Dhaqaaluhu waa
cilmiga aan ku baranno sida loo maamulo khayraadka yar ee aan haysanno si aan u
daboolno baahiyaha aan xadka lahayn ee aan leenahay.
Dhaqaalayahankuna
ma ahan bakhayl ee waa xeeldheere aqoonyahan ah kaasoo si maangal ah u maamusha
tacabka yar ee uu haysto.
Dhaqaaluhu waa
maaddo kamid ah maaddooyinka ugu qaalisa ee dunidaan lagu barto. Dad badan ayaa
markay maqlaan magaca “Dhaqaalaha” aan si mug leh u fahmin sababta loo barto
maaddadaan?
Waxaan rabaa
inaan maqaalkaan kusoo gudbiyo dhowr qodob oo aan is leeyahay waa sababaha aan
u baranno dhaqaalaha anoo raba inaan afeef kadhigto in qodobadaydu aysan soo
koobayn dhammaan sababaha dhaqaalaha loo barto.
Dadka dhaqaalaha
barta waxaa jira oraah ay isticmaalaan oo dhahda “Economists always disagree”
taasoo micnaheedu yahay in haddii aad suaal waydiiso koox dhaqaaloyahaniin ah
midkasta wuxuu ku siinayaan warcelin ka duwan warcelinta uu midka kale bixiyay,
mana ahan in dhaqaaluhu uu yahay maaddo aan meel loo raaco lahayn ee waxaa
oraahdaas ka dheegan kartaa in dhaqaalayahaniintu ay yihiin dad caqli badan si
ka mug dheer sida dadka kalena u fakara.
Waxaan rabaa
inaan qodobbeeyo sababaha aan dhaqaalaha u baranno waana sidaan:
1. Tashiilidda Tacabka Yar Ee Aan Haysanno:
Markaad erayga dhaqaale maqasho
waxaa maankaaga kusoo degdegaya hanti laga ilaalinayo inay lunto ama dayacanto.
Anoo ka duulayaa fakarkaas uu qofkasta qabo waxaa dhaqaalaha loo bartaa sidii
qofku uu u maamulan lahaa tacabka yar ee uu haysto, waana dadnimo dheeri ah in
qofku wixiisa dhaqaalaysto mana jirto liidnimo ka hoosaysa qof aan wixiisa
tashiilan karin soomaalidii hore na kama aysan ilduufin inay ceebeeyaan dadka
aan dhaqaalayahniinta ahayn. Murti soomaaliyeed ayaa tiraahda “Dad waxaa
u liita ma tashade, ma tabcade, iyo ma tashiishe” xikamaddaasi waxay
caddaynaysaa inaysan dadnimo kujirin qofkii aan dhaqaaloyahan ahayn. Alle weyne
sarreeye wuxuu quran kiisa ku sheegay inaynaan hantideenna ku ciyaarin aayaad
badan ayuuna Alle kaga hadlay arrintaas waxaana kamid ah aayaddaan hoos ku
qoran:
قال تعالى: {
وَكُلُوا وَاشْرَبُوا وَلَا تُسْرِفُوا إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ }
الأعراف/31،
2. Go’aan Qaadashada Miyyirka Ku Dhisan
Sababta kale ee
aan dhaqaalaha u baranno waa sidii aan u garan lahayn tabaha aan ku gaari karno
go’aan sax ah. Shakshi, shirkad iyo dowladuhuba waa u baahanyihiin inay helaan
cilmiga dhaqaalaha.
Kasoo qaad
shakhsiga, qofkasta oo ina kamid ah wuxuu haystaa 24 saacadood waxaase la isku
dhaafay goaanka uu qofkasta qaatay siduu waqtigaas uga faaiidaysan lahaa, go’aanka aad
gaarayso qeyb ahaan waxaa kaa caawinkara dhaqaalaha.
Shirkaduhu
dhaqaalaha aad bay ugu baahanyihiin oo isaga ayaa siinaya xaqiiqooyinka ay go’aanka
ku gaarayaan, dhaqaale la’aantiisna wareer badan ayaa sharikaadka ka qabsan
lahaa inay go’aan sax ah gaaraan, haddii aan la xisaabin lahayn faaiidada iyo
khasaaraha ganacsiga bal suurayso sida lagu garan lahaa in ganacsigaan lasii
wado iyo inkale! Waxay noqon lahayd waalli, waana la hubaa haddii barashada
dhaqaaluhu ay dunidaan ka maqnaan lahayd in jahawareer iyo hallow badan uu ku
imaan hab nololeedkeenna.
3. Kor U Qaadidda Waxsoosaarka Iyo
Horumarinta Waaxya Dhaqaaleedka (Economic Sectors) Ee Aan Hodanka Ku Nahay.
Sidii kor loogu
qaadi lahaa waxsoosaarka wadanka iyo sidii aan awoodda u saari lahayn waaxyaha
dhaqaalaha ee wadankeenu hodanka ku yahay ayaan u barannaa dhaqaalaha.
4. Xallinta Dhibaatooyinka Dhaqaalaha
Dhaqaalaha waxaan u barannaa sidii
aan ku xallin lahayn dhibaatooyinka dhaqaale ee ina haysta. Dhibaatooyinka
sicirbararka, shaqo la’aanta, kharashaadka nolosha iyo dhibaatooyin badan oo
kale oo bulshadeenna haysta daawadii aan ku xallin lahayn waa dhaqaalaha oo aan
si fiican u baranno kadibna aan si hufan u dhaqangalinno. Ummaddeenna
soomaaliyeed waxaa haysta dhammaan dhibaatooyinkii la rabay inuu dhaqaaluhu
xalliyo kaaga daran waxaa xilalka sarsare ee waddanka haya rag dhaqaalaha
bartay, anigu waxaan u hubaa saan geeridayda u hubo in cilmiga dhaqaaluhu uusan
khaldanayn ee ay iyagu khaldanyihiin.
Suubahaneennii Muxammad ahaa NNKH
wuxuu yiri isagoo inaku dhiirigalinayaa inaan shaqaysanno si aan uga
qeybqaadanno yaraynta dhibaatada shaqo la’aanta
(مَا أَكَلَ أَحَدٌ طَعَامًا قَطُّ خَيْرًا مِنْ أَنْ يَأْكُلَ
مِنْ عَمَلِ يَدِهِ وَإِنَّ نَبِيَّ اللَّهِ دَاوُدَ عَلَيْهِ السَّلَام كَانَ
يَأْكُلُ مِنْ عَمَلِ يَدِهِ)
Inaan yarayno
dhibaatooyin badan oo ay taas shaqo la’aantu kamid tahay waa sababta aan dhaqaalaha
u baranno si lamid ahna diinteennuna ina amartay.
5. Kor U Qaadida Xiriirka Ganacsiga.
Dhaqaalaha waxaan u barannaa sidii
aan kor ugu qaadi lahayn xiriirka ganacsi ee aan dunida kale la wadaagno,
heerka xiriirkeennu gaarsiisanyahay ayayna ku xirantahay horumarka wadankeennu.
Culimadii hore ee dhaqaalaha waxka
qortay ma aysan ilduufin inay xoogga saaraan xiriirka ganacsiga ee caalamiga ah
(Internationa trade) kasoo bilow aragtidii mercantilism, absolute advantage,
comparative advantage, heckscher ohlin theory ilaa aan soo gaarnay
international trade theories. Dhammaan aragtiyahaasi waxay muujinayaan sida
dhaqaaluhu uu awoodda u saaray xiriirka ganacsi ee caalamiga ah. Hadaba waxaa
halkaan nooga cad in dhaqaalaha aan u baranno sidii aan kor ugu qaadi lahayn
xiriirka ganacsiga dunida iyo wada noolaanshaha.
6. Kor U Qaadidda Kaydka.
Sababta kale oo ugu weyn oo aan u
baranno dhaqaalaha waa inaan wax ka ogaanno habka aan hantideenna u kaydsan
lahayn si aan mustaqbalka uga faaiidaysanno. Kaydkaaga maantu waa guushaada
berrito. Sidaas darteed si aan ugu mid noqonno kuwa guulaystay mustaqbalka waa
inaan maanta barannaa dhaqaalaha iyo sida wax loo kaydsado.
7. Yaraynta Kala Sarraynta Dakhli Ee
Dadka (Income In Equality):
Dunidu maanta waxay aad ula kufaa
kacaysaa sidii ay meesha uga saari lahaayiin kala sarraynta dadka, waxaad
arkaysaa bulsho qeybteed ay maalintii ku noolyihiin $50 halka qeyb kale na ay
ku noolyihiin wax ka yar $2.
Samaysinka dabaqooyin bulsho oo
kala sarreeya waxay cadaw iyo hoog ku tahay horumarka. Sidaa darted dhaqaalaha
ayaan u barannaa si loo xalliyo dhibaatadan. Alle na quran kiisa wuxuu ku
jideeyay Zakko oo ah qeyb hantidaada kamid ah inaad siiso qeybaha hoose ee
bulshada markii hantidu ay gaarto heer cayyiman, Alle wuxuu sidaas u xukumay si
dhibtaas loo xalliyo, dhaqaaluhuna isagoo kasoo dab qaadanaya quran ka ayuu
xalliyaa dhibaatadan.
Rasuulkuna NNKH wuxuu yiri markuu
la dardaarmayay mucaad.
في حديث إرسال معاذ إلى اليمن: " أعلمهم أن الله افترض
عليهم في أموالهم صدقة تؤخذ من أغنيائهم"
Taasoo caddayn u
ah sida islaamku u daneeyay fuqarada. Culamada dhaqaaluhuna halkaas ayay kasoo
qaateen in kala sarraynta laga hortago.
8. Xisaabinta Heerka Waxsoosaarka Dalka (GDP)
Dhaqaaluhu waa meesha aan ku
baranno xisaabinta waxsoosaarka dalka. Ogaanshaha waxsoosaarka dalkuna wuxuu
muhiim u yahay qiimaynta wadanka. Maalinkasta waxaad journals ka aqrisaa ama
aad maqal-muqaal baahiya ka daawataa iyadoo la leeyahay waxsoosaarka wadan
hebel 10% ayuu kor u kacay, halkaas marka laga hadlaayo ogow waxa howshaas
fududeeyay waa barashada cilmiga dhaqaalaha oo ah cilmiga koowaad ee ugu
muhiimsan nolosha.
9. Daah Ka Qaadidda Fursadaha Maalgashiga.
Barashada dhaqaaluhu wuxuu inoo
sahlayaa inaan daaha ka qaadno fursadaha maalgalinta ee uu wadanku haysto iyo
sidii loogu raadin lahaa maalgalin ku filan. Fursadkasta oo ganacsiga oo maanta
jirta haddii aan la helin dhaqaale ku filan suurtogal ma ahan inay hirgasho.
Barashada dhaqaaluhuna waa tan inoo sahlaysa sidii aan maalgalin ku heli lahayn
iyo sidii aan uga faaiidaysan lahayn.
Haddaad shakhsi dhallinyaro ah
tahay oo danaynaya inuu helo fursado ganacsi oo uu lacag badan ka tabcado,
maanta ayaad jaanis haysataa baro dhaqaalaha.
10. Yaraynta Faqriga.
Dhaqaaluhu wuxuu kaalin weyn ka
qaataa sidii loo yarayn lahaa heerka faqriga bulshada, dhaqaaluhu wuxuu la
diriraa noocyada kala duwan ee faqriga, kan sugan (Absolute Poverty) iyo kan
sidkanba ( Relative Poverty).
Ujeedooyinka guud ee dhaqaalaha
ayay kamid tahay sidii looga tirtiri lahaa faqriga dunida, sidaas darted Ayaan
u barannaa dhaqaalaha maadaama uu yahay kan tirtiraya faqriga.
Imam cali binu daalib markuu ina
tusinayay sida islaamka uu uga go’anyahay inay faqriga dabarjaraan wuxuu ina
yiri hadii faqrigu nin ahaan lahaa waan dili lahaa.
11. Dajinta Miisaaniyad Isu Dheelli Tiran.
In waddanku helo dhaqaalayahaniin u
dajisa miisaaniyad maangal ah oo ku dhisan xaqiiqooyinka iyo tabarta dhaqaale
ee wadanka waa sabab kale oo muhiim oo aan dhaqaalaha u baranno.
GEBOGEBO.
Waad ku
mahadsantahay inaad maqaalkaan aqrisay oo aad soo gaartay guntiisii mahadsanid
wax ka weyn oo la is dhihi karo hadday jirto waanku dhihi lahaa.
Fadlan
asxaabtaada lasii wadaag si dad badani usii arkaan.
Wonderful article Sanco. Keep it up.
ReplyDeleteAad iyo Aad baad u mahadsentahay wll
ReplyDeleteMahadsanid, wax badan ayaa ka fahmay maqaalkaan.
ReplyDelete