Monday, December 4, 2023

Ayaan Xirsi Magan!

 

Gabadha Soomaaliyeed ee Ayaan Xirsi Magan la yiraahdo ayaa usbuucaan baahisay qoraal ay u bixisay "Why I am now a Christian" oo ay ku sheegayso muddo ay Alle-diid aheyd kadib inay markaan Christian noqotay oo ay axadaha si joogto ah kaniisadda u booqato.

Ayaan waxay dhibbane u tahay dayaca iyo dowladxumada dadkeenna haystay muddada dheer, iyada oo ilmo yar ah ayay noloshu hadba meel qoyskeeda ka tuurtay mar Sacuudi, mar Ethiopia, mar kale Kenya... Intaas oo ay weheliso mar Sacuudi laga tarxiilay, mar Sudan loo diiday in qoyskeedu galaan! Dhinaca kale siyaasad xumadii jirtay waxay sababtay in aabbaheed oo ay marar kala duwan sheegtay inay u aheyd yaraanteedii cunugta uu ugu jeclaa uu xabsi galo, aragti ahaan aad isu beddelo, jabhadna noqdo!

Markale waxay dhibbane u noqotay dhaqanka qallafsan ee bulshadeenna, waa tii ayeeydeed gudniinkeeda go’aan aan loo xilsaaran ka gaartay, markale waa tii aabbaheeda madaxa u geliyay guurka nin aysan iyadu dooran, waa tii arrinkaas dartiis iyada oo ninkeedii oo Canada jooga safar u ah garoonka diyaaradaha Frankfurt ka dhuumatay saasna ku gashay Holland! Halkaasna ay kala kulantay wax cariya is-waagii iyo is-quursigii nafeed ee ay la daalaa dhacaysay, tabtaasna ay ku qaadday jid aanan anigu filayn inay ku heli kartay jawaabaha waxay raadinayso iyo dhaymada dhaawaca nafsadeed ee gaaray.

Dhabbahaasi waa soo xirmay, maanta jid kale ayay afka saartay, ma filaayo kanna inuu dhaymo siin karo. Waxaan u rejaynayaa in Eebbe uu siiyo xasiloonida nafeed ee ay la’dahay ilaa maalinkii ay kaamka qaxooti gashay ee ay aamintay in dhaqankeeda iyo hab lebiskeedu uu astaan dib-u-socod yahay iyo markii ay aamintay in nolosha qaxarka ee ay la soo kulantay uu xalkeedu yahay in diin iyo dhaqanba la tuuro.

Ayaan marka laga soo tago aaminaddeeda diimeed. Waxay dhibbane u tahay is-waa nafeed, aad bay u nacday ahaanshaheedii markaasay caashaq indho la’aan ah u qaaday reer galbeedka. Maanta waxay leedahay waxaan diintaan cusub u qaatay inaan ilaalinno ilbaxnimada reer galbeedka. Reer galbeedku iyaga ayaa ilbaxnimadooda qaawiyay. Warbaahinta reer galbeedka iyo borobagaandadooduba ayaa si u daran inoo saameeyay ilaa waxkasta ay iyagu halbeeg u noqdeen. Dhabtuna waa in waxooda dhammi uusan aheyn wax hagaagsan oo la jeclaysan karo, iyo ilbaxnimo balaayo ka dhacday oo ay tahay in qodaxda laga ilaaliyo.

Ayaan oo buuggeeda, Heretic: Why Islam Needs a Reformation Now, aad ugu dheeraanaysa sababta diinta islaamka iyo ilbaxnimadeeduba ay dib-u-eegis ugu baahantahay, inay maanta u aragto in ilbaxnimada reer galbeedku ay tahay wax barakaysan oo ay tahay in la ilaaliyo, halkii iyadana dib-u-eegis salballaaran oo joogto ah lagu sameyn lahaa! Waa is diiddo weyn iyo waxayga kaliyaa xun, waana la iga fiicanyahay!

Markale, Ayaan oo buuggeeda Infidel cutubkiisa 14aad u bixisay Leaving God oo ay kaga sheekaynayso sidii dhacdadii 9/11 ay aaminaaddeeda saameynta taban ugu yeelatay, in maanta oo la ogyahay waxa Judeo-Christian ku ay dunida guudkeeda ka wadaan ay arki weydo, oo ay qiimeyn weydo waxa Yuhuuddu ka wado Falastiin oo intii ay dhaleeli laheyd ay iyagii sii caashaqdo waa un qof meeli u caddahay meeli ka madow! Waxeedu ma aheyn nicitaan dhaqamada bahalnimada ah ee waxay aheyd naceyb ay u qaaday waxkasta oo ahaanshaheeda qeyb ka ah.

Qoraalkeedii ugu danbeeyay waxay xustay in Alle-diidnimadu ay ku fashilmatay inay ka jawaabtu weydiinta muhiimka ah ee “What is the meaning and purpose of life?”, waa baraarug weyn oo ay heshay iyo xaqiiqo ay ka dhuumanaysay oo ay la kulantay, bilowgii waxay sheegtay inay Alle-diidnimada u dooratay si ay isu illowsiiso xaqiiqada jiritaanka Eebbe, aakhiro iyo xisaabta danbeysa. Waxaan se aaminsanahay in markale su’aashaas jawaabteeda aan laga dhex heli karin dhaqanka bulshada reer galbeedka ee maaddiga ah, diintooda magaca-maran ah, nidaamyadooda hantigoosiga ah iyo xeeladahooda gumeysiga salka ku haya. Hayaankeeda cusub ee ay diintaan ku qaadatay, waxaan u rejaynayaa inuusan halkaas kaga istaagin oo caashaqeeda reer galbeedku uusan ku qancin aragtidooda sheegaysa in taariikhdu dhammaatay, waxooda wax ka fiicanna aan la heli karin.

Dhab ahaantii Ayaan waa gabar aad u karti badan, balse noqotay hashii labo midigle dheelmay dhanna uma fiyooba! Dhaqankeeda oo aad u dhaawacay, dowladnimadeedii oo ku fashilantay inay daryeel siiso, bulshadeedii oo maradii ka dhacday oo dhan ah, iyo dhanka kale borobagaandada reer galbeedka, dhalanteedkooda, laba-wajiilayntooda, xeeladahooda silloon ee gummeysiga, halgankooda isir-tirka ah iyo micno-tirkooda nolosha ayay si siman dhibbane ugu noqotay. Alle ha soo hanuunsho, ahaanshaheeda ha fahansiiyo, dadkeedana tii kartideeda ku anfacda ha ka dhigo.

Casharka ugu weyn ee aan innagu ka baran karno waa inaan si dhab ah uga shaqeynno helitaanka dowladnimo hagaagsan, dowladnimadaas baa xuquuqda ilmaheenna ilaalin karta, tacliin hagaagsan oo da’yarteenna marin habaabinta ka ilaalisa hirgelin karta, saluugga aan ahaanshaheenna u qabno dhayi karta, isla markaasna inoo abuuri karta sheeko-qaran oo midnimadeenna iyo jiritaankeenna ba dhowri karta.

 

No comments:

Post a Comment