Puntland waa maamul jirsaday 19 sano oo
laga filan karo maanta inuu sameeyay horumar dhankasta ah anoo middaas ka
duulaya ayaan rabaa inaan soo qudbiyo warbixin ku saabsan dhaqaalaha Puntland .
Qoraalkaan waxaan si gaar ah diiradda ugu saari doonaa 19 sano kadib maxay
yihiin caqabadaha haysta dhaqaalaha Puntland? Iyo sidoo kale talo soo jeedin
aan ku darsanayo oo aan is leeyahay waa lagu xallin karaa caqabadahaas.
Runtii ma yara caqabadaha haysan kara
dhaqaalaha dhul ku yaalla dunida saddexaad oo haddana ku dhexyaalla waddan
intiisa badan aysan kajirin amni lagu abuuri karo horumar dhaqaale oo xasiloon.
Anoo arrimahaas oo dhan ogsoon ayaan qoraalkaan kusoo bandhigayaa caqabadaha
haysta dhaqaalaha Puntland.
1. Dhaqaale
koror curyaan ah.
Caqabadda koowaad ee haysata dhaqaalaha
Puntland waa dhaqaale koror hooseeya (Weak Economic
Growth). Sida ku
cad qorshaha horumarinta Puntland ee 5ta sano (Puntland Five Year Development
Plan) dhaqaalaha Puntland wuxuu sameynaa kor u kac 3% taasoo ah wax aad u
hooseeya oo aan laga filan karin maamul 19sano jirsaday oo intaas haystay
xasilooni amni oo aasaas u noqon kartay in la helo horumar dhaqaale.
Waxsoosaarka Puntland (GDP) sida ku cad
shaxdaan hoos ka muuqata si gaabis ah ayuu u siyaadayaa
GDP Growth
|
||
Year
|
GDP
($)
|
GDP
PPP ($)
|
2014
|
2,027,938,434
|
8,111,753,734
|
2015
|
2,129,335,355
|
8,517,341,421
|
2016
|
2,235,802,123
|
8,943,208,492
|
2017
|
2,347,592,229
|
9,390,368,917
|
2018
|
2,464,971,841
|
9,859,887,362
|
Source: MoPIC, 2011b
2. Miisaaniyadda Dowladda oo liidata (Weak government budget).
Caqabada labaad oo haysata dhaqaalaha
Puntland waa miisaaniyadda oo ah mid aad u liidata taasoo badday in waddanku
markasta uu kujiro is-dhin miisaaniyadeed (Budget deficit). Halka inta badan
qeybaha dowladdu ay galayaan kharashaad tirobadan oo qeybtood ay yihiin wax
laga maarmi karo.
Shaxdaan hoose ayaa muujinaysa
isbarbardhigga dakhliga iyo kharashaadka dowladda.
Government Expenditure and
Revenue
|
|||
Year
|
Government Expenditure
|
Government Revenue
|
|
2014
|
42,175,617,430
|
41,245,286,548
|
|
2015
|
44,284,398,302
|
42,895,098,010
|
|
2016
|
46,498,618,217
|
44,610,901,930
|
|
2017
|
48,823,549,128
|
46,395,338,007
|
Source: MoPIC 2011b
Waxaad ka garan kartaan shaxdaan sida
kharashka dowladdu uu uga badanyahay dakhliga dowladda. Mana jiro waddan
horumar dhaqaale gaari kara isaga oo kujira is-dhin miisaaniyadeed (Budget
deficit).
3. Liidashada hab-maamulka cashuurta.
Cillada kale oo haysata dhaqaalaha Puntland
waxa waaye hab maamulkii cashuurta oo aan fadhiyin. Waa sax waanku
taageersanahay dowladdu inay qaaddo cashuurta waajibka ay ee ay tahay in la
qaado laakiin waxa aan ku dhaliilsanahay dowladda habka cashuurtaas loo maamulo
oo aan ahayn mid habboon. Haddii dowladdii ka cabanayso is-dhin miisaaniyadeed
isla jeerkaasna ay maamuli la’dahay ilihii dakhligeeda kuwii ugu muhiimsanaa waxay
caddayn u tahay inaan wali ka fognahay heer aan ku riyoonno horumar dhaqaale oo
taabbagal ah.
4. Tiro koob
la’aan shacabka ah.
Tirakoobka dadku wuxuu muhiim u yahay
dowladnimada iyo horumarka labadaba. Sida anigu aan qabo, dad badan oo
dhaqaalaha bartayna ay qabaan korodhka bulshadu wuxuu saameyn togan kuleeyahay
horumarka dhaqaalaha iyo waliba taabbagalinta dowlad wanaagga.
Dowladda Puntland 19sano kadib maanta
majiro tirokoob si sax ah shacabkeeda loogu sameeyay wallow ay jiraan tirokoob
ay hay’ado gaar ahi sameeyeen oo anigu aan dhaliilsanahay sax ahaanshahooda iyo
tirokoob yo aan dhammaystirnayn oo dowladdu sameysay.
Tirkoobku wuxuu ina ka caawinaya in dadka
raba inay waddanka maalgashtaan ay helaan tirsi ay ku go’aan qaadan karaan. Sidoo
kale ganacsatada waddankuna inay fahmaan deegaanku intuu ganacsi qaadi karo iyo
meelayoowga ay ka heli karaan dad farobadan oo wax iibsada.
5. Shaqo abuur
la’aanta da’yarta.
Anoo tixraacaya warbixin ay soo saartay qaramada midoobay, heerka
shaqo la’aanta kajirta Soomaaliya waa mid kamid ah kuwa ugu sarreeya adduunka
ku dhawaad 67% ayaa shaqo la’aan ah dadka da’doodu u dhexayso 14 ilaa 29 sano.
Halka 61% raga ah iyo 74% dumarka ah ay shaqo la’aanyihiin. Sida cad waa
dhibaato weyn arrinta shaqo la’aan.
Dhibaatadaas shaqo la'aanta Puntland waxay la wadaagta soomaalida kale waase arrin lama huraan ah in la xalliyo.
Dhibaatadaas shaqo la'aanta Puntland waxay la wadaagta soomaalida kale waase arrin lama huraan ah in la xalliyo.
Halkan ka aqriso qoraal aan horay uga qoray shaqo la’aanta (http://cabdullahi-sanco.blogspot.com/2016/12/baagamuuddo-iyo-burbur-dhaqaale.html)
6. Sicir
bararka
Sicir barar ku wuxuu caqabad weyn ku yahay dhaqaalaha
Puntland
Jaantuskaani wuxuu muujinayaa sicir bararka
Puntland ka jiray sanadihii lasoo dhaafay si gaar ah wuxuu farta ugu godayaa
magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.
Haddaan si guud u fiirinno sicir bararka
Puntland sida ku cad jadwalkaan 2006 wuxuu ahaa 29.72% waxayna ahayd markuu ugu
yaraa wixii intaas ka danbeeyay wuxuu kujiray heehaab uusan meelna ku
xasilnayn. Wuxuu gaaray heerkiisii ugu sarreeyay sannaddii 2010 (July-September)
140.43%.
Sida aad uga jeedo jaantuskaan sicir bararka
kajira Puntland waa mid aad xasiloonida uga fog wuxuuna caqabad ku ahaan doonaa
dhaqaalaha ilaa inta xukuumadda deegaanka kajirta ay keenayso xal lagu
xasilayo.
Halkan ka daalaco maqaal aan ka qoray sicir bararka (http://cabdullahi-sanco.blogspot.com/2016/11/silic-iyo-sicir-barar.html)
7. Sarrifka
lacagaha qalaad.
Sarrifka lacaguhu waa mid kale oo kamid ah caqabadaha ugu
waaweyn oo Puntland haysta, maadaama aysan jirin dowladda dhexe oo tayo badan
isla markaasna aysan jirin cid maamulaysa siyaasadda lacagta waddanka waxaa wax
fudud iska noqotay in ganacsatadu ay noqdaan kuwa jaangooya sarrifka lacagaha
oo markay doonaan bay kor u qaadaan markay doonaanna hoos ayay u dhigaan.
Jaantuskaani wuxuu ina tusaya sarrifka billaha ah ee $1 inta uu u dhigmo So.
Sh
Sida ku cad jaantuskaan 2001 bishii January $1 waxaa lagu sarrifi
jirey 13,000 so. Sh, oo ahaa qiimo hoose marka loo barbardhigo sannadaha ka
danbeeya. Sannadkii 2008 ayay ahayd markii Puntland uu shillinku gaaray
heerkiisii ugu xumaa iyadoo la gaaray in $1 lagu sarrifo lacag 40,000 so. sh ku
dhow oo ahayd 38,000 so. Sh.
Sida jaantuskaani sheegaayo sarrifka lacaguhu ma ahan mid fadhiya
ee waa mid si xowli ah isu bedbedlaya taasna waxay caqabad ku tahay dhaqaalaha
deegaanka, haddii aan xal loo helinna waa adkaan doontaa in horumar dhaqaale oo
miro dhal ah la helo.
8. Isu dheelli
tirnaan la’aanta wax-soo-dhoofitaanta (import) iyo
wax-dhoofinta (export).
Caqbad kale oo weyn oo Puntland haysata waxa
waaye wax soo dhoofinta (import) iyo wax dhoofinta (export) oo aan isu
dhammaystirnayn bal xitaa aan isu dhaweyn. Waxaan soo dhoofsannaa 78% halka
aynu dhoofinno kaliya 22%.
Maadaama waxbadan aan soo dhoofsanno wuxuu waddankeenu
kujiraa markasta is-dhin ama khasaare ganacsi (trade deficit) way na adagtahay
inaan horumar dhaqaale ka fakarno inta xaaladdu saan tahay waana arrin u baahan
in wax laga qabto ayna ku fashilmeen xukuumadihii deegaanka soo marayi inay wax
ka qabtaan.
Source: MoPIC, 2011a
9. Kaabayaasha
dhaqaalaha oo yar
Caqabad kale oo deegaanka haysata ayaa ah
kaabayaasha dhaqaalaha oo aad ugu yar maadaama dowladdii Maxammed Siyaad AUN ay
deegaankaan u aqoonsanayd gaariwaa isla markaasna aysan uga tagin kaabayaal
dhaqaale oo fara badan. Si kastoo ay tahay xukuumadihii Puntland soo maray
waxay xil weyn iska saareen sidii loo heli lahaa kaabayaal dhaqaale oo horumarsan,
xukuumaddaan Cabdiweli Gaas ba ha ugu fiicnaatee dhammaantood waxbadan ayay ka
qabteen dhankaas wallow ay tahay wali caqabad taagan oo si ku filan aan loo
xallin.
10. Soo dejinta
qaadka.
Dhibaatada kale ee deegaankaan haysata waa
qaad oo ka mid noqday cunnooyinkii caadiga bal wuxuu ka isticmaal badanyahay
cuntooyinka qeybtood.
Maadaama deegaanka uusan qaad ka bixin waxaa
laga keenaa waddamada deriska ah Ethiopia iyo Kenya lacag farabadan ayaana kaga
baxda dadka deegaanka oo ay wax kale ku qabsan lahaayeen.
Sidoo kale waxa aan indhaha laga qarsan karin
in qaadku uu yahay il dakhli oo dowladda lacag badan oo cashuur ahi kasoo gasho,
wallow khasaarihiisu uu ka badanyahay faa’iidadiisa.
11. Suuqyada
maaliyadda oo aan firfircoonayn.
Wallow sannadihii ugu danbeeyay uu kobcay
suuqa bangiyadu haddana wali ma gaarin heer ku filan. Puntland si ay ula
jaanqaaddo horumarka dunida kale gaartay waa inay kajiraan bangiyo bixin kara
dhammaan adeegyada loo baahan karo oo lagama maarmaanka u ah ganacsiga iyo
nolosha.
TALO SOO JEEDIN.
Waxaan talo ahaan kusoo jeedinayaa:
1. Dowladdu inaysan
sameyso shaqo abuur si loo xalliyo dhibaatada shaqo la’aanta isla markaasna
tillaabo horay loogu qaado horumarinta dhaqaalaha.
2. Dowladdu waa
inay dib u eegis iyo sixitaan ku sameysaa miisaaniyadda ay dejiso isla
markaasna ay hubisaa in meelkasta loo qoondeeyay kharashkii ku habboonaa
maadaama miisaaniyadda hadda ay kajirto isu-dheellitirnaan la’aan weyn.
3. Dowladdu waa
inay dadaal iyo waqti gelisaa sidii loo tirokoobi lahaa shacabka Puntland
taasoo sahli karta in qiimeyn dhab ah lagu sameeyo suuqa Puntland iyo tirada ganacsi
ee uu qaadi karo ama laga hirgalin karo. Sidoo kale waxay sahlaysaa in la gaaro
doorasho hal qof iyo hal cod ah.
4. Dowladdu waa
inay bangigeeda shaqadiisa u ogolaataa isla markaasna kula xisaabtantaa inuu
xalliyay sicir bararka iyo sarrifka lacagaha iyo inkale. Sidoo kale dowladdu
waa inay ka waantoowdaa dhaqan xumada maamul ee ah inay isku daydo in sicir
bararka lagu xalliyo qori caaraddiisa isla markaana loo diro inay xalliyaan
dad aan ehelkeedii ahayn.
5. Dowladdu waa
inay dhiirrigelisaa waxsoosaarka waddanka si loo yareeyo farqiga weyn is-dhin
ganacsiyeedka ee jira.
6. Dowladdu waa
inay cilmi baaris rasmi ah ka sameysaa dhibaatada qaadka isla markaasna ay ka
yeelataa siyaasad cad oo haddaan xitaa la joojin karin suurtogalin karta in
labada dhinac ee heshiiska qaadku ka dhexeeyo ay si isu dhow uga faa’iidi
karaan.
7. Dowladdu waa
inay dhiirrigelisaa bangiyada deegaanka ku yaal isla markaasna ay kuwo kale
kusoo jiiddaa inay yimaadaan taasoo suurtogelin karna in la helo maalgalin
dibadda inooga timaadda.
Ugu danbeyntii waxaa hubaal ah intaan in ka badan oo caqabado ah inay jiri karaan. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa WAR LA HEL YAABA TALO LA HEL caqabadaha aan qoraalkayga ku xusay dhaliil ma ahan ee waa inaa ogaanno meesha la ina ka hayo si aan u raadinno illinkii aan u mari lahayn xallinta dhibaatadaas.
TIXRAAC
MoPIC, 2013, Puntland Macroeconomic Projections, MoPIC, SIDP-IOM,
August, Garowe
MoPIC, 2014,
Puntland Five Year Development Plan 2014-2018, Garowe, Puntland
Puntland
Economic Challenges and Future Possibilities by Mohamed Said Samantar, DPhil
Puntland’s Consumer Price Index &
Exchange Rate Regime January 2014 Retrieved on Aug 8
Mansha allah waa mowduucvwakhtigeedii jooga Puntland, dhaqaalaha dalka waa daciif sidaa shegtey laakiin musuqmaasuq, nin jeclaysi, isla xisaabtan la'aan, hanaanka canshuuraha loo qaado oo laftiisa u baahan in dib loo soxo aana la jaanqaadi karin hanaanka casriga ah ee canshuuraha loo qaado.
ReplyDeleteHay'adahii dowladeed ee dhaqaalaha iyo maaaliyada ka shaqeyn lahaa ayaa haddii ay si wanaagsan oo xoogan u dhisanaan lahaayeen wax weyn ka qaban la haa koboca dhaqaalaha Puntland. Arinta maalgashiga, weli dowlada Puntland ma diyaarin shaeciga maalgashiga dalka;kaas oo muhiim u ah in dalkeena la maalgashado muwaadinin ama ajnebiba , Parliament kii la rabey in uu merl marito ama xukuumada kula xisaabtamo sharciyadaasna waxay noqdeen calooshood la ciyaarayaal aan dan ka lahayn shacbiga ay sheegtaan iney matalaan. Guud ahaan Puntland waxay u baahantahay dhiigcusub oo aqoonyan damiir leh ku jira si dhaqaalaha sii liicaya ee dalka wax looga badalo mustaqbalka dhow.