo laheyn! Dhanka kalena, korriimada dowladnimada ku socota ayay ka hareen maadaama fahankooda dowladnimo oo markii horeba iska koobnaa, haddana aan helin cid wax ku biirisa! Fahankoodu ma dhaafsiisna xildhibaan la xulay, wiil jifida ah oo kursi looga baryay madaxweynaha jooga, wiil abti loo yahay oo kursi loo xiray, wiil adeer loo yahay oo loo ololeeyay iyo mid la necebyahay oo saxiixa loo diiday.

Kaalintoodii doorashadii 2019

Isimadu waxay si daran ugu milmeen doorashadii ugu danbeysay ee Puntland ka dhacday, taasina waxay mar kale muujisay sida ay siyaasiyiin u noqdeen oo uu u doorsoomay wajigii aan ku barannay ee kan dhaqan ahaa.
Isimada Gobolka Nugaal oo doorashadii 2019 si aan ka fiirsi lahayn ugu milmay aan tusaale usoo qaadanno. Isimada Gobolka Nugaal, oo aan markaan ula jeedo labada isin ee Ciise Maxamuud, waxay qaadeen tillaabo dad badan oo aan anigu ku jiro la yaab ku noqotay! Shantii xildhibaan ee beeshaasi lahayd iyo labo kale oo ay leeyihiin beelo kale oo Nugaal deggan ayay si nin jeclaysi ah u xuleen, iyaga ka fiirinaya hal tayo ama hal ballanqaad oo ah inay musharrax Deni codka siinayaan. Arrintaas labo sababood baa loo yeelay, midda koowaadi waa inay jirto is heyn ku qotonta xifaaltan miirqab ka maran oo damac shakhsiyadeed ku dhisan, oo ka dhexeeyay iyaga iyo Boqor Burhaan, tan labaadina waa inay isimadu taladoodii ay gacanta u galiyeen mooryaanta Aaranjaan oo dhab ahaan go’aankaba isimada loo gaaro, maadaama nimankaasi ay Deni dhisayeen saasaa odayaasha ku khasabtay inay codadka beeshooda aysan ku saleyn matalaad bulsho iyo rabitaanka beelaha! Nasiibdarro, arrintaasi waxay keentay in beeshu aysan maanta matalaad micno leh ku dhex lahayn golaha wakiillada Puntland! Adiguba caqli baad leedahaye maxay tahay mataaladda laga sugayo ninka xilka lagu siiyay Deni u codee, markii ay codeeyeen bay dayaameen intoodii badnayd, markaasaa mid la ceyriyay, mid la deyriyay, inta kalena baarlamaanka waa dhex joogaan ma se arag micno ay la dhex fadhiyaan!

Sababo dhaqaale

Dhibaato kale oo baahsan oo odayaasha marada ka tuurtay waa damac dhaqaale! Dhammaantood ma ahan, balse qeybo badan oo kamid ah waxaa looga faa’iideystay oo go’aamadoodii loo majara habaabiyay waa dano dhaqaale.
Waayadii hore waxaa jiray dhaqan lama dhaafaan ah oo dhigayay in isinka markii lagu caanoshubo loo xoolo-gooyo taasi waxay keenaysay in isinka go’aamadiisa aan la saameyn! Dhaqankaas oo meeshii ka baxay iyo odayadii oo magaalo soo galay gacmihii baa is dhaafay, taasina wajigii dhaqan ee aan naqaanay waa ay dhaawacday.
Arrintaas waxaa tusaale u noqon kara, sida doorashada dadban ee hadda socota odayada loo saameeyay oo qeybtood la sheegayo inay lacago qaateen si ay u tuuraan qofkii beeshu isku soo raacday, qeybtoodna ay reeraha dusha ka saareen mudanayaal aan la rabin si ay u gaareen danahooda maaddiga ah.

Cadaalad-darro

Ujeedka guud ee oday dhaqameed loogu caanoshubo waa inuu xal u raadiyo khilaafaadka soo dhexgalo reerkiisa iyo dadka kale, sidoo kale waa inuu u cadaalad sameeyo reerka dhexdiisa. Odayaasha maanta jira waxay u muuqataa inay arrintaas ku fashilmeen maadaama hadda xaalku marayo in jifi kasta isin sameysato iyadoo ka cabanaysa cadaalad-darro uu sameeyay isinkii guud. Waxaan tusaale usoo qaadan karnaa, isimada beesha Cumar Maxamuud oo hadda tusbax furtay noqday, waxaa hadda dhabbahaas cagta saaray beesha Ciise Maxamuud oo iyaguna saddexdii bilood oo ugu danbeysay saddex isin oo cusub caleemosaaray. In jifiyihii sidaas u kala tagaan waxaa sababteeda leh isimadii hore oo eex laga tirsaday. Anigu waxaan qabaa in isin la badiyo uusan xalku ku jirin, ee ay tahay in awoodda la geliyo sidii loo tayeyn lahaa hay’adaha dowladda loogana maarmi lahaa awoodaha isinku dowladda ku dhex leeyahay. Haddii taasi dhacdo reer walba nabaddoon dantooda hoose ka shaqeeya baa ku filnaan doona.

Ku milankooda siyaasadda

Odayaashu waxay aad ugu milmeen siyaasaddi ilaa heer aad ka shakiyayso magaca siyaasi iyo kan isin kaad ugu yeerayso! Sideedaba dhaqanku waa nin mar lagu caanoshubay oo sida kaliya ee loo beddeli karo ay tahay inay tii Allle u timaaddo, ma dhacdo in isin laga xayuubiyo xasaanadda. Taasi waxay ka micno tahay in isinku ilaashado saldanadaas aan dhicin, uusannna dhex dabaalan mulki siysaadeed oo muddo kooban jiraya.
Waa iyaga iyo Allahoode, waxay weriyeen in Boqor Burhaan uu doorashadii 2019 ololaha dhinaciisa ka galay, isaga oo xilka u raadinaya wiilka uu adeerka u yahay ee Asad Diyaano, uma se suurtogelin inuu wiilka xilka saaro! Waxaa cajiib ah in ku dhawaad 10 kamid ah musharaxiintii hoolka gashay ay ahaayeen jifida boqorka, Cismaan Maxamuud, waa wax aan la fahmi karin sida uu ugu kala eexday ragga uu isinka u wada yahay, waxaa se jirta baa la yiri in boqorku iyo wiilku ay qoys hoose isla yihiin.
Waxaa xusid mudan inaan dad kasoo xiganayo in boqorku maalmihii doorashadu soo dhawaatay uu ololaha ka baxay, oo uu dhex noqday, waa se goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen! Anoo taas maanka ku haya, baan haddana la yaabay sida uu boqorku ula kala saftay taliyaha PSF Maxamuud diyaano iyo madaxweyne Deni markii ay is qabteen.

Isku milanka wadaadada iyo isimada

Khatar kale oo ay tahay in lagu baraarugo waa isdhexqaadka dhaqanka iyo wadaadada! Wadaadada oo awalba haystay kaalin lama taabtaan ah oo aan la dhaleecayn karin, ayaa haddana raadsaday isinnimadii oo iyaduna deegaannada Puntland ka ah martabad aan la dhaliili karin.
Arrintaasi waa khatar aan la xakamayn doonin haddaan hadda la kala weecin! Waxaan sidaas u leeyahay waa damaca waalan ee wadaadadu u qabaan inay mar xukunka hantaan. Wadaadada deegaanku waxay ka simri la’yihiin jabkii loo geystay waayadii ay damceen inay dhulkaas si qaabdaran uga taliyaan, waa jabkii kasoo raacay dagaalkii Saliid.
Inta dowladnimadeenna oday dhaqameedku jaangooyo waxaa ila habboon in wadaad iyo dhaqan la kala ilaaliyo! Waa labo awoodood oo qofkii isla hela uu keligii-talis isaga dillaacayo haddduu awooddii siyaasadeedna la helo, wadaaduna sababta dhaqanka u gelayaan waa inay ka dhabbeeyaan hayaankooda xukundoonka ah.

Xallinta khilaafaadka siyaasadeed

Odayaashu sidoo kale waxay ku fashilmeen xallinta khilaafaadka siyaasadda. Sideedaba odayadu ma ahan inay galaan arrin siyaasaddeed, wixii siyaasad la xiriira xalkeedu wuxuu u yaallaa masuuliyiinta loo doortay dowladda! Balse maadaama Buntilaantii noqotay digsi dabka saaran oo qofkasta markiisa qaadada geliyo, odayaashuna digsiga markooda ayay walaaqaan!
Aasaaskii dowladnimada Puntland ayaa odayaashu qaateen kaalin aad u ballaaran waana ku ammaananyihiin intooda nooli, inta dhimatayna Eebbe haka ajarsiiyo. Balse waxaa farsamoxumo ah in odayaashu ilaa maanta ay rabaan kaalintii ay aasaaska lahaayeen. Waxaa la rabaa cid dhiirran oo odayaasha runta u sheegta oo ku dhahda dowladnimada dhubuqdhubuqda ka daaya, sidoo kale waxaa aad loogu baahanyihiin siyaasiyiin waxgarad ah oo dhisa nidaam dowladeed oo odayaasha looga maarmo.
Haddiiba odayaashu u kaceen xal u raadinta khilaafaadka siyaasiga ah waxay aheyd inay marka hore fursad siiyaan siyaasiyiinta si khilaafkaas xal siyaasadeed looga gaaro, nasiibxumo waayadan taas ma sameeyaan oo iyagaa xalka marka koowaadba go’aan ka gaara! Arrintaasi waxay kasoo horjeeddaa sida dhaqankii hore lagu yaqaannay ee aheyd in odayadu ay lahaayeen guddoonka xaajada, rogrogidda xaalkana loo deyn jiray dadka kale ee xaajadu khusayso. Arrintaasi waxay la xiriirtaa dhaqanka reeraha, balse maadaama dowladnimadii Buntilaanta iyo dhaqankii loo kala caal waayay bal inay rogrogidda xaajada dowladda u daayaan bay aheyd.
Aan tusaale u soo qaadanno sida odayaashu u wajaheen xallinta rabshaddii ka dhalatay markii agaasimaha PSF Janan Maxamuud Diyaano uu diiday digreetadii madaxweyne Siciid Deni xilka kaga qaaday. Odayaashu iyaga oo aan sugin xal siyaasadeed oo dowladda iyo siyaasiyiintu raadiyaan ayay soo saareen waraaq dadka qaarkiis ku sheegeen inay dabka hurisay, anigu se aanan dhaheyn dabkay hurisay balse waxay aheyd waraaq kala fogeysay dowladdii iyo sargaalkii markaas amardiidka ahaa, waana qabaa in laga maarmi karay soo saarista xaanshidaas. Mashaqo kadib, odayaashu warqad kale ayay soo saareen oo meeshii laga sugaayay xal u raadinta shaqaaqadii PSF, waxayba fureen furimo hor leh oo khilaaf keenay lagana maarmi karay in lagu dhexfuro howshii socotay. Waxaa la yaab leh oo caddeynaysa in dhaqanka Puntland uu noqday lugtii jeeniga dhaaftay, qodob odayaashu soo saareen oo sheegayay in 17% dakhliga Boosaaso kasoo xarooda loo jaro degmada Boosaaso, runtii Boosaaso waa mudantahay in loo qoondeeyo miisaaniyad horumarin, waxaa se la dhegofaaray markay dhaheen lacagtana annagaa maamulaynna! Oo haddii dowladdu aysan maamuli karin cashuurtii ay ururisay maxay dowlad ka tahay.

Howlgabnimada siyaasiyiinta

Waxaasoo mushkilo ah oo dhaqanku dowladnimada u geystay ama ku hayo waxaa fududeeyay howlgabnimqda siyaasiyiinta Puntland. Dhammaan madaxdii Puntland soo martay waxay ku fashilmeen inay deegaanka gaarsiiyeen nidaam doorasho xisbiyo badan oo awoodda kusoo celin lahaa dadweynaha, taasi waxay xal u keeni laheyd in meesha laga saaro awoodda odayaashu ku gorgortamayaan ee ah inay soo xulayaan xildhibaannada baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka. Sidoo kale, madaxdu waxay ku fashilmeen inay dhisaan nidaam garsoor oo lagu kalsoonaan karo lagagana maarmi karo in odayaashu soo dhexgalaan arrimaha garsoorka.
Doorasho iyo garsoor kaliya ma ahane, qodobkasta oo dowladnimada wanaag u noqon lahaa inay si dhammeystiran u hirgeliyaan waa ku fashilmeen. Meelkasta waxbaa qabyo ka ah Puntland, waxaan qabaa Puntland ilaa markii la aasaasay inaysan helin madaxweyne dhismaheeda si weyn isugu howla. Malaha dhanka dhismaha dowladnimada waxaa ugu dadaal badnaa Madaxweyne Faroole oo wax weyn ka qabtay qabyotirta qalfoofta dowladnimada ma se idlayn. Isagana waxaa dadaalkiisii kala dhantaalay macangagnimo shakhsi oo dadkii ku dirtay xitaa isaga oo wanaag wada, kalaqeybsan bulshada ka dhex-abuurmay iyo dowladdiisii oo gobollada qeybtood eedo ka tirsadeen, ma se xaqiijin karo inay wax ka jiraan eedahaas.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, Alle Ha U Naxariisto, inkastoo uu lahaa bilowga dhismaha hay’adaha dowliga ah balse wax badan kama qaban inuu ka shaqeysiiyo hay’adda dowladda, hankiisu markasta waa kasii jeeday Puntland. Madaxweyne Cadde Muuse, Alle Ha U Naxariisto, isna wuxuu maamuli waayay isu dheellitirka wixii dowladdii TFG ee Cabdullaahi hoggaaminayay ka rabtay Puntland iyo dhab ahaan waxa Puntland ku biirin kartay hayaankaas. Wuxuu isku dayay in Puntland ay bixiso wax ka badan wixii ay bixin kartay, dhabar jab weyn ayaana ku yimi dowladnimadii Puntland ilaa midnimadeeda bulsho iyo mideeda dhuleed ba uu dhaawac weyni gaaray. Wuu se ku ammaananyahay inuu garab istaag u muujiyay dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo federaali ah.
Madaxweyne Cabdiweli Gaas dadka la dhacsani waxay ku qiimeeyaan inuu horumarinta kaabayaasha-dhaqaalaha Puntland wax ka qabtay, waa waxqabad wanaagsan. Waxaa se xusid mudan, inuu fadhiid ka dhigay hay’adaha dowladda iyo inuu sii ballaariyay musuqmaasuqii hantidii umadda lagu hayay.
Madaxweyne Siciid Deni, inkastoo uu dhaliishii Cabdullaahi leeyahay oo uu kasii jeedo Puntland, waxbadan ayuu ka qabtay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda, dhismaha ciidamada, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor-u-qaadida miisaanka siyaasadeed ee Puntland. Nasiibxumo, waxqabadkiisii ugu micnaha badnaa ee ka dhabeynta hayaanka dimoqraadiyadda Puntland isaga ayaa ku dhuftay dhaawac uusan isagu xitaa hadda daweyn karin.

Xalka

Shaqada koowaad oo ay tahay in la qabto waa in wacyigelin ballaaran la sameeyo iyadoo odayaasha la tusayo inay bad ku dhexjiraan. Sidoo kale, waa in la abuuro wacyi bulsho oo suurtogelin kara in sida ay siyaasiyiinta u dhaliilayaan si lamid ah u dhaliilaan odayaasha dhaqanka maalinka ay galaan wax aan shaqadooda. Haddii xaaladdu saan ku socota odayaashana aan la sixin, waxaan ka cabsi qabaa inay iyaguna is gaarsiiyaan martibaddii culimadu ay isku difaaci jireen marka fikirkooda la dhaleeceeyo ee aheyd “Hilibka Culimadu waa suumeysanyahay”!

Waxaa kaloo baraarujin mudan in beeluhu marka koowaad ay isimada u xoola gooyaan, si looga hortago isin jeebka u gala nin siyaasi ah oo noqda makarafuun siyaasigu hadalkiisa dhexmarsado. Waana in beeluhu ay ka fiirsadaan dadka ay dhaqanka ka dhiganayaan oo aysan ku xulin inuu iyaga xaqooda usoo dhiciyo oo kaliya, ee waa in sidoo kale laga fiiriyo waxa uu ku darsan karo wanaagga guud ee bulshada.

Madaxda dowladda iyo siyaasiyiintana waxaa laga rabaa inay si dhab ah waqti u geliyaan dhismaha nidaamka dowliga ah iyo ka shaqeysiinta hay’adaha dowladda ee magac-u-yaalka noqday. Waa in la abuuro nidaam dowladeed oo lagu kalsoonaan karo loogana maarmi karo kaalinta siyaasadeed ee dhaqanka. 

Email: Abdullahisanco@gmail.com

Twitter @abdullahi_sanco