Maalgalin (Investment) waxaa lagu qeexi karaa
heshiis dhexmaraya qof lacag haysta (investor/Lender) oo aan haysan fikir
ganacsi iyo qof lacag u baahan (Borrower) oo haysta fikir ganacsi oo mirodhal
noqon kara.
Maalgalinta Islaamiga ahi, waa mid ka badqabta
dhammaan waxyaabaha ka hor imaanaya diinteenna suubban sida ribada.
Maalgalintu, waxay saamayn togan ku leedahay guud
ahaan waxsoosaarka iyo dhaqaalaha dalkaba, markasta oo maalgalinta wadanku
badato waxaa kor u kacaya shaqaalaysiinta dalka taasoo keenaysa in waxsoosaarku
kor u kaco halkaas ayaana waxaa ka dhalanaya koboc dhaqaale oo miro-dhala.
Maqaalkaan aan ugu magacdaray maalgalinta islaamiga
ah waxaan rabaa inaan ku iftiimiyo hababka baananka islaamku wax u
maalgaliyaan.
Baananka Islaamku marka ay maalgalin samaynayaan
waxay adeegsadaan dhowr hab waxaana kamid ah Mushaaraka, Mudaaraba iyo
Muraabaxa. Saddexdaas hab ayaan ku lafogorayaa qormadaan, anoo isku dayaya
inaan soo koobo si fahanka iyo aqriskuba u fududaado.
Qormadaan waxay ka koobantahay ciwaannadaan:-
I. MUSHAARAKAH
i. Qeexidda
Mushaarakah.
ii. Noocyada
Mushaarakah.
iii. Shuruucda
Mushaarakah.
iv. Dhammaadka
Mushaarakah.
v. Bangiyadeennu
ma isticmaalaan habkaan?
II. MUDAARABA.
i. Qeexidda
Mudaaraba.
ii. Noocyada
Mudaaraba.
iii. Kala
duwanaanshaha Mushaarakah iyo Mudaaraba.
iv. Shuruucda
Mudaaraba.
v. Dhammaadka
Mudaaraba.
vi. Bangiyadeennu
ma isticmaalaan habkaan?
III. MURAABAXA.
i. Qeexidda
Muraabaxa.
ii. Shuruucda
Muraabaxa.
iii. Tillaabooyinka
Muraabaxa.
iv. Muraabaxa
xalaal mise xaaraan?
IV. GEBOGEBO.
V. TIXRAAC
I. MUSHAARAKAH
Mushaarakah waa eray Carabi ah kaas oo asal ahaan laga soo dhanbalay “Shirkah”
taasoo micnaheedu yahay wadaag.
Hay’adda bangiyada Islaamka u qaabbilsan xisaabaadka iyo hantidhowrka
(AAOIFI) mushaarakada waxay ku qeexdaa “Heshiis wax isku darsi oo dhexmara labo
qof iyo wax ka badan ujeeddadiisuna ay tahay inay sameeyaan faaiido”
Anigu waxaan mushaaraka ku qeexayaa “Mushaarakadu waa heshiis ganacsi
wadaag kaasoo ku samaysma wax isku darsi dhexmara labo qof iyo wax ka badan oo
ujeedkiisu yahay sidii loo samayn lahaa faa’iido xalaal ah iyo in la wadaago
wixii khasaaro ah ee lala kulmo inta ganacsigaas wadaagga ah lagu jiro.”
Erayga mushaaraka waa eray ku cusub saaxadda culuumta, sidaa darteed
ayaad ku arkaysaa inta badan buugta fiqiga erayga “Shirkah”. Shirkadana waxaa
loo qeybiyaa: Shirkatul Milk iyo Shirkatul caqdi.
Shirkatul milki waxay noqon kartaa labo qeybood:-
1. Wadaag
doorasho ah (Optional, اختيار): waa
midda ay dadku xor u yihiin waxay wadaagayaan. Tusaale, waxaa wax isku darsaday
labo nin oo la dhaho Axmed iyo Faarax iyaga oo heshiis galay nooca wax isku
darsigaas ayaa la dhahaa Wadaag doorasho ah.
2. Wadaag Sandulle ah (Compulsory, جبر): waa midda ay qasab tahay in wax la wadaago mana ahan wax
wadaag ku yimid doorasho xor ah waxaana tusaale u ah dhaxalka oo mar na ma
dooran kartid ciddaad dhaxalka la wadaagayso laakiin waa wax uu Alle jideeyay.
Shirkatul caqdiga iyaduna waxay noqon kartaa dhowr qeybood oo kala ah:
1. Shirkat-ul-amwaal شركة الاموال : shirkaddaan waxaa la isku darsanayaa maal (Capital)
waana nooca ugu badan ee aan isticmaalno.
2. Shirkat-ul-cinaan شركة العنان: waa heshiis wadaag oo dhexmaraya labo qof iyo wax ka badan
waxayna isku darsanayaan qiyaas maal ah oo cayiman waxayna wadaagayaan faaiido
iyo khasaare laakiin waxay gaarka la tahay waxa waaye inaysan khasab ahayn in
si siman loo qeybsado faaiidada. Sidoo kale khasab na
ma ahan inay hanti is le’eg isku darsadaan.
3. Shirkat-ul-acmaal شركة الأعمال (الأبدان): noocaan wadaagga ah
wax hanti ah la isku darsan mayo, labo qof oo xirfado leh ayaa kulmaya kadibna
way midoobayaan say xirfaddooda ugu shaqaystaan waxay helaan ayayna u
qeybsanayaan say ku heshiiyeen. Tusaale, waxaa qaabkaan isticmaala
harqaanlayaasha iyo farayaamada dadka ka shaqeeya.
4. Shirkat-ul-wujuuh شركة الوجوه:
noocaan wadaagga ah wax hanti ah la isku darsan mayo, sida aan magaceeda ka
garan karno waxaa lagu shirkoobayaa sumcaddooda iyaga oo sumcaddooda la
isticmaalayo ayaa alaab lasoo qaadanayaa kadibna waa lasii iibiniyaa iyagoo
faaiido dheeri ah ka raadinaya kadibna faa’iidadaas ayaa la qeybsanayaa.
5. Shirkat-ul-mufawada شركة المفاوضة: waa nooc wadaag ah kaasoo ay shardi tahay in laga sinnaado
waxa la isku darsanayo iyo waliba faa’iidada iyo khasaaraha uu qofkasta
qaadanayo.
Shuruucda Mushaarakada:
Heshiiskasta oo Islaami ahi wuxuu leeyahay shuruuc
iyo xeerar uu raaco oo haddii laga waayo na uu noqonayo heshiis aan jirin oo
buraya. Shuruudahaasna waxaa ka mid ah:
1. Maalka la isku darsanayo (Capital):
waxaa shardi ah in la caddeeyo maalka la isku darsanayo, culimadu way isku
khilaafeen in waxa la isku darsan karo uu yahay lacag caddaan ah kaliya iyo in
kale. Doodduna waxay ku biyo shubatay in waxa la isku darsanayo hadduusan lacag
ahayn loo baddalo lacag laguna qiimeeyo qiimaha buugga (Book Value), qiimaha
buuggu waa markii lacagta shayga laga soo bixiyay laga jaray qiima dhaca ku yimaaday
(Depreciation).
2. Maamulka
mushaarakada: sida caadiga dhammaan xubnaha wax wadaaga waa inay qeyb ka
ahaadaan maamulka shirkadda. Laakiin waxaa howsha loo dayn karaa mid kamid ah
dadka wax wadaaga ama waxay keeni karaan qof gaar ah oo u shaqeeya iyaga.
Haddii dadka wax wadaagga ah maamulka kawada qeybqaadanayaa midkasta kan kale
ayuu wakiil ka noqon karaa.
3. Habka faa’iido wadaagga:
i. Bilowga
heshiiska waa in la caddeeyaa oo la qoraa laguna heshiiyaa qaabka loo
qeybsanayo faa’iidda.
ii. Lama
ogola in faaiidadu noqoto xaddi lacageed oo go’an (Lump sum amount) oo
waxaaba dhici karta in faaiidada shirkaddu ay hal qof ku filnaato dadkii kale
na cidlo kusoo dhacaan.
iii. Faa’iida
qeybta waa lagu salayn karaa boqolkiiba inta la maalgashtay.
iv. Haddii
mid kamid ah dadka wax wadaagaya uu heshiiska ku galo inuusan ka qeybqaadanayn
shaqada mushaarakada (Sleeping partner) faa’iidadiisu kama badan karto saamiga
hantidiisa. Inkastoo Imam Axmed Bin Xanbal uu qabo in faaiidadiisu ay ka badan
karto saamiga hantidiisa.
4. Habka khasaare wadaagga:
Dhammaan culimada fiqigu waxay isku aragti ka
yihiin qaabka loo qeybsanayo khasaaraha kaas oo ah in qofkasta uu khasaaraha ku
yeesho intuu kulahaa hantida maalgalinta tusaale hadduu hantida maalgalinta
kulahaa 30% waa inuu khasaarahana ku yeeshaa 30%.
Dhammaadka mushaarakada
1. Mushaarakaddu waxay dhammaan kartaa
markuu dhaco waqtigii heshiiska. Tusaale haddii lagu heshiiyay in shirko la
ahaado hal sano oo kaliya markii waqtigaas la gaaro mushaarakadu waa
dhammaanaysaa.
2. Haddii mid kamid ah dadkii heshiiska
mushaarakada kujiray uu dhinto, heshiisku qofkii ayuu la dhimanayaa dadka
dhaxalqaatayaasha ah ayaana go’aanka leh inay mushaarakada kusii jiraan iyo
inay ka baxaan.
3. Haddii qof kamid ah dadkii heshiiska
kujiray uu dhaho waanka baxayaa heshiiska qofkaas saamigiisii ayaa loo
qiimaynayaa oo la siinayaa haddii la siin waayo na waxaa khasab ah in shirkadda
la xaraasho si qofkaas qeybtiisii loo siiyo.
BANGIYADEENNU MUSHAARAKA MA ISTICMAALAAN?
Ogaalkay ma isticmaalaan hadday isticmaalaanna kuma
badna habkaani bangiyadeenna. Laakiin dad weynaha ayaa aad u isticmaala
mushaarakada.
Aragtidayda, mushaarakadu waa hab maalgalineedka
ugu wanaagsan ee bangiyadu khasaaraha kaga badbaadi karaan waana hab bangiga
iyo qof wax amaahanayaba ay khasaaraha iyo faaiidada ku wadaagayaan.
II. MUDAARABA
Mudaaraba (مضاربة)
waa heshiis kaas oo ay wada galayaan qofka hantida leh/bangiga (Rabbul Maal) iyo qofka hantida ku
shaqaynaya oo xirfadda haysta Muddaarib. Qofka hantida leh ama bangiga
ayaa khasaaraha oodhan qaadanaya haddiise ay dayacaad ka timaado qofka
maamulaha ah oo uu hantidii ku ciyaaro wuxuu qeyb ka qaadanayaa khasaaraha.
Sida caadiga ah qofka maamulaha ah faa’iidada ayuu qeyb kuleeyahay. Faa’iidada
sida loo qeybsanayo na waxaa la jaangoynayaa ka hor intaan ganacsiga la
bilaabin.
Marka la isticmaalayo qaabkan qofka hantida lihi
wax door ah kuma lahan maamulka ganacsiga mana soo fara gashan karo. Ibnu qiyam
markuu ka hadlayo mudaaribka wuxuu yiraahdaa, “mar waa qof la aaminey, mar waa
shaqaale, marna waa maamule iyo shariik”. Mudaaribku ma dalban karo mushahaar,
kharashna kuma dallici karo rabbulmaalka. Fuqahada qeyb kamid ah oo ku jiro
Immaam Axmed waxay sheegaan in mudaaribku nolol maalmeedkiisa ku dallacan
karo mudaarabada, fuqahada kale ayaana kasoo horjeesatay. Balse fugahada
xanafiyadu waxay qabaan in mudaaribku haddii uu safar u galo ganacsiga uu
kharashaadkiisa ku dallaco mudaarabada waxaana arrintaa ku waafaqay Hey’adda
Bangiyada Islaamka u qaabilsan.
Noocyada Mudaarabada.
Mudaarabada waxaa loo qeybiyaa labo qeybood oo kala
ah mudaaraba xaddidan (Restricted Mudaraba, Mudaraba al Muqayyadah) iyo
Mudaaraba aan xaddidnayn (Unrestricted Mudaraba, Mudaraba almudlaqah).
· Mudaarabada
Xaddidan: Qofka hantida leh ama bangiga ayaa wuxuu jaangoynayaa ganacsiga ama
mashaariicda ay tahay in loo isticmaalo maalgalinta uu bixinayo. Qofka hantida
la siiyayna uma isticmaali karo wax ka baxsan wixii loo jaangooyay.
· Mudaarabada
aan xaddidnayn: noocaan mudaarabada ah qofka Mudaaribka ahi wuxuu haystaa
xorriyad mana jiro wax xaddidaya wuxuuna maalgashan karaa wuxuu doono.
Farqiga u dhexeeya mudaarabo iyo
mushaarako.
Mushaarako
|
Mudaarabo
|
Dhammaan
dhinacyada heshiiska galaya waxay ka qeybqaataan maaligalinta.
|
Rabbul-maalka oo
kaliya ayaa wax maalgaliya.
|
Khasaaraha waa la
wadaagaa
|
Khasaaraha
rabul-maalka ayaa dhabarka u rita.
|
Haddii khasaare
dhaco mushaarakada waxaa qofka kujira loo qabsan karaa hanti ka badan
hantidii uu maalgaliyay.
|
Mudarabada markii
lajoogo Rabul-maalka looma qabsan karo hanti ka badan intuu maalgaliyay.
|
Haddii faa’iido
xad dhaaf ah la helo dhammaan dadka shirkadda wadaaga ayaa ka faaiidaysanaya.
|
Haddii faa’iido
xad dhaaf ah la helo Rabul-maalka oo kaliya ayaa ka faa’iidaya inta ugu badan
|
Dadka heshiiskaan
ku wada jira waa ay ka qeybqaadan karaan maamulka.
|
Rabul-maalku xaq
uma lahan inuu ka qeybqaato maamulka.
|
Shuruudaha mudaarabada.
1. Waxaa
waajib ah in la caddeeyo maalka la maalgalinaayo intuu yahay.
2. Rabul-maalku
wuxuu heshiis la gali karaa wax ka badan hal qof. Wuxuu lacag siin karaa labo
qof A & B wuxuuna ula dhaqmayaa sidii mudaarib, hantidana waxay uga wada
faaiidaysanayaan si wadajir ah.
3. Waxaa
la rabaa in la caddeeyo habka loo qeybsanaayo faaiidada si aysan is fahan darro
u imaan markii shaqada la bilaabo.
4. Waxaa
waajib ah khasaaradu inay ku koobnaato hantida la maalgaliyay.
5. Waxay
kaloo culimada fiqigu shardi ka dhigeen in qofka mudaaribka ah maamulka hantida
loo madaxbannaaneeyo oo aan lagu farogashan shaqada maamulka.
6. Waxaa
la ogolyahay in rabul-maalku uu mudaaribka kula heshiiyo inuu faa’iido ku siiyo
hadba inta uu soo saaro, tusaale, inuu dhaho haddaad 50% faa’iido ah keento 15%
ayaad ku leedahay laakiin haddaad 70% keento waxaad helaysaa 25%.
Dhammaadka Mudaarabada.
Heshiiska mudaarabada waxaa la soo
afjari karaa waqti kasta waxaana soo afjari kara midkasta oo kamid ah
rabul-maalka iyo mudaarib ka waxaana shardi ah inuu ogaysiiyaa midka kale.
Haddii dhammaan hantida
mudaarabadu ay tahay lacag caddaan ah waxaa loo qeybsanayaa faa’iidada sidii awal
lagu heshiiyay. Haddii aysan caddaan ahayna waxaa waqti la siinayaa mudaaribka
si uu usoo caddeeyo hantida.
Ma isticmaalaan bangiyadeennu
Mudaarabada?
Ogaalkayga ma isticmaalaan
bangiyadeennuna habkaan oo way iska ilaaliyaan sababtoo ah haddii khasaare
yimaado iyaga kaliya ayuu dusha ka fuulayaa, bangiyadeennuna kuma jiraan
marxalad ay qaadi karaan khasaare.
Aragtidayda isticmaalka
mudaarabadu waa khatar bangiyadeennana kuma habboona inay hadda isticmaalaan
maadaama ay kujiraan waqtigii socod baradka.
III. MURAABAXA
Waa nooc kamid ah maalgalinta Islaamiga ah kaasoo
ah in qof baahi qaba uu u yimaado bangi ama qofkale kadibna uu ku dhaho waxaana
rabaa inaad badeecadaas iisoo iibisaan kadibna bangigu uu lasoo gorgortamo
qofkii alaabta haystay ama uu qof u wakiisho uuna soo gado alaabtii, isla
markaasna qofkii alaabta kasoo codsaday uu u sheego qiimaha uu alaabtaan kasoo
bixiyay iyo waliba qiimaha uu isaga ka siinayo si uu uga faa’iido. Heshiiska
maalgalineed ee noocaas ku dhaca ayaa la dhahaa Muraabaxa.
Muraabaxadu ma ahan deyn korodh (interest) la
saarayo ee waa badeeco la kala gadanayo waxa kaliya ee ay iibka kale kaaga
duwantahayna waa in la sheegayo qiimihii sheyga laga soo bixiyo iyo waliba
faa’iidada la saarsanayo.
Muraabaxadu waa shay bannaan diinteenna Islamka,
culimaduna ijmaac ay isku raaceen, kulanka culimada Fiqiga go’aankii tirsigiisu
ahaa 46 (5/8), ayay ku caddeeyeen in muraabaxadu sida iibka tahay, iibkana qof
kasta ba uu xor u yahay, waxaa kale oo aad ka eegi kartaa Kitaabka Muqinigga
Ibu Qudaama, Majaladda 4aad.
Inkasta oo ay jiraan culimo kale oo
xaaraantinimaysay muraabaxada. Qeybaha dambe ee qoraalkaan ayaan ku lafo guri
doonaa doodaha culimada xalaalaysay iyo culimada xaaraantimaysay iyo waliba isu
geynta dooddooda waxaan kasoo qaatay.
Shuruucda Muraabaxada.
1. Labada
qolo oo heshiis galaya waa inay buuxiyaan shuruudihii uu Alle u dajiyay dadka
wax kala iibsanaya sida inay yihiin qaangaar, miyir qaba.
2. Sheyga
la kala iibsanayo waa inuu yahay wax jira saacadda iibku dhacayo, muraabaxa
laguma gali karo waxaan wali la hayn sida shey lasoo saari doono.
3. Bangigu
sheyga uu iska iibinayaa waa inuu leeyahay mulkiyaddiisa waqtiga iibku dhacayo
mana bannaana in bangigu uu iska iibiyo wax uusan wali lasoo wareegin.
4. Iibka
muraabaxada waa inaysan kujirin wax khasab, khiyaano iyo si xun u turjumaada.
5. Sheyga
la kala gadanayo waa inuu yahay shey qiimo leh.
6. Iibku
waa inuu u dhacaa si deg-deg ah taas oo micnaheedu yahay inuusan jirin shardi
ku xiran iibka.
7. Shayga
lakala iibsanayo waa inuu yahay wax asal ahaan xalaal ah.
8. Qiimaha
wax lagu kala iibsanayo, waqtiga alaabta la gaynayo goobta gataha iyo waliba
waqtiga ay tahay inuu lacagtaas ku bixiyo dhammaan waa in la caddeeyaa.
9. Waxa
lakala iibsanayo waa inuu yahay wax cayiman oo la isla garanayo.
10. Bangiga
ayaa qaadaya masuuliyadda wixii khasaare ah ee badeecada ku dhaca ka hor intaan
lala kala wareegin.
Tillaabooyinka muraabaxada.
Muraabaxadu waxay raacaysaa tillaabooyinkaan soo
socda:
1. Qofka gataha ah (Buyer) ayaa alaabta ka
dalbanaya bangiga wuxuuna la galiyaa bangiga heshiis dhigaya inuu alaabtaas
gadan doono isla markaasna uu ku gadan doono qiimaha uu bangigu jaangooyo.
2. Iibiyuhu (Bank) wuxuu aqbalayaa codsiga
iyo heshiiska macmiilka
3. Bangigu wuxuu dalbayaa alaabtii
macmiilku soo codsaday ama cid ayuu u wakiilanayaa.
4. Bangigu wuxuu aqbalayaa alaabtii loo
keenay isla markaasna wuxuu lasoo wareegayaa mulkiyadda alaabta uu macmiilka ka
gadi doono.
5. Macmiilku alaabta ayuu gadanayaa iyadoo
loo sheegayo wixii laga soo bixiyay iyo waxa lagaga iibinayo isaga.
6. Waxaa laga ballamayaa waqtiga lacagta la
bixinayo iyo sida loo bixinayo.
Muraabaxa xalaal mise xaaraan?!
Muraabaxadu inay
xalaal tahay iyo inay xaaraantahay aad bay culimadu ugu kala qeybsameen waana
mas’alo muran badan kajiro. Walow loo badanyahay inay xalaal tahay laakiin aan
soo gudbiyo qeybo kamid ah culimada xalaalaysay iyo kuwo xaaraantinimeeyay.
Culimada
Xalaalaysay:
Dhamaan afarta Mad-hab waxay isku waafaqeen in
iibka oo dhan uu xalaal yahay, wixii laga reebay ama la xaaraantinimeeyay
mooyee. Muraabaxadu na iibka ayay kamid tahay haddii laga helo shuruudihii aan
kor kusoo xusnay halkaasna waxaa ka caddaanaysa inay muraabaxadu xalaal tahay.
Culimada kale ee
xalaalaysay waxaa kamid ah Shiikh Yusuf Qardaawi wuxuuna daliishaday hadalkii
Eebbe ee ahaa (وأحل الله البيع), aayaddaas oo
cadddaynaysa dhammaan iibku inuu xalaalyahay wixii daliil cad oo quraan iyo
xadiis ah lagu diiday mooyaane.
Sidoo kale Shiikh
Ibnu Xassam (Maxali) wuxuu sheegay in dhammaan iibku xalaal yahay markii laga
reebo wixii aayad cad iyo xaddiis xaaraantinimeeyo. Wuxuuna daliishaday
hadalkii eebbe:
}وَقَدْ فَصَّلَ لَكُم مَّا
حَرَّمَ عَلَيْكُمْ{
“Alleh waa idiin caddeeyay
wixii uu idinka xarrimay”
Culimadda
Xaaraantimaysay:
Waxaa culimadaan
kamid ah Dr. Maxamed Ashqar wuxuu qeexay inay muraabaxadu xaaraan tahay
maadaama bangigu uu gadayo waxaa uusan mulkiyadiisa lahayn wuxuuna daliishada:
"وقد نهى النبي
صلى الله عليه وسلم عن بيع ما لم يقبض"
“Nebigu NNKH wuxuu
reebay iibka wax aan la hantiyin”
Hadaba Muraabaxadu ma Xalaal baa? Mise waa
Xaaraan?
Maadaama ay culimadii ku kala qeybsameen xukunka muraabaxada aan is
barbardhigno hadalada labada culimo.
Culimada xaraantinimaysay muraabaxada waxaa ku dhaleeceeyeen waxyaabahan
soo socda:
1. Iibka bangigu iibinayo Wax uusan
hayn.
2. Iibka muraabaxada oo ku xiran
iibkale.
3. Muraabaxadu inay tahay hab
maldahan ah oo Ribo lagu helayo.
4. Inay Muraabaxadu tahay deyn deyn
lagu qaadanyo.
Haddaba, waxay
arrimahaan kaga jawaabeen culimada xalaalaysay muraabaxada sidan:-
1. Iibka bangigu iibinayo wax uusan
hayn
Culimadu waxay ku
jawaabeen inuusan bangigu marna iibinayn wuxuusan hayn, laakiin bangigu wuxuu
soo iibsadaa alaabtii macmiilku soo codsaday kadib markuu bangigu alaabta
mulkiyaddeeda lasoo wareego ayuu kasii gadaa macmiilka iyadoo la ilaalinayo
shuruudaha Islaamku u dajiyay iibka.
2. Iibka muraabaxada oo ku xiran iib
kale.
Culimadu waxay sheegeen in iibka muraabaxadu uusan
ku xirnayn iibkale, waayo shuruudaha muraabaxada waxaaba kamid ah inuusan
iibkaasi ku xirnayn iibkale.
3. Muraabaxadu
inay tahay hab maldahan ah oo Ribo lagu helayo.
Maalintii aan jaamacaddayda ku dhiganayay isla
casharkaan muraabaxada sidaas ayaa fasalkayga looga doodaayay inay muraabaxadu
tahay hab sorrogan oo lagu baadigoobayo ribo. Laakiin culimadu mid taas ka
duwan ayay qabaan taas oo ah in bangigu uusan marna doonayn ribo (Interest) ee
u rabo faa’iido (Profit) xalaal ah, wax ribo ah na meeshaan masoo gali karto
waayo bangigu qofka lacag caddaan ah intuu siiyo wax dul saarsan mayo.
4. Inay Muraabaxadu tahay dayn dayn lagu
qaadanyo.
Culimadu waxay ku jawaabaan inaysan muraabaxadu
ahayn dayn dayn lagu gadayo oo bangigu wuxuu soo iibsaday ayuu iska gadayaa.
Sida aan kusoo sheegnay tillaabooyinka muraabaxada loo qaado marna kuma jirto
deyn deyn lagu gadanayo. Waayo bangigu markuu alaabta soo mulkiyo oo uu lasoo
wareego ayuu qofka macmiilka ah ka gadayaaa.
Caddaynta
Xukunka
Ugu dambeyn sida
laga fahmi karo falanqaynta iyo lafo gurka aan samayn muraabaxadu waa xalaal haddii
la maro waddada saxda ah ee loo dejiyay isla markaasna laga taxadaro waxkasta
oo muraabaxada u ekaysiin kara ribo.
Bangiyadeennu ma
isticmaalaan muraabaxada?
Jawaabtu waa HAA.
Waana habka ugu badan ee ay isticmaalaan hadduusanba ahayn habka kaliya ee ay
isticmaalaan.
Muraabxadu waa
nidaamka maalgalineed ee ugu badan oo ay isticmaalaan baananka islaamku waxaana
lagu qiyaasaa 66% maalgalimaha la sameeyo waxaa la adeegsadaa nidaamkaan
muraabxada ah.
Gebogebo.
Mowduucaan
maalgalinta islaamigu waa mowduuc aad looga hadlo maanta ayna tahay inaan
waxbadan ka baranno si aan uga badbaadno dhibaatooyinka ribada adduun iyo
aakhiroba anoo taas ka duulaya ayaan go’aansaday in aan mowduucaan wax ka qoro
si aan wax ugu daro kaydka aqooneed ee laga hayo mowduucaan.
Waxaa nasiib xumo ah
inaysan jirin qoraallo badan oo Soomaali ah oo laga sameeyay mowduucaan marka
laga reebo xeeldheerayaal tiro yar oo aad wax uga qoray muraabaxada iyo qoraa
Siciid Cali Shire oo isagu ah shakhsi soomaaliyeed ee kaliya oo intaan arkay si
qotodheer mowduucaan uga hadlay wuxuuna ka qoray buug dhan maalgalinta
islaamiga ah.
Tixraac
Shire, Saciid Cali (2014), Bangiyada islaamka:
Albaabka maalgalimaha xalaasha ah. Leicester, Buuh Publications.
Shire, Saciid Cali (2014), Furaha Ganacsiga:
bilaabista, badbaadinta iyo kobcinta ganacsiga. Leicester, Buuh Publications.
Dr. Muhammad Imran ashraf usmani, Islamic Banking
pages (20-46).
Usmani. Islamic finance: Musharakah &
Mudarabah. Journal of Islamic finance. 41-53.
Kitaabka Quraanka kariimka ah
المغني 4
بيع المرابحة د. القرضاوي.
بيع المرابحة د. محمد الأشقر.
FG:
Wixii talo iyo tusaale ah oo aad ii hayso fadlan
halkan iigu soo dir
Email: Sancosanco119@gmail.com
mansha allah
ReplyDeletethnks walal
Asc walal hadaan kun doolar ku darsado in misa ayaan hellaa bishi tan kale 1000$ maqaadan karaa waqtigaan rabo mahad sanid
ReplyDeleteCabdullahi Sanco sxb mahadsanid sida wanaagsan aad noogusoo koobtay Allahakaa jaaseeyo.
ReplyDeleteMahadsanid
ReplyDelete