Monday, December 4, 2023

Dhul intee le’eg baa qofku u baahanyahay? - Sheeko

How Much Land Does a Man Need? 

Dhul intee le’eg baa qofku u baahanyahay? - Sheeko

Sheekadaan gaaban ee xiisaha badan waxaa qoray Leo Tolstoy, waa mid kamid ah sheekooyinkiisa gaagaaban kuwooda loogu akhriska badanyahay. Sheekadu waxay ka hadlaysaa damaca waallida ah ee aadanaha iyo noloshooda gaaban. Waxaa matalaha koowaad ee sheekada ah nin beeraley ah, Pahóm, oo aad sabool u ah, iska se dhaadhiciya in hadduu dhul badan helo oo hanti tabcado aysan jirin wax kale oo uu u baahanyahay. Wuxuu aaminay in siduu saboolnimada uga bixi lahaa oo u xoolaysan lahaa ay tahay waxa kaliya ee inuu ka welwelo mudan.

Damaca waallida ah ee Pahóm waxaa dabka koowaad qabadsiinaya sheeko dhexmartay dumaashidii iyo xaaskiisa. Dumaashidii ayaa walaasheed oo xaaskiisa ah ugu faanaysaa hantida ay heystaan iyo nolosha dhaldhaalka badan ee magaalada ka jirta. Sheekadaas waxaa bowdka guriga ka dhegaysanaya Pahóm, kadibna damacii aadanaha ayaa ku dhiirrigelinaya inuu dhul helo oo hanti tabcado suu ugu biiro dabaqadda ladan oo uu u heysto inaysan waxba ka welwelin.

Hayaankiisa koowaad ee cirweynidu wuxuu ka bilowday markuu haweeney deriskiisa ah dhul ka iibsaday, kadibna uu beeray oo dalag fiicani uga soo go’ay. Balse waa nin iimaan la’aani ku dhacdaye dadkii waa heshiin waayeen, dabci qallafsan oo daneystennimo iyo calooshiis-la-ciyaarnimo ahna waa lasoo baxay, dhulkiina waa ku filnaan waayay. Wuxuu u kabo illaday inuu dhul kale hantiyo, deegaan kale ayuu dhul ka helay, halkaas ayuuna ku beeray dalagyo cusub oo si fiican ugu soo go’ay. Markale, waxsoosaarkaani kuguma filna ayaa naftiisu iska dhaadhicisay maadaama uu kiro badan bixiyo.

Isagoo walaacaas qaba ayaa loo sheegay inay jiraan qolo masaakiin ah oo Bashkírs la dhaho oo heysta dhul weyn, oo ay siiyaan qiimo aad u hooseeya. Markale ayuu go’aansaday inuu meel kale u guuro oo dhul kan uu heysto ka ballaaran hantiyo. Wuxuu u socdaalay reer Bashkírs isaga oo wada haddiyo qaalli ah oo uu ugu talogalay, maadaama ay tixgelin weyn siiyaan haddiyadaha iyo cidda u keentaba. Halkaas ayuu kula kulmay ugaaskii reerka una sheegay doonitaankiisa.

Beeshii oo ugaaskoodu guddoominayo waa ay soo dhaweeyeen dalabkiisa, waxayna ku xireen hal shardi oo kaliya. Waxay dhaheen lacag yar ayaad bixin, berri marka waaguu baryo ayaadna goob cayiman socod ka bilaabaysaa, kadibna inta qorraxdu soo jeeddo dhulka aad gaarto oo dhan ayaad mulkiyaysaa, haddaad isla goobta kusoo laabato ka hor qorraxa dhaca. Haddaad kusoo laaban weydo lacagtii aad bixisay waa kaa gubanaysaa, dhulna heli maysid.

Markii la ballamay kadib wuxuu aaday goobtii uu seexan lahaa, nasiibxumo hurdo badan ma uusan helin, intii yareyd ee uu indhaha isku qabtayna wuxuu ku riyooday riyo aad u foolxun, oo lagu tusay isaga si qaab daran u dhimanaya. Waa tan la dhaho ballan fiid jarmaado arooryo ayay leedahay, waaberigii horeba wuu kacay si uu isugu diyaariyo howshii sugaysay, isaga oo ku faraxsan inuu dhul baaxad leh maanta heli doono.

Isaga oo hurdo yaraantii xalay la daalaa dhacaya ayuu socodkii bilaabay, meesha uu is yiraahdo waa ugu fogtahay ee uu gaaroba wuxuu ka muujiyay wax hadhow lagu garan karo. Waqtigu waa ordayaa, qorraxduna sidii uu yaqaannaay si ka xawaare badan bay godkeedii ugu sii siqaysaa. Markuu is yiri dhul weyn waad gaartay, ayuu dib usoo laabtay suu u gaaro goobtii uu socodka ka bilaabay intaysan libdhadu ku hooban godkeeda.

Markaan meeshii uu saaka socodka kasoo bilaabay aad bay ula fogaatay, daal na kax ayuu la yahay. Goor uu is dhiibi rabo ayuu meel dheer ka arkay reer Bashkírs oo u sacbinaya. Markaasuu tabar iska baaray, isaga oo is leh yaysan labo jab isu kaa raacin, inaad dhul hantiyi weydo iyo in lacagtii yareyd ee lagaa qaaday ay saas kaaga gubato. Isaga oo naftii heyso buu xoog iska raadiyay, haddii uu soo gaaray goobtii uu saaka socodka ka bilaabay oo uu ugaaskii reerku fadhiyo af-genbi ayuu goostay, oo af-af dhulka ugu dhacay. Waxaa loogu hambalyeeyay inuu guuleystay oo bartii kusoo laabtay intaysan qorraxdu dhicin.

Nasiibxumo, waa uu soo kici waayay sidaas ayuuna ku geeriyooday. Kadibna waxaa loo qoday qabri si loogu rido. Cabbirka qabrigaas ayuu ahaa dhulka uu dhab ahaan Pahóm u baahnaa. Dhammaanteenna aan u baahannahay.

Sheekadaani waxa ay inay baraysa sida ay tahay inuusan damaca iyo dhaldhalaalku inoo indho-tirin, ee aan doonitaankeenna caqli, qanaaco iyo iimaan ku darno. Innaga oo maanka ku heynna in cimrigeennu gaabanyahay, xoolo badsiguna uu yahay wax aan laga dhargin iyo yool aan la gaarin.

No comments:

Post a Comment